Home » Maqaallo »

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q: 20aad.

Suurada 70aad Al-Micraaj:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Micraaj oo ah Macno ahaan kor u fuulid, maadaama ay Suurada soo Hadal qaaday Malaaigta Samada Kor u Fuusha, waxaa kaloo Suuradan loo yaqaan Sa’ala oo ah kalimad ay ku Bilaabato Suurada.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 44Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Xaaqqah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilowga Qeybta labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Micraaj:

Suuradaan wax ay aad u Faahfaahisaa Arimaha ku Saabsan Caqiidada Islaamka Gaar ahaan waxey si gaar ah uga Hadshaa Qiyaamha iyo xaaladaha ka jiri Doono marka Meesha la tago, waxa ayna Suurada Dadka Xasuusisaa in Dadka Qaarna ku Hoogi Doonaan, Qaarna Maaliankaas Nicmo oo dhan Halkaas ka heli Doonaan we

Suuradaan waxa ay aad u Naqdisaa Dadka Beeniya Jiritaanka Maalinta Qiyaamaha ee Diidan in Geerida ka Dib ay Jirto Nolol kale iyo Xisaab, taasoo ay ka Dhalaneyso in Qof walba laga Abaal marin Doono waxuu kasbaday intuu Aduunka Joogay.

Suurada 71aad Nuux:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Nuux oo ahaa Rasuulkii ugu horeeyay ee Diinta Toowxiidka ugu yeeray markii Aduunka uu ku Biloowday Shirki iyo Kufri.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 28 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Naxl ka dib, Musxafkana Juz ahaan waxey kaga Beegan tahay Bilooga Qeybta labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Nuux:

Suuradaan waxa ay ka hadahashaa Asalada Caqiidada Islaamka, waxa ayna Suuradan si Faahfaahsan usoo Tabisaa Qisadii nabi Nuux oo ahaa Nabigii ugu Dheeraa Xaga Zamanka uu Dacwada waday Dadaal weyna ku Bixiyaysidii ay Qoomkiisa Toowxiidka u Qaadan lahaayeen, wallow Dad yar uun Dacwo ahaan Ajiibeen, taasoo Macnaheedu yahay in Dadka Ducaada ah looga Baahan yahay in dacwada waqti badan galiyaan, oo aysan ka Daalin Hadii laga Ajiibo iyo hadaanan laga Ajiibin, maxaa yeelay Gaarsiinta Dacwda waxa ay ka mid tahay Cibaadooyinka Alle (Cw) loogu Dhawaado Xataa hadaanan Qofna kaa Aqbalin.

Sidoo kalana Suurada Nuux waxa ay Dadka ku Baraarujineysaa Goobaha dacwda la gaarsiinayo iyo saacadaha dacwada laga Shaqeynayo iyo Nidaamka loo Gaarsiiyo Dacwada.

Nabu Nuux waxaa uu Sheegay in uu Dacwda Gaarsiinayay Qoomkiisa Habeen iyo Maalian arintaas oo Tuseysa Diinta Faafinteeda in Habeean iyo Maalinba loo Baahan yahay in laga Shaqeeyo, sidoo kalan Nabi Nuux waxaa uu Sheegay inuu Dacwada si sir ah iyo Iclaan ahba u Faafinayay, taasoo Macnahedy yahay in Dacwada looga Shaqeyn karo Qalabka manta Dunida yaal ee casriga sida Taleefoonada iyo Warbaahainta kala Duwan.

Suuradaan waxaa kaloo laga Faaiidaa in Dadka Marka Diinka laga hadlayo Dacwada looga Bilaabo in Alalaah loogu yeero sida Nabi walbaba Cadada u aheyd inuu Dacwadiisa Toowxiidka ka Bilaabo.

Suuradana waxaey Dadka ku Baraarujisaa in Dacwada Towxiidka hadii si xasan oo Dhab ah loo Qaatoi Miraheeda lagu arko Aduunka sida in Roob Fiican Beeruhu Helaan, Maal iyo Caruur badana in lagu helo.

Suuradan waxaey kaloo Nagu baraarujineysaa Dhibaatada Nabi Nuux ku Gaartay dacwada iyo sida ay Qoomkiisa uga Dhabar adeygeen in ay Xaqa Aqbalaan ayagoo ku kadsoonaa Cibaado ay u Sameyn Jireen Taalooyin ay u Dhiseen Dad Saalixiin ahaan jiray ayagoo u heesta jid saxan in ay Cagta ku hayaan.

Waxaa kaloo Suuradan laga qaadanayaa in Waalidka loo Duceeyo Geerid Asadooda ka dib sidaba Nabi Nuux uu ugu Duceyay labadiisa Waalid iyo Mumniinta oo dhan.

AKHRI QAYBAHA KALE: https://somalitalk.com/tag/quraanka/

W/Q: Cali Axmad

asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.