Home » Warar »

Xaflad Sharaf Lagu Abaal Mariyey Ardey Dhawaan Ku Guuleeysatey Tartan Aqooneeyd oo Bosaaso ka Dhacday

Xaflad sharaf aad loo maamuusey ayaa lagu abaal mariyey ardey ka tirsan dugsiga sarre ee Al__Nawaawi ardeydaaas oo ku guuleeystey tartan dhawaan lagu qabtey gobolada puntland tartankaas oo aay ka qeeyb galeen dhamaan dugsiyada sarre ee ka jira puntland,tartan aqooneeydka ayaa maal galineeysay shirkada isgaarsiinta ee Golis Telecom Somalia waxaana tabinaayey raadiyaha “Daljir” xafladaaan ayaa ka soo qeeyb galey madax ka kala socota doowlad goboleedka puntlad ee uu hogaaminayey gudoomiyaha gobolka barri sh.c/xafiid cali yuusuf iyo madax ka socotey shirkada isgaarsiinta ee Golis waxaa kaloo meesha joogey dad aqoonyahano ah oo ka kala socodey goobaha waxbarasho ee kala duwan,xafladaan ayaa waxaa soo abaa buley Hay’ada wadaniga ah ee Tadamun social society gaar ahaan xafiiskeeda waxbarashada ee uu hogaankiisa hayo mudane cabdulaahi faarax mirre,xafladaas ayaa waxaa hadal ka jeediyey dad fara badan oo madax ah.oo uu ugu horeeyo mudane_cabdirixmaan cabdi risaaq cabdirixmaan maamule ku xigeenka hay’ada wadaniga ah ee Tadamun iyo godoomiyaha gobolka barri c/xafid cali yuusuf,

maalmo ka hor ayaa ardaydaas ku guuleeysteen tartankaas oo socdey intii lagu gudo jirrey bisha barakeeysan ee ramadaan,xafladaas oo lagu qabtey caasimada doowlad goboleeydka puntland , ayaa waxaa ka soo qeeyb galey waziirka waxbarasha iyo waziirka warfaafinta iyo waziirka dastuurka iyo xukun wanaaga,iyo madaxa ka socotey shirkada isgaarsiinta ee Golis ayadoo shirkada aay gudoonsiisey dugsiga Imam Al_Nawaawi lacag dhan 20,000,000. oo shilin soomaali ah.

Halkan ka daawo sawirada

Ardeydaas ku guuleeysatey abaal marintaas ayaa waxaa aad loogu farxay gobolada Puntland oo dhan oo ka hor inteeysan soo galin magaladaas ayaa waxaa looga hortagey duleeydka magaalada Bosaaso si loo soo dhaweeyo,Dugsiga Imaam Al_Nawawi ayaa ah dugsi hoos taga hay’ada wadaniga ah ee Tadamun,hayada wadaniga ah ee Tadamun waa hay’ada wadani ah,waxaa la Aasasey taarikhdu markeey aheeyd 1992 waxaana aasasey aqoonyahano soomaaliyeed.wexeey ka shaqeeysaa gobolada waqooyi barri oo loo yaqaan (Puntland) waxeey ka shaqeeysaa arimaha aadantinimada sida gaargaarka dag daga ah,qaxootiyada waxbarashada iyo arimo kalle oo la xiriira arimaha bulshada

Qorre: C/fitaax Nur Ahmed (Ashkir )

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.