Home » Maqaallo »

Sideen u Fahamnaa Quraanka?. Q. 9aad

Suurada 18aad Al-Kahf:

Suuradaan waxaa lagu Magacaabaa Al-Kahaf, oo Macnaheedy Yahay Godkii, maadama ay ka Sheekeyso Qisadii Mucjizada laheyd ee Dhalinyaradii Godka Galay ayagoo Baxsad la ah Diinkooda ee Hurdada Dheer Allaah uu galiyay ilaa ay kasoo Naxaan Mar Dambe oo Boqortooyadii Gaalada aheyd ee Diinka Towxiidka la Dagaashaneed Allaah uu ku Badalay Mid Towxiidka Aaminsan.

Suuradaan waa Suurad Soo Dagatay waqtigii Muslimiinta ay Magaalada Makah Dhibaatada ku heysatay, Marka laga Reebo Aayadaha ka Biloowdo 86 ilaa laga gaaro 101, Tiro ahaana Aayadaheedu waa 110 Aayadood, waxeyna Soo Dagatay Suurada Al-Ghaashiyah, waxeyna ku Bilaabata Amaanta Allaah (Cw), Suurada waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Juzka 15aad Qeybtiisa Dambe iyo Biloowga Juzka 16aad, waxeyna Suuradaan Caan ku tahay in ay ka Sheekeyso Qisooyin Badan sida Dul-Qarneyn, Nabi Muuse iyo Khadir.

Macaha Guud ee Suurada Al-Kahfi :

Suuradan waxey Mid ka tahay 5 Suuradood oo ku Biloowdo Amaanta Allaah (Cw) kuwaasoo kala ah: Al-Faatixa, Al-AnCaam, Al-Kahfi, Faadhir, iyo Suurada Saba, taasoo Macnaheedu yahay Suuradaan waxey Astaan u tahay Amaanta iyo Alle, waxa ayna dadka baraarujisaa in Allaah kaliya loo Ictiraafo, Weyni, Kibir iyo Dhameystirnaan oo Dhan.

Sidaa darteed Suuradaan waxey Dadka ugu yeereysaa inaan lagu Kadsoomin Dhaldhalaalka Dunida iyo Nicmooyinkeeda sida Beeraha iyo Maalka, ayadoona Dadka ku Baraarujineysa waxa Anfaca leh in ay yihiin wixii Maalinta Qiyaame Cadaabka Alle (Cw) looga Badbaadi karo kaliya.

Fadliga Suurada Al-Kahfi:

Waxaa ku soo Arooray Suuradan Axaadiis Saxiix ahoo Tilmaameysa: Ruuxii Xifdiya 10 Aaayadood oo Biloowga Suuradaan ah in Allaah (Cw) Badbaadinayo Fidnada Dajaal, ama 10 Aayadood oo Dhamaadka Suuradan ah Ruuxii akhriya Dajaal Dhib ma gaarsiiyo.

Axaadiis kalana waxey Tilmaameysaa: Qofkii Aqriya Suurada Alkhf sidii loo soo Dajiyay, waxey Maalinta Qiyaame u Noqotaa Nuur ka biloowda Meesha uu Joogo illa Makah Gaara.

Waxaana Sidoo kale soo Aroortay Axaadiis tilmaameysa : Ruuxii Aqriya Suuradan Maalinta (Habeen) Jimcaha ah Nuur ayaa u ifa ilaa Jimcaha kale laga gaaro.

Suurada 19aad Maryama:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Maryama Binti Cimraan, si ay u Waarto Xusuusta Mucjizadii Alle (Cw) uu Maryama ugu Hibeeyay Wiil aan Aabe laheyn, ka dibna Alle uu ka Hadashiiyay Wiilkii yaraa Maalintii uu Dhashayba asagoo sheegay inuu yahay Adoon Alle yahay Nabina yahay Dacwada Gaarsiin Dooona Banuu Israaiil.

Suuradan waxey soo dagatay intii Makah aan laga Hijroon, marka laga Reebo labada Aayadood ee kala ay Aayadaha 58 iyo 71 oo ah kuwa Madiina Markii loo Hijrooday soo Dagtay, tiro ahaana Aayadaha Suuradaan waa 98 waxeyna soo dagatay Suurada Faadhir ka dib, waxa ay ku Bilaabataa Xuruuf Gogoan, Juz ahaan Musxafka kaga Beegan tahay Qeybta hore ee Juzka 16aad.

Macnaha Guud ee Suurada Maryama:

Suuradan waxey Xooga Saartaa Towxiidka iyo ka Nazahida Alle (Cw) wax walba uusan Mudneyn, waxeyna Dadka u Tilmaantaa in Geerida ka dib la isoo Bixin doon si Qof walbaa uu u helo waxuu Kasbaday Shar ama Kheyr, waxa ayna Suurada ka Sheekeysaa Jidka ay kala Mareen kuwa Hanuunsanaa iyo Kuwa Baadiyoobay.

Waxaana Xasuusin Mudan Suuradan magaca ay wadataa waa Magaca Dumar ee kaliya ee Quraanka ku Xusan.

Fadliga Suurada Maryama:

Suuradan Maryama fadligeeda waxaa Tusaya: Markii saxaabada u Hijroodeen Dhulkii loo yiqiinay Dhulkii Xabashida, ee uu Boqorkii xabashida Najaashi Suaalay Waxa ay Muslimiinta ka Aaminsan yihiin Maryama Binti Cimraan?.

Muslimiintii Muhaajiriinta ahaa waxaa u Hadlay Jacfar Ibni Abii Dhaalib oo Sharaxay Caqiidada Muslimiinta ee ku Aadan Maryama iyo Wiilkeeda Ciise asagoo ku dul aqriyay Suurada Maryama, taasoo keentay in Boqorkii Najaashi iyo Baadariyadii ka agdhawaaba ay ilmeeyaan ayagoo la yaaban kuna khushuucsan sida Wanaagsan ee Quraanka u Sharaxay Qisada Maryama, waxa ayna ku Dhawaaqaan Shahadadii Islaamka oo waxeyna arintaas Albaab u Noqotay in Dhulka Xabashida Diinta Islaamka ku Faafto.

Waxaana Xasuusin Mudan Maantadan la Joogo in Muslimiinta Xabashida yihiin kuwa ugu Badan Xaga Tirada marka laga Hadlayo Wadamada ku yaala Geeska Afrika.

Suurada 20aad Dhaahaa:

Suuradaan waxaa la yiraahdaa Dhaahaa oo Culimada qaar ku fasireen in ay tahay kalimadaas Magac uu Nabi Muxamad leeyahay, waxeyna Suurada madax dajin u tahay Nabi Muxamad oo Dhibaatooyin badan Markaas kaga imaanayeen Dhanka Mushrikiintii Carabta.

Suuradan waa Suurad Soo dagatay intii aysan Muslimiinta ka Hijroon Magaalada Makah, marka laga reebo labada Aayadood ee kala ah Aayada 31 iyo 32aad oo ah Madiina kuwa kusoo Dagtay,xaga tirada Aayadahana waa 135 Aayadood, Juz ahaana waxey ku Beegan tahay Qeyta Dambe ee Juzka 16aad, waxeyna Soo Dagatay Suurada Maryama ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Dhaahaa:

Suuradaan waxey Xooga Saartaa Arimaha ku Saabsan Caqiidada sida lagu yaqaan Dhamaan Suuradaha Magaalada Makah ku soo dagtayba Maadaama ay makiyah tahay..

Suurada 21aad Al-Anbiyaa:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Anbiyaa, maadaama Suurada so kookooban ay usoo Hadal Qaaday Nabiyo Fara badan, waxa ayna Suurada Tilmaamo ka Bixisay Nabiayadaas Dadaalkoodii Xaga Dacwada, Sabarkoodii iyo Sidii Naftooda ugu Hureen Jidka Allaah (Cw).

Suuradan waa Makiyah, Tirada Aayadaheeduna waa 112 Aayadood, waxeyna Juz ahaan Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga ilaa Bartamaha Juzka 17aad, waxeyna soo Dagatay Suurada Ibraahiim ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Anbiyaa:

Suuradan waxe ka Hadshaa Caqiidada Arimaha Quseeya sida: Risaalada Toowxiidka, Soo Bixinta Maalinta Qiyaame, Abaal Marka maalinkaas jira, waxa ayna sidoo kale wax ka Tilmaantaa Saacada Qiyaamaha iyo Dhibaatooyinka ay Xambaarsan tahay Marka lagaaro Dhicitaankeeda, iyo Guud ahaan Qiyaamaha waxyaabah ka jira ee Dhibaatooyin ah, waxeyna soo Hadal qaadaa Nabiyada iyo Rususha Sheekooyinkooda.

Suurada 22aad Al-Xaj:

Suuradan Al-Xaj ayaa Magaceedu yahay, si loo Waariyo Xusuusta Ducadii Nabi Ibraahiim Markii uu Dhisay Kacbada Sharafta Badan.

Suuradaan waxa ay Soo Dagatay Magaalaga Madiino Markii Loo Hijrooday ka Dib, marka laga Reebo Ayadaha nambarkoodu yahay: 52, 53, 54, 55 kuwaas oo kusoo Dagtay Meel u Dhaxeysa Makah iyo Madiino, tiro ahaana Aayadaheedu waa 78 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Nuur ka dib, waxa ayna Juz ahaan Musxafka kaga Beegan tahay Barka dambe ee Juzka 17aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Xaj:

Suuradaan waxa ay ka hadashaa Arimaha Sharciga ku Saabsan maadama ay Madaniyah tahay, waxaase ka Dhex Muuqda Muuqaaladii ay Xambaarsanaayeen Suuradaha Makiyada ah, oo waxaa ay aad u Faahfaahisaa Arimaha: Toowxiidka, Digniino, Cabsiin, iyo Abaal marka jira Geerida ka dib marka la isa soo Nooleeyo, Arintaan oo keeni karta Ruuxa aqriniya Suuradaan inuu Moodo Suuradan in ay Makiyah tahay, waxey kaloo ka hadashaa Dhinacyada Sharciyada ku saabsan: Idinka Jihaadka, Axkaamta Xajka, iyo Xoolaha Hadyiga ah ee Xujaayda Goowracdo.

Waxaa Xasuusin Mudan Suuradan in ay Suuradaha Qur’aanka kala Gaar Noqotay in ay ku jiraan laba meelood oo ay Sunno tahay marka la gaaro Aqrinteeda in la Sujuudo.

AKHRI QAYBAHA KALE: https://somalitalk.com/tag/quraanka/

W/Q: Cali Axmad

asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.