Home » Warar »

Qarammada Midoobay iyo Midowga Afrika oo Difaacay Duqaynta Suuqyada iyo Masaajidda Muqdisho

Maadaama ciidamada Afrikaanka ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya la siiyo lacag Afar meelood marka loo qaybiyo saddex meelood kayar lacagta ay Qarammada Midoobey ku bixiso meelo kale, “waxay dhammaantood aadeen Darfur,” sidaas waxaa Khamiistii InnerCityPress u sheegay Gudoomiyaha Midowga Afrika, Jean Ping.

Kulankii albaabadu u xirnaayeen ee Qarammada Midoobey ee looga hadlayey Soomaaliya, albaabka bannaankiisa waxaa Jean Ping iyo Ergeyga Gaarka ee UN Augustine Mahiga ay labadooduba difaaceen Ciidamada Midowga Afrika duqaynta ay u geystaan Suuqyada iyo Masaajidda Muqdisho, sidaas waxaa qoray warbixinta Matthew Lee oo InnerCityPress uga soo warama xarunta Qarammada Midoobay ee New York, cadadkii September 23, 2010.

InnerCityPress waxay weydiisay baaqii uu soo jeediyey kuxgeenka madaxa sare ee UN u qaabilsan Arrimaha Xuquuqul Insaanka ee ahaa in baaritaan lagu sameeyo Ciidamada Midogw Afrika ee nabad ilaalinta duqaynta ay u geystaan meelaha ay deggan yihiin dadka shacabka ah.

Mahiga waxa uu ku jawaabay arrinta lagu baaqay waa mid la xiriirta waxa loogu yeero “Mapping Exercise” — oo ah hadal la mid ah oraah loo adeegsay jawaab laga bixinayey warbixin ku saabsan xasuuqii ka dhacay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, warbixintaas oo sababay in xukuumadda Rwanda ee Paul Kagame ay ku hanjabto in ay ciidamadeeda kala baxayso Darfur. (Oraahda “Mapping Exercise” macnaha ay xambaarsan tahay gadaal ayaan ka arki doonaa.)

Maalmo kaddib markii uu is casilay ra’iisul wasaarahii xukuumadda ku salaysan Qarammada Midoobey ee Dawladda Federaalka Kumeelgaarka, waxaa InnerCityPress ay labada nin (Ping iyo Mahiga) weydiisay saamaynta arrintaasi ku yeelanayso Soomaaliya.

UN Ban, AU Ping, Madaxweyne Somalia, Duqaynta masaajidu kama muuqato halkan (Sawirka: InnerCityPress)

Mahiga waxa uu ku jawaabay in Ra’iisul Wasaare cusub la soo magacaabi doono. Laakiin taasi hore ayey u dhacday.

Kulankii (ku saabsanaa Soomaaliya ee lagu qabtay New York), waxaa saddex wargaleen oo kala duwan oo ku sugnaa kulanka ay InnerCityPress u sheegeen in Madaxweynaha Uganda Museveni uu kulanka ka dhex yiri: Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobey waxay Soomaaliya u hibeeyeen Urur Argaggaxiso ah.” Markii InnerCityPress ay Mahiga weydiisey hadalkaas laga soo xigtey maadaxweynaha Ugaanda, waxa uu Mahiga ku jawaabay taasi waxay ahayd hadal la mid ah in beesha Caalamku ay tahay in ay wax badan qabtaan.

Oraahda “Mapping Exercise”

Warbixin ay diyaarisay Hay’adda Qarammada Midoobay ayaa September 2, 2010 si xagal daacin ah loo faafiyey qayb warbixintaas ka mid ah oo ay heshay warbaahintu, warbixintaas oo Ciidamada Qalabka sida ee Rwanda ku eedaysay in aay xasuuq ka geysteen dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo (oo xilligaas loo aqoon jirey Zaire), warbixinta oo ku saabsan intii u dhaxaysay March 1993 ilaa June 2003. Waxaa arrintaas aad uga carooday madaxweynaha Rwanda oo ku hanjabay in uu ciidamadiisa kala baxayo Darfur oo ay ka joogaan ilaa 3,500 oo  “nabad-ilaaliyaal ah”. Waxaa markaas durbadiiba ay UN-ta  dib u dhigtay faafinta warbixint aoo dhamaystiran ilaa October 1, 2010. Waxaana Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban-Ki Moon uu hakiyey socdaalkiisii Yurub isagoo si degdeg ah September 7, 2010 ugu duulay Dalka Rwanda si uu Paul Kagame ugu qanciyo in uusan ciidamadiisa kala bixin Darfur.

Ban-Ki Moon kulankii uu caasumadda Rwanda ee Kigali kula kulmay Kagame kaddib waxa uu la hadlay warbaahinta, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa: “Waxaan ka xunahay in warbixinta la xagal daaciyey (la faafiyey). Waxaana Qarammada Midoobay ay danaynaysaa in ay ogaato xaqiiqada ku saabsan arrinta Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo ee uu lagu daah furay arrintay ah mapping exercise-ka”

April-June 1994 Waxaa dhacay xasuuqii loo geystey Tutsiga ee ka dhacay Rwanda. June 1994 ayaa jabhaddii Tusigu qabsatay Rwanda, waxaa markaas Hutu-gii u carareen dalka Zaire (oo hadda loo yaqaan Jamhuuriayada Dimoqraadiga Congo). Ciidamadii qalabka siday ee Rwanda waxay galeen Zaire iyaga oo daba jooga dagaalyahaniintii Hutu-ga oo ay halkaas ku xasuuqeen. Arrintaas weeye tan ay ku saabsan tahay warbixinta dib loo dhigay ee QM. Taas weeyey xaqiiqada ay doonayaan in ay ogaadaan QM. Taas oo lagu tilmaamay “mapping exercise”.

Dagaalka Muqdisho oo sii socda, dhaawaca oo sii batay

Warbixin ay Jimcadii (Sept 24, 2010) qortay hay’adda MSF oo ku sugan dagaallada magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in subaxnimadii Jimacda cibitaalka Dayniile la keenay 81 qof oo dhaawac ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay Muqdisho. Waxaa hay’addu sheegtay in muddo bil ah (ka soo bilaabatay August 23 ilaa September 24, 2010) ay daweeyeen 500-qof oo dhaawac ah, taas oo ah dhibaatooyin soo gaaray shacabka Muqdisho.

Muqdisho: Duqaynta Goobaha Shacabku deggan yahay

Sawirka: Dhaawaca Shacabka Muqdish0 (MSF)

September 15 , 2010 ayaa waxaa Qarammada Midoobay loogu baaqay in ay Baariyaan ku samayso eedaymo la xiriira in ciidamada “nabad-ilaalinta” ee ku sugan Muqdisho ay duqayn u geysteen goobaha ay deggan yihiin shacabku. Baaqaas waxaa soo jeedisey Kyung-wha Kang oo ah ku xigeenka guddoomiyaha qarammada midoobay u qaabilsan xuquuqul Insaanka. Waxayna tiri waxaa masuuliyad saaran tahay dadka dagaalamaya in ay dhawraan shacabka. Waxayna AMISOM ugu baaqday in ay la shaqeeyaan beesha caalamka si baaritaan looguy sameeyo warbixinada ku saabsan arrintaas, ayey tiri Kyung-wha Kang.

Hadalkaas weeye midda InnerCityPress weydiisay Mahiga waxana uu ku jawaabay: arrinta lagu baaqay waa mid la xiriirta waxa loogu yeero “Mapping Exercise” — oo sida aan kor kusoo aragnay ah oraah loo adeegsadey jawaab laga bixinayey xasuuqii ka dhacay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo kaas oo sababay in xukuumadda Rwanda ku hanjabtay in ay ciidamadeeda kala baxayso Darfur.

Xigasho:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Qarammada Midoobay iyo Midowga Afrika oo Difaacay Duqaynta Suuqyada iyo Masaajidda Muqdisho "

  1. asalaamu caleykum dadka somaliyeed meelkasta oo aad joogtaanba gaar ahaan asaxaabta somalitalka qorta bacda salaan dadka soomaaliyeed kii dila ayaa u fadli badan caalimka marka see wax loo dhahaah dadka caalimka ugu sareeya ama ugu fadliga badan waxaan saas u leeyahay waxaa weeye dadkaan laydoodu maanta weer ari goosan ah helay see yeeli lahaa weeye taasana qofkasta waa og soon yahay oo caqli Alle siiyey qabyaaladna khalbi giiso ka maran yahay waayo dadka badankiis waxaa xaqa ka hor taagan o udiidan qabiil waxaanan aamin sanahay qabiilku inuu yahay sanabka soomaalidu caabudo waayo haddii maanta loo barbar dhigo diinta iyo qabiilka waxey ayidayaan qabiilka waanad aragteen o gaadana waa qaybta ugu fog sanabyada sabab too ah sanabyada kale mahadlaan laakiin qabiilku wuu hadlaa saad arki doontaan waxaana kamid ah erayadiisa yaa toleey, yaa reer hebel.e.eey tolla ay tolbeelay, yaa meelijirey’; saad aragtaan sanabyada kale madhahaan erayadaa iyo kowa kale marka Alle ka magan gala sanabkaa

  2. mohamud says:

    mahadsanidin somalitalk iftiiminta aad wadaan ,waa mid loo baahanyahay ,waxay ahayd in ay dadka soomaaliyeed ee qurbaha jooga aan soo baxno oo u sheegno caalamka waxa ka socda Somalia ee ah dilka iyo burburinta Dalka soomaaliya.