Home » Warar »

Khudbaddii Sheikh Shariif ka jeediyey Qarammada Midoobay oo uu ku dalbaday in Ciidamo Shisheeye loo diro Soomaaliya

Khudbadda Sheikh Shariif oo ku soo beegantah xilli Maranku sheegay in ay la shaqaynayaan Puntland iyo Somaliland iyo Kooxaha Koonfureed ee ka soo horjeeda Alshabaab, xitaa haddii aysan xiriir la lahayn xukuumadda DFKMG….

Video iyo cod ee Khudbadda (hoos ka eeg)

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya Sheikh Shariif ayaa Sabtidii September 25, 2010 waxa uu khudbad ka jeediyey kulanka 65aad ee Qarammada Midoobay ee magaalada New York.

Khudbadaas oo uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin ammaanka Soomaaliya, kooxaha ka soo horjeeda xukuumaddiisa FKMG, heshiiskii Jabuuti ee ay ka dhalatay xukuumaddiisa, dhibaatooyinka ka dhacay Muqdisho sida qaraxii Hotel Shaamow iyo Hotel Muna, arrinta la xiriirta Ahlu Sunnah, Xarakada Alshabaab, Xisbul Islam iyo argagaxisada caalamiga ah, gargaarka bini’aadamino iyo dibu dhiska dalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu ka hadlay burcad badeeda iyo Sunta halista ah ee lagu duugo Soomaaliya oo uu sheegay ay soo bexeen calaamado aan lagu arki jirin dadka Soomaaliyeed (oo loo malaynayo in suntu sababtay), isagoo sidoo kale xusay kalluumaysiga sharci darrada looga gurto badda Soomaaliya.

Sheikh Shariif waxa uu beesha Caalamka ka codsaday:

  1. in laga taageero DFKMG xagga ammaanka sida tabaridda ciidamada Soomaaliya isla markaasna in ciidamada la siiyo mushahar iyo daryeel caafimaad.
  2. in la taageero ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya
  3. in Qarammada Midoobay ay hirgelino nimaad Istaraatiijadeed oo ay ka mid tahay in Soomaaliya loo diro Ciidamo Caalami ah oo ujeedadoodu tahay in ay soo celiyaan ammaanka guud ahaan Soomaaliya
  4. in Qaramada midoobay ay soo saarto qaraar Soomaaliya laga xoraynayo Al-Qaacida iyo argagaxisa kale
  5. iyo in la sii wado taageerada Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah.

Khudbadda Sheikh Shariif oo Cod ah DHEGEYSO:  ENGLISH ama CARABI .

VIDEO: Daawo Khudbadda:

Sheikh Shariif waxa uu sheegay 65 sano kabacdi asaaskii Qarammada Midoobey, adduunku sidii hore kama nabad badna, taas oo ay cadayn u tahay dagaalada dhiigu ku taaday oo wax burburinaya oo ka dhaca daafaha adduunka iyo argagaxisa oo sii badanaysa, ayuu yiri.

Maraykanka oo la shaqaynaya PL, SL…

Khudbadda Sheikh Shariif waxay ku soo beegantahay maalin kaddin markii Sarkaalka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Johnnie Carson oo September 24, 2010 uu New York warbaahinta ugu sheegay in ay la shaqaynayaan Puntland iyo Somaliland iyo kooxaha Koonfureed ee ka soo horjeeda Alshabaab xitaa haddii aysan xiriir la lahayn DFKMG. Waxana sarkaalku uu xusay Soomaaliya tahay qaran burburay oo leh dawlad aad u taagdaran.

VIDEO : Hadalka Johnnie Carson  hoos ka daawo:

Dhanka kale Qarammada Midoobay iyo Midowga Afrika oo Difaacay Duqaynta Suuqyada iyo Masaajidda Muqdisho

Khudbadaha Madaxda DFKMG ka jeediyeen Qarammada Midoobey shantii sano ee u dambaysey:

2005: Abdullahi Yusuf UN Speech (Sept 17, 2005) VIDEO::: Daawo | TEXT: English / Warbixin

2009: Sheikh Sharif UN speech (Sept 25, 2009) Video: Arabic / EnglishText: Arabic / English

2010: Sheikh Sharif UN Speech (Sept 25, 2010) AUDIO: ENGLISH ama ARABIC | VIDEO: Daawo | TEXT: Akhri.

###

Sawirro kulanka Qarammada Midoonbey ka daawo HALKAN

###

Cali Cabdi Awaare: Wax sun ah Laguma Aasin Soomaaliya, Cadayn cidii haysaa ha keento

Waraysi ay SomaliTalk.com magaalada Jabuuti kula yeelatay Cali Cabdi Awaare oo ahaa lataliyahii Ra’iisul Wasaarahii DFKMG ayaa si qayaxan u beeniyey in Sunta Halista ah lagu duugey Soomaaliya, isagoo sheegay in ciddii arrintaas daliil  u haysaa ay keenaan… AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Khudbaddii Sheikh Shariif ka jeediyey Qarammada Midoobay oo uu ku dalbaday in Ciidamo Shisheeye loo diro Soomaaliya "

  1. max'ed says:

    jaa’ifo madaxda dalka la jaa’ifeeyo wax nabad ah ama horu amra uma keneo dalka qofka sidaa aminsanna asagaa dib usocod ah afka carabiga ee madaxwenuhu ku hadlayo waadan ogeene waa international language sida englishka iyo luqado kalaba midi qofku si fiican u yaqaan ayuu ku hadlaa amrka adigu hadad is ledahay luqado kale oo lagu hadlo ayaa ka ron tan carabiga,xilli wlaba waa hadaad salad tukate wa luqada aad allah subxanah kula hadasho,,sida u garo..madaxwene sharifna strongest leader 4r ever dalka somaray weye wayo kuwo wax magarata iyo wax an la garaneen ujeedkoda ayuu har iyo haben ka horenayaa dalka somaliyed waxad tuugsi uqaadatayna maahan tuugsiye waa gacanti lagugu badbaadin lahaa sida u garo qofka commentiga iga koreya lahow ..hidahana allaa iska leh

  2. Mohamed says:

    Anigu waxaan isweydiiyaa, maxaysan somalia marna uyeelan madax kuhaboon oo isku kalsoon?
    ma dadka somalia ah baa laga heli karin dad hogaa u qalma oo maskacdooxa dalka ka hagi kara, mise waxaa mar walba ina horbooda inta jilicsan oo dalka maamuli karin inuu nin ajnabi ah soo wayddiyo wuxuu samayn laha moye?
    bal eeg madaxda somalida meel walba oo ay joooga, kuwa matala gobolada lagumeesto ilaa maaamul goboleedyada ilaa jamhuuriyadda.
    waa yaab.

  3. kamaal says:

    TOLOW AFCARABIGA MA WUXUU UGU HADLAYAA SI UU ADUUNKA UGU SHEEGO SOMALIDU WAA CARAB WAANA ARGAGIXISO MARKA LACAG HA LAYSIIYO AAN ARGAGAXISADA KULA DAGAALAMO…
    SHEEKH SHARIIF RUNTII MAXAA KA WADAA LUQADA CARABIGA AAD KU HADLAYSO??? MA WAXAAD RABTAA INAAD SOMALIDA ADUUNKA U TUSTO INAY ISLAM YIHIIN AFCARANIMA KU HADLAAN SI LAGUU SIIYO LACAGTA LAGU BIXIYO LA DAGAALANKA ARGAGAXISADA..
    MR shariif Aqoon aad somaliya iskugu keento ma lehid waxa kula dagaalamaya waa somali BEENTA AAD ADUUNKA KA GADAYSO CID KU DHAGAYSANAYSA MA LEH SOMALIYA WAXAY U BAHAN TAHAY ”’STRONG LEADERSHIP”’ UMA BAAHNA NIN DACIIF AH OO WAQTIGIISA KU DHAMEEYAY TUUGSIGA TAGEERADA ADUUNKA..
    Tuugsi iyo walaalow waxaa kaaga bahan dadkaaga LAKIIN INTAAD DADKAAGA TUUGI LAHEED WAXAAD aqrisaa WARAAQAHA AY KUU SOO QORAAN MUSAVANI IYO MELEZ ZANAAWI HALKAAD HOR FARIISAN LAHEED RAGA SOMALIDA EE KAA SOO HORJEEDA..
    MUSAVENI IYO MELEZ ZANAAWI MEEL KUMA GEEYNAYAAN INAY KUGU DIRAAN DADKAAGA MOOYEE..WAXAAD LEEDAHAY CAQLIGA XAYAWAANKA EE MARKAAD CAQLIGA BINIAADANKA MARKAAD SOO YEELATO ADUUNKA WAA DHAMADAY..
    MA U MALAYNAAYO LEADER AMA WAXA MADAXWAYNE SOMALI SHEEGTA OO KAA CAQLI XUN MA U MALEENAAYO IN XITAA AY NOOLYIHIIN….WAXAAD TAHAY FULAY AAN HORFARIISAN KARIN RAGA SOMALIDA AH EE KAA SOO HORJEEDA WAXA KELIYA EE AAD KU FIICAN TAHAY WAA INAAD U OOYDO MUSAVANI IYO MELEZ ZANAAWI SIDII OOY SOMALI NABAD U KEENAYAAN…..CARUURTADII WAXAAD GEESAY TURKIGA OO AY HILIB SHIILAN KU CUNAYAAN CARUURTA SOMALIYEEDNA ADUUNKA AYAAD UGU WACDAA INAY LAYAAN…..MARKA WAXAAN KUU SHEEGAYAA INAY DHAMATAY XILIGII KUWA ADIGOO KALE AY INTAY CARUUR LAYAAN LOO SACABIYO…..EE LA SOCO IN MAALIN MAXKAMAD LAGU SOO TAAGI DOONO ADIGA IYO CARUURTII AAD WAALIDKOOD DISHAY AYAGANA GACMAHA IYO LUGAHA AAD MADFACA UGU JARTAY……HA U MALEEN ADUUNKA INUU SIDIISII HORE YAHAY…LA SOCO IN 2010 LAGU JIRO……OO RAG BUUG IYO QALIN KAA DABA WATAAN..MAR UUN MAXKAMAD LAGU SOO TAAGI DOONO…..