Home » Warar »

Maxaa ka jira in Dowlada Uganda ay soo faragelisey Khilaafkii u dhaxeeyey Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid


Maxaa ka jira in Dowlada Uganda ay soo faragelisey Khilaafkii u dhaxeeyey Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid

Caasha Axmed Cabdala: Waa adag tahay in Baarlamaanku uu ka laabto Go’aan uu gaarey…..

Cabdiraxmaan Faroole: Shiikh Shariif Baa hortaagan inla dhammeeyo Khilaafka Anagu waa ceshan karnaa Cumar Cabdi rashiid

Iyadoo aan weli wax xal ah laga gaarin Khilaafkii u dhaxeyey Madaxweynaha DFKMG Shikhh Shariif iyo Raiisul Wasaaraha DFKMG Cumar Cabdirshiid ayaa warar aan ka helney qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa inoo sheegey in sababaha uu u baaqanayo Kulankii Codka Kalsoonida loogu qaadi lahaa Dowladda Cumar Cabdirashiid ay tahay ka dib markii ay soo faregelisey Dowladda Uganada xilli dhawaan  Booqasho lama filaan ah uu Magaalada Kambala uu ku tagey Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif, waxaana Shiikh Shariif lagu Cadaadiyey in uu ka haro cadaadiska uu ku hayo Baarlamaanka oo ah uu eryo Cumar Cabdirashiid  islamarkaan Gudoomiyaha Baarlamaanka ku wergeliyo in Gebi ahaanba la joojiyo Mooshinkii ka dhanka ahaa Raiisul Wasaaraha DFKMG Cuamr Cabdirashiid .

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif  oo kulan gaar ah la yeeshey Madaxweynaha dalka Uganda  ayaa waxaa la iskula soo qaadey arrimo aad xasaasi u ahaa oo la xiriira Xaalada Soomaaliya waxay Xildhibaanada ay sheegeen in Shiikh Shariif lagu yiri” Ma aha in aad xiligaan aad is qabsataan waayo anaga iyo Alshabaab wax noo dhaxeeya ma jiraan waxaana aad ogtahay in ciidamadii faraha badnaa ee aan u soo tababarney Dowladda Federaalka ay meesha ka baxeen marka labadiina waxba meesha kuma haysaane ee joojiya Khilaafka idiin dhaxeeyeya waa in aad wada shaqeysaan inta ka harsan Xilgiina”

Inkastoo aan laga laaban Karin  Mooshinkii laga keeney Dowlada Cumar Cabdirashiid  hadda waxay xildhibaanada ay sheegenn in si kale lagu maareyn karo oo ah xeer jajab hase yeeshee Xildhibaano ay hor kacayso Caasha Axmed Cabdalla ayaa  ku doodaya in Baarlamaanka uu xaq u leeyahay in uu fuliyo Go’aanadii uu hore u gaarey” waxaan Warqad u qorney Gudoomiyaha Baarlamaanka oo aan ku leenahay in uu jawaab ka bixiyo sababta uu u joojiyey kulankii Codka Kalsoonida loogu qaadi laaha Dowladda Cumar Cabdirashiid haddi uu ka soo jawaabi waayo Xildhibaanada waxay diyaar u yihiin in ay talaabo ka qaadaan”ayey si kulul u tiri Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo intaa sii raacisey”wey adag tahay in Go’aan uu qaatey Baarlamaanka la joojiyo haddii taasi ay dhacdo waxaa muuqanaya in meesha lagu kala tago haddii aan la dhowreyn Shuruucda Baarlamaanka u yaal”

Warar ayaa sheegaya in Madaxwynaha iyo Raiisul Wsaaraha DFKMG ay kulan dib u heshiisiin ah ku yeeshaan Magaalada Adis Abab inta uusan Madaxweynaha uusan u amababixi Magaalada Newyork oo uu kaga qaygalayo Shirweynihii madaxda aduunka oo la filayo in uu dhaco 24 bishaan oo ka harsan maalmo kooban  iyadoo kulanka dib u heshiisiinta ay wadaan Madax ka tirsan Midowga Afrika  iyo kuwa ka socda Dowladda Itoobiya.

Hase yeeshee wareysi uu bixiyey Madaxweynaha Maalmulka Pundland Cabdiraxmaan Faroole  ayaa sheegay in Madaxweyne Shiikh Shariif  uusan diyaar u ahayn in khilaafkaas la xaliyo wuxuu sheegey in labada Masuul ay wada saaran yihiin Hal Doon isagoo sheegey in Dowladda Federaalka lagu soo dhisey qaab Beeleed  loona baahan yahay in la wada shaqeeyo wuxuuna u soo jeediyey Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha in ay isu dulqaataan islamarkaa aysan waqtigaan wanaagsaneyn in la is khilaafo.

Dowladda Uganda oo Soomaaliya ka joogaan Dhowr kun oo ciidan ayaa waxaa moodaa in ay awood ku leedahay arrimaha Siyaasadda soomaaliya maadaama waxa difaaca Dowlada ay yihiin Ciidamo u dhashey Wadanka Uganda iyadoo ay muuqato in Dowlada Uganda ay martey wadadii Dowladda Itoobiya oo iyadu xoog u ahayd Dowladdii Cabdulaahi Yuusuf  waxaa xiligaa shaqeynayay Awaamiirteeda iyo isku dubaridida Ciidamada.

Shacabka soomaaliyeed waxay is weydiinayaan goorta la heli doono dowlad aan ku tiirsaney Ciidamo shisheeye isku soo duuboo Xaalka soomaaliya waxaa uu u muuqdaa mid aan fara ka qodneyn sidoo kale Wax qabadkii Dowladda ayaa isna meesha ka baxay maadaama ay iska horyimaadeen Labdii Mas’uul ee  ugu sareysey , waxaa kaloo iyana meesha ka baxay Ciidamdii Dowladda ka dib markii loo waayey Dhaqaalihii ay u baanaayeen.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

. Beesha Caalamka oo dib u dhigtay kullan Xildhibaanada Baarlamaanka ee Codka Kalsoonida loogu qaadi lahaa Cumar Cabdirashiid

. Maxaa ka jira In Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay Ereteriya ka codsadeen in ay ka qayb qaadato Xal u helida Somaaliya

Wareegtooyinkii Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan ku dalbadeen in Dastuurka la ansixiyo ayadoo aan loo qaadin Afti Dadweyne

Wasiir ka tirsan Xukuumadda FKMG oo ku Baaqay in Sharmarke uu is Casilo

Muxuu Salka ku hayaaKhilaaf Mar kale soo kala dhex galay Sheekh Shariif iyo Cumar C/Rashiid

Dastuurka cusub oo Khilaaf ka dhex dhaliyey Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Maxaa ka jira in Dowlada Uganda ay soo faragelisey Khilaafkii u dhaxeeyey Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid "

  1. dowladnimooy ku nacay!!!!!!! marka xabashi hakuu taliso marna yugaandheeys kuwaan madaxda dowlada la dhaho ma doofaaraa aaway damiirkooda????? walaahi kuwaan madaxda tfg la dhaho mooriyaanta shabaab aa dhaanto gacmahaba hanaga jaraane.