Home » Warar »

Al shabaab oo shir jaraa’id ku qabtay mowlicii Macalin Nuur

Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab oo la wareegtay Gacan ku hayntii saldhigii ugu weynaa ee Ahlu-Sunna ee Mowlaca Macalin Nuur Maxamed Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Ka dib shir jaraa’id oo uu qabtay  Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayuu ku sheegtay in ay gacatooda ku jirto xaruntii ahlu sunah .

Halkan ka dhegeyso Shirka Jaraa’id

Iyada oo uu Magaalada Muqdisho ka soconaaya maalitii lixaad dagaallo ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen shir jaraa’id ku qabtay Gudaha Mowlaca Macallin Nuur oo shalay lagala wareegay ciidan Ahlusunna kadib markii dagaal culus la galeen alshabaab ay isaga soo baxeen halkaasi.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dagaalladii dhacay ay guulo ka gaareen ayna rajeynayaan inta harsan inuu ALLE u sahlo inay ku guuleystaan, wuxuuna sheegay in mowlaca ay ka qabsadeen Ahlusunna Walajamaaca oo uu ku sheegay inay yihiin cadowga Islaamka.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Wuxuuna weeraray culimada iyo odayaasha ku celcelinayay maalmahan in dagaallada socda aan wax natiijo ah laga gaarayn, wuxuuna sheegay inay guulo ka gaareen dagaallada ayna maanta caddahay Guusha ay gaareen.

“Mowlaca Macallin Nuur oo ay cadowga ALLE ku sugnaan jireen waxay gacanta ugu jirtaa maanta Mujaahidiinta, waana qayb ka mid ah guulaha laga gaaray dagaalka, waana wadaynaa inta aan ka dhameystirayno” ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen.

Waxa uu Dagaalka Muqdisho ka socda galay maalintii lixaad wuxuuna dagaalku u dhexeeyaa dhinacyada ku hardamaya siyaasadda dalka, iyadoo dagaallada maanta oo ah kuwo aad uga duwan kuwii ka horeeyay ayaa waxay sababeen dhimashada tiro aan weli la cayimin iyo dhaawac badan, waxaana mararka qaar la maqlaayay dhawaqa Madaafiicda iyo Hubka Culus.

Halkan ka daawo sawirada

Dhanka kale ururka Ahlusunna waljameeca oo gacansaar la leh Dowladda KMG ah ayaan ka hadlay saldhigga laga qabsaday ee loo soo bandhigay Saaxafadda. Afhayeenka Ahlusuna Wal jameeca Sheekh C/laahi Sh. C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-qaadi ayaa sheegay in ay mawlaca uga baxeen sabab la xiriirta istaraatiijiyad ciidameed.

Dhanka kale xoogagga Al-shabaab ay ku dhow yihiin jidka Maka Al-Mukarama, iyadoo Kaarayaasha iyo dabaabaadka Ciidamada AMISOM ay joogaan Isgoyska Dabka meel u dhow .

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666/ 00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Al shabaab oo shir jaraa’id ku qabtay mowlicii Macalin Nuur "

  1. cadaala says:

    A/C salan kadib nibankan shabaab la leeyahay ma aha kuwo u naxaya dadkooda iyo dalkoodaba diina ma aha sidaasi diintuna waa nasteexo
    hadii ay leeyihiin diin baan wadnaa maxay u diidayaan in la heshiiyo
    wax horumarana mawadaan oo aan burbur ahayn sidaasi daraadeed waxan leeyahay illaahay umada haka qabto

  2. DULMIID says:

    NIMANKA AFKA DUUBAN EE MOWLACA MACALIN NUUR KABAHA LAGALAY WAA KHAWAARIJ AAN DÍIN, DHAQAN IYO MAAMUL DOWLADEED WAXBA KA GARANEYN, MACALIN NUUR WUXUU DHISAY 1500 OO MASJID, IYO DHOWR KUN OO CEEL IYO WALIBA DHUL BANAAN OO AAN KA YAREYN 2 KM SQ OO DADKA DHINTAY LAGU AASO, OO CAAN KA AH MAGAALADA MUQDISHU WAA KM 13 CIDII TAQAAN BAA TAQAANEE. IYO WALIBA DHOWR KUN OO DUGSI QURAAN OO LAGA AFLAXAY MARKA SIDEY MASJIDKIISII OO AHAA XARUNTIISA AY KABO ULA GALEEN AFKA SOO DUUBTAY.

    QORE ASAD CABDSULLAHI

  3. MUNA says:

    allaahu akbar ilaahow dadkan si xaq naftooda ugu dhiibey diintooda iney kor u qaadaan awooda siii aaaamiiiin.