Home » Warar »

Alshabaab oo Gaadiid Ambalaaz ah ugu deeqday dadka ku waxyeeloobay Qaraxyada, Dagaalada iyo Madaafiicda Muqdisho

Laba gaari oo kuwa gurmadka deg deg ah ayaa lagu soo bandhigay gudaha Suuqa Bakaaraha kuwaas oo qeyb ka noqon doono gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ka howlgala qeybaha ay gacanta ku hayaan xarada Mujaahidiinta alshabaab sida u shir jaraaid oo uu ku qabtay suuqa bakaraha ka sheegay waaliga gobolka banadir ee Alshabaab.

Sheikh Cali Maxamed oo shir jaraa’id qabtay: Halkan ka dhegeyso (mp3)

“Mar hadii cadowgu uusan na dayneynin uuna dilaayo uu na dhawacyo waxaa lagama maarmaan noqotay intii shacabka muslimiinta ah ee walaalaheena ah hooyayaalkeena ah intii gaari gacan lagu qaadi lahaa waxaa la qaatay in juhdi kasta loo maray meelkasta loo galay in loo sameeyo shacabka gadiidka gurmadka deg deg ah ee iscaafta loo yaqaan taas ayaa shacabka loo diyariyey.”

Sawirada: Halkan ka eeg

Gudoomiyaha gobolka banadir ee mamulka xarakada mujaahidiinta alshabaab Sheikh Cali Maxamed Xuusen oo kulahadlayey suqa weyn ee bakaraha boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay munaasibad lagu soo bandhigayey laba gari oo mini bus ah ( hoomey ) kuwaas oo loo farsameeyey qaab gaadiidka gurmadka. Oo qalabkoodu u dhan yahay isla markaana ay saaran yihiin kalkaaliye yaal caafimaad ayaa barxada la keenay waxaana ka dhaxmuuqday Sheikh Cali Maxamed oo xiran dharka caafimaadka.

Dhawaqa lagu garto gaadidka aambulazta ayaa goobta looga dhawaajiyey.

Halkan ka eeg sawirro dheeraad ah

Sheikh Cali Maxamed ayaa sheegay goobta Cidamada AMISOM ugu duqeynta badan yihiin in ay tahay suuqa bakaaraha ha ahaato habeen,maalin,jimco,inta ay salaada taraawiihda ah ay socoto 9 saac habeenimo madaafiicdu waa iska socotaa iyo waqti kasta dhinac kasta shacabka ayuu cadowgu ka dilayaa sidaa daraadeed ayaan u keenay gaadiidka gurmadka deg deg ah iyo qalabkiisa oo dhameystiran ayuu yiri sheikh cali oo saxafada kula hadlayey goobta lagu soo bandhiga gaadidkaan labada ah iyo howlwadeenadooda wuxuuna sheegay in cidii dhib soo gaaray ay la xiriiri karto si lacag la’aan ah telephonada kala ah 118 ama 117 wuxuuna intaa ku daray qofkasta oo soo Waco inta uu hadlayo in aysan ku soconin wax qarash ah.

Nambaradaasina waa kuwa ay bixisay shirkada baaxada weyn ee isgaarsiinta hormuud .

Waxaa lagama maarmaan noqotay in aan iska shaashano cadow oo aan dhinac walbo iska dhisno ayuu hadalkiisa ku daray sheikh cali.

“Mar hadii cadowgu uusan na dayneynin u na dilaayo uu na dhawacyo waxaa lagama maarmaan noqotay intii shacabka muslimiinta ah ee walaalaheena ah hooyayaalkeena ah intii gaari gacan lagu qaadi lahaa waxaa la qaatay in juhdi kasta loo maray meelkasta loo glaay in loo sameeyo shacabka gadiidka gurmadka deg deg ah ee iscafta loo yaqaan taas ayaa shacabka loo diyariyey “ Si qofkii ay waxyeelo ka soo garto dagaalada ee ay asiibaan xabadaha iyo madaaficda si isla markiiba loogu fidiyo gurmad iyo gargaar .

Waaliga ayaa ka codsaday suuqleyda suqa bakaaraha in ay wadooyinka furan si dadka gurmad logu fidoyo isaga oo sheegay in howshaasi ay dhinac ka mid ah suuqa ka socoto wadooyinkuna ay yihiin kuwo mudan in dib loo furo .

Gudoomiyaha gobolka banadir ee xarakada Mujaahidiinta alshababaab ayaa ka codsaday dadweynaha somaliyeed in ay la shaqeeyaan gaadiidkaan iyo howlwadeenadiisa una fududeeyaan wixii howl ah ee ay uga baahdaan inta ay ku guda jiraan u gargrida dadweynaha

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Alshabaab oo Gaadiid Ambalaaz ah ugu deeqday dadka ku waxyeeloobay Qaraxyada, Dagaalada iyo Madaafiicda Muqdisho "

  1. muraad says:

    Asalamu alikum
    Waa dhaqanki lagu yaqaanay dawladnimo..runtii ragaan shabaabka ah wax dhaamo maanta uma maqna soomaliya ee waxaan dadkayga soomalaiyed ugu naseexeynayaa inaan raacno ragaan oo aan talada uga harno mucaaradnimada aan waxna ku salaysneen aan iska dayno
    xaasidnimadana wax fiican ma aha ee ragaan fadligooda aan uqirno
    GUULEYSTA DHALINYARO aamin

  2. Maslax says:

    Al-Shabaab waa Dowlad aan magac iyo maamuus uga baahnayn waxa loogu yeero beesha Caalamka.

    Anaguna waan taageersanahay.

  3. Calasow says:

    Waxaan urkaa sameyta Amblas cusub oo loogu deeqayo shacabka la gumaadayo maalin kasta, oo ay shabaab daraf ka yihiin.
    Ninkii dilayey ayaa ambalaas ugu deeqaya .. waa yaab , yaabkiisa…
    war intaad ambalaas ugu deeqi laheed adigu xabadda ka daa.. oo hishiiska qaado.

  4. Arisak says:

    waxaan oran karaa hada masuuliyadu waxay saarantahay waa alshabaab sababtuna dee wax dawlada la oran karo iyo dad wax fahmaya midna meesha majoogaan waxaan leeyahay dee al shabaabow dadkeena iyo diinteena saad uladhaqantaan waa lafiirinay yaa.