Home » Maqaallo »

Dunida Caalamka iyo Dandarrada haysata Dadka Soomaaliyeed | Daadurey

Soomaaliya ayaa waxay soo martay marxalado kala duwan oo siyaasadeed, dhaqaalo, iyo bulsho oo dhammaantood raad adag ku reebay xasilooni darrada ka jirta dalka iyadoo laga tibaax qaadanayo sooyaallada taariikheed ee ma guuraanka ah taasi oo salka ku haysay bilowgii dagaalladii sokeeye , oo gobolada dalka Soomaaliya qaar ay noqdeen “guriyihii gaajada iyo geerida “oo kumaan kun oo rayd ahi ay ku dhammaadeen gaajo, cudur iyo xasuuq, taasoo deeqihii loogu talagay ay boobayeen dabley Hubaysan oo ka amar qaadanaysay qabqablayaashii dalka awoodiisa gacanta ku hayey iyo ciidamadii iyo madaxdii ku magacownayd KMG ee dalka ka talinaysay.

Haddaba, waxaa is weydiin mudan dowladda FKMG ee dalka Soomaaliya deeqaha ay ka gurayso dunida Caalamka ma yihiin kuwa maraya meelihii loogu talagalay? ama waxay ku socdaan waddooyinkii hore ee xatooyada ahaa ee lagu boobay deeqihii ay bixiyeen Hay’adaha deeqaha bixiya ee dunida caalamka kuwaa oo laga dhistay qasriyo , lagu furtay ganacsiyo, ama lagu intifaacay iyadoo dadkii loogu talagalayna ay ku dhammaanayaan xeryaha qaxootiga, barakacayaasha ama lagu xasuuqayo magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya , qaarna ay gaajada iyo cudurku ku dilayo iyagoo u tahriibaya waddamada dalka Soomaaliya xuduudaha la leh .

Siyaasadda cakiran ee jahawareerka ahi ayaa waxay tahay mid marin habaw gelinaysa deeqaha soo gala dalka Soomaaliya taasoo gaaraysa malaayiin doolar ah lana garanayn halka ay ku dambaynayso maaliyadaa loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka Saboolka ah laakiin loo adeegsado dhinacyo Shaqsiyadeed ama lagu fushado dano gaar ahaaneed, macaluusha ka jirta dalka Soomaaliya ayaa waxay tahay mid aan weligeed la arag iyadoo maaliyadii loogu talagalayna loo adeegsanayo arimo gaar ah ama Ciidan
Khilaafyada ka dhasha madaxda Sare ee DFKMG ah ayaa waxaa intooda badani ay ka bilaabataa arimaha dhaqaalaha iyo deeqaha dalka soo gala iyo sidii loo qaybin lahaa.

Waddamada reer galbeedka ee dunida, Aasiya , iyo qaar ka mid ah waddamada Afrika ayaa waxay Soomaaliya ugu yabooheen deeqo kala duwan oo isugu jira daawo iyo Maaliyad kuwaa oo dhammaantood maanta meel ay martay qof garanayo ma jirto, taasina waa ayaan darro ku dhacaday Shacabka Soomaaliyeed oo qof walba oo madax ka noqdaba uu kala carraro deeqihii ay Ummaddu u baahnayd ayna ku noolaan lahayeen, booqashooyinka aan xadka lahayn ee ay madaxda Sare ee DFKMG ahi ku marayaan Dunida inteeda kale waa mid ay ku urursanayaan dhaqaale ay ku bixiyaan sidii ay Madaxtinimada u haysan lahaayeen danahooda u gaar ah ee ganacsi iyo qabiil lagu taageero.

Shirweynaha sanad laha ah ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee dunida u qaabilsan gargaarka Aadananimada ee ka dhacaya carriggan Maraykanka ayaa waxaa ka soo baxaya fashilaada weyn ee haysata DFKMG ee Soomaaliya kaddib markii lagu gacan sayray waxqabadkeedii lana masuugay warbixintii ka soo jeedisay Shirweynaha loona
arkay inay ku takrifasheen dhaqaalihii ay bixiyeen Hay’adaha deeqaha bixiya ee dunida oo malaayiin doolar ku bixiyey sidii Soomaaliya nabad loogu soo celin lahaa hase ahaatee lagu takri fashay lacagihii loogu talagalay barnaamijyadaa aannu kor ku soo xusnay, waxaase halkaa kalsooni ku helay labada Maamul goboleed ee Puntland iyo Somaliland loona aqoonsaday inay guteen waajibaadkii laga doonayey maaliyadii loogu talagalayna ay Shacabkooda ugu adeegeen meelihii loogu talagayna ay u mariyeen.

Ciidamada Shisheeye ee ku sugan dalka Soomaaliya iyo dhaqaalaha ku baxa ayaa ah mid aan xad lahayn iyadoo qiimaha ku baxa halka Askari ee Afrikaanka bishii lagu qori karo 25 Askari oo Soomaali ah oo daacad u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax dhibaatana aanan u gaysaneen Ummadiisa uu ka dhasahay ee Soomaaliyeed, halka Askariga Afrikaanka ahi uu u taagan yahay in uu Xasuuqo Shacabka Soomaaliyeed ee gaajadu ay dubatay kuna weeraraya madaafiicda iyo hoobiyayaasha aan xadka lahayn ee la beegsanaya meelaha ay dadka raydka ahi degan yihiin ama goobaha lagu cibaadaysto ama lagu ganacsado ee magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya oo dhan.

Gabagabadii iyo Faalladani ku saabsanayd deeqaha dunida caalamka iyo dandarrada haysata dadweynaha Soomaaliyeed ayaan waxaan doonayaa inaan ku soo koobo, dalku wuxuu u baahan yahay qof daacad ah oo u adeega ummadda soomaaliyeed kaasoo ka hufan xatooyo qaran una meel mariya deeqaha ay bixinayaan dunida caalamka , mar walbana u taagaan sidii nabad iyo xasilooni dalka loogu soo celin lahaa, tanaasul iyo talo qaadasho badan dowlad waliba oo la soo dhisaa waxaa isku dhacaya labada ugu saraysa ee hoggaanka dalka gacanta ku haysa taasi macnaheedu ma aha Siyaasadda ee waxaannu ka garan karnaa waa dhuuniga, dhaqaalaha ,iyo lacagta sida ku cad mowqifka ay ka istaageen waddamada ugu waaweyn dunida ee ku baaqay in dowladda Soomaaliya laga joojiyo deeqaha maaliyadeed ee la siinayo sababtuna ay tahay waa mid keliya ee abuurta khilaafka ugu weyn ee dowlad walba oo la dhiso.

Hoggaanka baarista ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaannu ka codsanaynaa inay bilaabaan baaris ku saabsan deeqihii dalka soo galay iyo halkii ay ku dambeeyeen iyagoo weliba la xisaabtamaya dhammaan xubnihii lagu tuhmayey inay wax is daba marsisiiyeen ama ay is leeyihiin inay wax ka dhaceen maaliyadda qaranka Soomaaliyeed ee loogu talagalay in dalka dib loogu dhiso, ha ahaado Madaxweyne, R/Wasaare, Guddoomiye Baarlamaan, ama Xildhibaan, ama wasiir qofkii lagu eedeeyana waa inuu si deg-deg ah isu casilaa iyadoon uusan wax shuruud ahi uusan ku xirin kana baxaa siyaasadda dalka.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Maqaalladii Hore: https://somalitalk.com/tag/daadurey/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.