Home » Warar »

Warbixin ku saabsan Miisaaniyad Sanaddeedka Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Muqdisho, (TFG): Warbixin sanadeed xagga maaliyadda xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya tii ugu horeysay aadna looga shaqeeyay ayaa ka soo baxday xafiiska Lataliyaha dib u dhiska dhaqaalaha ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha mudane C/risaaq X. Cabdi (Fartaag), taasoo wada tashi lagala sameeyay Machadka Siyaasada Bulshada iyo Dhaqaalaha ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano “Horn Economic and Social Policy Institute (HESPI)” ee fadhigeedu yahay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Warbixinta uu soo saaray xafiiska Lataliyaha Ra’iisal wasaaraha dhanka dib u dhiska dhaqaalaha xukuumadda oo ah mid kooban ayaa ah warbixin dhinacyo badan taabaneysa, taasoo ka hadleysa guud ahaan Miisaaniyadii sanadkii la soo dhaafay halka uu ku baxay Dhaqaalaha Dowladda, waxayna warbixintan cadeyneysaa Dhaqaalaha dowladda soo galay iyo halka uu ku baxay.

Xukuumadda uu Wasiirka koowaad ka yahay Mudane Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa dalka ka howl bilowday horaantii sanadkii tagay ee 2009-ka, waxayna haatan ku guuleysatay in ay si buuxda u soo saarto warbixin Maaliyaddeed sanadla ah tii ugu wanaagsaneed marka loo eego xukuumadihii dalka soo maray kadib markii ay dhacday dowladii dhexe ee Jaale Maxamed Siyaad Barre.

Xukuumadda Sharmaarke ayaa markii ugu horeysay ku guuleysatay Miisaaniyad dhaqaale, taasoo ay u sameysay guud ahaan Xafiisyada kala duwan ee Hay’addaha dowladda, Laamaha Amaanka, Socdaalka, Canshuuraha, iyo Qeybaha kala duwan ee dowladda, taasoo bilaabatay bishii April ee sanadkii tagay ee 2009-ka.

Warbixintan oo ah warbixin ka kooban 15 bog ayaa lagu soo aruuriyay Miisaaniyadda dhaqaale ee ay dowladu isticmaashay gaar ahaan Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiradaha xukuumada, Xildhibaanda iyo Ciidamada Qalabka sida.

Warbixintan oo ah mid fududeyneysa la socodka dhaqdhaqaaqa Maaliyadeed ee ay dowladu leedahay iyo sida loo qoondeeyay ayaa waxaa soo saaristeed iska kaashaday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Wasaaradda maaliyadda, inta aan la shaacinna waxaa si weyn ugu riyaaqay; Mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda, Qaar ka mid ah Shaqaalaha Dowladda iyo Deeqbixiyayaasha Caalamka.

Warbixintan ayaa sidoo kale looga hadlay in dhibaatada ugu weyn ee haysata Dowladda ay tahay mida Amniga, taasoo Warbixinta lagu Cadeeyay in Dhaqaalaha ugu badan ee ay Dowladdu bixisay ay ku bixisay Dhinaca Amniga, maadaama Amnigu yahay Udub dhexaadka Howlkasta oo la qabanayo, hadaanuu Amni jirina aysan wax shaqeynayaa jirin.

Lataliyaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha dhanka dib u dhiska dhaqaalaha mudane C/risaaq X. Jaamac (Fartaag) ayaa intaa ku daray in warbxintan uu diyaarinteeda bilaabay Bishii May ee Sanadkii tagay xilligaas oo uu noqday La Taliyaha Ra’iisal wasaare Sharmaarke, islamarkaana uu ku guuleystay soo saarida iyo dhamaystirka warbixintan Bishii May ee Sanadkan aanu ku jirno ee 2010-ka, markii uu dhameeyayna uu u bandhigay Qeybaha kala duwan ee dowladda iyo Beesha Caalamka.

Lataliyaha ayaa ku amaanay Ra’iisal wasaare Sharmaarke gacanta uu ka gaystay in lagu guuleysto diyaarinta warbixintan, wuxuuna sheegay in Ra’iisal wasaaruhu markii uu ku dhawaaqayay xafiiskan uu uga gol lahaa in lagu guuleysto la socoshada dhaqaalaha dalka, iyadoo la og yahay in muddo ku dhawaad labaatan sano ah uusan dalku yeelan dowlad koontaroosha ama la socota dhaqaalaha ay isticmaasho.

Warbixintan oo haatan la jecleystay in lagu faafiyo warbaahinta si waxkasta oo ay dowladdu qabato loola socodsiiyo Muwaadininta Soomaaliyeed iyo guud ahaan Caalamka ayaa u qoran sida soo socta:

TFG ANNUAL FINANCIAL REPORT 2009 (1)

TFG ANNUAL FINANCIAL REPORT 2009 (2)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warbixin ku saabsan Miisaaniyad Sanaddeedka Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya. "

  1. As marka hore Ramadaan kariim marka xiga waxaan u mahad celinaya maamulka web kaan oo markasta isku taxalujiyay in ay nala socodsiiyaan waxaa ka jira wadankeenii hooyo.
    runtii miisaniyadaan Dowladu soo bandhigtay waa mid lagu qanci karo waana habaysan tahay waxaana farxadba ah in Dawladu ay leedahay xisaab xir waxaan uga baranay Dowladihii hore in ay aduunka ay lacag is waydiistaan canshuurna ay qaataan lacagtna jeebka lagu shubto,taas waxaa ka niyad jabay shacabkii somaliyeed iyo waliba aduunkii ay gacmaha u hoorsanayeen laakin hadii ay maanta sameyeen maasniyad waxaa ku xigi doonta in la isku tashado markaas ayaa Dowladu ay noqonaysaa Dolwlad Hormar leh dadka iyo dalkna ka saarta dhibka.www