Home » Warar »

Wararkii ugu dambeeyey khilaafka u dhexeeya Sheekh Shariif iyo Cumra C/rashiid

iyo Guddoomiyihii baarlamaanka SHariif Xasan oo taageeray mawqifka uu dastuurka ka istaagay Ra’isul Wasaaraha DFKMG….

Waxaa maalmahan warbaahinta gudaha iyo dibadda si aad ah u hadal hayeen khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cumar C/Rashiid, waxa uuna khilaafkaasi keenay in qaybo ka mid ah warbaahinta ay isku dhaafsadaan hadalo sii kicinaya khilaafkooda waxaa khilaafkaasi markiiba la sheegay in uu soo kala dhex galay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Agostino Mahiga iyadoo maalintii shalay ahayd uu si qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana Madaxweyne Shariif la soo gaarsiiyey qoraal uu ka waday Qaramada Midoobey.

Qoraalka la soo gaarsiiyey Madaxweynaha DFKMG Shariif ayaa isugu jira labo qaybood, mid ayaa la doonayaa in lagu xaliyo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha FKMG, waxaana lagu wadaa in Madaxweyne Shariif uu maalmaha soo socda uu u ambabaxo Magaalada Nairobi si halkaasi uu kullan dib u heshiisiin ah kula yeesho Ra’isul Wasaare Cumar C/rashiid.

Waxaana kullankaan lagu wado in uu ka dhaco Nairobi garwadeen ka ah Qaramada Midoobey oo dooneysa in ay soo afjarto khilaafka labada mas’uul, qoraalka kale ayaa waxa uu ku saabsan caasuumaad uga timid Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo ku aadan in dabayaaqda bishan uu Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka qaybgalo kullanka Madaxweynayaasha Adduunka ee ka dhici doona Magaalada New York ee Dalka Mareykanka.

Markii uu soo gaaray ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mar Mahinga kadib uuna kullan la qaatay Sheekh Shariif ayaa waxaa markiiba kullan la isugu yeeray Xildhibaanada iyo Wasiirada Beelaha Hawiye oo looga wada hadlay waxyaabo fara badan oo ay ugu horeyso Dastuurka soo kala dhex galay Madaxweyne iyo Ra’isul Sharmaake, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka oo warbaahinta ka hadlay ay sheegeen in kullankaasi looga hadlay arrimaha dastuurka oo keliya balse waxa ay dafireen in looga hadlay khilaafka u dhexeeya labada mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG waxa uu ku soo beegmay xili Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay ku soo siqayaan xarunta Madaxtoonyada iyagoo manta la wareegay qaybo ka tirsan Degamada C/casiis kadib markii halkaasi uu dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamada Dowladda KMG iyo AMISOM iyo kooxaha ka soo horjeeda Dowladda FKMG iyadoo shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ay haatan qaati ka taagan yihiin dagaalada aan dhamaadka laheyn ee weli ka sii socda Magaalada Muqdisho kaas oo mar walba waxyeelada ugu badan ka soo gaarto dadka rayidka ah.

Sidoo kale khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha KMG Shariif iyo Ra’isul Wasaara KMG Sharmaake waxa uu ku soo beegmay xili ciidamada Dowladda KMG ay gadood ka sameeyeen qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyagoo ka cabnayey mushaar xumo, iyagoo waliba sheegay in la daryeeli waayey dhaawacyada ka soo gaaray dagaalada,.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo dhex dhexaad ka ah arrimaha jira ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Dowladda KMG haatan jirta uu la mid ah khilaafka horey u dhex maray Ra’isul Wasaare Geedi iyo C/llaahi Yuusuf waxayna aakhirkii keentay in xilka laga qaado Ra’isul Wasaare Geedi loona dhiibo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), balse waxaa bilo kadib is maandhaafay C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde waxayna taasi keentay in uu isaga tago Madaxweynihii hore ee C/llaahi Yuusuf, haddaba isweydiinta mudan waxay tahay haatan ma Madaxweyne Shariif ayaa daaqadda ka bixin doona mise Ra’isul Wasaare Sharmaake, waxayna wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in Guddoomiyihii baarlamaanka uu taageeray mawqifka uu dastuurka ka istaagay Ra’isul Wasaaraha DFKMG Sharmaake.

Wareegtooyinkii Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan ku dalbadeen in Dastuurka la ansixiyo ayadoo aan loo qaadin Afti Dadweyne

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Wararkii ugu dambeeyey khilaafka u dhexeeya Sheekh Shariif iyo Cumra C/rashiid "

  1. Waxey ila tahay khilaafka hadda taagan ee madaxweyne Shariif iyo Raisul wasaare Cumar inuu yahay mid ku salaysan danaha kala duwan ee ay wadanka ka leeyihiin wadama IGAD siiba Itoobiya iyo Ugandha, Khilaafka hadda la sheegayo ee Dastuurkana wuuba ka horeeyay khilaafku hadii aadba xog ogaal tihiin..

    Madaxweyne Shariif waxaa la socda Ugandha, oo ilaashanaysa mashruuceeda ay maraykanka mushaarka uga qaadato ciidamadeeda, iyo tababarada wadankeeda lagu fuliyo oo ciidamada soomaalida loo sameeyo.

    Raisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo golaha wasiirada inta badan waxaa la socda itoobiyaanka oo u arka Mashruucoodii Soomaaliya inuu gacanta u galay ugandha, iyadoo Itoobiyaanku ay doonayaan in Khilaaf xoogani uu sii jiro inta shariifka waqtigiisa ka dhamaanayo. dawladda mida shariif ka danbaysana aysan noqon dawlad AMISOM kaliya gacanta ugu jirta. Shariif Hassan waa nin tira badan qof kastana inuu la jiro u sheegaya, laakiin ninka shabaagta ku jira Hadda waa Sheekh Shariif oo aaminay Shariif Hassan, warqadii uu qorayna la soo helay. Thanks Somalitalk.

    Wadanka hadda waxaa maamula Shariif Hassan waxaana guulaysanaya meesha uu isagu la jiro, inkastoo shariif xasan Jeclaan lahaa in mar la dhahao Madaxweyne, haddana gabadhiisa waxaa qaba Sheekh Shariif,
    mida kale Shariif Xasan waxuu aad ugu dhow yahay dhanka Itoobiya. Marka waxaan dhowrnaa maalmaha soo socda waxa dhaca.
    Sheekh Shariif waxey u eg tahay inuu yahay OUT.

  2. cadaala says:

    waxaan klayaabanahy nin madaxwaynha somaliya sheeganaya oo hadana qaabkioi qabqablayaasha udhaqmaya waayo
    maalinkasta waxa uu shirinayaa beesha uu kasoo jeedo sida xildhibaanada iyo wasiirada hawiye si ay uga hadlaan sidii laga yeli lahaa cumar c/rashiid
    marka bal in ay damiir layhiin maxay u arki waayeen shacabkooda maalinkasta boqolaalku dhimanyaan may taa ka tashadaan inyta ay ka tashanayaa waxaan dani ugu jirin

    shariifka waxaan leeyahay hadii ad madaxwayne sheeganaysid jooji qabyalada iyo maalinkasta idaacadaha laga siidaynayo madaxwaynaha oo beeeshiisa kalatashanay khilaafka sdharmaake halka uu kala tashan lahaa dhibaatada sacbkooda

  3. somalitalk aadbaan idiin salaamayaa idiinkuna mahadcelinayaa.WALLEE xaaladdu siday usocoto maahan si lasii eegan karo.ina sharmaarke shaqadiisa hagarto,hana joojiyo jar iska tuurnimada iyo awoodda uusan lahayn ee isticmaalayo.hawshan waa tii madaxweynaha ,hadduu madaxweynuhuna yidhi,waxan dani shacabka uguma jirto maxay tahay waxa hadhay ee ay la or-ordayaal labadan nin ee midna ra’iisal wasaaraha ah midna gudoomiyaha baarlamaanka ah.laakiin waxaan layaabanahay waxa meesha keenaya kan gudoomiyaha ah.adeer waxa loo doortay gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ah in uu udhexeeyo baarlamaanka waxaan baarlamaankuba raali ka ahayn in uu ucodeeyo in uu dhexdabaasho maahan ee waa in uu gartaa dantiisa iyo ta shacabka iskana daayaa waxaan shaqadiisa ahayn ee dhexdabaalanayo.

  4. Xassan Yare says:

    Waxaanu la soconnaa in OLOLIHII madaxweyne Shariif in uu lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan, sidoo kale in Shariif Xassan uu soo helay Cumar Cabdirashiid oo Hotel Jabuti xooran oo raadinaya in uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya uu jago safiir ka qalqaalsado.
    Bacdamaa arrimaha dhani uu wato Shariif Xassan, waxaa cad in meeshii uu la jiro aay guuleysaneyso, sidaas darteed Shariif Xassan qorshaha uu wato waa in uu ka takhaluso Shiikh Shariif si uu kursiga madaxweynaha sharciyan
    uu ugu fadhiisto.
    Wallee shirqoolka Shariif Xassan wuu u xirgalidoonaa ee wax yar suga adinkaa maqlidoona Madaxweyne Shariif Xassan……

  5. Soomaaliya runtii waxaa ku dhacay caro alle oo aad u weyn kaddib markii ay banaysteen in bishii adduunka ugu fadliga badnayd uu dhiigu ku qubanayo Magaalo Madaxdii Dalka ee Muqdisoi , taasina waxaa keenay kaddib markii laga leexday Kitaabka Alle lana mooday Xal Dastuur iyo Qaynuun aanan Ummadda Soomaaliyeed aysan ehel u ahayn in lagu dhaqmo , Waxaannu ognahay in Ilaahay uu ku xusay Qur’aanka Kariimka Asxaabu Sabti sida uu u halaagay , iyo Qoomamkii kala ahaa Caad, iyo Tamuud, Alle waxba lama aha inuu Soomaaliya sidaa oo kale u cadaabo laakiin waxaad moodaa inay ka Aamin noqdeen Cadaabka Alle una maleeyeen in loo fasaxay inay waxay doonaan iska samaystaan, Dastuurku waxaa iga Su’aal ah Indho ma leeyahay? wuxuu u qaban waayey kuwa Dadka ku gadanaya Xabsiga dhexdiisa Maxaabiista Muqdisho ku xiran Maxkamad lama horkeeno waxaana lagu gataa Xabsiga dhexdiisa Cidii aan lacag haysana waa la Dilaa ama Xadgudubyo Aadanaha ka dhan ah ayaa loo gaystaa ,Dastuurow maxaad Ummadda u qabatay Ciidamada Shisheeye iyo kuwa DFKMG ahi Xabsiyadoodu way buuxaan , waxaan fursadani qoraalkan gaabani ku sii tibaaxayaa Soomaaliya Dastuur Cusubi waxba kama bedelayo laakiin waxay u baahan tahay Towba iyo Alle in loo noqdo iyo Dib u heshiisiin dhab ah oo waddo xaq ah loo maro , Madaxweyne , R/Wasaare , Guddoomiye iyo Xildhibaano Baarlamaan iyo Dadweyneba.waxba yaan lays xagxagan Ummaddana jahwareer la gellin. Wabilaahi Towfiiq.