Home » Warar »

Barnaamij Midowga Yurub Maalgeliyo oo Taageera Waxbarashada Soomaaliya oo la bilaabey

WAR SAXAAFADEED :

Nayroobi, Kenya, 1da Sebtembar 2010 – Barnaamij Midowga Yurub uu maalgeliyo oo maamullada Soomaaliyeed looga taageerayo sameynta nidaam waxbarasho iyo mid tababar oo qaab-dhismeed wanaagsan leh ayaa laga bilaabey Waqooyi-Galbeed Soomaaliya (“Somaliland”) iyo Waqooyi-Bari Soomaaliya (“Puntland”).

Barnaamijka loo bixiyey The Integrated Capacity Development for Somali Education Administrations (ICDSEA) ayaa waxaa hirgelinaya Wasaaradaha Waxbarashada ee Waqooyi-Galbeed iyo Waqooyi-Bari Soomaaliya iyo UNICEF oo ay iskaashanayaan CfBT Education Trust iyo Africa Educational Trust (AET). Marka dambana, haddii ay xaaladuhu saamaxaan, waxaa barnaamijka sidoo kale laga bilaabi doonaa Bartamaha-Koonfurta Soomaaliya.

“Barnaamijka ayaa waxaa lagu kobcin doonaa kartida Wasaaradaha Waxbarashada ee dhinacyada qorsheynta, maareynta iyo maaliyadda taas oo qayb ka ah dadaal lagu doonayo in lagu gaaro hindisayaasha Yoolalka Horumarka ee Kun-sanadka iyo Waxbarasho Loo Dhan Yahay. UNICEF iyo Midowga Yurub oo ay iskaashanayaan la-hawlgalayaashooda ayaa higsanaya in ay xoojiyaan kartida maamullada ee dhinacyada qorsheynta istiraatiijiyadeed, siyaasad dejinta, maareynta shaqaalaha, kobcinta hay’adaha, maareynta maaliyadda, sugidda tayada iyo dhiirrigelinta waxbarashada gabdhaha,” ayaa uu yiri Matthew Olins, oo ah Madaxa Waxbarashada ee UNICEF Somalia.

Markii barnaamijka laga furayey Somaliland iyo Puntland, ayaa Wasaaradaha Waxbarashadu waxa ay ku ballanqaadeen in kheyraadka uu barnaamijku bixiyey ay uga faa’iideysan doonaan si habboon iyo in ay hubinayaan in bulshada la siiyo waxbarasho ka tayo wanaagsan tan hadda jirta.

Dr. Manfred Winnefeld, oo La-taliye dhinaca Farsamada u ah taageerada Midowga Yurub ee waxbarashada Soomaaliya ayaa yiri “Midowga Yurub waxaa uu mashruuca ku maalgelinayaa 5,000,000 Lacagta Yurub ee EURO ah muddo saddex sanadood ah waxaana barnaamijkan uu qayb ka qaadanayaa in la helo Wasaarado Waxbarasho oo firfircoon oo waarana oo gacan ka geysta in waxbarasho tayo leh ay helaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed”.

Dalka Soomaaliya, ayaa nisbooyinka ardayda dhigata dugsiyada iyo heerarka akhris-qoraalka ay ka mid yihiin kuwa ugu hooseeya dunida oo dhan. Nisbada wadarta guud ee ardayda dhigata dugsiyada (boqolleyda ardayda waxbarashada gaartey ee dhigata dugsiyada) ayaa ah 30.7 boqolkiiba iyada oo tan gabdhuhu ay tahay 25 boqolkiiba marka la barbardhigo tan wiilasha oo ah 37 boqolkiiba. Gabdhaha ayaa weli ay dhibaato ka haysataa tegista iyo sii dhigashada dugsiyada iyada oo keliya mid ka mid ah shantii gabdhood ee ka mid ah tirada yar ee gabdhaha dugsiyada ku bilaaba fasalka koowaad ay si buuxda u dhammeysato waxbarashada aasaasiga ah.

Sida uu sheegayo Sahankii ugu dambeeyey ee Waxbarashada Aasaasiga ah ee Soomaaliya ee la sameeyey sanad-dugsiyeedkii 2006/2007, waxaa jira 465,000 oo ardayda dugsiyada aasaasiga ah dhigata, 2,083 dugsiyo aasaasi ah iyo 13,966 macallin, kuwaas oo 75 boqolkiiba ay yihiin macallimiin tababar yar haysta ama aan tababar haysan oo rubuc ka mid ahina ay leeyihiin keliya waxbarasho aasaasiga ah. Midowga Yurub oo taageeraya barnaamijka waxa uu sidoo kale taageerayey kobcinta waxbarashada dugsiyada sare 10kii sano ee la soo dhaafey. Muddadaan, ayaa tirada ardayda dhigata dugsiyada sare ee Somaliland iyo Puntland ay kor u kacdey qiyaastii 450 arday oo ay ahayd 1999 iyada oo gaartey 30,000 sanadkii 2008dii.

DHAMMAAN

Macluumaad dheeri ah kala soo xiriir:

  • · Edda Costarelli, Isuduwidda iyo Hubinta Tayada ee Barnaamijka, Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Kenya – Hawlgalka Soomaaliya. Xafiis: +254 20 280 2102.  Email: edda.costarelli@ec.europa.eu.
  • Iman Morooka, Sarkaalka Wargaarsiinta, UNICEF Somalia. Mobile:  +254 714 606 733. Email: imorooka@unicef.org.
  • Robert Kihara, Sarkaalka Wargaarsiinta, UNICEF Somalia. Mobile: +254 722 206 883 Email: rkihara@unicef.org.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Barnaamij Midowga Yurub Maalgeliyo oo Taageera Waxbarashada Soomaaliya oo la bilaabey "

  1. izi says:

    Waad maqaal wanaagsan oo waxyaabo badan muujinaya. Laakiin waxaan qabaa anigu in manhajka waxbarashada loo baahan yahay in laga ilaaliyo dad ajnabi ah oo dhaqan iyo diinba aan ku kala duwanahay. Arrinta ka dambeysa barnaamijkan waa in dadka lagu diro manaahijta wadanka ka jirta oo ardaydii wax lagu baro luqada carabiga taasoo fududeysay iney dadku diintooda fahmaan. Waan ka soo horjeeday comments cabduqaadir daadurey ee lagu soo dhoweynaayo manaahij waqtiga naga soo lumiyay oo ka qeyb qaatay inaan hoos u dhacno. Soomaaliya gobollo badan ayaa waxaa laga hirgaliyay aqoon illaa heer jaamacad gaarsiisan oo xitaa tusaale waxaa kuugu filan university of mogadishu oo ay maamulaan dad aqoon diin iyo maadiba leh oo manhaj wanaagsan oo akhlaaqdii iyo caqiidadiiba ilaalinaya. University of Mogadishu waxey ka mid noqotay boqolka jaamacadood ee ugu fiican Africa manhajkeedana midowga yurub iyo dad kale oo manhajkeena neceb kama soo qaadanin. Marka daadirey waxaan oran lahaa manaahijta islaamiga ah ee soomaaliya ka jira ma keenin dhibaatada iyo qoryaha la wato ee burburka wadanka iyo in ciyaalkii lumaan waxaa keenay qabyaaladii iyo diin la’aantii aan ka dhaxalnay manhajkii yurub laga keenay ee aan ku dhaqmeynay 1960 illaa 1990.

  2. a/c bahda somali talk waad salamtihiin, Waxbarashadu waa muhiim horumarinteedana waa wax wanaagsan balse, su’aashu waxay tahay yey tahay cidda horumarineysa. midowga yurub ma umaleeneysaan inuu waxbarashada soomaaliya horumarinayo? weligaa ha suguin taas waayo, manhajka wadan walba isticmaalayo asaga ayaa dagasada kadibna maal gashada si uu u helo dadka uu ubaahanyahay iney dalka wax ka taraan, manhajka waa waxa aaasaaska u ah iney bulshadu horumarto waayo, waxa lagu saleeyaa umad waliba dhaqankeda, taariikhdeeda, iyo diinteeda iyo weliba houmaka ay rabto iney higsato, si ey dadka intaasba wax ka tari kara u heshana waa iney manhajkeeda sidaas u qaabeysato ee maahan inuu midowga yurub kuu sameeyo manhaj waxbarasho kadibna aad sugto inaad hesho dadka aad u baahantahay. waxaana lawada ogyahay manaahijta ay maal geliyaan reer galbeedka ay ka ilaaliyaan amaba ku yareeyaan wixii danahooda ka hor imaanayo walibana ay daba gal ku sameynayaan sida loo dhaqan gelinayo, waxayna sidoo kale ku deeqayaan buugti laga dhigi lahaa casharada iskuulaadka oo dhan oo luuqaddi larabo ku qoran, xataa afkeena hooyo laakiin aan ahayn kana turjumeyn waxa aan higsaneyno. sidaasi darteed waxaa ila fiican inaanaan manhajkeena cid kale nooo sameyn kana sugin iney nagu maal geliyaan.w/c

  3. Marka hore waxaan mahad gaar ah uga soo jeedinayaa Somalitak sida ay u soo diyaariso barnaamijyada ay shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin in lagu soo celiyo hannaankii guud ee Dalka Soomaaliya Waxbarashada Carruurtuna ay tahay Muhiimadda ugu weyn ee ay Ummadi leedahay, sababtoo ah Carruurtu Madaxdii Mustaqbalka haddii aan la dhisinna Dal iyo Dadba ma jirayaan , haddaba fikraddaydu waxay tahay in si buuxda loo taageero barnaamijkani si looga faa’ideeyo Carruuta Soomaaliyeed loogana Illaaliyo inay ku biiraan kuwa Hubka iyo Madaafiicda Meheradda ka dhigtay lana abuuro weji cusub oo ku wajahan Waxbarasho iyo aqoon korosi “Qoriga dhig ee Qallinka Qaado” , Dhammaan aqoonyahanada ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya waxaannu ku boorinaynaa inay u istaagaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen una gaarsiin lahaayeen Tuulo walba oo Dalka Soomaaliya ka tirsan, ugu dambayntii barnaamijkani waa waxtar laakiin waa inay Dad aqoon lehi ay Hoggaamiye ka noqotaa si loo ogaado Hay’adaha ka qayb qaadanaya iyo waxqabadkooda oo lala socdo , Wabilaahi Towfiiq.