Home » Warar »

Ma dhabaa in Dowladda Suudaan ay dhex-dhexaadineyso Dowladda Federaalka KMG iyo Kooxaha ka soo horjeeda

Hadii ay Dowlada soo daabacato lacago cusub maxaa la filan karaa ?…

Waxaa dhawaan dalka ku soo laabtey Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Shiikh Shariif Shiikh ka dib markii Safar aan hore loo shaacin ku tagey Dalka Suudaan  wuxuuna kulan la qaatey Hogaamiyaha dalka suudaan Cumar  Xasan Al-Bashiir  waxaana la sheegay in kulankaas la iskula soo qaadey sidii Dawladda Suudaan uga qayb qaadan lahayd  dhexdhexaadinta Kooxaha ka soo horjeeda Dowlada Federaalka oo iyagu dagaal aan dhamaad lahayn kula jira Dowladda Federaalka waxayna Dagaaladaas Galaafteen Kumaan soomaali ah oo qaarkood ku ildaran Isbitaalada Magaalada Muqdisho

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dowlada Suudaan Cali Karti oo shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan ayaa daboolka ka qaadey in Madaxweynaha soomaaliya uu u yimid Dalka sidii Dowladda Suudaan uga qaybqaadan lahayd Wadahadal dhexmara Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda  wuxuu sheegey in Dowladda Suudaan ay ka go’an tahay in la is horfariisiyo Dowladda Federaalka iyo Kooaha ka soo horjeeda

Mahdi Abuukar Maxamuud oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan  ayaa daboolka ka qaadey  In madaxweyne Shiikh Shariif uu soo dhaweeyey hadalka ka soo yeerey Madaxweynaha dalka suudaan Cumar Xasan AL-Bashiir wuxuuna sheegey in Dowladiisa ay diyaar u tahay in xaaladda Soomaaliya lagu dhameeyo Wadahadal iyo dib u heshiisiin  si loo soo afjaro dagaaladda weli ka sii socda Dalka soomaaliya gaar ahaan Magaaladda Muqdisho   wuxuuna Safiirka uu sheegay in Dowladda suudaan ay tahay Dawlad Muslim ah oo daneyneysa in wadahadal lagu dhameeyo arrimaha Murugsan ee ka taagan Dalka Soomaaliya

Rajada dib u heshiisiinta

Warka ka soo yeerey Dowladda Suudaan ayaa Dadka u dhuun daloola arrimaha soomaaliya ayaa sheegey in ay adag tahay in la is horfariisiyo Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda iyagoo daliil uga dhigey arrintaa Mowqifyada ay kala taagan yihiin  dhinacyada isaga soo horjeeda dalka oo aad u fog  iyadoo Kooxaha ka soo horjeeda xalka soomaaliya u arkaan mid lagu dhameeyn karo Xoog Milatari

Sannadkii 2006 ayey markii Dowladda Suudaan dalkeeda ku martigelisey shir dib u heshiisiin oo ay isagu yimaadeen Dowladdii uu hogaaminayey Cabdulaahi Yuusuf  iyo maxkamadihii Islaamiga ahaa, waxaana wadahadalkaas loo fariistey laba jeer balse waxay markii dambe ku biya shubteen Fashil waxana dadka badankii ay rumeysan yihiin in wadahadalaas ay u burbureen Feregelin ka timid Dalaka dibadiisa oo ay ugu horeysey Dowladda Itoobiya waana middii keentey in uu soo deg dego Dagaalkii dhexmarey Dowladdi Cabdulaahi Yuusuf oo gacan ka heleysey Ciidamadii Itoobiya iyo Maxkamadihii  Islaamiga ahaa  waxaan Cagta la mariyey Maxkamedihi Waqtigaa jirey balse mar kale ay soo rogaal celiyeen  waana mida keentey in Ciidamadii Itoobiya ka baxaan dalka  iyadoo dadka qaar ay aaminsan yihiin in Ciidmadii Itoobiya ay ku baxaan Wadahadal  waxaan la dhisey Dowalad uu madaxweynaha ka noqdey Shiikh Shariif  hase yeeshee waxay la kulantey Dagaala aan dhamaad lahayn.

Daabacaadda Lacag cusub

Warar kale  ayaa sheegey in Madaxweyne Shiikh Shariif uu u tagey Dalka Suudaan sidii loo soo daabici lahaa Lacag shilin Soomaali ah oo ka duwan Midda hada Jirta   waxaana lagu waramey  in lacagtaas ay ku baxeyso 17 Milyan oo Doolar waxaa xaqiiqo ah haddi lacagtaas dalka la keenno ay uga sii dareyso xaaladda soomaaiya iyadoo Dhawaan Dalka  la keeney Lacag shilin soomaali ah  oo ka koobneyd Boqolaal Bilyan waxaana dhacadey in lacagtaas ay diideen Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda waxaa dhowr jeer lacagtaas lagu gubey Meel  Fagaaro  marka wey adkaaneysaa in lacag ka duwan Midda hada jirta in dalka la keeno  waayo Dowladda Shiikh Shariif waxay Xukuntaa Goobo yar oo ku yaal Magaalada Muqdisho iyadoo dadka qaarkii ay sheegeen in haddi lacagtaas la keeno ay dib u xasuusan doonaan 1991 markii Dowladii Cali Mahdi ay dalka keentey lacago ka duwan midda dadka yaqaaneen waana la ogaa halkii ay martey lacagtaa waxana lacagtaas ka hor yimid Tageerayaashii Jeneraal Caydiid sidoo kale Dowladii Cabdi Qaasim ayaa la sheegey in mar la damcay in loo soo sameeyo lacago ka duwan mida dadka yaqaanaan hase yeeshee arrinkaa waa uu socon waayey

Waxaa la hubaa in dalalka ay ka jiraan Xasaradaha waxaa inta badan la keenaa lacago ka duwan kuwii hore waana mid looga dan leeyahay in Bansiin lagu sii shubo Xaaladaha adag ee ka taagan dalalkaas waxaana inta badan lacagahaas inta lagu qasbaa  Sameynteeda iyagoo doonaya dalkaas marnaba uusan deign uu ku jiro Qas iyo Jahwareer iyo Dagaalo

Akhri: Sheikh Shariif oo Suudaan u tegey Daabacaadda Lacag Cusub


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ma dhabaa in Dowladda Suudaan ay dhex-dhexaadineyso Dowladda Federaalka KMG iyo Kooxaha ka soo horjeeda "

  1. asc dhamaan umadda islaamkaa Ramadan Kareem,, waa mahadsantihiin Somalitalk inaad noo ogolaataan ka akhristayaal ahaan inaan fikirkayaga dhiibano. mar labaadna waxaan mahad u soo jeedinayaa dawlada islaamiga ah ee Sudan oo iyada ruuxeeda ay haystaan caqabado badan oo uga imaanaya cadow badan oo dibada ah iyo gudahaba ah. waxaan aaminsanahay dawlada Sudan gogosha nabadeed ee ay somalida u dhigtay inay tahay gogol nadiif ah oo ka hufan shirqool iyo kala fogayn kale. laakiin waxaa is waydiin mudan malaga yaabaa in kuwaan isbaabi,inaya ay mar uun soo dabcaan oo ay gartaan inay badbaadiyaan haraadiga somalida ku rafaadsan dal iyo dibadba. anigu shaqsia ahaantayda uma arko dad caqliga saliimka ah siinkaro inay talaabo ummada somaliyed anfacda ku dhaqaaqayaan laakiin ilaahay raxmadiisa lagama quusto oo isagaan sugaynaa. wabillaahi tawfiiq