Home » Warar »

Cumar C/rashiid oo Iscasilay iyo Sheikh Shariif oo u dhoofay New York

Labada Shariif oo Qado la qaatay Cumar C/rashiid is casilaadiisii kaddib….

Hay’adda Wararka AP oo sheegtay in Muqdisho la isla dhexmarayey in Cumar C/rashiid lacag la siiyey si uu si tartiib ah xilka isaga casilo…..

Sheikh Shariif oo magacaabay Ra’iisul wasaare kumeel gaar ah

———-

Warbixin: Raiisul Wasaarihii Dowladda Fedraalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid  oo iska Casiley Xilkiisii

Waxaa  (Talaada, Sept 21, 2010) Xarunta Madaxtooyada isku casiley Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ka dib markii uu si rasmi ah uu Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif u gudbiyey Warqadii Istiqaalada oo uu kaga tageyo Xilkii Raiisul Wasaaraha ee Dowladda Federaalka, waxaana markii uu is Casilayey Rasul Wsaare Cumar Cabdirashiid Garab taagnaa Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Kulan ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayna ku wada Sugnaayeen Saddex Masuul ee ugu sareeysa Dowladda Federaalka ayaa waxaa halkaa hadalo kooban ka jeediyey Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo sheegey in sababaha uu isku casiley ay tahay markii uu sii xoogeystey Khilaafkii u dhaxeeyey isaga iyo Madaxeyne Shiikh Shariif isla markaana uu gaarey meeshii ugu sarreysey,  wuxuu kaloo uu sheegey intii uu Raiisul Wasaaraha uu ka ahaa Dowladdii lagu soo dhisey Jabuuti uu wax weyn ay qabatey Dowladiisa balse ay u saamixiweysey in ay howshoodii ay dhameystiranto sababo ammaan oo ka jirey dalka.

“Waxaan isku casiley in aan badbaadiyo Dowladda Federaalka waayo haddii sii socon lahaa khilaafkeenna waxaa dhici lahayd in beesha Caalmka naga duub duubato oo faraha naga  qaado” ayuu yiri Cumar Cabdirshiid oo ugu baaqay Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif in deg deg u Magacaabo Raiisul wasaare

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha oo muddo soo jiitamayey ayaa iscasilaadda waxaa kaloo soo dhaweeyey Madaxweynaha DFKMG Shiikh Sharriif oo sheegey in Talaabada uu qaadey Cumar Cabdirashiid ay tahay talaabi Taariikhi ah  oo geesinimo leh wuxuu kaloo uu sheegey Madaxweyne Shiikh Shariif in Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uu qabtey Howl aad u balaaran islamarkaana uu si daacad ah ugu soo baxay Xilkiisa wuxuu kaloo uu sheegey Madaxweynaha DFKMG Shikh Shariif sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo magacaab doono Raiisul Wasaare Cusub oo ka soo dhalaala Xilkiisa si waqtiga yar ee u harey Dowlada uu wax ka qabto arrimaha Ammaanka , Dhaqaalaha iyo Bulshada

Qaar ka mid ah Xildhibaanada  ayaa si weyn u soo dhaweeyey is Casilaada uu xilkii iska casiley Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyaga oo ku tilmaamey mid soo afjartey khilaafkii u dhaxeeyey Madaxweynaha DFKMG  Shiikh Shariif waxayna ka codsadeem Madaxweyne Shariif in soo magacaabo Raiisul wasaare samatabixya Dalka soomaaliya oo ay sheegeen in sii galayo mar xalad aad u adag.

Dadka u dhuun daloola Siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya in Dowladii lagu soo dhisey Dalka Jabuuti Sannadkii 2009 ay mareyso wadadii ay martey Dowladii uu madaxda ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf Axmed ka dib markii ay is khilaafeen isaga iyo Raiisul Wasaarihii hore ee soomaaliya Cali Maxamed Geedi waxaana beesha caalamka ay cadaadis ku saareen  in si deg deg ah isku casilo Cali Maxamed Geedi hase yeeshee markii uu Cabdulaahi Yuusuf  uu Raiisul Wasaare u soo Magacaabey Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde isagoo ku faraxsanaa in uu meesha ka baxo Cali Maxamed Geedi.

Hase yaashee waxaa mar kale is khilaafey Cabdulaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde wuxuuna Caalamka ka “xishoodeen” in mar kale la eryo Raiisul Wasaare ay isku heyb yihiin Raiisul Wasaarihii hore ee Cali Maxamed Geedi waxaana markii dambe is fududee la yiri Cabdulaahi Yuusuf oo markii dambe is casiley hase yeeshee suaasha isweydiinta Mudan waxay tahay goorta Shiikh Shariif isna la dhihi doono adiga markaada is Casil. Balse qaar ka mid Xildhibaanada ayaa ka Hadley iscasilaada Cumar Cabdi rashiid waxayna sheegeen in ay tahay Qosol ku jab iyagoo sheegey in ay u maleeynayaan iscasilaada Raiisul Wasaare ay tahay mid heshiis ku yihiin Saddeda mas’uul  ee ugu sarreysa Xukuumada waxayna sheegeen in ay ka cabsi qabaan in Madaxweyne Shiikh Shariif uu dib u soo Magacaabo Cumar Cabdirashiid.

Dhanka kale hay’adda wararka AP waxay sheegtay in Muqdisho la isla dhex marayey in lacag la siiyey Sharmaarke si si tartiib ah isu casilo. “labada nin (Cumar iyo Sh. Shariif) waxay u muuqdeen kuwo aad u farsaxan. Sidaas in ay u muuqdaan kama aanan fileyn. Waxaa jira qorshe qarsoon oo ay heshiis ku yihiin,” sidaas waxaa yiri Mowliid Macaane, oo ah xildhibaan, oo ka hadlayey arrinta la isla dhex marayo Muqdisho oo ay in Cumar C/rashiid Sharmaarke lacag la siiyey si uu isagoo aamusan isaga tago. Sidaas waxaa qortay hay’adda wararka ee AP.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail   amiinkhasaaro@hotmail.com

Is-casilaadii kaddib labada Shariif oo la qadeeyey Cumar C/rashiid

Ra’iisul wasaarahii hore ee DFKMG Cumar C/rashiid is casilaadiisii kaddib waxa qado la qaatay Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif iyo Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG Shariif Xasan iyo xubno kale oo ka tirsanaa xukuumaddii uu ra’iisulwasaaraheedu is casilay.

Labada shariif oo markale la isku garab arkay…

Sheikh Shariif oo u safray Xarunta Qaramada Midoobay ee New York

Iscasilaaddii Cumar C/rashiid iyo qadada uu la qaatay kaddib waxaa Sheikh Shariif u galabnimadii Talaadada (Sept 21, 2010) uu ka dhoofay Muqdisho isagoo kusii jeeda xarunta Qaramada Midoobay ee New York oo uu ka dhacayo shirka sannadlaha ah ee Qarammada Midoobay.

Safarka Sheikh Shariif waxaa ku weheliyay wasiiro katirsanaa xukuumaddii ra’iisul wasaaraheedu is casiley oo uu kamid yahay Prof. Ibbi.

Kahor intii uusan dhoofin Sheikh Shariif waxa uu ra’iisul-wasaare Ku meel gaar ah u magacaabay Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex) oo ahaa wasiir xukuumaddii Cumar C/rashiid u qaabilsanaa Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka. Arrintaas baarlamaanku kama hadlin, maadaama baarlamaanku ay yihiin kuwa leh anxisinta ra’iisul wasaaraha DFKMG kaddib marka uu magacaabo madaxweynaha DFKMG.

FG. Sawirka Qadada waxaa faafiyey Xukuumadda DFKMG.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Cumar C/rashiid oo Iscasilay iyo Sheikh Shariif oo u dhoofay New York "

  1. abdirisaq says:

    Raiisulwasaaraha waxa asaga uu u hormarey waa asaga oo ah mid la magacaabay, kol haddi ay isla sgaqayn waayeenna sida ugu fudud oo madaxa loogu kala qaadi karaayi tahay in kan fudud lagula taliyo inuu bal sii hor maro..laakiin madaxweynaha oo asaga qudhiisa aan filaayo inuusan wax badan ka dambeyn doonin ayaa xujada shaqada kusii haysaa ay tahay in aanan lasoo magacaabin ee uu mar walba ku yimado doorasho xildhibanada ay doortaan. Marka waxa ay aad ugu dhawdahay inta ka hadhay muddadadii dawladdi jabuuti in uu sii joogi doono madaxweynuhu haddaan buuq kale oo xoog badan oo soodedejiya doorasho ama shirweyne wixi la dhihi jirey dhicin.

    Waxaase la filayaa inuu muddadaas madaxweynuhu waayi doono kalsoonidi ,soo dhaweynti iyo furfurnaanti faraha badnayd ee beesha caalamka iyo dawladaha deriska ahba taas oo xiriirkiisu ku ku koobnaan doono uun heer protocol keliya.
    Taasi waxa ay ku qasbi doontaa madaxweyne shariif xataa inuusan ku fekerin inuu dib dambe isu soo sharaxo. Asaga iyo kooxdiisi jabuutina niyad jab weyn iyo weji gabax ay ka qaadi doonaan arrintaas.
    Meesha markaas waxa soo galaaya qolo aan hore u irir waxay ka gabbanayaan soo jiidashada darenka laakiin waa diyaar.
    waxana ay u dhawdahay in qiimayn dhab ah loogu noqdo guud ahaan xaaladda dalka oo la is barbardhgi doono in kooxdaas toos loo haw geliyo oo mucaarkdka guud ahaanba la isku dayo xoog in lagu maquuniyo marka hore, iyo optionka (khayaarka) labaad oo ah in ayaga(mucaaradka) laftooda hal mar oo kale sidi shariifkaba jaanis loo siiyey markaan ayagana lagu dayo bal wada xaajood lala galo oo la isku dayo mawqifkooda in lasoo jilciyo.kaddibna lagu go’aan qaato wixi kasoo baxa.
    waxay aad ugu dhawdahay inay mucaaradku wada xaajod dheg jalaq u siin sabao badan oon halkaan lagu soo koobi karin awgood. kolkaasna lagu qasbanaan doono dagaal adag oo aan hore loo araga inuu dhaco.kaas oo hadder anan saadaalin karin waxa kasoo bixi doona.
    Amisom qudheeda ayaan loo malaynayn in muddo aad sii dheer ay hawshaan sii wadi doonto waxana laga yaaba hawgalkueedu in weji kale loo beddelo oo qolooyin ka sii awood badan hawsha lagu wareejiyo ama ayagu markaas haka baxaan meesha ama halla shaqeeyaan jahadaase. .
    Waxaas oo dhan waa saadaal ilaah baase keli ku ah qaybka asagaana caaqibada arrin walba sii og,kan amuuraha oo dhan kala rogana ah.waxan asag wediisanaynaa inuu sida khayrku iyo maslaxda umaddeenna iyo anaga ba ku jirto na wafajiyo.

  2. Magan says:

    Aniga waxaan oran lahaa waxaa laga yaabaa in ay jiraan dad wanaagsan oo madaxda dawlada ka mid ah oo niyadoodu ay tahay inay wax u qabtaan dalkooda iyo dadkooda sida allaha u naxariistee wasiiradii lagu qarxiyay xaflada hotel shamow . Su’aasha meesha taala waxay tahay madaxwayne iyo raisalwasaare kasta oo soomaliya ay yeelato khilaafkooda miyaanan xal loo heli karin ilaa in mid meesha ka baxo maahee? xildhibaanada baarlamaanka maxay ula kala saftaan madax waynaha iyo raisalwasaaraha markay is khilaafaan ? waxaa sharaf daro ah in nin matalaya shacabka la dhaho waa la gatay saw ceeb ma’ha . waxaa fiicnaan lahayd in axdiga kumeel gaarka ah lagu daro qodob xalinaaya khilaaf markuu soo kala dhexgalo madax waynaha iyo raisalwasaaraha .

  3. Bulo says:

    Wadan Nabadi Ka Jirrin Wax Soo Saar Dhaqaale Lahayn oo Dadkiisu intaa Ku Dacwoonayaan Hanti Baa nalaka Dhacay. Madaxdooda intaas ku Cambareynaya Lacag buu Dhacay Hebel.Aniga Waxaan Rajeynayaa R/Wasaare Dasduurka wixii ay Kaga Qaldamaan Aan U Samixin in U Bedelo Cumar Cabdirashiid oo Fadexadooda Miiska Soo Saara Shariiyada iyo Wasiirada Tirada Baddan

  4. ninkii xilka laga qaadayo hadii la dhahaayo malaayiin dolar qaado waxna laguuma raacaayo waa dhibaato soomaali kusoo korortay oo murugteeda leh. tan ina cabdirashiid waxay la mid tahay tii cali maxamed geedi marka meesha waxa joogo waa tuugo ku saaxiibay dhaca umada, waxaana rajeynayaa xoolaha uma ay ka dhaceen iyo mida maslaxada loo siiyay in maalinlahula xisaabtami doono mar ay noqoto.