Home » Warar »

Dagaalka Muqdisho ka socda maalintii lixaad oo ay ku dhinteen 120 qof

Dhaawacyada yaala Isbitaalada Muqdisho oo laga deyrinayo Xaaladooda Caafimaad

Iyaoo Maalinkii lixaad uu galey dagaalka  u dhaxeeyea Ciidamada Dowladda FKMG oo Garab ka helaya kuwa Amisom  iyo Xarakada AL-Shabaab ayaa waxaa la xaqiijiyey in dagaaladaas ay ku dhinteen 120 Qofood waxaa ku dhaawacmey 200 oo qof oo u badnaa Dad rayid ah oo Madaafiicda ugu tagtey Guryahooda.

Isbitaalada Muqdisho oo intooda badan la gaarsiiyey Dhaawacyadaas gaar ahaan Madiina , Dayniile iyo Keysaney ayaa qaar ka mid dadkaas ay yihiin kuwo aad u liita oo aan iska bixin Karin Kharashyada Isbitaalada Muqdisho waxaa iigu yaab badney markii aan arkey dad ay dhaawacyada meelo halis ah ay ka soo gaareen kuwaas oo ku dhaawacmey xerooyin dadka so barakacay ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho oo ah dadka ugu liita Muqdisho marka la fiiriyo Dhinaca Nolosha

Waxaa lagu tiriyaa dagaaladan kuwii ugu xumaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho iyadoo madaafiicda ay tuurayaan kuwa Midowga Afrika  markasta ay la beegsadaan Suuqa Bakaaraha iyo Xaafado aad u fog fog  waxayna shacabka Muqdisho Isweydiinayaan sababaha Ciidamada Amisom ay u duqeynayaan Dadka rayidka ah, haweeney ku dhaawacantey Madaafiicda Amisom ayaa tiri “ Ciidmada Amisom waxay u yimaadeen in ay Xasuuqaan shacabka waayo Markii la weeraro waxay ka Aar gudtaan Shacabka oo iyagu muddo 20 sanno ku sii jirey Dagaalo aan dhamaad lahayn” haweeney kale ayaa tiri “ Ciidamada Amisom waa ciidamo aan naxariis lahayn waxay dalka u yimaaden in ay baabi’iyaan inta ka hartey dagaalada hadii ay sidaa joojin waayaan waxaa dhici kara in goobaha ay ku sugan yiin uu ka bilowdo Kacdoon waayo dadka laleynayo waa dad walaalo ah oo ka damqanaya walaalahooda kale

Inkastoo markasta uu dafiro Afhayeenkooda hadda shacabka waa ka wada dheregsan yihiin dhibaatada ay shacabka ku hayaan  Ciidamada Amisom oo dadka qaar qaba in ay ka daran yihiin kuwii itoobiya  sido kale nin Odey ah ayaa yiri “ waxaa la yaab leh in  Xubnaha Dowalada iyo kuwa Baaarlamanka  aysan  ka hadlin waxaa loo geysanayo shacabooda mar ay ahaataba mar uun baa lagula xisaabtami doonaa waxaana u soo jeedinayaa Xubnaahas in ay ka dhiidhiyaan Xasuuqa ciidamada Amisom ee ay ku hayaan Shacabka” wuxuu sii raaciyey “ Habeenkii oo aan lahayn meel loo maro Isbitaal ayey shacabka duqeeyaan waxaana dhacadey dad fara badan oo dhaawacmey ay markii dambe u geeriyoodeen Dhiig Bax waxaana arkey dad dhaawac ah oo lagu heysto Guryaha ka dib markii ay waayeyen wadooyin ay u maraan Isbitaalada

Isku soo wada duuboo xaalada soomaaliya ayaa waqtigaan ah mid aad looga naxo mana jirto saansaan looga baxayo dhibaatadaas waxayn shacabka hadda ay go’aansadeen in ay u cararaan Goobo ay is leeyihiin waad kaga badbaadi kartaa waxa ka dhacaya Magaalada Muqdisho  qaarkood waxay ka talaabeen Xudduda soomaaliya iyo Kenya halkaas oo ay ka galeen Xeryo Qoxooti sidoo kale waxaa Ciriiri galey isu socodkii wadooyinkii  ka dib markii xirrantey laba waddo oo laga galayey  suuqa Bakaaraha mid ka mid ah  waxaa xirmey wadadii dabka ka daadageysey waxa kaliya oo furan Wadada Warshada oo iyada laga cabsi qabo in ay xiranto

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Dagaalka Muqdisho ka socda maalintii lixaad oo ay ku dhinteen 120 qof "

  1. c/raxman says:

    s.calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuhu.

    muslimiinta meel walba oo ay jogan Ramada Karim.

    Intaa ka dib Waxa Soomaliya ka socda gaar ahaan muqdisho waa dabar goyn shacab. waxaana masuul ka ah kow Al-shabaa iyo Xisbul islaam kuwa taangiyada saarana dadkaan waxba kama galin oo u nixi mayaan

    Alshabaab waxaa hogaanka u haya niman adduunka laga raadinayo wax xal ah soomaaliya inay gaartana ma rabaan waxaa cadayn u ah cid kasta oo Fikirkooda aan raali ka ahayn Afka intay u soo duubtaan bay Khaarijinayaa Janaan galaynaa bay meel kasta ka leeyihiin janada soomaalida aad Hotelada ku laynaysaan ku galaysaan ma idinkay Gacanta idiin ku jirtaa.

    Soomaaliyey Alshabaab ha la iska qabto Amisom 1500 oo African ah oo Mushaaro inay qaataan meesha u joogta weeye iyagaa iska tagaya markii soomaali degtee nimankaan Urardii kale ee diinta u nasab sheeganayey aan la heshiin karin oo kuwii shalay ku jiray oo hadda dawlada ah aan la heshiinayn oo cid ka fog aan la heshiinayn oo xataa 1500 ee Amisom aan meeshooda ugu tagi karin ee xildhibaan iyo wasiir soomaali sheeganay tooganay iyo Culumadii kale ee ka fikir duwanaa ha la iska qabto.

    Balo iyo is qarxin bay keenen wadanka.

  2. umma says:

    asc
    ala yaa is indhatiray aan soomaali ahayn, bal gartay kuwa wadamada shisheeye ka yimid kuwa shaarka diinta soo gashtay oo xasuuqaya bulshada ama qaarijinaya qofkii fikirkooda kasoo horjeedo maxaa uga hadli ladihiin dadka hal rayigooda kudhiibanaya. waxaad lasocotaan hadii ay soomaali duco qabto una naxariisanayso shacabkeeda waxay u turi lahaayeen dadka markay amxaarada muqdisho ka baxday, sida aniga iila muuqoto kuwa gudaha ku dagaalmaya ama hasheegteen wadaado ama dowlad in ay ninwalbaa ay wado xukun jacayl iyo yaa kursiga ku fariisan, dad iyo duunyo toona uma naxayaan.

  3. MUNA says:

    asc.allaha u naxariisto intu ku dhimatey insha allah,inta gumeysi gali laheyn waxa inooga roon ina shareecada islamka helno waa kan dastuur cusub ii waxyaabo islamka ka baxsan la soo wado oo dad calooshood u shaqeystayaal ah ay wadaan waxaas inti alla ugu tala gashey aya ku dhiman doonto.rag baa naftooda u huraayo ina wadanka la gaaleyn wabilaahi towfiiq.

  4. Magan says:

    Waxaa wax laga xumaado ah waxa ka dhacaaya muqdisho dadka taagta daran ee iyagoo la taag darnaa markii hore qutulyoonkooda hadana loogu daray xasuuq madaafiicda sida indha la’aanta ah loogu ridaayo shacabka
    hadaba waxaa is waydiin maxaa loo abaabuli waayay banaan bax ka dhan ah xasuuqa shacabka lagu hayo maadaama waagii ethiopia meelwalba caalamka laga banaan baxay.

  5. Cabdullaahi says:

    Asc walalayaal wan aragnaa dhibka,naxariis darrada iyo xasuuqa ay ku hayaan ciidamada shisheeye shacabkeena muslimiinta ah.
    Mida kale shacabka somaliyed gaar ahaan reer muqdisho waxaan ugu baaqayaa in ay muujiyaan dulqaat farabadan waayo askari amisom ah hoobiyaha uu soo tuuro qofki uu asiibo kuna dhinto waa shahiid illeen gacan ka xaqdaran ayaa dishaye walaalayaal nasriga allah wuu dhawyahay.
    Asc

  6. yaxye says:

    walaal waxaan u arkaa falkaas mid foolxun
    oo diin ahaan iyo dhaqan ahaanba aan sal ku lahayn
    dadkii soomaliyeedna meel bay ku maqan yihiin way hurdaan gooraan toosi doono ma aqaane waayo cid kanaxaysa iyo cid u naxaysa midna majirto