Home » Warar »

Shir Saxaafadeed Lagu Qabtay Magaaladda Minneapolis, MN oo lagu Cambaareeyey Falkii Foosha Xumaa ee Ka Dhacay Magaaladda Caynabo

Golaha Sinaanta iyo Cadaalada Soomaaliyeed ee Xaruntiisi tahay Magaalada Minneapolis,MN ayaa waxay shir jaraa’id ku qabteen xurunta Somali Federation. Shirkaasi waxaa ka soo qayb galay qaar ka mida madaxda jaaliyadda soomaaliyeed, culimada, aqoonyahanada, ardada jaamacadaha, iyo wariyayaal ka kala socday gudaha iyo idaacada caanka ah ee VOA da.

Shirkaa waxaa ka hadlay madaxda ururka si wayna u cambaareeyey falkii lagula kacay labada dumarka ah ee la kala yiraahdo:

1-      Yasmiin jamac Cali

2-      Xiis Maxamuud Diiriye

Waxayna faahfaahin buuxda ka bixiyeen kiiska gabdhaha lagu soo xidhay, mudada ay jeelka ku jireen iyo dhibaatooyinkii loo gaystay. Waxay sheegeen in gabdhaasi laga soo qabtay magaalada Oog iyadoo lagu soo eedeeyay waayid la waayay laba hablood oo da’dooda lagu sheegay 15 sano iyo 16 sano,marka la soo xidhayna dumarkani waxay ku sugnaayeen guriga nin layidhaahdo Sahal Caydiid Sanqadhi ee magaalada Oog.

Madaxda ururku waxay si wayn uga hadleen dhibaatooyinka loo gayto beelaha la haysooco. Manaha tani dhibaatadii ug horeysay ee waxaa jira dil,dhac, kufsi, sheegasho la sheeganayo dad ka mida beelahan,xadhig, jir dil iyo dhibaatooyin kale oo fara badan.

Shirkaan jaraa’id waxaa ka hadlay:

1-      Abwaan Cismaan Ducale Daahir

2-      Abwaan Siciid Saalah

3-      Sh. Hassan Jaamici

4-      Siciid Faahiye

5-      Sahra Maxamed Cali samatar

6-      Maxamed Ala-bari

7-      Axmed H Ismaciil

8- Maxamed Abuukar Xaaji Xuseen

Iyo qaybo badan oo bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota degan.

Labada dumarka ah ee ka tirsanbeelaha la hayb sooco ayaa dad caraysani waxay xoog uga qafaasheen maxkamadda magaalada Caynabo ee Gobolka Saraar kaddib markii maxkamaddu xukuntay in labada dumarka ah lagu waayey dembigii lagu soo oogey, sida uu idaacadda BBC u sheegay guddoomiyaha gobolka Saraar Ibraahim Xasan Cali (Sept 15, 2010), markii dambena ay soo furteen boolisku.. DHEGEYSO.

Video-ga shirkii Minneapolis hoos ka daawo:

Video-ga waxaa duubay Siyaas S. Saalax ee SomaliTV Minneapolis.

Qoraalkana waxaa soo tebiyey Maxamed Xiirey.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shir Saxaafadeed Lagu Qabtay Magaaladda Minneapolis, MN oo lagu Cambaareeyey Falkii Foosha Xumaa ee Ka Dhacay Magaaladda Caynabo "

  1. waafi says:

    asc wr wb—- salaan kadib arintan dhacdey waxaan ka leeyahay dhibta gaartey gabdhaha labada ah allaah cazawajale caafimaad ha ugu bedelo run ahaantii waa arin aad iyo aad u fool xun qof walbana waxaad ogaataa in maalin aan lakala weyneyn iney jirto oo la siman yahay – hadaba soomaalaay ogaada inaanu qabiil qabiil ka weyneyn oo alle xagiisa laga siman yahay eee soomaalaay is xisaabsha intaan la idin xisaabin

  2. Magan says:

    Waad ku mahad santihiin somalitalk hawsha muhiimka ah eed noo haysaan maadaama aan shacabkii somaliyeed nahay . waxaa kale oo mahad leh hawsha ay qabteen golaha sinaanta iyo cadaaladu .
    Runtii waa arin laga yaqyaqsoodo waxa gabdhahaa somaliyeed ku dhacay .
    waxayna ka midtahay dhabaatada qabyaaladu nagu hayso waana waxa aan meelahaa lakala daadsannahay maanta .