Home » Faallo »

Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (4) | W/Q. Muxamad Idris Axmad

((Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin.Waxaan rajaynayaa iney noqoto wax lagu cibra qaato.Laysna weydiiyo: Yaa Masuul ka ah dadkaasu iney dalkoodi ka bara kacaan, oo dariiqa geerida door bidaan?))

Waxaan soo gaadhnay markey Jabhaddii (Al Cadl Wal Musaawaat) Saxaaraha nagu qabsadeen, Sidaan sheegnay Nimankii Suudaanta ahaa ee na wadey ayey garaaceen, gaar ahaan ninkii Tahriibka Hoggaaminayey ee (Sammaani) iyo Mid (Jucali) ah Qabiilka Madaxweyne Bashiir, Xitaa Cimaamadihii Suudaantu duubnayd intey ka diireen ayey dadkayagii u soo tureen iyagoo leh: Qorraxda ka harsada! Kadibna ninkii Jabhadda Watey iyo Askar uu kaxaystey iyo 2 Soomaali ah wuxuu doonay biyo, askartii kalana meeshuu uga tegey, gabalkiina waa dhacay.

Annaga iyo qoladii Eritreanka ayaa is ag naal. Waraysigii ay nala yeesheen: waxaanu ku niri annagu dad soomaali ah oo qaxootiya oo masaakiina oo tahriibaya ayaanu nahay, sidaa darteed waxba nameey yeelin, balse biyihii iyo cuntadii ayeyba nagu caawiyeen anagoo 20 cisho ku dhowaad qatanayn, dadkuna aad isaga baa ba’sanyahay.

ASKARTII JABHADDA OO GABDHAHAYAGII DAMAC KA GALAY!

Waa taan idiin soo sheegay iney ahayd markii noogu dhib badnayd. Fiidkii markii la gaarey ninkii Jabhadda u madax ahaa iyo colkuu kaxaystana ay weli dhaankii ku maqan yihiin, 2da reer ee Soomaalida iyo Eritreankuna is ag yaalaan, anigu waqtigaas intaan maqrib iyo cishe tukadey ayaan xoogaa seexday. Wax yar ka dib waa laysoo kiciyey inaan la hadlo nin noo yimi. Mise waaba askari ka mida jabhaddii na haysatey. Madaxa iyo afkuba waa u duuban yahay, qorina wuu wataa garabka u suran oo xagga dhulka afkiisu u jeedo. Annagu waa urursanahay, dumarkuna dhinac ragguna dhinac. Gabdhaha sidaan sheegay waa 8 mid keliya ayaa ninkeedii la socdaa inta kale keligood ayey tahriibayaan! Habla dhalin yar ayeyna u badan yihiin waxaan hal qof ka ahayn.

Ninkii jabhadka ahaa markaan la hadlay wuxuu yidhi:

waxaan rabnaa dumarka inaan waraysi ka qaadno, mid mid!!

Waxaan ku idhi: Dumarka keligood side u waraysaneysaa? Miyuu arrinkaasu idiin bannaanyahay?

Wuxuu yidhi: Amarku waa sidaas.

Waxaan ku idhi: Qof walba iyadoo maxramkeedu la socdo halkaan hortayada ah waxaad rabtaan ku weydiiya. Isla mar ahaantaas waxaan – afsoomaali – ku dhex geliyey, anigoo dadka la hadlaya: nimankan dumarka ayaa damac ka galay xaaladduna waa khatar, gabar walba qof ayeynu dheheynaa waa ninkeedi, rag iyo dumar sidaa hala ogaado, gabar walbaana nin agtiisa ha fariisato, mataabaneyso, laakiin agtiisa uun ha fariisato, sidaas ayaa uga dhib yar in ninkaanu jiito!

Dabadeedna waxaan idhi anigoo carabi iyo soomaali is dhex gelinaya, si jilid iyo dhaq dhaqaaq yari la socdo oo aanu askarigu igu dareemi Karin:

Heblaayo: intaan gabdhaha xagooda eegay:   أجلسي جنب زوجك ninkaaga agtiisa tag, Hebel: خذ زوجتك xaaskaaga agtaada fadhiisi, ninkii askariga ahaana waxaan ku leeyahay, anoo marna xaggiisa eegaya, marna xagga dadka: eeg haweeney kasta ninkeedi waa kan. Waxaan filayaa iney ahayd fikrad Ilaahay I waafajiyey, si fiicanna aan u jilay, Ilaahayna nagu guuleeyey.

Waxaa xoogaa hakatay gabar gabdhaha ka mida oo tidhi: sideen u dhinac fadhiistaa nin aan maxram ii ahayn!!! Saxaaraha Liibiya ayeyna jeexeysaa maxram la’aan, yurubna wey u jeeddaa!! Waxaan ku idhi: haddaadan sidaa yeelin waxaad khatar ugu jirtaa ninkaan inaanu kaa celin kari weynu, dhaqsi u istaag, dadkiina waa ku qayliyeen, markaas ayey yeeshay. Gabadhaas maalma ka dib saxaaraha ayaanu ku aasi doonaa (Allaha u naariistee) gaajo iyo harraad markii loo le’day!!oo 12 qof naga dhinteen saxaaraha dhexdeeda. Gabadhii ninkeedu dhaanka ku maqnaana sidii ayaan ugu sheegay si hadalku dhab u noqdo: waxaanan iri gabadhaa soo hartay waa midda ninkeedu dhaanka ku maqanyahay!! Iyadana gabdhaha kale ag fariiso ayaan niri.

Wuxuu yidhi isagoo qoriga xagayga u soo jeediyey: Riwaayad ayaad dhigeysaa, haddaadan ka leexan xabbad ayaan kugu dhufanayaa.

Waxaan ku idhi: Anigu sidii wax u jireen ayaan kuu sheegay, haweenkaan waa dumar la qabo, mid walbana ninkeeda ayaa la socda (dadkana faraha tag taaga) ayaan ku idhi.

Xoogaa hadduu handadaad iyo caga juglayn igu sameeyey, qorigana xabadka iga saaray, dadkuna I dhiirri gelinayaan oo leeyihiin: ha biqin, haka cabsan, kulligeen waa ku wada dhimaneynaa. Dumarkuna oohin iyo wel wel isku darayaan, ayaa ilaahay naga kaxeeyey, oo uu dib u gurtay.

Alxamdulilaah, neef weyn ayaa naga soo baxday, Ilaahayna waan ugu mahadinay bahalka naga kaxeeyey. Laakiin nasiib darro, wax yar ka dib, waxaan maqleynaa dumarkii Eritreanka ahaa oo bahalkii jiitey qayladoodii oo bexeysa iyagoo la fara xumaynayo!

DHAANKII WAA YIMI

Saq dhexi ayaa ninkii jabhadda watey iyo dhaankii soo noqdeen, biya fiicanna wey keeneen, ilaa 2 jirigaan oo waaweyn, biyahana meel ilaa 80 km jirta ayey ka dooneen. Dadku biyihii ayey cabbeen, si fiican uga noolaadeen, inkastoo qofku maadaama uu muddo cunta la’aan, iyo biya la’aan ahaa, oo aad u liitaan, taasoo keeneysa inaan biyaha xitaa lagu wada fasixi Karin. Habeenkii sidaas ayaa lagu baryey.

SUBIXII DAMBE

Ninkii Jabhadda watey ayaa noo yeeray, wuxuu yiri: Soomaalidiina 3000$ (saddex kun oo doolar) ayaad bixineysaan haddaad rabtaan in laydin sii daayo, haddii kale, saxaarahaan ayaad gaaja ugu dhimaneysaan, waayo baabuurtu annagey qaniima noo tahay oo qaadaneyna.

Waxaan ku iri: ninyohow 16 cisho ayaanu waadi “malak” fadhiney sidaad ogtahay, kahorna 20 cisho ayaanu safar Suudaan dhexdeeda kusoo jirney, Askartii Suudaanta ayaa lacag naga qaadatay, oo kuwan tahriibka ayaa naga qaatay, oo kuwii hore ee khartuum ayaa naga qaatay, oo xalay askartaada ayaa na baaratay oo wixii ugu dambeeyey naga furtay, dadkaanu waa rafaadsanyihiin, waana dhibaataysan yihiin, inaad iska kaaya deysaan ayaanu codsaneynaa. Haddeydaan na deyn karinna bal xitaa noo dhoweeya meel magaalo iyo degaan bani aadam ka dhow yahay. Xitaa Daarfuur na geeya haddaad dooneysaan.

Wuxuu yidhi: Xukuumadda Suudaan side u aragtaan?

Waan ognahay iney mucaarad keedi yihiin, haddaan amaanana nalaba dili karo waxaan iri: Waa xukuumad daalima oo gardaran oo tacadi badan dadkeeda ku samaysa.

Wuxuu yidhi: Waayahay waan idin sii deyneynaa, laakiin dadkan reer Eritereeya ayaad qaadeysaan, waayo baabuurkoodi waanu qaadannay. Labadiina baabuur ayaa Soomaali iyo eritereya wada raaceysaan. Ma diidi Karin xaaladdaas, wallow 80 qof sida 2 gaari oo cabdi bili ah loo saarayo aanan garanayn. Waxaanu niri: Samcan wadaaca.

FUULA BAABUURTA

Baabuurkii koowaad ayaa la yiri Soomaalidu ha fuusho ilaa 40 qof, inta Soomaalida kasoo hartaana gaariga kale ha fuulaan, kadibna kaas labaad Eritereanku ha dhamaystiraan. Sidii ayaa la yeelay gaarina waxaa fuulay 39 Soomaali ah, 10kii kale ee Soomaalida ahaa iyo 27 Eritreanka ahaana gaarigii kale ayey fuuleen, intaa waxaa dheer nimankii tahriibka iyo dureewaladii.

Ninkii Jabhadda watey wuxuu dareewalka u qoray warqad ku socota ciidamada jabhadda ee naga horreeya wuxuuna u tilmaamay jidka uu marayo ee ugu dhow xuduudda Liibiya, wuxuuna yiri: Ciddii aad aragto ee ciidankayaga ah warqaddaa tusi waa lagu sii deynayaa, berritana barqadii waxaad gaari doontaa (kafra) oo xadka liibiya ah.

Waxaanu kasoo dhaqaaqnay ku dhowaadka 11 subaxnimo, labadii gaari oo ciir ciiraya, sida koronkorada oo kale loo saaranyahay dadkuna is dul saaranyihiin, 39 qof gaariga korkiisa saaran rag iyo dumar waad garan kartaa hadii qof ama labo kugu fariistaan ayaad nasiib badantahay oo aan intaa ka badani ku buuran:

Xagee loo socdaa?

Dareewalkii na wadey wuxuu ka baqay warqadda loo qoray iney shirqool tahay oo qolada kale ee jabhaddaa markuu gaaro ay gaariga ka qaataan, sida gaarigii hore ee Eritreanka loo dhacay, sidaa darteed wuxuu qaaday wadda kale oo fog, wuxuuna u jihaystay xagga xuduuda Masar, taasoo wareeg dheer noqoneysa. Taleefankii thurayada ahaa ee ragga tahriibkana waxaa qaadatay Jabhadda inkastoo ay markii dambe naga daba keeneen oo soo cesheen.

Gaarigii oo Jabay.. iyo Dagaal kharaar oo huray!

Abbaaraha duhurkii markey ahayd ayaa gaarigii aan saarnayn biri ka jabtay, ciidana afkuu la galay. Wuxuu dareewalkii tahriibka (waa liibimadow oo jaadi ah, naxariisina agtiisa aaney soo marin) wuxuu yiri: gaariga hoos ka mara oo ciida ka qaada. Gaarigii ayaan kasoo deganey intayadii wax qaban kartey, gaarigii ayaan hoosta ka galnay annagoo isku deyeyna inaan ciidda ka bixino,  gaarigii kale oo 10 soomaalidaa iyo Eritereanka wadeyna wuu na ag taagan yahay wuxuu noo jiraa ilaa 200 tallaabo, iyadoo halkaa la joogo, waqtiguna kululyahay, saxaara cidlaana la joogo, ayaa Soomaalidii gaariga kale saarnayd iyo Eritreankii la socdey dagaal ka dhex dillaacay, hal mar ayaanu waxaan ku war hellay gaarigii kale oo dagaal ka huray, gacan iyo addinna laysku garaacayo. War ma dadkii maatada ahaa ayaa diriraya? Waa haahey.. Soomaalidii halkan ciidda faraha kula jirtey hal mar ayey dhanka kale u yaaceen, si ay dagaalka uga qayb galaan. Markii raggii Soomaalida iyo Eriteriyaanka fooda is daray, ayaa labadii dumarna isku soo boodeen! mid timaha la jiido, iyo mid qaniinya lagu dhego, iyo mid hoosta la marsado ayey noqotay.

Nimankii tahriibka wadey dagaalkii waa qaboojin kari waayeen. Dabadeed mid ka mida ayaa gaarigii mooteeyey, dadkiina is haystey ayuu ku keenay inuu dul marsiiyo, markaas ayey kala carareen, wuu ku cayrsadey, oo marba dhinac ugu qaaday, ilaa fiin firirtay la kala noqday, oo gabar yar oo baabuurka korkiisa saarnayd oo 12 jir meeleheeda ah gaarigii dushiisa kasoo duushay, oo dhinac iyo garab ka jabtay, kuwii dagaalamayey markuu kala cayrshey ayuu intayadii gaariga kale hoos joogtey ku keenay, malaha wuxuu ku tashaday inuu qaar badan saxaaraha ku aaso! Ilaahay ayaa naga sabata bixiyey, anigu waxaan dusha uga boodey dhagax weyn oo gaarigii soo mari waayey.

Markuu gaarigii joojiyey ayuu yiri: dhammaan wixii mindiya haysta halkaan hasoo dhigaan, qof mindi ama bir wax goysa wataa ma fuulayo gaariga. Qofkii juuq yidhaahda ama madaxa kor u qaada, wuxuu ku garaacaya tuubo dheer oo uu wato oo laba mitir ah. Hadduu hadalka sii badiyana gaariga ayuu ka tuurayaa. Waa dad aragoodu ku cabsi geliyo. Ninkii gaarigiisa Jabhaddu qaadatay oo nala socda ayaa ugu naxariis roonaa. Isaga keliya ayaa ka tukan jirey nimankaas. Soomaalida oo dhan waxaa markaa ka tukanayey aniga iyo wiil kale, mid saddexaadna mar mar ayuu nala tukan jirey. Sidaa darteed ayuu ninkan Suudaaniga ee tukadaa mar mar ii naxariisan jirey, maadaama aan wada tukano (magiciisa Aadam ayaa la dhihi jirey). waa socotaa…

Qaybta 5aad ka akhri https://somalitalk.com/tag/idris/

W/Q. Muxamad Idris Axmad
hayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (4) | W/Q. Muxamad Idris Axmad "

  1. AS,, salaan qiima badan kadib, markaan arkay qoraalkaagan naxdinta leh ku cibra qaadashadana mudan, laftayda wuxuu igu dhaliyay inaan qoraal dheer ka diyaariyo meesha intan oo dhiba loo soo marayo waxa yaal, insha alaah mar dhawna waan soo bandhigayaa.

    Adigna Ilaah hakaa ajarsiiyo dadaalka aa galisay inaa soo tabiso xaqiiqda jirta oo waliba aa si cilmiyeysan u soo bandhigtay.

  2. alle hakaa abaal mariyo sheekh idris,sheekadan aadka ulayaabka badan waxaase isweydiin leh yaa wax kuqaadanaya.soomaalidu ma uga sheekee dhibaatada tahriibka ama ka aamus waa isugu mid markaa alle hana siiyo dhagihii waanada maqli lahaa iyo naftii kucamal fali lahayd. ninkaa hablaha sida xirfadaysan kabadbaadiyey jabhadda waxaan alle uweydiinayaa in uu ka abaal mariyo.

    mahadsanidin somalitalk.