Home » Warar »

Muqdisho: Warbixin Jaamacadda Xamar

Drs. Muumino Sheekh Cumar: “Jaamacadda Xamar waxaa loo aasaasay daboolidda baahida waxbarasho ee Soomaaliya waxaana lagu dhigaa Manhajkii Jamacaddii Ummadda”

Jaamacadda Xamar oo la aasaasay 15-kii May 1999-kii, ayaa waxaa aasaasiddeeda iyo Fikradeeda lahaa Proff Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo isagu ka mid ahaa macallimiintii wax ka dhigi jiray Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo sawirada

Faarax Qare, waxaa uu Jaamacadda Xamar ka soo noqdy guddoomiyaha jaamacadda iyo Bare waxa ka dhiga isla jaamacadda. wuxuuna door muhiim ah kasoo qaatay sidii jaamacaddaas ay u taabbo-geli lahayd, isagoo jaamacadda u suurogeliyay inay xiriirro la yeelato jaamacadaha kale ee ka jira dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Jaamacadda Xamar oo ay dhigtaan illaa 400-arday, ayaa intii ay jirtay waxaa ka qallinjabiyay, Toddoba dufcadood, waxayna markii dambe isku badashay Shirkad saamiley ah, oo ku dhaqmaysa Qaanuunka Aasaasiga ah, waxaana Saamileydaas ay isugu jiraan rag iyo dumar.

Drs. Muumino Sheekh Cumar oo ah Guddoomiye ku xigeenka Maamulka ayaan wax ka weydiinnay, xilli ay jaamacaddu u diyaargaroobaysay furitaanka waxbarasho sannadeedka 2010/2011, waxayna sheegtay in sababaha jaamacadda loo aasaasay ay tahay inay daboosho baahida waxbarasho ee ummadda Soomaaliyeed.

“Jaamacaddu waxay raacday manhajkii waxbarasho ee jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed, waana midda aan kaga duwannahay jaamacadaha kale ee dalka ka jira” ayay tiri Drs. Muumino oo intaas sii raacisey . “Jaamacaddu, waxay ka kooban tahay lix kulliyadood oo kala ah: shareeca Wal iyo Qaanuun, Sharciga, Dhaqaalaha, Maamulka iyo Maareynta, Dhaqaalaha Islaamka iyo Luqadaha.”

Guddoomiye ku xigeenka Maamulku waxay intaas ku dartay in Jaamacadda ay wax ka dhigaan, macallimiintii hore ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo isugu rag iyo dumar, waxay kaloo sheegtay in jaamacaddu ay ka mid tahay jaamacadihii ugu horreeyay ee dalka laga aasaaso markii ay dhaceen dagaallada sokeeye.
Mar aan wax ka weydiinnay bal inay saameyn ku yeesheen Jaamcadda dagaallada ka socda dalka, ayaa waxay tiri: “Dagaalladu saameyn ayay nagu yeesheen waayo, haddana waxaa dhigta 400-arday, balse intaas ka badan ayaa horay u dhigan jiray.”

Dr. Muumino ayaa sheegay in ardayda ka qalin-jabisey Jaamacadda ay u raadiyaan fursado shaqo, kuwa doonaya inay waxbarashada sii wataanna ay ku xiraan jaamacadaha kale ee caalamka si ay aqoontooda u sii Balaariyaan

“Waxaan xiriir la leennahay jaamacadaha ku yaalla dalka Taliyaaniga, gaar ahaan Roma, Padova, Verenze iyo Bologna, iyo kuwa gudaha dalka ku yaalla oo ay ka mid yihiin, kuwa koonfurta ku yaalla, Somaliland iyo Puntland, waxaana isdhaafsanaa, aqoonta,” ayay tiri Dr. Muumino oo sheegtey Intii jaamacaddu dhisnayd ay ka qaybgaleen siminnaaro loo qabtay Macallimiinta wax ka dhiga Jaamacadda iyo ardayda kuwaasoo ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa waxayna sheegtey ujeedooyinka looga qaybgaley Siminaaradaas ay tahay si kor loogu qaado aqoontooda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.