Home » Warar »

SHIRWEYNIHII 15AAD SOOMAALIDA SWITZERLAND – LAUSANNE

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.


Waxaa Magaalada Lausanne ee dalka Switzerland lagu soo gabagebeeyey maalintii Axadda 18/7/2010 shirkii 15aad ee waqtiga kulaylaha lagu qaban jirey wadanka, kaasoo soo socdey ilaa iyo 1992 intii ay Soomaalidu si weyn usoo gashay dalka Switzerland, hase ahaatee, maadaama dalkan uu ka mid yahay dalalka waraaqaha aqoonsiga iyo deganaanshaha aan si sahala lagu helin, Soomaalida inteeda badani wey ka gudubtaa oo dalalka kale ee yurub ayaa mar walba looga sii gudbi jirey, in yar ayaana ku hakan jirtey.

Dadka ugu waqti dheer deganaanshaha dalkan ee aan la kulannay wexey ahaayeen dadkii soo galay intii Soomaaliya ay Dawlad ahayd, ee Adduunka laga aqoonsanaa. Wexeyna u yimaadeen tacliin ama shaqo ama magan gelya siyaasadeed. Wexey qaarkood noo sheegeen iney yimaadeen 1980, Macnaha wexey joogaan muddo 30 sano ah. Markaas Soomaali miyaa carrigan joogtey? Nin baa weydiiyey. Wexey yiraahdeen: Haa dad Soomaaliyeed ayaa joogey, laakiin sharaf ku lahaa, oo Passapooradooda ayey ku soo geli jireen.

Dadkii ku xigey ee qaxa ugu soo horreeyey waa dadka soo galay 1990. Oo Fiisa caadiya ku soo galay iyo passapoorkoodi Soomaaliga ahaa. Dadkaa qaarkood wadankii wexey kasoo bexeen, bila yar ka hor intaan Dawladdii Qaran burburin, wadada iyagoo soo haya ayey ugu dhacday Dawladdu, kadibna wexey yimaadeen Switzerland. Ilaa maalintaas ayey dadka Soomaaliyeed isa soo daba hayeen, imaatinka dalkan.

Beryahan dambana waxaa aad usoo gala dadka tahriibka Italy iyo Greece ku yimaada ka dibna  meelahan yurubta kale usoo dusa. Wax hela waraaqaha aqoonsiga ama degananshaha iyo wax waayaba wey leeyihiin. Qaar faraha meelahaa lagaga soo qaado iyo qaar aan laga qaadinba wey leeyihiin.

Soomaalida magaalooyinka ay ku badantahay waxaa ka mida: Zuurikh, Geneva, Lausanne, Bern, Basil, Shirkan waxaa lagu Qabtay Magaalada Lausanne, waxaana soo qaban qaabiyey Markaska Cumar Ibnul Khaddaab, ee Soomaalidu Maamusho, wuxuuna dhacay Maalmihii jimcaha, Sabtida iyo Axadda, 16,17, 18 July 2010. Halku dheggiisuna wuxuu ahaa: Diinta Wada Taaga oo ha isku Khilaafina. Culimada iypo Ducaadda ka qayb gashay Mu’tamarka waxaa ka mid ahaa:

Sh. Muxamad Idris Axmed      Sucuudiga

Sh. Dr. Cali Muxamad Saalax – Imaamka Masjid Tawfiiq Norway

Sh. Cabdiraxiim Abul ceyneyn – Masjid Raxma Birmingham

Waxaa Khudbadii Jimcaha 2 Masjid ka jeediyey Sh. Maxamed Idris iyo Sh. Cali Saalix, kadibna waxaa furmay Muxaadaraadkii Soomaalida oo dad badani ay kasoo qayb galeen. Muxaadarooyinkii Ka baxay waxaa ka mid ah: Sunnada iyo Bidcada, Cilmiga iyo wadooyinka lagu dalbo, Macaasida iyo Raadka xun oo ay qofka iyo Bulshadaba ku leedahay, Sabirka.

Dadka shirka kasoo qayb galay sanadkan waxaa aad uga muuqdey dhalinyarada cusub ee wadanka dhawrkii sano ee ugu dambaysey soo gashay. Halka dadkii hore ay ku yaraayeen, iyagoo ama wadanka kasii guurey ama magaalooyinka kale ku firiqsan. Waxaana muuqatey inaan dadka badankood ka war helin, amase ayan soo gaari kaarin.

Dadka Soomaalida ee wadanka deggan intooda badan wey shaqeeyaan, waayo wadanka qaabka uu u dhisan yahay nidaamkiisu ayaa ah in qof walbaa shaqeeyo, ama shaqa loo yeelo, canshuurna laga qaado. Dhaqaalohoodu sida macruufka ah wuxuu inta badan ku dhisan yahay, sinaacaadka gaar ahaan Saacadaha oo ay can ku tahay, boorsooyinka, shukulaatada macmacaanka, wexey kaloo sameeyaan, hubka oo iyagu wax badan ayan adeegsan jirin, waayo ciidan militeriba ma lahayn, Bangiyo ay dadka lacagta ugu kaydiyaan, magacyadoodana qariyaan, qaar bandanna iyadoo aan cidi ogayn ayey dhintaan lacagtana bangiyadaas ayaa looga tagaa.

Dhalinyarada kasoo gudubta sanadihii u dambeeyey wadamada Greece iyo Italy oo tahriibku marka hore yurub kaga soo dhoco, hadana kaamamka ku jira, ama dalalka yurub usii gudbey, wexey hayaan sheekooyin argagax leh, una baahan in si gaara loo qoro, taariikh iyo digniin, waayo dadka weli soo tahriibaya ee wadada soo hayaan qisada dhabtaa ee tahriibka ama qardajeexa, haba ugu darnaato, midda dhinaca saxaaraha Suudaan iyo Liibiya, taasoo lagu tilmaami karo mid tiiraanya leh, dadkuna in yar ka hayaan.

Guddiga Qabanqaabada Shirka – Masjidka Cumar Ibnul Khatab

Lausanne – Switzerland

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.