Home » Warar »

Sawirada: Amiira oo dhex fadhidey goobtii lagu magacaabay Cumar C/rashiid

Sawirro ay qaaday SomaliTalk ayaa waxaa ka dhex muuqda Michele Lynn Ballarin oo dhex fadhida (13kii Feb 2009) goobtii lagu magacaabayey ra’iisul wasaaraha DFKMG Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee magaalada Jabuuti. Xilligaas Amiira waxay ahayd lataliyihii ugu horeeyey ee Sheikh Shariif u magacaabay si rasmi ah ka hor intii aan la soo dhisin xukuumadda.

Sida ka muuqata sawirada,  Michele (oo madaxda Soomaalidu u yaqaanaan Amiira) waxay dhex fadhidaa xildhibaano iyo marti kale oo fadhidey goobtii uu Sheikh Shariif ku magacaabayey ra’iisul wasaaraha DFKMG. Waxaa dadka goobtaas fadhiyey ka mid ahaa Gabre oo ah taliyihii ciidamadii Itoobiya ee xasuuqa ba’an ka geystey magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay Dec 28, 2006 – Jan 15, 2009.

Sida caadiga ah taliyaha madaxweynuhu waa xubinta ugu muhiimsan ee uu kala tashado arrimaha u baahan in laga qaato go’aan culus ama go’aan saamayn ku yeelanaya mujtamaca uu madaxweynaha u yahay.

Sawirada oo SomaliTalk.com ay qaaday maalintii Sheikh Shariif magacaabayey Cumar C/rashiid, waxay muujinayaan in Amiira oo markaas ahayd lataliyaha madaxweynaha ay si weyn uga dhex muuqatey madasha uu madaxweynuhu ku magacaabayey ra’iisul wasaaraha.

Sawirada oo kamid ahaa kaydka SomaliTalk.com ka diiwaan gelisey magacaabistii Ra’iisul wasaaraha DFKMG, hoos ka daawo:

Amiira waa tan dhexda fadhida.

Gabra oo faraxsan oo hor fadhiya Amiira

Amiira dhexda xigta midig iyo Gabre oo hor fadhiya

Sawirada waxaa qaaday SomaliTalk maalintii magacaabidda ra’iisul wasaaraha DFKMG, Amiira waa dhex fadhidey madasha.


Sheikh Shariif oo Wareegtadiisii ugu horeysey ku magacaabay Haweeney Maraykan ah in ay lataliye u noqoto..

Madaxweynaha DFKMG oo markaas maalmo yar hayey xilka madaxweynanimo ayaa Jabuuti waxaa kula kulantay haweeney Maraykan ah waxayna markiiba ku qancisay in uu u magacaabo latiyahiisa, wuuna ka yeelay…

Sheikh Shariif Sheikh Axmed markii madaxweynaha loo maalmo kooban kaddib waxa uu lataliyahiisa ugu horeeyey u magacaabay Michele Lynn Ballarin oo ah haweenay Maraykan ah si ay u noqoto La-taliyaha Xafiiska Madaxdweynaha ee Dib u Dhiska, Gargaarka Bani’aadminnmimo, Borotoolka iyo Gaarsiinta Dibedda, sidaas waxaa baahiyey barnaamij dheer oo ay ka diyaarisay Idaacadda Codka Maraykanka (VOA) oo la kulantay, waraysina la yeelatay Michele Lynn Golden-Ballarin oo madaxda Soomaaliyeed ay u yaqaanaan “Amiira”.

Magcaabistaas oo ahayd bilowgii Febraayo 2009 waxay ahayd magcaabistii ugu horeysey ee uu sameeyey Sheikh Shariif, waxayna xilligaas ahayd ka hor intii aan la magcaabin Ra’iisul Wasaaraha DFKMG. Waxaa arrintaas xitaa u qaadan waaweyey Cali Xasan Guuleed (Cali Dhoof) oo kamid ah Qurbajooga Soomaaliyeed oo la socdey Michele markii ay Jabuuti kula kulantay Sheikh Shariif, xilligaas oo 7 cisho ee keliya uu ahaa madaxweyne. Waxaa VOA magcaabisteeda u xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta ee DFKMG Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa xaqiijiyey magcaabistaas. Prof Axmed Muumin Warfaa oo xilli dambe loo magacaabay lataliyaha madaxweynaha wax war ah kama uusan ahayn ama looma sheegin in haweeneydaas ay lataliye ahayd, sida uu u sheegay idaacadda.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in sidoo kale uu Sheikh Shariif  uu haweenaydaas “u saxiixay waraaqo kale oo ay ka mid tahay mid uu kaga codsanayo inay ka caawiso xiriir dhexmara madax ka tirsan dalka Faransiiska oo uu ku jiro Madaxweyne Nikola Zarkozy.”

Warbaahinta caalamka ayaa qoraallo badan ka sameeyey haweeneydaas iyo lugt aay ku leedahay arrimaha Soomaaliya laga soo bilaabo 2006. Waxa kale oo ay ku lug lahayd la xaajoodka Burcad Badeeda ee haysatey markabkii sidey hubka ay kamid ahayeen Taangiyada iyo markabkii shidaalka sidey ee Sacuudiga.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ma ahayn mas’uulkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey ee ay la kulanto Michelle Ballarin. Waxay horey ula soo kulantay Madaxweyne Cabdullaahi Yusuuf Axmed, Ra’iisul Wasaarae Nuur Xasan Xuseen, Madaxweynihi hore ee Somaliland Daahir Rayaal Kaahin, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo wasiirro iyo madax kale. Waxay kala hadashahay qorshe ay ugu magacdartay “Organic Solutions for Somalia, ama Xal Dabiici ah oo loo helo Soomaaliya”, ayey sheegtay warbixintu.

Barnaamijkan gaarka ah ee VOA waxay ku ku eegayaan danaha ay haweenaydaasi ka leedahay dawladda Soomaaliya, Somaliland, Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo budhcad badeedda.

Warbixinta ka Dhegeyso HALKAN (mp3) ama Halkan (VOA)

Qoraalladii hore ee laga qoray Michele Ballarin hoos ka akhri:

2006: Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Federaalka oo doonayey in ay iska kaashadaan, Jariirada The Observer oo arrintaasi kashiftay (Tarjumadii SomaliTalk.com ee 2006).,

Sept 11, 2006

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Wargeyska The Observer oo ka soo baxa Dalka Ingiriiska ahna wargeysyada sida aadka ah looga akhristo dunida ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in ay soo gaareen Iimeelo iyo Fariimo uu ka helay shaqsiyaad caan ah kuwaas oo la xiriiray howlgalo Mareykanku damacsanaa in uu ka fuliyo gudaha Dalka Soomaaliya, kaas oo uu kala kaashaneyey Dowladda Federaalka ee taagta daran, waxa uuna Mareykanku doonayey in uu duqeeyo fariisimo ay lahaayeen Maxaakiimta Islaamiga ah.

Fariimaha soo gaaray Wargeyska The Observer waxay ku taariiksanaayeen bishii June ee sanadkaan, waxaana hawlgaladaasi ku jiray shirkado dhinaca ammaanka qaabilsan oo ka kala socday Wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska, mid ka mid ah fariimada Iimeelada ayaa waxaa diray haweenay lagu magacaabo Michele Ballarin oo iyadu agaasin ka ah shirkad qaabilsan dhinaca ammaanka oo fadhigeedu yahay gobalka Virginia oo lagu magacaabo Select Armor. Michele Ballarin waxay fariimahaas iimeelada ah u kala dirtay shaqsiyaad ay ka mid yihiin Cris Farina oo ka mid ah shirkad ammaanka qaabilsan oo lagu magacaabo ATS Worldwide oo saldhigeedu yahay gobalka Florida, waxayna u sheegtay in kulan ay la yeelan doonaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed kaas oo ka dhici lahaa Magalada Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana madaxweynaha laga dhageysan lahaa warbixino la xiriira dhaqdhaqaaqa kooxaha argagixisada ee ka jira Gudaha Soomaaliya, waxaa la sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu sidoo kale kulan la yeeshay Sarkaal ka socday Qaramada Midoobey iyo waliba xubin ka tirsan Shirkad amniga ka shaqeysa oo ka laga leeyahay Dalka Ingiriiska.

Dhanka kale Michele Ballarin waxay daboolka ka qaaday in ay hawgaladani ay wax ka ogeyd Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Wargeysku waxa uu sheegay in hawgaladan uu Mareykanku ka damacsanaa in uu taageero ku siiyo Dowladda Federaalka ee Taagta daran ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo.

Warbixintii SomaliTalk ee Sept 2006: http://www.somalitalk.com/2006/sept/11sept16.html

2006: US accused of covert operations in Somalia

One email dated Friday, 16 June 2006, is from Michele Ballarin, chief executive of Select Armor – a US military firm based in Virginia. Ballarin’s email was sent to a number of individuals including Chris Farina of the Florida-based military company ATS Worldwide

Read at: http://www.guardian.co.uk/world/2006/sep/10/antonybarnett.theobserver

27 September 2006: Copies of emails leaked to the Observer newspaper and Africa Confidential, presumably by British diplomats or intelligence operatives, show the United States is continuing its covert operations in Somalia.

Read at: http://www.wsws.org/articles/2006/sep2006/soma-s27.shtml

Somali Pirates Call on American Benefactor “Amira”

Michele Lynn Ballarin runs a small Virginia-based company, SelectArmor, that designs and makes body armor and provides executive protection to wealthy individuals. She has a long history of involvement in Somalia, including allegations by a respected publication — Africa Confidential — that she was helping plan military operations there in 2006.

Read at: http://www.bederwanaag.com/English_News/ A_must_read_story_somali_pirates _call_on_American_Benefactor_Amira.html

Somalia Confidential: Another Honeypot for Well-connected Con-men and the Private Military Junket, September 2006

Read at: http://szamko.wordpress.com/the-somalia-dossier/ somalia-confidential-another-honeypot-for-well-connected-con-men-and-the-private-military- junket-september-2006/

U.S. Woman Negotiating With Somali Pirates

Nov. 27, 2008 : Virginia Businesswoman Michele Ballarin Returned Just Last Week From Somalia
Read at: http://abcnews.go.com/International/story?id=6343209&page=1

Kulankii Amiira iyo Rayaale: http://www.bederwanaag.com/Images/riyale%20iyo%20wafti

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

14 Jawaabood " Sawirada: Amiira oo dhex fadhidey goobtii lagu magacaabay Cumar C/rashiid "

  1. abdi says:

    walaalayaal aad ban idin salamayaa salaan qaali ah asc, waxaan rabaa in aan mahad u celiyo bogga somalitalk oo ah bog ku salaysan xaqaa iq waxaan ku leeyahay bartaa kasii wada howsha aad u haysaan umada somaliyeed ee u baahan wax kastaba in runta laga sheego… markaan akhristay maqaalkan wa wax aan aad ulayaabay uga naxay, caro aan melna lagaarayna igu kicisay runtii wa wax aad loga xumaado in mas uul aad markaa loogu rajo weynaa oo uu lataliyijisa kadhigto qof ajnabi ah hadii runta laga sii fiiriyona aan xal u helida somaliana aan run ka ahayn,,,,, markaa in ilahaay soo hadeeyo madaxweynahan fashilmay haloo soo baryo hana loo duceeyoooooooooooooo.. wasalaamu calaykum

  2. Alle Ka baqe says:

    Waxaan aad Iyo aad u Salamaya Dhalin Yarta Somalitalk walaalayalow wax badan baad U Muujisan dadkayagan Qurbaha iyo kuwa gudahaba , wax idinla mid ah man arag oo wax qora dacaddii\
    Hadii an Eeego HABARTAN GAASHA AH ee Mafiada ah, War hadii mid dhac dhacaysa oo khamriga meelahaas u geyso dawladan Badowgani haysto waxuu odhan ila soo hadashii Obama iyo Camroon
    Baroortu argiga ka weyn , Habartan oo keliya maaha waxn meesha socda Malayin ka Badan walaahi waxa naag diin fidin iyo Hub iyo cudur ku wada dalkeena ka buuuxda
    Weli ma dhawa sheekada somalia

  3. umma says:

    waxaa dalkeena looga faaiidaystay, dadkii wadanka u dhashay oo qurbaha in ay ku noolaadaan ka doortay dad kale oo shisheeya ah ay dalka maamulaan ugana faa’daysteen su’aasha aan rabo inaan waydiiyo raggaan waajibkii saarnaa isugu keenay in qoraalada lagu soo gudbiyo website-yada. waad la socotaan bulsho walba oo wadankooda sharaf ku nool waxay uhureen natooda, kuna qanacsanyihiin in dhib iyo dheefba iimaanka ku qabaan, kan soo baxaan waajibkii Allah saaray.

    waxaan dhihi lahaa raga ku nool dalka dibadiisa diyaar ma u tihiin inaad wadanka ku noqotaan oo aad dib u soo celisaan qarankiinii iyo mustaqbalkeenii?

    misa waxaaku jireenaa day-drean iyo afwaakanaa mee lagu amaa.

  4. abd says:

    gabre tuug baa kaliita naagtan maafiyada ah, shariifna halayabina waa nin nolosha kadhacsan oo reer miyi ah, waa kaas diyaarada uun saaran…

  5. Osman Haji says:

    Akhiyaarta Ramadaan kariim.
    Hadii ay saxtahay arintaan uuna magacaabay haweeneydaan, waxa uuba jabiyey sharciga wadanka u yaala. wadankeena dustuurkiisu dhigimaayo
    in madaxweynaha iyo raisalwasaaraha wadanka lataliye ka dhigttaan qof ajinabi ah.waxa kaliyahay oo loo ogolyahay wasaaradaha iyo wixii ka hooseeya. ee sidaas ula socda. hadii ay run noqoto layaabimaayo kuwa
    hada Somaliya horboodaaya oo dhan aanba la heyn aqoon Dowladeed.
    Somaliyana maantahay waxey u baahantahay ragii iyo haweenkii Dowladnimada wax ka yaqaaney, wase imandoonaan oo waqtigeedii ayaaba lagaaray. wasalaamu caleykum

  6. Haddi aad rabtaan warbixin dheeraad oo ku saabsan naagtaas oo haysata shirkad ciidaamo calooshooda u shaqeysteyaal ah oon iibisa hub hoos ka akhriso
    http://www.sourcewatch.org/index.php?title=Michele_Lynn_Ballarin

    shirkadeeda waxa la yiraahdaa Select Armor ka fiiri google waxa ay qabato shirkadaasi

  7. Wallaahi waa wax la la yaabo anise lama yaabani inuu ina axmed haweenaydan gaasha ah u magacaabo la taliye laakinse waxaan la yaabanahay inay dadka la yaabaan sababtoo ah isaga ayaa la keensaday meesha marka waa inaad adeecdaa sayidkaaga waxa qarsoon baana ka yaab badan waxa soo muuqday

  8. abdullahi says:

    Abullahi
    walaal marka hore salaama calaykum ramadaan kariim.
    markii aan aqriyey wabixitii koob need ee ku soo baxday boga somalitalk
    aadbaan ulayaabay waxa dad madax somali sheeganaya duliga ey ku dhaqmayaan waa wax lagaxumaadu in gabar maraykan ah dalka madaxweynw katahay dadkuna u haystaan unuu dalku madax weynw leeyahay.
    waxaa amaan mudan dadka somaliyeed ee fashiliya shirqoolka loo dhigaayo umada somaliyee.

  9. Mohamed gutaale says:

    Somalitalk.waad mahadsan tihiin walaalayaal weli maan arag bog idinla mid ah taariikhdu ma bukooto halaas ka wada hawsha

    Shariifku awelba wuxuu ahaa nin inta muuqataa ay aad u yar tahay Somaliduna weli may fahmin,lakiin waa nasiib daro waxaanan la yaabayn arinta dhacday waxaa jira hawlo ka waaweyn oo ay faraha kula jireen kuwii isaga ka horeeyey waxaana qabaa in ay tiisu fashilantay,waxaase ka horeeyey rag aan wxoodu banaanka inaanin oo ay u qarsoonaayeen

    Gutaale

  10. abdirisaq says:

    naagtani waa dullaaley hubka iyo waxyaabaha xabbadda dadka ay ka gashadaan ayay iibiyaan dee meel dagaal ka socodo iyo dulaal hubeedna waa iska war qabaan cid kasta oo dagaalka ka mid ahna xiriir ayay ka sameysatey ay hub iyo wixi qalab ah uga iibinayso.
    Waxaa intaa u dheer wixi xog ah oo ay ka hesho madaxda iyo ururrada ay intaas isku xogaysana waxay kasii iibsanaysaa ha’ayadaha sirdoonka ee u baahan .
    markaa Somalidu ayada ayay u taal inay ola macaamilaan dad noocaas ah iyo in kale.
    Laakiin waxaan kuu sheegayaa sir oo dhan iyo shirqool oo dhan nin labbis ciidan wata ama garaaddo wata ama masuul ah ma qabto ee hoteellada iyo makhaayadaha shaaha ee caalamka ayaa lagu kala dhamaystaa ninki la qabsan waaya sida caalmka looga noolyahay dee baxar inuu gelaayo ha ogaado.

  11. sheikh xasan says:

    waa wax hubaal ah so omaliya fara galinta shisheeye in ay intaas kabadan tahay .. oo dad badan ay faraha kulajiraan dad kaasna waxa dabada ku wata dowladda somaliya ee uu hogaaminayo sheikh shariif .
    Michele Lynn Ballarin in badan ayay soomaliya ku wareegeysay taas na waxay u samesay soo dhoween iyo waji furnaan sheeikh shariif ay ka heshay , iyado kadareentay in ay wax walba kasameesan karto somalia

  12. Cabdalla says:

    Asalamu Calaykum
    Marka hore akhyaarta Somalitalk waxaan Rabbi uga baryayaa inuu ka abaal mariyo dadaalka ay iskugu dayayaan baraarujinta kusalaysan aragtida dheer iyo fahmidda arimaha Soomaliya ka socda ee kabaxsan Soomalida, taas oo ay kuwadaan umadda Soomaliyeed.

    Intaa dabadeed, waxaan fiicnaan lahayd meesha article-kan cusub xooga kasaaray Sh.Shariif iyo falalkiisa naive nimada ah, inuu xoogaa faahfaahiyo haweenaydaan Michelle shirkadeeda Select Armor inay hub iibiso oo waxa ay ka shaqayso tahay amni sugid aan ahayn heer dawladeed ee ah ganacsi (calool u shaqaysasho) oo macnaheedu yahay dad baa’bin. Sababtoo ah arimahaan waxay sii sahlayaan qofka Soomaliyeed inuu sii yara baraarugo oo bal isku dayo inuu fahmo, dalkaan inay iskugu yimaadeen horror-kii dunida oo samaystay horrors kale oo Maryooleey ah. Bal haweenaydaas bogga shirkadeeda ee walaalaha Somaltalk soo gudbiyeen sii booqo oo fiiri waxay iibshaan, articles-ka Englishka ahna wakhti si sii.

    Tan labaad oo xusidda mudan ee laga sii fahmayo ama kuusii caddaynaysa amaba usii baahan baraaruga iyo sii baarista waa naive-nimada dadka Soomaliyeed, yacnii waxaad dareemaysaa heerka naive-nimo ay ka gaadhay nin dal dhan loo doortay wuxuu ku kacayo, taasoo sawir kaa siinaysa arinkaan inuu yahay habdhaqan kubaahsan dadka sheegta inay matalaan ama u hadlaan dadka Soomaliyeed xag siyaasad, bulsho, diineed iyo ururo, ha ahaadaan kuwo jooga gudaha ama kuwo jooga dibada.

    Dad badan ayaa laga yaabaa inay la yaabaan ama caayo badan usoo qoraan Sh. Shariif, laakin oran lahaa miskiinkaan waxba hala yaabina, ee si fiican ugu fiirso dadka matala Soomalida badankood, waa dad aan isku kasloonayn, naive, si fudud lagu sasaban karo, badeeco raqiisana dalka iyo dalka dhan looga iibsan karo! Qaarkood waxaaba wax looga qaataa ama looga dhaadhicyaa dhoola caddayn kaliya!!!

    Laakin dadkaas dhan waxaa kasii liitta, dadka la dhacsan oo taageersan oo hadii wax laga sheego ay uburtu ka burqanayso. Waxaadse isku qancin, Rabbi ayaa kaa mid dhigay dadkaase, maxaad samayn, dee sabar, laakin baraarug!
    Wasslaam
    Cabdalla

  13. Mohamuud says:

    naagta xunta ah sawirkeeda wuxuu ku jiraa google mad soo saartaan si ay dadku u arkaan just google image waydiiya magaceeda.

  14. wadaad yare says:

    Way iska cadahey in Sh. Shariif ku qaldanyahey inuu qof ajnebi ah sidaas deg dega ah xil ugu magacaabo,wuuna ka shaleyn doonaa sidaan wareysaga ka fahmey.

    Xiriirka iyada iyo Ahlusunno ka dhaxeeya ayaan la yaabey hadana waxaan xusuustey in dalkeennu yahey dal ay duulal badan ka qaraabtaan oon cidna gacanta ugu jirin.

    Hadaba keebaa halisan xiriirka haweynadaas oo leh dawlad lagala xiriiri karo iyo meel loo raad raaco iyo xiriirka Al Shabaab iyo ka dhaxeeya Alqacida oo ka qoto dheer kana saameyn badan kan haweeneydaasi la leedahey Ahlusunna?

    Marka dawladnimada Soomaaliyeed la yiraahdo haweeneydaasi interrest kuma qabto iney somalia dawlad la,aan ahaato oo iyada iyo dawladeedaba waxba kama faa,iidayaan soomaaliya oo dawlad la,aan ah.Laakiin Alqacida waa non govermental organization ururada aan dawladaha aheyn ayuu ka mid yahey oo doonaya inuu xiriirka iyo awood qeybsiga caalamigaa ka qeyb galo isagoon dawlad aheyn. Soomaaliyana meelaha fursadahaasi ka furanyihiin oo danihiisa uu ka gaari karo ayuu u arkaa ururka Alqacida.

    Sidaas darteed haweeneydaan waxaa ka halis iyo dhibaato badan xiriirka aan qarsooneyn ee Shabaabku la leeyihiin Alqacida.
    Laakiin marba waa sidaad u aragto iyo meeshaad ka taagantahey qadiyada soomaliya oo dadkeedina ku kala dhaqaaqeen fikirka, caalamka kiisa muuqda iyo kan qarsoona lug ku yeesheen arrimihiisa.