Home » Warar »

Dood Cilmiyeed ku saabsan hanaanka waxdhigidda cusub oo lagu soo gaba gabeeyay Jaamacadda Nugaal ee L/caanood


Waxa maanta (Aug 28, 2010) lagu soo geba gabeeyay  hallka shirarka ee Jaamacadda Nugaal University ee Laascaanood dood cilmiyeed ku saabsan habka wax dhigidda cusub ( New Teaching Methodology)  waxana soo jeediyay oo xiriiriye ka ahaa Professor Yuusuf Ismaaciil Bulaale (PhD) waxna ka bartay Aston University of Birmingham  oo wax ka dhiga Jaamacaddo ku yaala wadanka UK gaar ahaan magaalada Birmingham sidoo kalena macalin ka soo noqday jaamacado ku yaaal wadanka Malaysia.

Halkan ka daawo Sawirada

Ugu horrayn waxa lagu furay aayadaha qur’aanka kariimka ah iyo wacdi kooban, oo uu ku furay G/xigeenka Jaamacadda Dr. C/naasir Maxamed Barre (Abu_Sheybe) intaa ka dib lecturer Professor Yuusuf Ismaaciil Bulaale ayaa guda gulay lecture ka wuxuuna dr. ku sheegay sababta uu keentay inuu ka jeediyo maanta lecture kan ku saabsan hanaanka wax dhigidda cusub isagoo arkay baahida loo qabo barnaamijkan oo la siiyay macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada magaalada Laascaanood, isla markaana marba marka ka dambaysa la casriyaynayo lana qaadanayo hanaan cusub oo ku saabsan wax dhigidda si loo casriyeeyo tayada wax dhigidda.

Intaa ka dib, waxa laga dooday dariiqyada wax loo dhigo iyadoo mid kasta laga dooday goorta la isticmaalo aakhirkiina xooga la saaray habka loo yaqaan inquiry/inductive teaching method taas oo ah in ardayda loo gudbiyo ka dibna ardaygu ka sameeyo falan qayn lana wadaago macalinkiisa.

Eeg shaxda hoose oo tilmaamaysa hanaankan inquiry/inductive teaching method:

Waxaynu ka soo qaadan karnaa hanaankan la soo bandhigay qodobadan:

  • 1.      Lecture method
  • 2.      Brainstorming method
  • 3.      Supervised study method
  • 4.      Small group discussion method
  • 5.      Questioning method
  • 6.      Role play method
  • 7.      Game play method
  • 8.      Field trip method
  • 9.      Inquiry/inductive method

Hadaba, dood cilmiyeedan ayaa socotay muddo 3 casho ah laguna soo gaba gabeeyay hallka shirarka ee Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood, iyadoo macalimiintii barnaamijkan ka faa’iidaystay ay aad ugu riyaaqeen aqoon is weydaarsigan isla markaana tibaaxay inay uga faa’iideyn doonaan ardayda ay wax baraan una gudbin doonaan duruustii ay ka dheegteen macalinka soo jeediyay ee Professor Yuusuf Ismaaciil Bulaale.

Jaamacada Nugaal ayaa mudooyinkii u dambeeyay ay si xawli ah uga socdeen aqoon is weydaarsiyo la xidhiidha kor u qaadka aqoonta iyo tayada waxbarashada Gobolka Sool gaar ahaan xarunta Gobolka ee Laascaanood.

Si kastaba ha ahaatee, dood cilmiyeedda ayaa  ahayd mid ay dhamaan macalimiintii  iyo ka soo qayb galayaashuba u riyaaqeen kuna farxeen waxayna dood cilmiyeeddu  ku dhamaatay  si habsami iyo hanaan wanaagsan ku salaysnayd..

Halkan ka daawo Sawirada

Subeyr Cismaan Idiris

Laascaanood

Subeyr1425@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dood Cilmiyeed ku saabsan hanaanka waxdhigidda cusub oo lagu soo gaba gabeeyay Jaamacadda Nugaal ee L/caanood "

  1. mansha alah allaw barbari jmacada nugaal oo kadhig mid lagu cawilmo

  2. LAASCAANOOD SSC-SOMALIA,dadaalada kasocda ee xagga aqoonta aadbaan usoo dhawaynayaa waana ku amaanayaa hawshan ay waddo jaamacadda nugaal university. madaxa ugu sareeya jaamacaddana waan umahadnaqayaa,profissor bulaalane waxaan leeyahay alle hakaa abaal mariyo hawshaa aad jaamacadda kusoo kordhisay.insha allaah LAASCAANOOD SSC-SOMALIA waxaan urajaynayaa sanadaha soo socda in ay noqoto horyaalka aqoonta soomaaliya.

  3. Somalia haddii cagta loo dhigo cilmi iyo culima badan waay kusoo shubmilahaayeen oo qaaradaha aduunka ayaa laysaga imaanlahaa ee ‘nabaday’ yaa ku arkay!