Home » Warar »

Warqad loo tiiriyay in Sheikh Umal uu beeniyey Warkii Aljazeera oo….

Waxaa SomaliTalk soo gaarey nuqul qoraal la sheegay in uu ka soo baxay Sheikh Maxamed Cabdi Umal, qoraalkaas oo ay ku xusan tahay in Aljazeera ay bedeshay hadalkii Sheikha oo si khaldan u sheegtay.

Qoraalkaas oo cinwaankiisuna yahay “Waxaadan Foofsannin makuu soo xarooday?” uuna ku saxiixan yahay in uu qoray Sh. Maxamed Macalin Cabdi Umal, kuna taariikhasan 19/08/2010 Nairobi Kenya, waxa uu marka hore cadaynayaa in markay taariikhdu ahayd 15 August 2010 in uu (Sheekh Umal) u yimid “nin la yiraahdo Cabdiraxmaan Sahal oo u shaqeeya Aljazeera.net, wuxuuna iga codsaday inaan wax ka idhaahdo heshiiska ay jabhadda (UWSLF) la gashay dawladda Ethiopia, kaddib waxaan siiyay warbixin faahfaahsan oo aan ku caddeeyey arrimo” ay kamid yihiin wixii aan ka ogaa heshiiskaas iyo wixii daliil sharci ah iyo qodobo kale.

Waxaa markaas qoraalku xusay in hadalkii Sheikh Umal la bedeley “Hadalkaygii oo dhan wuxuu ka soo qaatay hal jumlo oo daba go’an sida (فوىل للمصلىن) oo kale ah, oo wixii aan horay iyo gadaal ka raaciyay oo dhan ayuu kajaray si ujeedo uu isagu watay ugu adeegto, kadibna wuxuu gadaal karaaciyay aragti ay leeyihiin laba qolo oo aan ku kala duwanahay aniga iyo ayagu qiimaynta iyo xukunka sharciga ah ee heshiiskaa.” Waxaana qoraalku sheegay in “waxaa khasab noqotay in aan cadeeyo waxa ay soo qortay Aljazeera.net 17/08/2010 ee aniga la ii tiiriyay inaysan sax ahayn, kana tarjumaynin waxa aan qabo iyo sida aan wax u arko toona.”

Qoraalku ma caddayn aragtida uu hadda qabo Sheikhu, laakiin waxaa ku xusan in uu soo qori doono aragtidiisa isaga iyo culimada kale “Waxa aan ka qabno heshiiskaas oo faahfaahsan,” waa sida qoraalka ku xusan’e.

TV-ga Aljazeera.net ayaa August 17, 2010 waxay faafisay in Sheikh Umal uu heshiiska UWSLF iyo Itoobiya ku tilmaamaay “khalad aad u weyn oo ka soo horjeeda mabaadiida iyo qawaaniinta Islaamka.” (Weli TV-ga Aljazeera jawaab kama bixin warqaddan cusub iyo hadallada  ay xambaarsan tahay.)

Xaqiiqada warqadda waxaa la ogaan doonaa marka Sheikh Umal ka hadlo qaddiyadan.

Haddaba; Warqadda oo cinwaankeedu yahay “Waxaadan Foofsannin makuu soo xarooday?” waa tan hoos ku qoran: (FG. Warqadda oo weyn si aad u aragtid GUJI/RIIX warqadda korkeeda, kaddib Sii RIIX fallaaraha ka soo baxa dhanka hoose ee xiga midig ee isla warqadda.)


Warqadda kore qoraalka ay u jawaabeyso waa kan hoos ku qoran:


سلفيون بالصومال: اتفاق إثيوبيا كفر
يدور جدل ديني وسياسي هذه الأيام في أوساط التيار السلفي الجهادي الصومالي إثر الاتفاقية التي أبرمت بين إثيوبيا والجبهة المتحدة لتحرير الصومال الغربي في 29 يوليو/ تموز الماضي بالعاصمة الإثيوبية أديس أبابا.
فبينما أعلنت قيادات الجبهة موافقة أهم المرجعيات المعتبرة في التيار السلفي على مضمون الاتفاقية، برزت إلى العلن انتقادات شديدة من تلك المرجعيات نفسها، لوجود ما اعتبروها مخالفات صريحة للشريعة الإسلامية في الاتفاقية.
أخطار جسيمة
فقد أقر الشيخ محمد عبده أمل، أحد أبرز المرجعيات السلفية في منطقة شرق أفريقيا، بوجود ما سماها أخطارا جسيمة في الاتفاقية، قائلا في تصريحات خاصة للجزيرة نت إنه ما كان للجبهة أن توافق على مثل هذا الاتفاق.
وكانت إثيوبيا والجبهة توصلتا في أبريل/ نيسان الماضي في جيبوتي إلى هدنة لوقف إطلاق النار تمهيدا لتوقيع تلك الاتفاقية، حيث وافقت الجبهة بمقتضاها على الالتزام بالدستور الإثيوبي ووقف كفاحها المسلح، الذي يمتد إلى حرب أوغادين بين الصومال وإثيوبيا في نهاية سبعينيات القرن الماضي.
واعتبر الشيخ أمل ما ورد بالفقرة الخامسة من البند الأول في الاتفاقية “كفرا بواحا” لأنها تنص على التقيد بالقوانين الوضعية، ونفى ما تردد في وسائل الإعلام عن علمه بالهدنة الموقعة بين الجانبين وموافقته عليها.
واتفقت المرجعيات السلفية الصومالية الكبيرة على أن الجبهة المتحدة ارتكبت خطأ فادحا بتوقيعها بندا يتناقض مع أسس وقواعد الإسلام الكلية، ودعت إلى تصحيح الموقف قبل فوات الأوان.

استسلام للعدو
أما الشيخ حسان حسين آدم –الذي يعتبر أيضا من أهم مرجعيات التيار السلفي الجهادي بالمنطقة- فقد أصدر فتوى بعنوان “النصائح المنجية من الفضائح المخزية” حيث وصف الاتفاقية بأنها استسلام للعدو.
ويتفق الشيخ حسان مع رأي الشيخ أمل في اعتبار ما أقدمت عليه الجبهة “كفرا وردة عن الإسلام” مضيفا أن “المكاسب التي يتحدثون عنها لا تعادل شيئا مقابل تمييع الدين وتبديل الشريعة وتلويث الفطرة، وترويج الباطل”.
كما دعا الجبهة ومؤيديها إلى التوبة عما وصفه بالمخالفات الكفرية وغير الكفرية، ونقض المعاهدة التي وصفها بالمخزية، قبل فوات الأوان، والعودة إلى الجهاد في سبيل الله.
على خطى القاعدة
من جانبه استغرب مسؤول بارز في حركة الشباب المجاهدين الصومالية وعضو بلجنتها التنفيذية، الاتفاقية الموقعة بين إثيوبيا والجبهة المتحدة لتحرير الصومال الغربي.
وأشار المسؤول –الذي آثر عدم ذكر اسمه- إلى وجود مخالفات شرعية تتمثل حسب رأيه في موافقة الجبهة على المشاركة في “المؤسسات العلمانية الإثيوبية، وقبولهم الدستور الإثيوبي، وموالاتهم الكفار”.
وقال المسؤول البارز “إنها سابقة خطيرة” أن يقر ويعترف فصيل “كان ينتمي إلى التيار السلفي الجهادي الدستور الإثيوبي الوضعي، ويتخلى عن الجهاد في سبيل الله”.
واتهم المسؤول الجبهة المتحدة بما دعاها “الميوعة الفكرية والمنهجية، والجري وراء الإغراءات الإثيوبية الكاذبة”.
وحول تأثير الاتفاقية على مجمل الأوضاع في التيار السلفي الصومالي الجهادي بمنطقة القرن الأفريقي، أكد المسؤول البارز أنها لن تؤثر سلبا على التيار بل تقوي شوكة الجهاديين الذي يستلهمون طريقة تنظيم القاعدة.

قرارات إستراتيجية

وكشف المسؤول للجزيرة نت عن اتخاذ حركته قرارات وصفها بالإستراتيجية تقضي بإرسال كتائب إلى إقليم الصومال الغربي “أوغادين” في الوقت المناسب.
غير أن مختصين بالإقليم ذكروا للجزيرة نت أنه دون مثل ذلك القرار تحديات تتمثل في توتر العلاقات بين الجبهة الوطنية لتحرير أوغادين وحركة الشباب المجاهدين، ووجود قوات خاصة بإدارة الإقليم.
كما أن أي تحرك عسكري من حركة الشباب إزاء الإقليم قد يؤدي إلى نتائج عكسية وصفها البعض بالكارثية، ليس أقلها غزو إثيوبي جديد على الصومال بذريعة محاربة الإرهاب، والدفاع عن الأمن القومي الإثيوبي.
وقد استبعدت مصادر أخرى إمكانية فتح حوار ما بين التيار السلفي الجهادي الصومالي بقيادة الشباب المجاهدين وإثيوبيا وحلفائها للوصول إلى تفاهم على غرار اتفاقية الجبهة المتحدة مع إثيوبيا، لتمسك حركة الشباب برؤية فكرية وسياسية وإعلامية تتصادم مع مصالح دول الجوار.
وأضاف المسؤول البارز في حديثه الخاص للجزيرة نت قائلا “إن الجبهة المتحدة كانت عقبة أمام الجهاد في سبيل الله، وبتوقيعها الاتفاقية مع إثيوبيا، تكون الساحة قد خلت للمجاهدين الحقيقيين”.


Sheikh Maxamed Umal oo Si kulul uga Horyimid Heshiiskii Jabhadda UWSLF iyo Itoobiya

  • Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa Jabhadda UWSLF ugu baaqay in ay deg deg uga laabtaan heshiiskii dhexmaray Jabhadda iyo Itoobiya, isagoo heshiiskaas u tilmaamay khald weyn oo ka hor imanaya Mabda’a Diinta Islaamka, oo qodobo ku jirana ay yihiin Gaalnimo Cad, waxana uu sheegay in uusan waxba ka ogeyn heshiiskaas… Waxaa sidoo kale heshiiskaas in uu khalad ahaa ka hadlay Sh. Xasaan Xuseen oo ku tilmaamay heshiis meel ka dhac ah…

Waraysi uu TV-ga Aljazeerasiiyey Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in farqadda 5aadee Qodobka 1aad ee heshiiska uu yahay “Gaalnimo cad” “كفرا بواحا”, sababtoo ah, ayuu yiri, waxaa qodobkaas ku cad in Jabhadda UWSLF ay aqbashay Dastuurka Itoobiya. (Qodobkaas waxa uu dhigayaUWSLF waxay aqbashay in ay u hoggaansamayso Dastuurka Federaalka ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Itoobiya iyo qawaaniinta kale ee dalka.)

Sheikh Maxamed Umal waxa kale oo uu sheegay in uusan waxba ka ogeyn ama waxba kala socon heshiiskaas dhexmaray UWSLF iyo Itoobiya, sida ay saxaafaddu hore u faafisay. Sheikh Ibraahim oo ah guddoomiyaha UWSLF oo heshiiska la saxiixay Itoobiya ayaa hore u sheegay in uu hambalyo ka helay culimo uu ka mid yahay Sheikh Maxamed Umal. Sheikh Ibraahim oo sheegaya magacyada culimada heshiiska ugu hambayleeyey DHEGEYSO.

Sheikh Umal waxa uu heshiiska UWSLF iyo Itoobiya ku tilmaamaay “khalad aad u weyn oo ka soo horjeeda mabaadiida iyo qawaaniinta Islaamka.” Waxana jabhadda UWSLF ugu baaqay in ay arrintaas ka laabtaan , oo saxaan, inta goori goor tahay.

Warka Aljazeera (Carabi) ka akhri halkan

Sheikh Xasaan: UWSLF haka laabtaan heshiiska, hana ka toobad keenaan.

Sidoo kale waxaa arrintaas ka hadlay Sheikh Xasaan Xuseen Aaden, heshiiskaas UWSLF iyo Itoobiyna ku tilmaamay mid meel ka dhac ah iyo xadgudub ah, waxana uu jabhadda iyo taageerayasheeda ugu baaqay in ay heshiiskaas degdeg uga laabtaan, kana toobad keenaan.

Sheikh Xasaan (Abuu Salmaan) hore ayuu fadwo dheer (oo ka kooban 45 bog kuna qoran Carabi) uga soo saaray heshiiska jabhadda iyo Itoobiya oo uu ku tilmaamay isdhiib (akhri) ama halkan.

Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa hore uga hadlay Dastuurada kale, gaar ahaan xilligii lasoo dhisay DFKMG ee Sheikh Shariif ayaa Sheikh Umal waxa uu magaalada Nairobi salaadii Jimcada ee Janaayo 30, 2009 oo uu si kulul ugaga hadlay ku dhaarashada Kitaabka Quraanka iyadoo la adeecayo Dastuur aan waafaqsanayn Quraanka. Halkan ka dhegeyso ama soo rogo (mp3).

July 29, 2010 ayaa heshiis dhexmaray jabhaadda UWSLF iyo Itoobiya, kaas oo heshiisku dhigayo in la soo afjaray iska caabintii ay jabhaddu soo wadey 18 sano (oo ay u dagaalamaysay xornimad doon), isla markaasna in jabhaddu u hoggaansantay dastuurka Itoobiya, ayna noqotay shacab.

Culimaada Soomaaliyeed marar badan oo hore ayay aah uga hadleen qadiyadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Guubaabadii Culimada Dhegeyso ama soo rogo(mp3)

Sidoo kale dhegeyso Culimada Dhegeyso ama soo rogo

Dastuurka Itoobiya: http://www.erta.gov.et/pdf/Constitution.pdf

Heshiisha UWSLF iyo Itoobiya AKHRI: https://somalitalk.com/2010/uwslf/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Warqad loo tiiriyay in Sheikh Umal uu beeniyey Warkii Aljazeera oo…. "

  1. iidbaashe says:

    bismilahi raxmaani raxiim dhamaan shaqaalaha iyo inta ka hawl gasha somalitalk waxaan leeyahay ramaadaan kariim wlaalo marlabad waxaan leeeyahy sh.maxamed macalin ilahay khayr haka siiyo oo haka abaal mariyoyo dadka uu ka jaahil saaray iyo aqoon daridaiyo jahliga oo uu ugu horeeyo anigu wlaalo waliba aniga oo kugu qadarinaya inaan wax kaa bartay waxaan leeyahay sheekh maxaa keenay in laysku qabsado hadaalkaas waad tidhi iyo maad odhan taasi waxay keeni kartaa in kuwaimanka sooo kacayaa na ay maraan oo ay raacaan jidka aad banayso waayo maanta magalada hargeisa cidi wax kale ma dhagaysato aan adiga iyo sh.mustafe ahayn markaa wlaalo bahda website kana waxaan leeyahay wax walba dad oo daboolka saara oo ha faafininaa

  2. shiikh maxamed umul shiikhuna imaamuna fil diinul islam maca dariiqatul ahelulsunah wal jameeca jasaakalah khayr allah ha ku barakeyo cilmigaga iyo cimiragag iyo camalkagaba somalitalk sido kale khayr allah ah idin siyo inta kadib hadan aragtidayda ka dhiibto arintan dooda dhalisay e ka dhextagan aljaseera ururka isdhibay iyo shiikh umal
    wax ay ila tahay in muhimad sida uwayn lasiyo ma ah urur wadani aha oo is dhiibay isago an gadhin ujedoyinkisi asaasiga ah ururkan wax awood ciidan ah oo muqata kuma lahayn gobolka waxuna ah urur ay tageran wadamada carabta siyaasad ahn un ayuna ujiray lakin awood ahan wu burburay wakhti hore sababta kentay in ethopia ay so dhigto saacada siyasada una samayso muqaal wayn ma ah in warankoda u ethopia damqay e ethopia aya ujedo siyasaded kalahayd arintan
    taas oo ah in adunka ay utusto inay la heshiisay urur mucarad ku ah si ethopia logu arko wadan nabad jecel una danayanay dadkeda iyo in dadka gobolka (somalida) ay kukala qaybiso kuna si kala furfurto awooda iyo kacdonka si xogaysanaya sida daretd ururkan iskada faido uu gadhay khasare wayn ayu u so kordghiyay qadiyada ogadeniya marki horana ma ahayn urur manhaj wadani ah wata tan aljaseera iyo sabbata shiikha ugu been aburatay waxy tahay aljazeera waxay ledahay ujedo siyasdeed oo carbed sida dareted waxu aljaseera u aragto in qadiyada carabta ay kutahay lidi waxay usamaysa dacayado arintan isdhibka koxdana
    wax aljasiira ula muqata in ay tahay arin carabta iyo ujedoyinka geesk afrika ay kaledahay wax udhimi karto
    arinta shiikhena umul inu aragti cad ka baxsho waxay ila tahay habontahay dhanka kale siyasada fodad kudhisan ee somalida qofki k hadlo wax lo arka inu garab yahay sida darted sumacd ahan qofki ka gabasada aya qurux badan marka allahba xaal oga allah ina ina badbadsho naxariistisa wayn ayan hoos jogana e amiin