Home » Warar »

Doorashada guud ee Iswiidhan iyo kaalinta musharaxiinta Soomaaliyeed.

Maanta oo ahna Axad 19ka sebtember waxaa wadanka Sweden loo dareeraya doorashooyinka wadanka oo ay dadku dooranayaan musharixiinta isu soo taagay doorashada. waxay dadka dooranayaan baarlamaanka(Riksdagen), gobolka(landsting) iyo golaha deegaanka(Kommunfullmäktige).

Waxaana ku baratamay xisbiya farabadan kuwaasoo doonaya inay qabtaan maamulka wadanka. Siyaasada wadanka ayaa waxay ku dhisantahay isxulufeysi xisbiyeed(coalition) .

Baarlamaanka oo lagu magacaabo riksdagen ayaa waxuu leeyahay 349 xildhibaano. Afartii sano ee lasoo dhaafay waxaa fadhiyay 7 xisbi kuwaaso isku kala xulufeystay  4 xisbi oo meel ahan iyo 3 oo meel ah.

  • Moderaterna(M),Centerpartiet(C), Folkpartiet(Fp), kristdemokraterna(KD) oo loogu yeero  Alliansen. Isbaheysigaan ayaa hayay xilka 4ta sano lasoo dhaafay
  • Socialdemokraterna(S),Vänsterpartiet(V) miljöpartiet(Mp) oo iyana loogu yeero Rödgröna

Wadanka sweden waa wadan boqortooyo saa daraadeed waxaa la doortaa ra’iisul wasaare(Stastminister), waxaana ku tartamaya Mona Sahlin oo hogaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna iyo Fredrik Reinfeldt oo isna hogaamiya Nya moderaterna waana ra’iisul wasaaraha haatan xilka haya.

Qiimeyn la sameeyey ayaa waxaa ku horeeya xisbiyada(Alliansen) ee haatan talada haya, waxayna ku horeeyaan 5%, Aliansen 49.1% halka rödgröna ay leeyihiin 44.1%.

Waxaa sanadkaan laga cabsi qabaa inay soo baxaan Sverigedemokraterna(SD) oo ah xisbi ku caanbaxay cunsuriyeeyta ajnabiga iyo naceebka dadka muslimiinta ah. Qiimeynta la sameeyey ayaa waxay leeyihiin 5%, si ay baarlamaanka usoo galaan waxay u baahanyihiin oo keliya 4% waxayna ku yeelanayaa baarlamaanka 16 xildhibaan. Iyagoo noqonaya Misaaniye(Vågmästare), waxaana loola jeeda inay noqonayaan xisbi u dhaxeeya labada isbaheysi, markaana ku gorgortama codkooda, maadama ay guul gaarsiin kara Isbahysigey doonaan. Waxaana laga baqayaa in fikirkooda(Ideologygooda) uu aad u faafo sanadaha soo socdo ama doorashooyinka soo socda.

Hadaba doorka soomaalida ayaa waxaa la dhihi karaa sanadkaa inuu yahay mid wanaagsan, waxay ka muuqdan liisaska musharixiinta u tartamay baarlamaanka, gobalka iyo midka deegaan kaba. Waxaana lagu tilmaama soomaalida iyo guud ahaan ajnabiga meelaha ay deganyihiin inaanba laga codeyn oo aysanba fahamsaneen codeynta iyo faa’iidada ay leedahay.

Degmada loogu codeyn yaryahay ayaa waxaaa lagu tilmaamay degmada Bergsjön oo ka tirsan caasimada labaad ee Göteborg/Gothenburg waxaana degan soomaali iyo ajnabi aad u fara badan.

Musharixiinta soomaalida ugu cadcad ee u tartamay baarlamaanka ayaa waxaa laga xusi karaa:

  • Abdirisak waberi(M) göteborg gobolka Västragötland, 44 sano jir ahan maamule iskuul islaam oo ku yaal göteborg, sidoo kale gudoomiyaha uruka muslimiinta Sweden, waxuu liiska xisbiga talada hayo (Nya Moderaterna) uga jiraa booska 5aad.

  • Qalinle dayib(C) Kristianstad gobolka Skåne, 30 sano jir bartay cilmiga dhaqaalaha waxuu liiska xisbiga Centerpartiet kaga jiraa booska 5aad.
  • Rhoda Elmi(FP), agaasime farmashi, 40 år waxay booska  8aad kaga jirtaa xisbiga Folkpartiet,

seddexdaan kor ku xusan waxay u sharaxanyihiin xisbiyada is baheestay (Alliansen)  ee talada wadanka xilligan haya.

  • Yassin Mahi(S),  Katrineholm gobolka södermanland 41 sano , waxuu u sharaxanyahay baarlamaanka, golaha deegaanka iyo midka gobolka intaba.  Baarlamaanka wuxuu kaga jiraa booska 15aad, Gobolkana booska 8aad, halka uu deegaankana kaga jiro booska 19aad.

Golaha deegaanka waxaa u tartamaya soomaali farabadan waxaan ka xusi karnaa:

  • Mohamed Raage Göteborg, 54 jir, waxuu u sharaxanyahay Socialdemokraterna ugana jiraa liiskooda booska 21aad.
  • Liban wehlie,Kungälv booska 21aad

  • Jamileh Ismail göteborg, 51 jir
  • Hussain Said(v), göteborg pension, 60 sano jir waxuu matalayaa Vänsterpartiet booska 19aad ayuu uga jiraa liiskooda.
  • Mukhtar adam(S), Flen, socialka.
  • Abdirsaq hussen(S) Eskilstuna,43jir waxuu liiska Socialdemokraterna uga jiraa 19
  • Mohammed Sharif Mohamad,30,Eskilstuna, lambarka 25aad ayuu ka yahay.
  • Muhammed Hussein,Västerås, macalin, kaga jira booska 30aad liiska xisbiga Nya Moderaterna.
  • Kahin Ahmed,37jir, sociology,Xisbiga nya moderaterna booska 22aad.

  • Leylo C/laahi(S) 38jir waxayna kaga jirtaa 14aad.
  • Yoonis Hassan(S), magaalada Alingsås ayuu booska 42aad kaga jiraa.

Hal warbixin laguma soo koobi karo dowrka soomaalida ay kuu leeyhin doorashada wadanka, In ka badan 50 qof ayaa ku jira liisaska musharixiinta. Waxaana la filayaa muuqaalka soomaalida inay kasoo dhex muuqdaan siyaasada wadanka. Maadaama lagu tilmaamo qowmiyad  ku guuldareestay dhexgelka wadankaan sweden.

Waxaa la ogaan doonaa natiijada doorashooyinka maalinka isniinta waxii ka danebeeyo.

Axmed Takciib

Gothenburg-Sweden

E-mail: sakiinlaq@hotmail.com

Link-yadaan waa Presentationka siyaasiyiinta qaarkood:

Yaasiin maaxi katrineholm:Afsoomaali  http://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_muuqaal /2010/09/100914_yaasiin_maaxi.shtml

Abdirisak Waberi: Göteborg

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.