Home » Warar »

Doorashada guud ee Iswiidhan iyo kaalinta musharaxiinta soomaaliyeed. Qaybtii 2aad

Sidii aan horey ugu soo sheegnay qormadii hore ee maqaalkan waxaa 19-ka bisha siteember guud ahaan wadanka Iswiidhan laga qabanayaa doorshadii guud ee qaranka. Waxaa la dooran doonaa xildhibaanada baarlamaanka dhexe, kan gobolka iyo kan degmada.

Haddaba waxaa guud ahaan wadanka ka socda olole xoogan oo uu xisbi walbaa doonaayo inuu ku helo taageero buuxda. Labada xisbi ee wadankaan ugu waaweyn oo kala ah xisbiga  garabka midig oo haatan madaxda ka ah dowlada wadaaga ah ee Iswiidhan ka talisa iyo xisbiga mucaaradka  hogaamiya ee shaqaalaha (socialdemokrati) ayaa mid weliba waxaa uu laba jibaarey ololihiisa. Xisbi walbaana waxaa uu xulufo la samaystay xisbiyo yar-yar oo ay isku siyaasad dhow yihiin.

Balse waxaa lakala bixi doonaa maalinta taariikhdu tahay 19-ka siteember 2010.

Wakhtigaas oo ay cadaan doonto xisbigii ama xisbiyadii Iswiidhan xakumi lahaa afarta sano ee soo socota.

Madaxda xisbiga shaqaalaha iyo la kulankii jaaliyada soomaaliyeed ee Eskilstuna

Xisbiga shaqaalaha (socaildemokratin) oo ah xisbiga ugu weyn Iswiidhan, ayaa ah xisbi ay soomaalidu aad u taageerto. Xisbigaas oo ah midka hayey xukunka Iswiidhan mudada ugu dheer. Haddaba qaar ka mid ah madaxda ugu saraysa xisbiga ayaa 2-dii bisha siteember booqasho ku yimid magaalada Eskilstuna oo aan sidaas uga fogeyn magaalada caasimada ah ee Stockholm.Weftigaas waxaa hogaaminaayey afhayeenka xisbiga shaqaalaha u qaabilsan arimaha dhaqaalaha, kaasoo lagu magacaabo Thomas Östros.

Sawir1: ka bilow midigta: Jaabir Xuseen Gaaceyte, C/risaq Maxamed xuseen,(musharax golaha deegaanka Eskilstuna), Thomas Östros ( afhayeenka xisbiga shaqaalaha, dhinaca dhaqaalaha), Zahra Ismail, Bashir Hashim.

Thomas waxaa uu noqon doonaa wasiirka maaliyada waa haddii uu xisbiga shaqaaluhu ku guuleysto doorashada dhacaysa 19-ka siteember. Dhinaca Soomaalida waxaa matalaayey masuuliyiin ka kala socda bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana ka dhexmuuqdey musharax C/risaq Maxamed Xuseen oo u sharaxan golaha deegaanka degmada Eskilstuna.

Dhinaca dhalinyarada waxaa matalaayey Jabir Hussein Gaeyte iyo Bashir Hashim oo labaduba ka mid ah dhalinyarada aad u firfircoon ee Magaalada Eskilstuna. Dhinaca haweenka waxaa ka socotey Zahra Ismail oo ah xubin firfircoon oo xisbiga ka mid ah.

Waxyaalaha ay jaaliyadu kala hadleen afhayeenka arimaha dhaqaalaha waxaa ka mid ah:

Arimaha dhalinyarada: Guud ahaan dhalinyarada ajnebiga ah gaar ahaana dhalinta soomaaliyeed ayaa u baahan waxqabad iyo hogaamin badan. Arinkaas Thomas Östros aad ayuu ugu dheeraaday waxuuna sheegay in ay qorshe gaar ah ugu talo galeen sidii kor loogu soo qaadi lahaa dhalinta ajnebiga ah oo ay ka mid yihiin dhalinyarada soomaaliyeed.

Waxaa xisbigu lacag badan oo dheeraad ah gelin doonaa Iskuulada ay ciyaalka soomaalida ahi dhigtaan. Maxaa yeelay waxaa jira caruur badan oo dagaalada soomaaliya awgood seegay tacliin badan. Waxaa la shaqaaleyn doonaa macalimiin badan. Waalidka ruuxiisa ayaa gacan qabasho u baahan. Waxaa kale oo dhalinyarada loo heli doonaa meelo ay ka shaqeeyaan oo ay tababar xirfadeed ku qaataan.Waxaa kaloo la saacidi doonaa shirkadii shaqaaleysa qof dhalinyaro ah oo shaqo la`aan ah ayuu yiri Thomas Östros.

Shaqo gelinta dadka: Waxaa dadka soomaalida ah aad ugu adag iney shaqo helaan ama ay suuqa shaqada soo galaan. Waxaana jira dhibaatooyin badan oo dadka hortaagan, kuwaas oo dhaliya in qofku uu in badan shaqo la`aan ahaado. Haddaba arinkaas muxuu ka yiri afhayeenku.

” Waxaan dhaqaale badan gelin doonaa hay àda shaqada si ay dadka shaqo doonka ahi u helaan gacan qabashadii ay u baahnaayeen. Waxaa la abuuri doonaa fursado badan oo ay dadku ku baran karaan xirfad fiican oo ay ku shaqaystaan. Waxaa kaloo si fiican loo qiimeyn doonaa waxyaalaha uu qofku haray u yaqaaney. Haddii la i weydiiyo oo la yiraa waa maxay furaha bulshada Iswiidhishka ah lagu soo dhex geli karo. Waxaan ku jawaabi lahaa, Shaqo, shaqo, shaqo ama sida afka Iswiidhishku yiraahdo. Jobb, jobb, och jobb”

Wax u qabashada Dumarka: Guud ahaan dumarka ajaaniibta ah gaar ahaana dumarka soomaalida ayaa waxaa aad iyo aad ugu adag iney shaqo helaan. Waxaa kaloo adag iney iyadu shirkad sameystaan. Arinkaas sidee wax uga qabaneysaan haddii aad guuleysataan?

Thomas Östros waxaa isagoo suàa shaas ka jawaabaaya uu yiri:

Waa run oo dhibtaasi waa jirtaa, balse waxaan ku dadaaleynaa in marka hore dumarku ay helaan ama la siiyo fursad ay luuqada Iswiidhishka ku bartaan. Maxaa yeelay luuqadu waa furaha bulshada . Haddii aanu qofku luqada aqoon aad iyo aad ayey u adag tahay inuu shaqo helo. Marka waxaa aanu tayo u yeeli doonaa barashada luqada Iswiidhishka. Waxaa kaloo aan fududeyn doonaa qaabka loo abuuro shirkad ganacsi. Hadda waxaa jira sharciyo aad u adag oo qofka xanibaad ku noqda balse haddii aanu doorashada ku guuleysano waxaanu sahli doonaa in shirkad la bilaabo. Waxaa kale oo aanu adkayn doonaa sharciyada lagula diriro dadka shaqadoonka ah oo la takooro.

Sawir2: Thomas Östros ( afhayeenka dhaqaalaha xisbiga shaqaalaha, ahna musharaxa wasiirka maaliyada)

Ugu damayntii waxaa uu afhayeenku jaaliyada iyo dadkii kale ee kulanka joogeyba  kula dardaarmay iney goobaha doorashada tagaan oo ay codkooda dhiibtaan. Isla markaasna ay codkooda siiyaan Xisbiga Shaqaalaha ( socialdemoktain).

Xisbiyada garabka midig waxaa ay doonayaan iney abuuraan dabaqado kala duwan oo bilshada dhexdeeda ah, waxaa ay doonayaan in qofka jeebku u buuxo uu wax walba oo wanaagsan helo kan jeebkiisu madhan yahayna cidla looga tago. Siyaasada noocaas ah ee dadka kala saareysiisa waan ka soo horjeednaa haddii aan nahay xisbiga shaqaalaha. Waxaan dooneynaa siyaasad ku dhisan cadaalad, tixgelin iyo qofka liita oo la kaalmeeyo, ayuu afhayeenku hadalkiisa ku soo xiray.

Qaybtii hore ka akhri halkan

Waxaa diyaariyey:

C/risaq Maxamed Xuseen, Musharax golaha deegaanka Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com

Jaaber Xuseen Gaaceyte, oo wax ka qora arimaha siyaasada – Geedka Dhamaska hoostiisa
cityhida@hotmail.com

Mahadsanidin

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.