Home » Warar »

Ardayda Cusub ee ku soo biireysa Jaamacadda Muqdisho oo uu u bilowday Toddobaadka Dhaqanka

Talaadadii oo ay taariikhdu ku beegantahay 31/08/2010 waxaa si rasmi ah ufurmay todobaadka dhaqanka  ee jaamacada muqdisho oo lagu soo dhaweynayo ardayda cusub ee sanad waxbarashadeedka 2010-2011 ka .

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Todobaadkan oo ay ardada cusub ku qaataan aqoon dheeri  ah laguna bara habka ardayga jaamacada ku soo biiraya laga rabo inuu udhaqmo inta uu ku guda jiro hayaankiisa waxbarasho .

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay masuulka qaabilsan arimaha ardayda jaamacada muqdisho  ustaad –maxamuud sheikh cali  oo ardayda cusub ku soo dhaweeyey gacmo furan waxa uuna kula dardaarmay inay noqdaan kuwo waqtigooda ka faa,iideysta wuxuuna urajeeyey horumar.

Waxaa isna halkaasi kelimad ka jeediyey diiwaan hayaha guud ee jaamacadda muqdisho Dr- maxamed xuseen ciise (liibaan) ookawarbixiyey taariikhda jaamacada muqdisho iyo heererkii ay soomartay iyo yoolka ay haatan hiigsaneyso wuxuuna ardayda kula dardaarmay inay muujiyaan dulqaad aad ubalaaran  muujiyaana adkeysi farabadan xaaladaha ay wax ku baranayaan.

Jaamacadda muqdisho oo bilowday waxbarashadeeda intii ay jirtay waxay horsed unoqotay inay bulshada soomaaliyeed ugudbiso waxbarasho tayo leh dadka iyo dalkana uhorseeday tacliin tayo leh  laguna diirsaday .

Jaamacadda muqdisho waxay dadka soomaaliyeed eekala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku abuurtay kalsooni ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu Qaban karaan taasna waxaa daliil u,ah markii ay jaamacadda muqdisho la,arkay howsha baaxada leh ee ay bulshada soomaaliyeed uhayso ayaa dad badan waxa, aykaga daydeen xaga horumarka .

Jaamacadda muqdisho in tii lafuray waxaa ka qalin jebisay 10 dufcadood .

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

QEYBTA WARFAAFINTA JAAMACADDA MUQDISHO

La xiriir
Cabdinaasir Yuusuf Macalin
cnaasir114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.