Home » Warar »

Warbixin: Khilaafkii Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid oo sii xoogeystey

Shiikh Shariif “Aniga is ma haysano Ra’isul Wasaaraha, is ma haysano Guddoomiyaha Baarlamaanka ee waxaan ka aamusi kari waayey Xaaladda uu dalku marayo, waana waajib i saaran inaan aqbalin waxyaabaha qaarkood”

Waa in si deg deg ah isbedel loogu sameeyo Xukumada

Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka laguma Magacaabin Wareegto Madaxweyne

Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa moodaa in uu sii xoogeysanayo kadib markii Madaxeyne Sheekh Shariif kullan ay manta isugu yimaadeen Xubnaha Baarlamaanka ayaa waxa uu ka sheegay in ay lagama maarmaan tahay in isbedel lagu sameeyo Dowladda Federaalka uu madaxda ka yahay Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid kadib markii isku shaadheyn horey oo lagu sameeyey ay wax qaban weysay gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ammaanka iyo siyaasadda.

“sidii aad xalka uga gaarteen khilaafkii hareeyey Baarlamaanka ayaa haatanna loo baahan yahay in aad xalisaan khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Dowladda gaar ahaan xukuumadda, waxaana hubaa inaad go’aan ka qaadan doontaan” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif oo intaa raaciyey “Dalka anigaa ugu sareeya ee waa inaad xal rasmi ah ka gaartaan khilaafka haatan jira kaas oo ragaadiyey in ay dowladdu horey u socoto”. Madaxweyne Sheekh Shariif oo khudbaddiisu ahayd mid xasaasi ah ayaa waxaa moodaa in uu aad u daneynayo in meesha gabi ahaanba laga saaro Dowladda uu madaxda ka yahay Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif waxa uu sheegay in dowladda Cumar C/rashiid dhowr jeer wax laga bedelay balse ay horey u socon weysay isagoo sheegay in haatan la joogo waqtigii la bedeli lahaa maadaama waqti yar uu u hare Dowladda Federaalka, isagoo shegay in waqtiga haray ay dowladdu wax weyn ka qaban karto dhinaca dib u dhiska iyo ammaanka.

Kullankii ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la filayey in uu khudbad ka jeediyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh AXmed, waxaanala doonayey in looga hadlo arrimo la xiriira dhinaca Dastuurka iyo Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha balse goor dambe ayay xildhibaanadu ogaadeen in Madaxweynuhu uu doonayo in uu khudbad ka jeediyo Golaha Baarlamaanka kaas oo la sheegay in ay si aad u soo dhaweeyey balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid uu kullan la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanada oo uu kala hadlay khilaafkaan sii xoogeystay, iyadoo afhayeen u hadlay madaxtoonyada uu sheegay in saacadaha soo socda la dhameyn doono khilaafka Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, hase yeeshee hadalka ka soo yeeray afhayeenka ayaa meesha ka baxaya maadaama Madaxweyne Shariif uu xubnaha Baarlamaanka ka codsaday in ay go’aan rasmi ah ka qaataan Xukuumadda Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid oo uu ku dhaliilay wax qabad la’aan.

“Aniga is ma haysano Ra’isul Wasaarhaa, is ma haysano Guddoomiyaha Baarlamaanka ee waxaan ka aamusi kari waayey Xaaladda uu dalku marayo, waana waajib i saaran inaan aqbalin waxyaabaha qaarkood” ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay in uusan aqoonsaneyn Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka isagoo sheegay in aan lagu magacaabin Wareegto madaxweyne isla markaana uu dastuurka cusub yahay mid luminaya masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Kal hore ayay ahayd markii Madaxweynaha uu sheegay in uu xilkii ka qaaday Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid hase yeeshee Cumar C/rashiid waxa uu xil ka qaadistaasi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn oo aan loo soo marin dariiq rasmi ah waxayna taasi keentay in Madaxweynuhu ka laabto go’aankaasi balse waxaa hadda muuqata in xil ka qaadista Ra’isul Wasaaraha uu u adeegsado Golaha Baarlamaanka oo xubno ka tirsan Baarlamaanka ay si weyn uga soo horjeedaan Xukuumadda Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaraha uu beri isna doonayo in uu khudbad ka jeediyo Golaha Baarlamaanka si uu faahfaahin uga bixiyo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo isaga waxa uu ku saleysan yahay iyo arrimo la xiriira dastuurka qabyada ah ee dhawaan ay soo bandhigtay Dowladda Federaalka.

Dhinaca kale qoraalo iska soo horjeeda ayaa manta iyana loo qaybiyey golaha Baarlamaanka, mid waxa uu ahaa mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaare Cumar Crashiid halka midka kalana uu ahaa mid lagu radinayo Mooshinkaasi kaas oo lagu tilmaamay mid sharci daro ah, waxaana qoraalka looga soo horjeedo mooshinka uu ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxaana muuqata in khilaafka u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha uu marayo meeshii ugu sareysay iyadoo beesha Caalamkana ay indhaha ka fiirsaneyso waxa ka socda Magaalada Muqdisho ee ku aadan khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Halkan ka akhri Mooshinkii loo qaybiyey Baarlamaanka iyo Jawaabtii Cumar C/rashiid

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail   amiinkhasaaro@hotmail.com

. Beesha Caalamka oo dib u dhigtay kullan Xildhibaanada Baarlamaanka ee Codka Kalsoonida loogu qaadi lahaa Cumar Cabdirashiid

. Maxaa ka jira In Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay Ereteriya ka codsadeen in ay ka qayb qaadato Xal u helida Somaaliya

Wareegtooyinkii Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan ku dalbadeen in Dastuurka la ansixiyo ayadoo aan loo qaadin Afti Dadweyne

Wasiir ka tirsan Xukuumadda FKMG oo ku Baaqay in Sharmarke uu is Casilo

Muxuu Salka ku hayaaKhilaaf Mar kale soo kala dhex galay Sheekh Shariif iyo Cumar C/Rashiid

Dastuurka cusub oo Khilaaf ka dhex dhaliyey Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.