Home » Faallo »

ONLF ma aha cilmaani


Acww dhamaan umadaha muslimiinta ah guud ahaan gaar ahaana umada Soomaaliyeed ee A/Bari. Sida la wada ogyahay Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya (JWXO) ayaa dagaal xornimo doon ah kula jirto gumeeysiga gaamuray ee itoobiya. Dagaalada lagu diidan yahay in loo hogaansamo damaca gumeeysiga ee aay umada Soomaaliyeed gashay guud ahaan gaar ahaana reer Ogaadeenya  ayaa ah mid taxana ah oo aan marna joogsan.  Waxaa doqonimo iyo  nasiibdaro ah in Soomaalidii xorta ahayd in ka badan 50 sano maanta in badan dowlad ama maamul goboleed ha sheegtaan si toos ah maamul, militari, dhaqaale iyo siyaasad ahaanba hoos tagaan cadow aan u jeedo kale lahayn oo aan ka ahayn hoos keenida Soomaalida xukunkiisa kana hor istaago Soomaalida in eey dad iyo dowlad ahaanba u jiraan.

Qoraalka maqaalkan waxaa igu xanbaaray markii aan dhageeystay jawaabo culimo in badan Ogaadeenya asal ahaan ka soo jeedaan  ka bixiyaan marka wax laga weeydiiyo halganka JWXO wado. Sida hadaladooda ka muuqata marka aay waayaan cilid kale oo aay halgankaa ku duraan waxeey ku sheegaan in ONLF tahay cilmaani. Ukuur gal ka dib waxaa cad in culamadaa gabeen waajibkii iyaga kaga aadaanaa u gargaarida umadaa gumeeysiga ku hoos dhiban oo taageero muuqata iyo mid aan muuqanba geeysan. Shaqsi ahaan ilaa iyo maanta ma jirto wax aan xusi karo oo  culamadaa dhulkaa ka soo qaxay ka dibna aqoon diin iyo dhaqaale aduun helay ku kaalmeeyaan dhibanayaasha Ogaadeenya ku nool.  Taa badalkeeda waxaa dhibta in eey maqlaan ama wax laga weeydiiyo dhibaatooyinka dhulkaa ka taagan ka dibna si dhibsi ka muuqata jawaabo aan habooneeyn ka bixiya. Kama wado in qabiil ahaan dadkaa ugu gargaaraan, waxaase waajib diini ah umadba umada ka dhib badan samata bixintooda muhiimada koowaad la siiyo. oo ay intaa u dheer tahay iyagoo (wadaadada) dhulkaa gumeeysiga kaga soo cararay loogana fadhiyay in aanay iloobin.

Hadii aan u soo noqdo nuxurka qoraalkan waa maxay micnaha erayga cilmaani?, Cilmaani ayaa ah shaqsiga aaminsan “in uusan Alle jirin, nolashu maadi (beeyadu abuurtay) tahay rasuuladuna dhamaantood beenaalayaal yihiin “ si kale hadii loo dhigo shuuciyada ayaa lagu sheegaa in cilmaani yihiin. Kol hadii fasirka micnaha cilmaani sidaa yahay waa kuma raamooleeyda ONLF.

Madaxda, xubnaha iyo taageerayaasha JWXO ayaa dhanaamtood ah muslimiin ahlu toowxiid ah, Alle iyo rasuulkiisa SCW aaminsan, soomaalina ah. Intaana u dheer tahay iyagoo har iyo habeen hor taagan gumeeyste masiixi ah oo raba in uu umad muslimiin ah duleeysto. Sh Ibraahim Cabdalle (Allaha janadii ka waraabiyo), caalim xaga diinta ahaana mid ka mid ah aasaasayaashii ONLF biloowgii 1984 burburkii Jabhada Soomaali Galbeed ka dib oo aan kula kulmay Finland 2007 ayaan maqlay isaga oo leh dagaalka Ogaadeenya ka socda waa mid u dhaxeeya kaniisad iyo Masaajid isaga oo markaa ula jeeday in itoobiya masiixi gumeeyste ah tahay Soomaalida Ogaadeenyana Muslimiin diintooda, dalkooda, nasabkooda iyo jiritaankooda difaacanaya. Rasuulka CWS wuxuu xadiith ku yiri ruuxii la dilo isagoo hantidiisa (Diintiisa, dalkiisa, ehelkiisa iyo maalkiisa)  difaacanaya waa shahiid. Oo diinta waxeey ehlu naar ku tilmaamtay qofka dhabarka jeediya hadii lagu soo gardaroodo.

Culumo ku sheeg uu horkacayo Sh. Ibraahim dheere inta aanu  itoobiya is ku dhiibin ka hor ayaa  is ku dayday in fatwo ONLF lagu gaaleenayo la helo kulana kulmay  magaalada barakeeysan ee Makka shiikha caalimka Soomaaliyeed Sh. Shariif C/nuur ka dibna ka codsatay shiikha in gaalnimo jabhadaa dusha looga tuuro. Inta aan wax kale la gaarin Sh. Shariif C/Nuur doowr su’aalood oo diini ah oo ay ka mid tahay ONLF ma kaniisad ayeey dhiseeysaa mise masaajid hadii eey dalka xoreeyso ayuu weeydiiyay Ibraahim Dheerana ku jawaabay masaajid. Halkaa Sh C/nuur wuxuu ugu sheegay kooxdii in ONLF lagaaleeyo raadineeysay in raganu xaq u dirir yihiin gaalnimana meel ka soo galin. Soo gaabiyoo ONLF halkan Alle wuu ugu gargaaray ka dib markii Sh C/nuur uu soo saaray Fatwadii xaqa  ahayd oo lagu taageerayay halganka jabhadaasi wado.

Is ku soo duuboo in jabhadani cilmaami lagu tilmaamo ayaa  ah mid baadil ah oo aan sal iyo raad toona laheeyn. Jiritaanka jabhadan muujisay adkeeysiga, ku sugnaanta ujeedooyinkeeda iyo ka magangalka cudurara baabi’iyay jiritaankii Soomaaliya ayaa ah fursad hadii Soomaalidu dhinac is ka dhigto qabyaalad wax ku cabirka isla markaana si dhab ah u taageerto keeni karto in nasabka soomaaliyeed ka magan galaan dhibaato danbe oo itoobiya u geeysato shacbi Soomaaliyeed maadaama hadii ONLF ku guuleeysato xoreynta Ogaadeenya keeneeyso in itoobiya dib loo riixo in ku dhow 2500km.

Asad C/salaan

muumin2008@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " ONLF ma aha cilmaani "

  1. mohamed says:

    Salaan-kadib, ONLF waxay Dagaal kula jiraan Dowlada Ethiopia, oo,uu-Hogaamiyo nin Kaafir ah islaamkana aad uneceb, ONLF sida aan maqlay Nin aan tukanin kuma jiro gaar ahaan Ciidamada qalabka sida, Marak waxaan odhan karaa waa Dagaal udhaxeeya Gaal iyo islaam

  2. a/c anigoo ah abdirisaaq sheekh ali ninka tiriyey maansada kore anoon hordhicii dhamayn ayey dir igaga dhacday gacantu waxaan somali-talk maamulka usheegayaa gabagani waa taariikhi intaasna kuma dhana wuxuu si qoto dheer uga hadlay heshiiskii dhexmaray itoobiya iyo nimankii itixaadka ahaan jirey ee magacii somaali galbeedna iska qaatey su’aasha cilmaaniga waxay kujirtaa gabayga laftiista , in sha allah hadii aynu is barano waxaan jeclahay inaad bogga kore ku soo qortaan gabayganm oo dhamaystiran
    waanan idiinku hambalyeyn kaalintiina wadiyadeed ee muuqata

  3. waxaan halkan kasalaamayaa maamulka somali talk oo ah runtii dad somalinimadu ku weyntahay oo waadaniyiin ah taariikhdaana qori nin walba wuxuu yahay hadii aan u soo laabto su’aashii editorku inoo soo bandhigay

    Ninkii dhagar maleegee amay dheefi yara leexin
    Taariikhdaa koley dhigi wuxuu moodi dhalanteede
    Halgan dhaba dadkii soo waddee uu dhab yahay koodu
    Dhibbaan uga hadhaayaa marnaba taa ma dhihin jeere
    Inkstoo cid kuu dhiibatiyo ayna dhicin saasu
    Dhabalyuuda magacaad siddaan uu dhac yahay kaasi
    Dhulna wuu ka weynyahay waxay dhowr nin gadataaye
    Somalaa dhammaan wada degtoo una dhexeyaaye
    Hadii dhururi aad qaadatiyo dhuuni lagu doorsan
    Maba soo dhawaateen markay taasi dhicilayde
    Adoo ceeb dhafoor taabasha ah aad dhexda u taalo
    Kuwa dhallan rogaaye sharciga dhiiri gelin taada
    Ma dhib hore ayaa jirey tolow way ku sii dhumine
    Waxaad shalay dhahayseen hadaad maanta kaba dhaaran
    Dhabal faysba weeyaan (double face ) runtii saad u dhaqantaane
    \
    Xaqiiqadda dhankiinaan caddayn dhowr tusaalaba e
    Dhafaruur ragbaa weli cunoon dhiibin qorigiiye
    Kuwii aad cilmaaniga dhahdeed siidhagrina maanta
    Dharkayn iyo dhamaajay midduun hooski dhici jiife
    Dharna kama huwanayaan xagaa ama dayro dhaafkaba e
    Timirtii dhamaatiyo waxaad doolar dhuranaysay
    Iyagoo dharaarabaa qadaad dheef ka qaddiseene
    Waxaad caraba maal kaga dhacdeen waa dhibbaa jira e
    Dhaqaalaha aduunkee lumee hoos u dhicid keenay
    Muxsiniin dhawaaqaa batiyo daal ku dhacay maanta
    Dhakafaar ka qaadiyo mindhaa dhuubkan lala meeri
    Kolkay dhacanta saareen ama rag kale dhababay ceelkiiba
    Waadigaa is dhiibee Ayale hoos dhabbaca jiife
    Dhankanaad qorshaha goosateen dhaashibaa jira e
    Dhallaankaba badhbaa xeedhyaa dabadhabeeyaaye
    Carabiga dufeyl lagu dhahoon dhawrsan abidkoode
    Dhabaqsigu ma fiicniyo inaad reer ku dhaqataane
    Dhayal how malaynine middani waa dhunkaal sun ahe

    Haddii uu khilaaf idin dhex maray kooxa kula dhiiga
    Dhangad iyo markay kula dheceen dhebi ushisiiba
    Waxa dhaliyey bay kow ka tahay dhuumashada qaare
    Inaad dhabar adayg tay ahayd oodan dhaadhicine
    Dhagaxbuur shiniiliyo jigjiga doollo dhinacooda
    Qabridahar anaa dhicin adoo meelo kaga dhaatey
    Adigoon dhulkii qaarba helin ama dhamaantiiba
    Sideebuu jihaad uba dhammaan waa kii dhab loo wadaye?
    Itoobiya dhankeediyo haddaan taana yara dhowro
    Dhifaydh iyo wixii ruul la yidhi yaa sidaa dhigiye
    Ku dhaliili maayoo runtii waa dhaqan dawliya he
    Haddalada ku dhaawici siday ugu dhwaaqeena
    Runtii waan la dhacay weedhahaas qaabki loo dhahaye
    Wadaajay ka dhaadhici cagtaan dhawrsan abidkeede

    Haddii dheeha cadaw qaadaayoo oo la dhacay maalin
    Dhuumbuurka buuxiyo rasaas midkaa dhiibey qorigiisa
    Isagoon dhufeys uba galeyn jeerna dhinac rooraynin
    Inuu dhebi hashiisii helaa waaba dhalanteede
    Mise dheemish baa jira dadkee yuu ku dhicin geela ?

    Dhabbe uu imam jeexay oo dhir kaba gooyey
    Dhibaatadu intaa soo jirtoo dhiigna kuba daatey
    Halgan dhaba qofkii kiisu yahay ee u dhalandhoola
    Ma dhawaysto guushaba inuu dheel ku halayaaye
    Haddii aad dhaankaagii hurtoo dheefi kuba qaaday
    Taarikhuhu waxbay dhiggi intaas oo dhita u yaale
    Somalina waxaan loodhanayn kii iskala dhuunta
    Inuu dhaqangalaa waaba been oo waa sidii dhado e
    Inay dhalin Illaahba og iyo ama dhiillo sii badane
    Dhaliil haba jirtee ragbaa dhaar ku maray taase

    Ninki dhimira laa maansadan dhuuxi say tahaye
    Dhayal haw malaynine murtidu waa mid dhumuc weyne
    Anoo sababa dhowraba dartood kuugu yara dhaafi
    Oo aan nukleer kula dhacayn dhimasha keenaaya
    Oo dhaqan in badan xeerinoo dhidibna kuu aasin
    Ama aan dhursi xaajadaa kobtii dhabarka loo saaro
    Inaan dhiggo halkaasaan rabaa maanso igu dheere
    Adiguna sii dhuux u qiro dhaarshilbaa jirae
    Hadii kale dhirbaaxadu in badan waan ku dhabanayne

    By abdirisaaq sh ali

    Waxaa tiriyey maansadan abdirisaaq sheekh

  4. Jawle says:

    ONLF koleey urur islaami ah maaha waa urur aan islaami ahayn ee dimuquraadiyad raadinaya iyo siduu xornimo ugu heli lahaa dhulkaas isagoo u maraya qawaaniinta maraykanku raaliga ka yahay isla markaana qeyb ka qaadanaya dagaalka lagula jiro argagixisada sida ay gaaladu u taqaan.

    maadaama aysan isdhiibin wey dhaamaan uwslf oo iyadu gaalo isku dhiibtay shacab badan oo raacsanaana gaalada u hibeysay.

  5. khadra says:

    ciid wanaagsan walaal kuwan ONLF kusheegaya cilmaani culimo ma,aha ee waa calooshood ushaqaystayaal . maxay ayaku u.aqbaleen dastuurka Etoobiya ee dhamanba duudsiyaya shacabka somaliyed ee dagan dhulka Ogadenia . markaa kuwan culimo ma,aha ee waa ragii Al itixad kahadhay ee canacsiga xirfada uleh dhandooniba ha ahaadee. waxkasta oo ay u arkaan in uu danta markaa ayrabaan ujanjeedhana waa ”LAJIIFIYAANA BANAAN” wataase yaa ONLF kaculimo badan ,ka akhlaaqbadan , mujaahidnimana waaba layaqaan ONLF cadawguna waa ogyahay , itixaadse wakuwaa maanta hilibka duufarka Melez lacunaya ee INSHI GETAA leh .

  6. ahmed says:

    ACWW dhaman shaqalaha iyo editor ka webkan salan kadib walaalayaal kuwii ONLF waligood ku eedaynjiray in ay ONLF xiriirlaleedahay cadawga iyagoo og in cida kaliya ee cadawgu kabaqo ama uu u arko xonima doon ayaa ayakii saas lahaa maanta cadawga iskudhiibeen oy lasoosafteen ciidanka cadawga (al itixaad). aakhirkiina waxaa cadaatay cida munaafaqa ah ee cadawga aalah iyo umada soomaaliyeed lashaqeeya waxayna noqdeen kuwa labaxay uwslf (itixad) oo waliba waxa ay ba kagadareen lashaqaynta cadawga iyo isdhiibida waxa ay ku been abuuranayaan kitaabka eebe oy dhahayaan in aan Ethiopia isu dhiibno ilaah ayaa ina faraya oo daciif ayaan nahay waqtigan . iyagoo ujeedadooda kaliya ay wataan ay tahay ONLF may cadawga isu dhiibto maxay u halgamaysaa oo sumcadan iyo taageeradan ay kuheshay . xin wadaad ayaa lagabartaa layiree waxa uu xinka iyo tartanka afka ah ee ay ONLF kulajiraan ay kukaliftay in ay Qur,aanka iyo Xadiiska ay been kasheegaan oy ku garab istaagan cadawga gaalada ah ee gumaadka kawada dhulka S/OGADENIA . waxa kaliya ay ilaa hada ka faa iideense waa in ay sumcadii iyo akhlaaqdeen culimo laguyaqiin ay lumiyeen . halgankuna waa soconayaa kor ayuuna usiikacay runtii . guushana gobanimadoon kaa leh gablankana kuwa cadawga isudhiiba iyo gumasiga madaw insha allah waana taariikh soojireen ah taasi walaalayaal ..

  7. raage says:

    salan , ( cilmaani) ma aha gaalnimo marka hore , oo waa hab ay yurub ku dhaqanto kadib markii nidaamkii fiidalismka gabaabsi soo istaagay kadib markii ay ku dhaqmaysay 600sano, waxayna qaadatay nidaamka hanti goosadka ah , taasi waxay keentay in ay kala saaraan hab geedi socodka aabamaha nololmaalmeedkiisa oo isagu jaan gooyo , sidaasna ku samaysteen xukuumad , baarlamaan , maxkamad . taasi kuma ayna sheegin in sida soomaali u fasiratay in cilmaani tahay in diinta laga baxo . ta ku saabsan onlf way ka fogtahay sida ay soomaali u taqaano (cilmaani ).
    waxaan ku koobi faaladan gaaban cimi yaraani daw ayay kaa tuurtaa.

  8. rabaax says:

    asc umada soomaliyeed dhamaan gaar ahaan qoraaga maqaalka asd c/salaam iyo qoraaga webka somalitalk kadib walaalkay wuxuu cadeyay sidii xaqa ahayd onlf masiday sheegaan dadka wax magaradka ah iyo kuwa xasadku dilay sida walaalkayba sheegay mise sida xaqiiqda ah xaqiiqda onlf waa urur islaami ah difaacaya diintooda dalkooda dadkooda waana mid waajib ah taas diintaana cadaysay qaqnimadooda waxaa kale oo kutusin hormarka ay gaadhayaan maalin walba baadil horay uma socdo ilaahay ayaan cadeeyay (إذا جاءالحق و زهق الباطل ) dhamaan waxaan leeyahay ciid mubaarak muslimiinta