Home » Warar »

Maxkamadda ku taal India oo ku dhawaaqday Xukunka Masjidka Babri (Ayodhya)

Waxaa Goobta Masjidka loo qaybiyey saddex qaybood, hal qayb keliya ayaa Muslimiinta la siiyey… Waa sida ay Maxkamaddu xukuntay…

Xukun ku saabsan Masjidka Babri Masjid ee ku yiilay Magaalada Ayodhya ee gobolka Uttara Pradesh ee Waqooyiga wadankan INDIA ayaa Khamiistii (Sept 30, 2010) lagaga dhawaaqay Maxkamadda Allahabad High court.. Taas oo xukuntay in loo qaybiyo saddex meelood (Meel la siiyo Muslimiinta, laba meeloodna la siiyo Hindida).

Goobta uu muranku ka taaganyahay ee la isku hayo cidii ku cibaadaysan lahayd oo ku taalo Magaalada Ayodhya ee gobolka Uttara Pradesh ee Waqooyiga INDIA ayaa muddo aad u dheer waxaa muran ku saabsan lahaanshiyahiisu u dhexeeyay Muslimiinta iyo Hinduuska wadankan INDIA.

Masjidkan Babri Masjid ayaa goobtaasi ku yaalay Ilaa Qarnigii 16-aad, waxa uuna muranka masjidkaasi socday in ka badan 100- sanadood.

Muranka Masjidkan oo ay isku hasyteen Dadka Muslimiinta ah iyo dadka Hinduus-ka ayaa Cirka isku sii shareertay Sanadkii 1992 markaasoo Dadka Hinduuska ah ay dumiyeen Masjidkii Babri  ee halkaasi ku yiilay, Qulqulatooyin ka dhacayna ay ku dhinteen in ka badan 2000 (laba kun) oo qof.

Muslmiinta wadankan ayaa sheeganaya In goobtasi ay ku cibaadaysan jireen waqti aad u dheer ka hor intii aanay soo if bixin murankan, halka dhinaca kale ee Dadka Hinduuska ah ay ayaguna aaminsanyihiin in halkaasi uu ku dhashay Rama oo ay caabudaan.

Maxkamaddu waxa ay go’aamisay in Goobtaasi oo ku taala Magaalada la yiraahdo Ayodhya loo qaybiyo 3 qaybood ayadoo meel ka mid ah la siinayo dadka Muslimiinta ah si ay halkasi ugu cibaadaystaan.

Xukunkan oo Khamiistii (Sep 30, 2010) kasoo baxay Maxkamadda Allahabad High Court ayaa markii hore la filayay in Dhulkaasi la wada siin doono Muslimiinta wadankan si ay halkaasi masjid uga dhistaan, balse sidii la filaayay ma aysan noqon Xukunkaas.

Muslimiinta wadankan ayaa ilaa iminka ka biya diidsan xukunka Maxkamaadsi, Qaadigii Maxkamadda xukunkan fulisay ayaa ka codsaday muslimiinta wadankan hadii ay qabaan Muran kale oo ku saabsan isla Masjidkaas iyo qaabkii loo qaybiyay ay qaadan karaan racfaan.

Amniga magaalada Ayodhya ayaa aad loo adkeeyay iyo Guud ahaan wadankan INDIA, ayadoo la arkayay policeka wadankan oo si halhaleel ah u maraya wadooyinka iyo suuqyada dhexdooda.

Gabi ahaanba waxaa maalintii shalay amar lagu baxshay in aanan laga soo bixin guryaha oo labadii qof oo isla socotaba la waydiinayay dhowr su’aalood oo ku saabsan halka uu ka yimid iyo sababta uu u soo baxay. waxaana sidoo kale gebi ahaanba maanta (Khamiistii)  xirnaa dhaqdhaqaaqii ganacsi gaar ahaan magaalada Hyderabad oo la arkayay Ciidmada xooga Dalka oo lasoo tubay dhowr meelood.

Magaalada hyderabad waa magaalo ay Muslimaad badani ku noolyhiin waxana lagu tiriyaa magaalada 3aad ee wadakan India oo ay muslimiinta ku badanyihiin.

Waxaa sidoo kale 3-da bishan October Magaalada Delhi ee Casimadda wadankan India ka furmi doona Cayaaraha loo yaqaano (2010 Commonwealth Games) ay isugu imaan doonaan wadamada Xubnaha ka ah Ururka Barwaaqa Sooranka.

AKHRI Qoraaladii SomaliTalk ee 2002 ee la xiriira Burburinta Masjidka oo Boqolaal qof ku dhinteen rabshado dhacay xilligaas:


Wariye : Najiib Abdirizak Warsame ( Najiib Yare)
INDIA- Hyderabad
Tell: 00919618398299/ 0016157523192
E-mail: Najiibyare4@hotmail.com

Sawirada: Wikipedia, Google images

http://en.wikipedia.org/wiki/Babri_Mosque

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Maxkamadda ku taal India oo ku dhawaaqday Xukunka Masjidka Babri (Ayodhya) "

  1. a/s/m run ahaantii ad ayaan uga xumahay dhacdadaa waana arin mudan baraarugitaankeeda
    qofkasta oomuslim ah kana daqanaya dhibaatada laguhaya muslimiinta iyo meelaha ay kucibaadaystaan waxaan rabi uga baryaynaa inuuu rabi uhiiliyo muslimiinta meelkasata ooay ku dhibaatay san yihiin amiin aamiin

  2. omar says:

    waxaa jira masjid cusub oo isagana loo bixiyay Baberi masjid oo pakistaan laga dhisay. waxoo ku yaala meeshan aa daganahay. sababta loo dhisay waxy tahay in masjidkaas hindiya ku yaalo oo taaariiqiga ah in magaciisa aan la hilmaamin. maadaama masjidkaas muslimiinta loo diiday ayaa mid u yara eg oo halkaan pk laga dhisay.

  3. Cabdalla says:

    Dooda Masjidka BABRI waxay soo shaac baxday sanadkii 1992 kolkii kooxo ka tirsan Hindooska dalkaasi Hindiya kunool ay burburiyeen Masjidka, runtiina Muslimiinta ku nool dalka Hindiya oo lagu qiyaaso 13% aad iyo aad ayey arintaasi uga caroodeen, iyadoo ay fowdadaasi uga dhinteen 2000 oo muslimiin ah iyagoo difaacaya Masjidka, haseyeeshee muslimiinta Caalamka way ka indha laabteen arinkaasi, gaar ahaan dowladaha khaliijka oo cadaadis xoogan saari kara dowladda Hindiya si ay uga noqoto go’aankan lagu takri falayo xuquuqda Muslimiinta.

  4. hamda says:

    ASC Masjidka anagaa lah ilaa iyo 100 sano ka harna laheen huduwda hala dhaho mayaa waan diidnay.

  5. Ali Abdi Ahmed says:

    Wallaalayaal arintaas masjidka anagu sida loo qeybiyey raali kama nihin waayo anaguu illaahay nagu maneystay gabi ahaan masjidka in aan ku cibaadeysano sidaas darteed waa in aan arintaas meelkasta oo muslimiinta joogaan ka muujiyaan dareenkooda sababtoo ah muslimiinta waa isku qalbi isku mid meel kasta oo ay hoogaan,

    Illaahoow noo soo celi sharaftii iyo isku duubnidii muslimiinta.