Home » Faallo »

Dadka Albinos-ka loo yaqaan oo Noqdey Dil Sugayaal | Amiin Yuusuf

Maqaalka oo sawiro wata ka eeg halkan (pdf)

Maqaalkaan inaan qoro waxaa igu qasbay markaan dareemay in dadka loo yaqaano Albinos-ka  ee ku nool East Africa ay soo wajahday xaalad aad u adag kadib ,iyadoo dadkaan  markii hore ay ahaayeen kuwo dhibaato qaba  loogu siyaadiyey dhibaato kale oo ay abuureen qaar ka mid ah bulshada ku nool wadamada East Africa iyagoo bilaabay in dadkaasi ay ula dhaqmaan si aad u xun oo ka baxsan bini’aadannimada. Dadka Albinos-ka waa dad jirkoodu uu doorsoomay kana tirmay midabkii lagu yaqiinay dadka kale  waxaana asiibay cudur ay ku dhashaan oo ka soo bilowday inta ay ku jiraan uurka, inta badan dadku ma ogaan karaan qofku inta uu yar yahay, waxayse u qaataan in uu yahay qof cad oo keliya, waxaase la ogaada marka uu yara koro, waxa uuna cudurkaan haatan ku badan yahay wadamada East Africa oo ay ka mid yihiin Tanzania, Kenya, Uganda, Burundi hase yeeshee Soomaaliya dadkaasi way ku yar yihiin, balse dad ayaa qaba in dadka midabkaasi leh  ay yihiin dad Juudaan qaba, waxaase xaqiiqo ah in aysan ahayen dad Juudaan qaba balse waa cudur ay ku dhasheen oo midabka qof dila.

Wadamadaas aan kor ku soo sheegnay dadka ku nool ee cudurkaan qaba waxay sameysteen ururo ay ku raadsadaan xaquuqdooda maadaama ay soo wajahday dhibaato kale oo la xiriira dhinaca Quraafaadka iyo Sixirka, waxaana dhawaan nin u dhashay dalka Kenya  maxkamad ku taala Wadanka Tanzania ku xukuntay 8 sano oo xarig ah iyo in uu bixiyo lacag dhan 50 –kun oo doolar, markii la ogaaday in uu dalka Kenya ka Masaafuriyey  nin ka mid ah dadka Albinos-ka ah kadib markii uu u sheegay in uu shaqo uga soo helay dalka Tanzania, hase yeeshee arrintu sidaas ma aysan noqon waxaana la ogaaday in ninkaasi Albinos-ka laga iibin rabay kooxo adeegsada Sixirka  oo uu ninka Kenyaantiga ah doonayey in uu ka siisto lacag dhan 250 kun oo Doolar waxayna Kooxda sixirooleyda ah doonayeen in ay ninka Albinos-ka ah jarjaraan ay ka iibiyaan dad kale oo aamisan in hilibka albinos-ka ah hadday cunaan ay helayaan fursado Shaqo  iyo lacag fara badan. sidoo kale waxaa hilibka dadka Albinoka ah qaata dadka uu jaceylku dhex maro oo u isticmaala in qof wax jecel uu ku soo jiito qofka uu jeclaaday haddii uusan jecleyn,. Ninka Kenyaatiga  ah ee ay Maxkamaddu xukuntay ayaa qirtay arrintaasi in uu sameeyey , isagoo sheegay in ay jiraan dadyow kale oo ku hawlan Mashruucda noocaan oo kale ah

Dhawaan ahayd markii Ciidanka Booliiska ee Dalka Tansaaniya ay weerar ku qaadeen Guri ku yaala Caasimada Dalkaas ee Daara-Salaam waxa la yaab noqotey in Guriga loogu tagey Hilbo Jarjaran oo la sheegey in uu ahaa wiilo dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka Albinos-ka ee ku nool dalka Tansaaniya waxaas halkaa laga waayey dadkii Mashruucaas ku jirey  waxayna arrimtaan la yaab ku noqotey dadka reer Tansaaniya gaar ahaan dadka ka soo horjeeda dhibaatooyinka loo geysanayo dadkaas iyadoo dadka loo yaqaan Albinos-ka ee ku nool wadamada East Africa ay bartilmaameed u noqdeen dad ka mid ah dadyowga East Africa oo aaminsan in dadkaan dilkooda  lagu gaarayo darajo sare iyo in la heleyo lacag fara badan waxaa la yaab leh in qofkii arka qofka mid ah Albinos-ka ee ee wax gaarsiiya ama dhaawaca waxay dadka ku howlan arrimaha Sixirka ay sheegey in isna wax helayo ama uu noqonayo Milyaneer waxaana dalka Tansaaniaya ka socda olole dadka lagu wacyigelinayo oo ah inaan wax la gaarsiin islamarkaana dadka Albinos-ka yihiin dad la mid ah dadka kale ayna yihiin dadka Qaraafaadkaas aamisan kuwa aad u xun oo ku xadgudbey Bulshadaas

Dadka qaar ee ku nool East Africa ayaa aamisan in haddii ay dilaan qof Albinos ah ay helayaan caafimaad iyo in uu noqonaayo Milyaneer , waxaana la ogaaday in dad fara badan oo ka tirsan Albinos-ka laga waayey wadamadii ay ku noolaayeen markii la ogaaday in si xun loola dhaqmay waxaana warbixin la heley la ogaadey in Dad BoqolaaL ah la diley islamarkaana Hilbahooda la jarjarey , qaarkoodna waxaa la sheegay in loo iib geeyo wadamo kale oo aaminsan arrimaha aan kor ku soo sheegnay. Sidoo kale markii dadkaasi la arko ayaa waxa soo weerara dadyow kale oo afduub kula dhaqaaqa. Gabar Guddoomiye ka ah Ururka ay ku mideysan yihiin dadka Albinos-ka ee ku nool dalka Kenya ayaa waxay sheegtay in sababaha ay ururkaasi u sameeyeen ay tahay sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa in dadka Albinos-ka  yihiin dadka sidaasi ku dhashay oo nolol ahaan la mid ah dad kale, waxay kaloo sheegtay in ay diiwaangeliyeen ilaa iyo dhowr Boqol oo qaba cudurkaasi oo ku nool dalka Kenya, waxayna ka codsatay Bulshada degan Kenya in dadkaasi xaquudooda lagu tuman isla markaana  aan la faquuqin.

Dadka Albinos-ka ah jirkooda waxaa ka maqan Maadada sameysa Midabka Jirka  , wuxuuna Awooda ka lumiyaa Jirka , waxayna inta badan yihiin  marka ay Qoraxda joogaan in uusan aragoodu fiicneyn si waafi ahna aysan waxba u arki Karin, sidoo kaleTaqaatiirta  waxay sheegeen in Maqaarkooda uusan u adkeysan Karin Qaraxda  ayna halis u yihiin Kansarka ku dhaca Maqaarka, sidoo kale Baarka kore ee indhaha  ayaa cadaada, dadka qaar ayaa aaminsan in dadkaas ay qabaan Baras balse Taqaatiirta  waxay sheegeen in aysan qabin Baras balse uu yahay cudur qofka uu ku dhaco uuna  ku bilowdo inta uu ku jira Uurka Hooyadii

Dalka Soomaaliya haddaan u soo laabano waxaa jira dad qaba cudurkaasi inkastoo aan la faquuqin, haddana waxaana ka cabsanayaa in waxyaabaha ka jira wadamada kale in ay saameyn ku  yeeshaan, maadaama dalka aysan ka jirin dowlad aad u adag, qaar ka mid ah dadkaasi Albinos-ka ah oo aan kula kulmay Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo xamaasha oo shaqeysta, isla markaana dadka soo dhex gala waxaana taasi ugu wacan iyadoo shacabka Soomaaliyeed yihiin dad Islaam ah , dadkaani ayaa aaminsan yihiin in ay yihiin dad la mid ah dadka kale , waxaase in laga sii digo mudan in fikirka ay aaminsan yihiin dadka ku nool wadamada kale ee East Africa ay ugaarsiga ay ku hayaan dadka Albinos-ka ah ee ku nool wadamadooda u soo weeciyaan Albinos-ka ku nool Soomaaliya maadaama xuduuda wadamada East Africa ay isa saaran yihiin oo si fudud lagu kala gudbi karo.

Marka laga reebo Soomaaliya wadamada kale ay ku nool yihiin dadka Albinos-ka waxaa ka bilaabatay isdiiwaangelin lagu sameeyo dadka Albinos-ka iyadoo  Ururada  ay dhisanayaan dadkaasi  ay yihiin kuwo  xaquuqdooda lagu ilaaliyo isla markaana ay kaalmo uga helaan Dowladda iyo waliba Ururada Dhinaca Bini’aadanimada ee ka jira beesha caalamka, sidaasi darteed waxaa wanaagsanaan lahayd in dadka Albinos-ka ah ee Soomaaliya ku nool ay is uruursadaan oo ay sameystaan Urur u dooda xaquuqdooda, waxayna Soomaalidu tiraahdaa “Geeridii Galbeed laga sheego Gondahaaga ka fiiri”, wixii wadamadaas lagu soo arko waxaa laga yaabaa in Soomaaliya loo soo safriyo, waxaana jira  in dadka qaba cudurka Juudaanka ay si aad ah ugu dhiban yihiin Soomaaliya qaarkoodna waxay la kulmeen faquuqid aad u weyn, waxaana ugu wacan arrimahaas oo dhan iyadoo carruurta Soomaaliyeed aan lagu barbaarin in dadkaasi yihiin dad cudur caadi ah uu ku dhacay oo ay dadka la mid yihiin, balse waxaa laga dhaadhiciyey in ay yihiin dad aad u xun, waana midda keentay in carruurta Soomaaliyeed lagu cabsiiyo “Juudaanley ayaa timid, Carruurta ayay beerka laga baxaan”, waxaana taasi looga gudbi karaa iyadoo wacyigelin xoogan la sameeyo.

Maqaalka oo sawiro wata ka eeg halkan (pdf)

W/D Amiin Yuusuf hasaaro

E-Mail   amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dadka Albinos-ka loo yaqaan oo Noqdey Dil Sugayaal | Amiin Yuusuf "

  1. waxaan si aad ah ula dhacay maqaalka uu Amiin ka diyaariyay dadka loo yaqaano Alpinioska. Lakin iima muuqdo ra’yiga ah: in Alpioniska Soomaaliya jooga ay samaystaan Ururo u dooda xuquuqdooda, maadaama aanan jirin dhibaatooyin loo geysanayo, oo ummadda Soomaaliya -Allaha Dowlad caadil ah ha siiyee- ay yihiin dad wada muslimiin ah, oo aanan aaminsanayn khuraafaatka ka jira wadamada East Africa.
    Waxaana Amiin ka codsanayaa inuu mar waliba soo diyaariyo qoraalo caynkaan oo kale ah, oo faa’iido badan.