Home » Warar »

Dowladda New Zealand oo haweeney Soomaali ah xukun 9-sano oo xarig ah ku riday

Caasha Cali Cabdille oo ah haweeney soomaali ah ayay Maxkamad ku taal dalka New Zealand ku xukuntay Sagaal sano oo xarig ah kadib markii ay isku dayday in ay afduubto diyaarad laga leeyahay dalka New Zealand sida ay maxkamada u sheegtay ujeedkeedu ahaa in ay ka badxo dalka (New Zealand) oo ay aado dalka Australia

Diyaaradda ay isku dayday in ay Afduubto Caasha Cali oo 36-jir ah ayaa isa kala goosheesay magaalooyinka Blenheim iyo Chrischurch, Caasha Cali ayaa xilliga ay aduubtay Diyaaradda waxa ay dhaawac u geesatay qaar ka mid ah rakaabkii diyaaradda.

Maxkamada sare ee magaaladda Chrischurch ayaa sagaal sano oo xarig ah ku xukuntay Casha Cali oo u dhalatay dalka Soomaaliya oo ay dhibaatooyinka ka socdan waxayna Qaxooti ahaan ugu nooshahay dalka New Zealand iyadoo Sadex mindiyood ayay Caasha ku hubeysneyd markii ay afduubaysay diyaaradda.

Sababta ay Caasha Cali u afduubtay diyaaradda ayaa la sheegay in ay aheyn in ay dalka New Zealand isaga tago oo ay dalka Australia aado balse Diyaaradda markii ay afduubtay ayaa loo sheegay in diyaaradda Shidaalka ka dhamaday waxayna sheegtay in diyaaradda badda lagu rido iyadoo Caasha ay u sheegtay Baaylootkii diyaaradda waday “Hal meel ayaan ku wada dhiman doonaa”.

Daawo Video Marka Xukunku dhacayey

Fal noocan oo kalle ah ayaa ah midkii ugu horeeyay ee ka dhaca dalka New Zealand iyadoo falkan ay geesatay haweenay Soomaali ah. Dalka New Zealand waxaa ku nool Soomaali badan oo qaxooti ah.

Ibraahim Da’ud Abdalle
sayfudiin@gmail.com

Warkii hore ee Afduubka diyaarada hoos ka akhri:

………….

Feb 2008: GABADH SOOMAALIYEED OO KUNOOL WADANKA NEWZLAND OO AFDUUBTAY DIYAARAD…..

New Zealand: Gabadhan ayaa ka soo raacday diyaarada magaalada Blenheim ayada oo kusocotay magaalada Christchurch. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gabadhan oo magaceeda la yiraahdo Asha Ali Abdille, oo 33-jir ah, oo ah Soomaali, in ay biloowday in ay afduubto diyaarada kabacdi 10 daqiiqo markii ay diyaarada hawada kujirtay. Gabdhan ayaa ugeeystay dhaawac labo kamid ah duuliyaashii diyaarada iyo qof kale oo rakaab ah, ayada oo labada duuliye uu mid dhaawiciisu halis yahay.

Booliiska magaalada Christchurch ayaa tilmaamay in gabadhan ay ka dalbatay duuliyaha in uu diyaarada kudajiyo wadanka Australia oo ay daris yihiin wadanka Newzland ayada oo isla markiiba gabadhu ay biloowday in ay mindi ay wadatay gaadh siiso mid ka mid ah duuliyaashii. Magaalada ay kasoo duushay gabadhan ayaa ah magaalo yar oo garoonka kuyaalo uu yahay garoon aan wayneen oo baadhitaan saas ah aan lamarsiinin dadka kaduulayo ama gasoo dagayo diyaaradaha ku soo caga dhigto garoonka magaalada Blenheim.


Booliska oo diyaaradda ka soo dejiyey Asha Ali Abdille
Sawirka:
http://www.stuff.co.nz/

Arintan ayaa fajac iyo ama kaag kunoqotay dhamaan jaaliyada soomaaliyeed ee kunool wadanka
Newzland. Wararka qaar ayaa wax ay sheegayaan in gabadhan ay xanuunsanayd oo ay maskaxda wax kaqabtay. Sidoo kale waxa ay sheegayaan dad aqoon uleh gabadha in ayna Soomaalida ku dhaxnoolaan jirin ee ay lasocon jirtay dadka (Kiwis) oo ah dadka asal ahaan ka soo jeeda Newzland.


Sawirka diyaarada: http://www.stuff.co.nz/

Xubnaha jaaliayada soomaaliyeed ee kunool Newzland ayaa markii aan kala xadhiidhnay arintan ayaa waxa ay noo sheegeen ” In gabadhan ay soo gashay wadanka Newzland 1994 wax ehelkeeda ahna ayada kaliye kajoogto wadankan Newzland. Booliiska ayaa tilmaamay danbiga ay gabdhu gahsay in sharciga Newzland uu dhigayo in qofka danbigaas oo kale geeysto uu mudanayo xabsi daaim ah.

Arintan ayaa ah mid ay warbaahinta Newzland iyo wadanka Australia ay hadal hayeen 24 saacdii udan beeysay. Dad badan ayaa qaaday xanuun xaga maskaxda ah kabacdi markii ay lasoo daristay xaalado ay waxka qaban waayeen, taa soo keentay qaar kood in ay is dilaan, qaarna ay kudanbeeyeen in ay waashaan. Gabadhan ayaa laga yaabaa in maskaxda dhibkii kagaadhay in uu ku abuuray ee waa qof waali in ay geeysato falka noocaas oo kale.

Mudooyinkan danbe ayaa tiro badan oo kamid jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool wadanka Newzland ay bilaabeen in ay u soo guuraan wadanka ay dariska yihiin ee Australia.

Wararka (Newzland Press).

Mohamed Wali (xiish)
Australia.
xiish3@hotmail.com

http://www.stuff.co.nz/thepress/4393118a6009.html

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8, 2008

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.