Home » Warar »

Xarakada Alshabaab oo sheegatay Weerarkii garoonka iyo Warsaxafadeedyo AMISOM, IGAD, UN iyo DFKMG

Warsaxaafadeed ay wada jir u soo saareen AMISOM, IGAD  iyo UNPOS

Warsaxafadeedka wadajirka ah oo ay soo saareen AMISOM, IGAD iyo UNPOS ayey ku sheegeen in markii weerarka alagu qaaday Garoonka Muqdishu ay Muqdisho ku sugnaayeen Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Dr Augustine P. Mahiga, wakiilka guddiga Midowga Afrika u qaabisal Soomaaliya  Ambassador Boubacar Diarra iyo Kipruto arap Kirwa oo IGAD u qaabilsan nabadda iyo dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya. Waxaan ala sheegay in la kulmeen madaxweynaha DFKMG Shariif Axmed. Warsaxafaadeeku waxa uu sheegay in 2 askari oo AMISOM ay ku dhinteen, saddex kalena uu soo gaaray dhaawac halis ah iyo dad shacab ah. Waxayna cambaareeyeen qaraxaas. (Akhri Warsaxafadeedka)

Dhanka kale Afhayeenka AMISOM Major Barige Ba-Hoku ayaa sheegay in garoonka diyaaraduhu uu weligiis ahaa meel yool ah oo ay filayeen in la soo weeraro, weerarkii maantana ay caabiyeen, waxana uu sheegay in AMISOM u joogto in ay difaacdo DFKMG  iyo dadka Soomaaliyeed, oo ay arrintaas sii wadi doonaan, waa siduu hadalka u dhigay’e.

Sidoo kale waxaa weerarka warsaxafadeed ka a soo saaray DFKMG oo sheegtay “Labo ka mid ah Askarta AMISOM iyo Sedex Shacab ah ayaa ku geeriyooday intii uu socday Weerarka, iyadoo Hal Askari oo Boolis ah uu dhaawac fudud ka soo gaaray halka 3 ka tirsan Ciidamada AMISOM uu iyana dhaawac soo gaaray.” Hoos ka akhri warsaxafadeedka oo dhamaystiran.

Alshabaab oo Sheegatay Weerarka Garoonka…

Halkaan ka dhageyso cododka Afhayeenka oo dhameystiran

Arintaan ayaa ka danbeysay ka dib markii xarakada Alshabaab Mujaahidiin ay weerar ismiidaamin ah ku qaaday gudaha garoonka diyaradaha ee Aadan cadde international airport xili uu magaalada Muqdisho ku sugnaa walkiilka gaarka ah ee xooghaayaha qaramada Midoobey ee dalka Somaliya .

Waxaana arintani dhacaday markii laba baabuur oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa midkood uu isku qarxiyey irida hore ee Garoonka, kii labaadna uu galay gudaha, waxaana wararku sheegayaan in uu mudo kooban is difacayey waxaana saarnaa laba babuur rag la sheegayin ay ku hubeysnaayeen waxyaabaha la isku qarxiyo kuwaas oo ku labisnaa dareeska ay qaataan ciidamada dowlada fadaralka KMG Somaliya .

Ragaan ayaan isku qarxiyey meel u dhaw halka diyarada dadka sugayaa ay fadhiistan waxayna rabeen baa la leeyahay in ay isku qarxiyaan gudaha garoonka oo uu ku sugnaa ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay Agostina mahiga oo la sheegay in uu si nabad ah uga duulay garoonka diyaradaha Muqdisho qaraxa ka dib , wararkii ugu danbeeyey waxay sheegayaan in u gaaray magaalada nairobi ee dalka kenya waana markii 3 sadaxaad ee Muqdisho uu yimaad mido maalmo gudahood ah .

Weerarkan oo ay ka caroodeen ciidamada Midowga Africa ee AMISOM waxaana wararku shegayaan wixii ka danbeyey xiliga isqarxintu dhacday oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 2 ka mid ah ciidamada ka socdo dalka ugaandha iyo tiro kale oo Somali ah ay bilaabeen ciidamada midowga Africa ee AMISOM in ay Magaalada Muqdisho u qeybiyaan madaafiic kala duwan taas oo noqotay mid ka mid ah duqeymihii ay la kulmaan dadka reer Muqdisho.

Qaraxyadaan ismiidaaminta ah ayaa waxaa ku geeritooday inta la xaqijiyey 3 ka mid ah ciidamada ka socdo dalka ugaandha halka qaarkalana uu soo garay dhawacyo kala duwan waxaana sidoo kale waxyeelo dhimasho ah ay soo gartay qaar ka mid ahaa haween halkaa ka tuugsada oo sidoo kale nin ka mid ahaa shaqaalaha shirkad adiyaradaha ayaa isne ku dhintay.

Afhayeenka Alshabaab ayaa sheegay in ragaas ismiidaamiyey ay sii mareen oo ay jiireen laba albaab oo waaweyn ayna gudaha u galeen garoonka diyaradaha. Xiligaana waxaa ku suganaa cidamada Midowga Africa ee AMIOSOM iyo wafdi heer caalami ah oo uu hogaminayey wakiilka gaarka ah ee xooghaayahay guud ee qaramada Midoobey Dr agostina mahinga oo u kala dabqaadayey madaxweyna dowlada fadaralka KMG somaliya iyo raiisal wasaare Cumar cabdirashiid Cali Sharma’arke oo khilaaf soo kala dhex galay.

Afhayeenka xarakada Mujaahidiinta Alshabaab sheekh Cali Maxamed Raage ( sheekh Cali dheere ) ayaa shir jaraa’id qabtay DHEGEYSO….

[audio:https://somalitalk.com/web/wp-content/uploads/2010/09/garon_2010.mp3|titles=weerarkii Garoonka Muqdisho]

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666 / 00252-0699-907666


Warsaxafadeed ka ka soo baxay DFKMG

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD oo booqday Muqdisho ayaa la kulmay Madaxweyne Shariif.

Muqdisho: Wafdi Caalami ah oo heer sare ah oo ay ka mid ahaayeen Ergaga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Boubacar Diarra Fududeeyayaha Urur Goboleedka IGAD Kipruto arap Kirwa ayaa soo booqday Muqdisho, waxayna la kulmeen Madaxweyne sh. Shariif Sh. Axmed

Madaxweyne Shariif iyo Ergadii Beesha Caalamka ayaa isweydaarsaday aragtiyo ku aadan xaaladda amaan iyo mida siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sidii horey loogu sii wadi lahaa, gaar ahaan doorka ay ka qaadan karaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD.

Madaxweyne Shariif ayaa u sheegay Wafdiga in dowladda KMG ah ay iska caabisay Olalaha xasilooni darada lagu abuurayo ee kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab iyo sidoo kale sidii loo dhiirigelin lahaa sharciga iyo hanaanka dimoqraadiga ah, waxayna intaa kadib Wafdigii ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD dib ugu laabteen magaalada Nairobi.

Dowladda Soomaaliya oo si weyn u cambaareysay Weerarkii Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Madaarka Muqdisho.

Muqdisho: Labo Gaari ayaa soo gaaray Albaabka Madaarka Muqdisho, kii ugu horeeyay wuxuu ku qarxay Albaabka, iyadoo ay ka soo dageen 4 ismiidaamiyayaal ah Gaarigii labaad, ayna si aan kala sooc lahayn ugu fureen Rasaas, islamarkaana xoog ku gudbay, waxayna isku qarxiyeen Albaabkii labaad, midna uma helin fursad uu ku galo gudaha garoonka labadii ismiidaamiyayaal.

Labo ka mid ah Askarta AMISOM iyo Sedex Shacab ah ayaa ku geeriyooday intii uu socday Weerarka, iyadoo Hal Askari oo Boolis ah uu dhaawac fudud ka soo gaaray halka 3 ka tirsan Ciidamada AMISOM uu iyana dhaawac soo gaaray.

Wasiirka warfaafinta mudane C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa yiri, “ Dowladda Soomaaliya waxay si aad ah uga xun tahay geerida ku timid 3 da Shacabka ah iyo 2 Askari ee ka tirsan Ciidamada AMISOM ee weerarkii Ismiidaaminta ahaa ku dhintay, kaasoo ka dhacay garoonka Muqdisho, Dowladdu waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Qoysaskii iyo Eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas Shacabka ah iyo Askarta, waxayna u rajeynaysaa kuwa dhaawaca ah in ay bogsoodaan, waxaanu aad u danaynaynaa taageerada iyo Naftii hurnimada mararka qaar ay sameynayaa Askarta Midowga Afrika ee Soomaaliya u yimid in ay na caawiyaan”.

“Xirfadda Askartan iyo Shaqada wanaagsan ee ay qabanayaan iyadoo ay la socdaan Ciidamadeena oo ay Argagixisadu u caalweysay ayay bilaabeen in ay weeraraan meelo aan bartilmameed ahayn, Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay si degan gacanta ugu hayaan caasimada iyagoon eegayn Weerarada isdaba jooga ah ee Al shabaab.

“Al Shabaab waxay iska indha tireen baaqii Madaxweynaha ee ahaa in Shacabka Muqdisho loo ogalaado in ay si nabad ah ugu dabaaldagaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxay si cad uga bilaabeen guud ahaan caasimada Shaqaaqadii, Dilkii iyo Dhaawacii shacabka iyo sidoo kale Askarta, waxba ma soo kordhin aan ka ahayn Argagax, Baqdingelin iyo in ay wasaqeeyaan Dhaqankeena’.

English Version READ

Wasaarada Warfaafinta, Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.