Home » Maqaallo »

PUNTLAND IN LOO DABBAAL-DEGO MA MUDNA

Dadka soomaaliyeed aasaas noloshooda waxaa u ah baadiyaha oo waa dad xoolo-dhaqato ah. Qaanuunka xoolo-dhaqatadana qodobka u horeeyaa wa inaan dhulka la kala xigin oo aan cidi gooni u sheegan karin qayb ka mid ah dhulkaas lawada dego. Oo markasta dadku waxay aadaan oo u guuraan meeshii naq iyo roob laga soo sheego. Duufaan guluf colaadeed mar mar dhulka waa ku habsataa oo mid damac iyo hunguri xumi dagaal uu huriyay degaankoo dhan waa dul-degaa.

Inkastoo ay arintu gaarto irdo jiqa, albaabo isku xiran iyo eel la bixin waayay, oo ay xaajadu afraha duubato oo loo olmami waayo, haddana lama kala guuro lamana kala ordo oo dhulka lama kala seeraysto oo inta xero yar magac loo bixiyo gaadaal erayga Land loogama daro, Ee nin aqoon leh, aw iyo odayaa loo saaraa ka soo taliya. Inkastoo ayaan iyo ayaan lagu aloollaado waxaa u soo baxa Aaqil iyo nin maalintaas ka arrinsha oo inta gabdho, geel iyo gammaan faras la isku xaalmariyo ayaa wixii dhacay oo dhana xalay dhalay laga noqdaa oo dalka iyo dadka cadowga looga wada ilaaliyaa.

Laakiin wixii sagaashankii markii soomali dirirtay oo inta qarankoodii shindhaladka ahaa iyagoo miyirkoodii qaba ( inay waalaayeena waa laga yaabaye) faaska iyo qaarta ku burburiyeen ka denbeeyay soomaalida waxaa u soo baxay siyasiyiin taraaska nooca xun ah, oo duntoodu liidato. Oo meeshii hammigooda iyo qammigooduba ahaan lahaa rajadii soomali weyn iyo riyadii qurxoonayd oo ab ka ab la koolkoolin jiray in mar la gaari doono adoo nool yaan kafan la galin oo ha ka mid noqon kuwa nasiibka daran oo xabaasheeda goob jooga ka noqda, bay waxay u qaybsameen kuwo ku talax tagay bir iska asalka oo fannaaniin ku noqday iyo kuwo meel cidlo ah oo aan waxba oolin faan iyo tookh la fariistay, afkana dufan marsaday iyagoo boga iyo beerka ay isku dhajisay gaajo, naftoodii hafray oo been ugu sheekeeyay.

Qabiilo soomaliyeed baa yaabka la arkay jamhuuriyado la baxay, kuwana dowlad-goboleedyo bay ku dhawaaqeen. Meelaan sharaf iyo karamo ool oo cidlo cirsilo ah bay waxay dheheen ku dayo bilicdeeda iyo meel ay nabad buuxdo taal. kuwo kalana meel aan dhaamin oo horumarna kala mid ah, culumadana inta la xirxiro gaalka faranjiga ah iyo amxaarka buuryada leh loo dhiibo oo waliba salaan iyo sujuud loogu daro bay waxay dheheen meel samaan dhab ahi, sharci lagu socdiyo oo sinaani taal. Waxa waxaas ku aqdaamanaya oo u alifaya waa fannaaniinteenii qaranka oo ay jamhuuriyadeenii Haboon hantida iyo xanaanada badan galisay, oo ay tiyaatarada qasriga la moodo u dhistay, oo ay ahayd inay waa hore qaracan u dhintaan markay arkeen burburkii ku dhacay mashruucii cadiimka ahaa. Kuwii baa haddeer godoomiye-gobolo dowlado sheegtay ammaan ka dareerinaya. Ileen faanaanoow waligaaba macaan jecel baad ahayd. Sideed afkaad aar ku amaantay atoor ugu amaantay?

Inkastoo darxumada na haysataa ay ka darantahay sabankii daacuunka oo Soomaali meel ay joogtaba dubayaal ku dhaceen, haddana dhaqan xumada Somaliland iyo Puntland ummaddii la yaabtay. Shaki kuma jiro in dadka koofurta Soomaaliya degani qaran-jabkii nagu dhacay inay qaybta ugu weyn ka qateen, inkastoo ayna keli ku ahayn. Laakiin waxaa xaqiiqo ah inay weli u heellanyahiin soomaali weyn. Ka biloow Raaskanbooni ilaa Bandiiradleey waa dhul Soomaliyeed oo dadka Soomaliyeed wada leeyihiin. Colaad iyo rafaad ha ka dhergeen lakiin isuma quuran inay qof soomaali ah ugu goodiyan inay musaafurinayaa.

Ma ogtihiin kacaankii maxkamaduhu inuu ka biloowday shacabka Muqdisho oo ka carooday kana dhiidhiyay in dad muslimiin ah oo qaarkood aynaba Soomaali ahayn gaalo loo gacan geliyo?. Puntland iyo Somalilanda waa ku tartamaan oo ku fanaan. Mase ogtihiin in qabqablayaasha dagaal ee marada madow wata kuwa hogaamiyaa inayna soomaalida koofureed ahayn? Haddana dadka reer koofureed shisheeye kuma tilmaamaan, mana kala falkiyaan ee waxay ku tilmaamaan mooryaan diimeed soomaaliyeed, gobolkay ka yimaadeense macno uma samayso oo ma kala jecla.

Waxaa la yaabay marka la arkay aqoonyankii Puntland iyo Somaliland oo tarbiyayntiisa dawladdeenii ay ku maalgalisay canshuurtii suuqa caanaha Dhuusa mareeb, Belad weyne, gaalkacyo iyo burco iyo mooskii Jubada hoose iyo afgooye, oo aan qabiil maalina wax tarin inuu dhib iyo shaxaad u geysto maahane, ayaa waxaa la arkay isagoo Soomaalidii kala findhicilaya oo qabiil falkaya, isku dirkoodiyo kala qaybintoodana gumaysi ugu adeegaya, rabana inuu saas ku helo raali ahaanshaha amxaarka.

Inay Puntland iyo Somaliland samaysmaan guul iyo horumar mahan, ee waa han-yari iyo damac foolxun, oo qabyaaladi maashaysay iyo heshiis qaab daran oo lala galay kuwii Soomaaliya shanta u qaybiyay, oo wali hamuun u qaba inay qaybaha sii yaryareeyaan. Dadka reer koofureedna waxay u dhisan waayeen ”dowlad-goboleed”Soomaliya lagu sii kala qaybinayo maahan fashil iyo awood daro haysata sida dadka qaar ku andacoodo, ee waxay ku soo ababeen madarasadii kacaankii barakaysnaa oo ku soo tarbiyeeyay inayna waligood aqbalin oo ay yasaan wax ka yar Soomali weyn oo mid ah.

Subxaanalaah! maxaad caruurtiinii sumcad xumo taariikhda u galiseen Puntland iyo Somalilanow. Maxaad taariikhda halganka Soomaaliyeed mar kasta dhinaca madow uga gashaan? Kacaankii Darwiishkii mujaahidka ahaa meeshii aad ka tageeri lahaydeen ama ugu yaraan aad ammaan siinlahaydeen baad Koofil iyo Italyan ula soo safateen, Ilaa uu isagoo bahdilan duumo iyo ciil ku dileen geed hoostiis oo aan maantay la garanayn shaamiqaas weyni meeshuu ku aasanyahay.

Kacaankii Jaale Siyaad ee abuuray guutooyinkii Afrikoo dhami ka haybaysan jirtay, oo taariikhda aan la maqlin meel lagu jabiyay, Amxaarkuna saska ka qaadi jiray oo lagu xuxin jiray, isla markaasna Soomaali ka dhigay ul iyo diirkeed, oo horumarkii ugu badnaa Soomaali gaarsiiyay, oo uu naga dhigay wadamada yar ee Afrika af qoran oo gooni u ah leh, baad raadkiisii gurteen oo cadaawaddiisa amxaarkii Xaylo Maryamo kula shirakoowdeen. Oo sidaad tumaatida warmaha ula dhacayseen intuu jilcay isku dhex yaacay oo hoog iyo ba’a inuu dhex galo badeen. Ilaa markii danbe isagoo dacayda ruugaya ciil dartiis naftii kaga dhacday isagoo dalaw ah iyo dalanbaabi. Kadibna god madow baa lagu dhextuuray aan la aqoon meeshuu ku yaal, siduu yahay waxar bakhtiday oo aan dalka iyo dadka taariikh iyo abaal ku lahayn. Khudbadiisii ugu danbaysay baa qalbigu ila gariiraa. Amxaarka dagaalka markii uu la galay oo uu Adis ababa meelo u dhaw ku kuusay, ulama galin kursi iyo xukun uu raadinayey ee wuxuu ahaa halyey dad iyo dal ka maqanyahiin, wuxuuna ka soo takharujay madarasadii ina Cabdule Xasan oo ardadeeda lagu ababin jiray isla weynanka soomaalinimada iyo in qofka Soomaaliga ahi dadka isagu u sareeyo meel iyo goor uu joogaba, oo aan cidina gumaysan karin. Oo ay tahay waajib inuu xornimo iyo sharaf ku noolaado. …Aaaah. Laakiin Soomaali bay ka dhasheen kuwaasi, oo wadka dila halyeygoodaa magaciisa waxaa la dhahaa ciil iyo murugo.

Dad badani waxay u haysteen oo aad ugu farxeen aas aaskii Puntland oo waxay is dheheen waxay noqondoontaa meel ugxanta iyo xubuubkii haray lagu ilaaliyo oo dumarka iyo caruurtu meeshii ay markay Xamar ka qaxaan ay Itoobiya iyo Keenya aadi lahayeen, hadda dhulkoodi baa qaar nabad yahay oo inay qaxooti noqdaan Alle kuma jirabayo. Oo intii wadanku dib isugu soo laabanayo bal Soomali, hadde waa Soomali oo dhan, ha ka dhigato meel ay ku soo hirato laakiin waxaa sas iyo argagax dhacay markii hogaamiyayaashii Puntlnad dadkii u qaybiyeen dad reer Puntland ah iyo dad shishiye ah.

Dagaaladdii u danbeeyay oo haddeer Galgala ka dhacay iyo khudbadihii madaxdooda ee ka horeeyayba waxay muujiyeen dulqaadka siyaasiyiinta reer Puntland intuu le’egyahay. Sharci islaam iyo mid gaalo mid xaq u siinaya ma jiro inay dad soomaliyeedi intay qabqabtaan dad kaloo soomaliyeed qaarna tigreega u dhiibaan qaar kalana dukaamadoodii iyo guryahoodii inta si dulmi ah looga soo jafay layiri xuduudaa laga saaraya. War illeen balayo annagaa aragnay. Xuduudu waa tee? Yaa noo kala calaamadeeyay? Goorma Soomaliyi dhulka qaybsatay? Ma dowlad kalaa la idiin aqoonsaday si aad dadka uga musaafurissaan wadankooda? Mise xadgudubka iyo sharci daradaa xalaal idiin ah?.
.
See ku garataan qofka aan ”Puntland” ahayn? Muxuu dadka kaga duwanyahay? Waa maxay sharuudda laga rabo inuu buxiyo qofka noqonaya reer Puntland? Mise waxaad afka ka dhowraysaan baad uurka ku haysataan? Maa lakum kayfa taxkumuun? Aaway dowladdii Soomaliyeed? Aaway madaxweynihii? Aaway xukuumaddii? maxay u cambaarayn waayeen ficilka foosha xun ee aad ku dhaqanteen?

Awalbaa waxaa fadeexad idin ku ahaa fashalka dariic ah ee ku habsaday siyaasiga reer Puntland markii aad raali ka noqoteen Gaalkacyo oo hal magaalo ah ahna fursad qaali ah oo tusaale u noqon kari lahayd, idinkuna aad ku muujin lahaydeen say idinkaga go’antahay midowga Soomaliyeed baad waxaad ogolaateen in laba ”dowlad-goboleed” laga sameeyo. Waxa loogu yeero Beesha caalamku waxay ka warwareegaysaa inay hal magaalo u aqoonsato inay caasimad u noqoto laba shacab oo kala diin, luuqad iyo jinsiba duwan. Oo waxay leeyihiin see ku dhici kartaa innagoo isku sheegayna inaan nahay caalam horumaray inaan ku guuldaraysano inaan magalada lakala qaybin.

Waxaad awoodi weydeen intaad si cadaalad ah wax ugu qaybisaan shacabka magaalada degan oo aad ku qancisaan inay hal nidaam kawada tirsanaadaan oo ay ku ilaalsadan danahooda. Bal mucjisada la arkay haddii Gaalkacyo kulligeed go’i lahayd oo dowlad kale raaci lahayd Laascaanana dowlad kale lagu qasbo inay raacdo, Garoowe iyo Boosaasaad oran lahaydeen madaxweynayaal iyo waxaan u nahay wasiiro

Qofka Soomaliyeed, qabiilkuu doono ha u dhashee oo jooga Xamar, Baydhabo, Jawhar, Kismaayo ama Gedo waa laga yabaa in xabad wiifaysa ku dhacdo lakiin haabkiisa soo gali mayso kana baqi maayo in la raafo sidii inuu yahay ajnabi Sucuudiga ku jooga sharci la’aan. Taariikhda culuumta siyaasada ee caalamka waxaad ku soo kordhiseen dhaqan cusub iyo in dad hal wadan kuwada nool ay dhalashooyin kala yeeshaan. Waxaad soo kordhiseen iyo dhaqankaasibaa xumaah .

Muddo ka yar hal sano ayaa in ka bada toban mas’uul oo Puntland ah oo midka ugu darajo hooseeyaa gudoomiye gobol yahay waxay ku goodiyeen in Puntland dadkaan u dhalan laga cayrin doono. Markii hore waxaan u fahmay in xabashida, oromada iyo dadka noocaas ah ee aan wadanka u dhalan laga wado. Laakiin nin baa wuxuu igu yari war waxaa laga wada qofkaan shanta gobol ee Puntland u dhalan hadduu rabo dagaari ha ku dhashee. Waan isku yaxyaxay.

Wiil aan dhalay iyo anigaa waxaan dhagaysanaynay nin mas’uul ah oo runtii ku dhaaranaya in dadkaan reer Puntland ahayn la qaxin doono, maadaama ay iyagu baalayo kastoo magaalooyinka waaweeyn ka dhacda ka danbeeyaan, waa siduu ku andacoonayee. Markaasaan wiilkaygii u sharaxay waxa ninku ku hadlayo. Markaasuu intuu yaabay buu wuxuu yiri aabe ninkaasi ma xisbi cunsuri ah buu hogaamiya? Sidee muwaadin ugu hanjabi karaa inuu muwaadin la mid ah ka rarayo dalka? Bal dhugta meeshaad garsiiseen karaamadiini iyo wadaninimadiinii?
Maxaad ka wadaan qofkaan u dhalan Puntland? Sow ma ogidin in dadka ku nool Puntland in ka badan boqolkiiba konton ayna ku dhalan Puntland oo ay ka yimaadeen meel kale oo ka mid ah Soomaaliya? Ma kuwaas oo dhan baad ka wadaan in laga cayrinayo Puntland? oo waxaa ku soo hari doona qofkii cadeeya inuu deganaa 1990kii waxii ka horeeyay? Mise miisaannadaad wax saaraysaan baa kala duwan? Waa dakhal jabay oo aan waqiis laga dawoobayn in la arko idinkoo ka kaluumaysanaya biyo qurmay.
Haddii nidaamka aad ixtiraami lahaydeen iyo xuquuqda bini’aadamka waxaad ogaan lahaydeen sida ku xusan xeerka caalamigaa ee xaqa muwaadanada ee qaramada midoobay, in qofka soomaaligaa xor u yahay inuu Soomaliya meeshuu rabo ka degi karo, oo ay xaaran tahay in lagu xadgudbo naftiisa, maalkiisa iyo sharaftiisa, isla markaasna aan la dulmin xaquqdiisa siyaasadeed.

Puntland waxaa 20 sano ka hor yimid kumanaan qof oo ka yimid Xamar, Jawhar, Baladweyne, Baydhabo, Dhuusamareeb Cadaado, Caabudwaaq iyo meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah. Qaarkood awoowayaashoodaa Puntland ka soo jeeday qaarkoodna kama soo jeedin. Cadaaladu waxay tahay in isku si loola dhaqmo, Waxayna ka qayb qaateen dhismaha magaalooyinka iyo tuulooyinka Puntland, qof ka xigaana ma jiro. Caruurtii ay ku dhaleen hadda waxay da’doodu dhaaftay 20 sano.

Intaas oo ay idin la joogeen waxaad doorateen intaas oo madaxweyne, waziiro, taliyayaal iyo gudoomiyayaal. Wali taladooda ma weydiiseen? Dad matala oo xuquuqdooda ilaaliya Parlamaanka ma ugu darteen? Madaxweyne! wali intaad la kulantay ma waraysatay oo ma weydiisay noloshoodu sida ay tahay? Mase ogtahay waxay ku jiraan dadka aad mas’uulka ka tahaye?. Kulukum masuulun wa kulukum masuul can raciyatahi.

Taas waxa kas ii yaab badan taariikhda waa markii koobaad oo la arko Soomali tiro koobaysa masaajidyadii iyo dugsiyadii quraanka. Bal islam la dirirkaas iyo hoogaas u fiirsada. Maad tiro koobtaan ashahaado la dirirka P.I.S ka oo fasaadka iyo qooqa ku balaariyay dhulkii? Maad tiro koobtaan khamriga Maraykan iyo Amxaarku soo maalgaliyaan? Maad tiro koobtan filimanta wasakhdaa iyo galmada qaawan ee gabdhihii iskuulada dhiganayay telefoonada loogu shubay? Maad tiro koobtaan inta muwaadin soomaliyeed oo shahaado la dirirka P.I.S ka ganacsatay ee cadow Amxaar ah loo gacan geliyay?

Ceebtii ugu weynayd waxay dhacday markii Tigreega beejada lehi xabsiyada ka soo dayeen raggii Puntland laga qabtay, oo gaalada laga gatay, oo hadda heshiis kadib la rabo inay madax ka noqdaan Soomali galbeed. Soomali waxay yaabtay markaad dhiiranaantiina aad waxaad ku sheegteen guul ay gareen aad ugu hambalyayseen raggii shalay uu sirdoonkiinu inta Garoowe iyo Gaalkacyo ka qabqabtay dhoodirka loo loogay.
Haddaadba ka maarmi weydeen inaad wax tiro koobtaan, maad tiro koobtaan burcad badeedda noqotay warshadda ugu wax soo saarka badan Puntland? Maad tiro koobtaan malaayiinta doolar iyo Layli-calawiyada ay hadiyadda u siiyaan qaar ka mid ah saraakiishiina iyo madaxdiina? Hal marna maad tustaan Soomaali inaad maya oran kartaan amarada Tigreega?

Jawrka iyo qooqa uu shahaado-ladirirku wakiilka idinka yahay kumaydaan dhacdeen haddii meesha rag joogi lahaa. Lakiin masiibadu waxay dhacday markii xarakadii Ictisaam oo waagii ay dhiiranaayeen aan aktooda cidina dulmi ku samayn kari karin oo dug yiri daawaday aadmigi. Damacoodu wuxuu saaran yahay diiro saracii. Hammigodu wuxuu noqday hanti samayn. Xabad,dagaal iyo raganimo haday maqlaan, inkastoo dad muslimiin ah dulmi lagu falayo albaabaday soo xiranyaan hadalakoodana hoos bay u dhigahayaan. Sharqantooda waayadatan waxa kaliya oo la maqlaa markay shirkad xawaaladeed xayaysiinayaan ama ay shirkado taleefanadda gada meel ka furayaan.

War dadku mowdka waa iska ogyahoo maalik baw qoraye, dulmiga hor istaga oo cidi haddeer dagal gala oo xabad qaata idin oran mayso, laakiin kibirka maya dhaha, oo ummaddu qalbigiina kama war qabtee carrabkiina iyo qalinkina ku hor istaaga edeb darada. Waxaad tirahdaan oo aad habadnimadiinaan iyo fadhiidnimada qiil uga dhigataan wasat baan nahoo waxaan diidaynaa tadaruf iyo quluwi, waa gar, waana arrin fiican, oo hadda cidi idnkuma ceebayn karto inaad saas tihiin, laakiin dacay baad qaayibteen oo waad talax tagteen markii dadkii guryahooda laga guray gobolo kale loo musaafuriyay, idinkoon wax ficil ah ka muujin.
War bal dalaga beeraha iska qota, jawaanadana sonkorta iyo bagaashka ku gura oo ka buuxiya, oo dadku waa idinku bartay jacaylka dirhamka iyo diinnaarka , laakiin wuxuun iskula hara, oo dhaqankii shuhadadiina wuxuun ka soo reebta, oo xataa ugu yaraan shahaado la dirirka war bal afka uun ku hor istaaga. Haddii aydaan degdeg isku badalin wacad allah nimankii marada madoobaa baa meesha imaanaya, idinka iyo Shahaado la dirirkuna isku doomaad ku carari doontaan. Ganacsigii iyo baqaaradii aad jeclaydena waxay noqon doonaan dhaxal gorayo dhabad baa leh. War hoogoyin is daba qabta.

Maqaalkan oo sida ii caadada ahba aan aad u dheereyay kana cudur daaranaya inaad ku daashay aqriskiisa akhristaha sharafta iyo ixtiraamka mudanoow waxaan ku soo gabagabaynayaa codsi aan u dirayo qurba joogta PUNTLAND. May ahayn inaad xaflado iyo debaldeg u qabataan Puntland. May ahayn inaad katiifad gaduudan u gogoshan nimaan mutaysan. May ahayn inaad sacab iyo heeso u qaadaan. Waxay ahayd inaad dowr muuqda, cod iyo miisaan leedihiin. Waxay ahayd inaad siyaasiyiinta Puntland la xisaabtantaan. Waxay ahayd inaad toosisaan golaha wakiilada Puntland ee hawshii loo igmaday oo ahayd in uu shacabka iyo xukuumadihii iska danbeeyay u dhexeeyo inta ka tagay ay shaqadiisii noqotay inuu codkiisa ka ganacsado oo kii lacagta ugu badan siiya ugu heesa todobo sanoo danbana fulaanoow ku dooranay. Waxay ahayd inaad ku orisaan oo ceebaysan ciddaan masuuliyadeeda ka soo bixin. Laakiin macal asaf shadiid hadba markii wasiir eliitka ka mid ah yimaado magaalo Europé ka tirsan baa qurbo joogta Puntland rag iyo dumar dhididku ka dhamaadaa oo wasiirkaas ubax iyo mashxarad lagu soo dhaweeyaa. Haddaad tiraah war toloow ninku (ama naagtu) wuxuu qabtay aan weydiino! Waxay ku leeyihiin !maya maya ha weydiin waa wasiir Puntland ahe yuu qaracmine. War illeen balaayo annagaan aragnay.

War soo ma ogidin in hantida ka soo baxda Puntland oo laga qaado shacabkaas dhibaataysan in meel ay aado aan la garanayn? Soo ma ogidin in Puntland ayna waligeed ka qayb qaadan dhisidda isbitaalada, iskuulada iyo taageerada danyarta? Soo ma ogidin in 10 sano lagu sheekaynayay hantidu waxay gashaa amaanka iyo nabada; amaan iyo nabadna aan meeshii lagu hayn? Soo ma ogidin in ammaan darada in badan oo ka mid ah ay siyaasiyiinta reer Puntland masuul ka yahiin? Soo ma ogidin in Laascaanood la iskala tagay iyadoo aan deero deero u hardiyin? Soo ma ogidin in shacabkii Buuhoodle uu wayaanuhu qaarna laayay qaarna hantidii ka dhacay oo iska dareersaday? Waxaas oo fashil iyo guuldaro ah siyaasiyiinta iyagu sababta u ah maxaad katiifada guduudan ugu dhigaysaan? Maxaad hotello ugu kiraynasaan oo xaflado ugu qabanaysaan? Maad kor uga kacdaan oo iskala weynaataan sacabka iyo mashxaradda caadifada ku salaysan.War waxaan samaynaynaa waa ceebe aan wadamada aan ku noolnahay sida ay siyaasiyiinta ula dhaqmaan ula dhaqano kuweenana. Oo aan ula xisaabtanno, oo kii wanaag sameeyana aan ku amaano kii mooryaan ahna aan magaciisa saxdaa ugu yeerno. Ballanteenu waa inaan ka xorowno sacabka iyo xafladaha. Waxaan kaloo hilmaami garay,

Haddii arinta Galagalo oo sida xun loo maamulay ay fara ka baxdo oo shacab lagu xasuuqo meeshaas, waxaad ogataa qof kasta oo u dabaldegay sanad guuradii Puntland inaad danbiile tahay, waayo may ahayn wakhti la dabaal dego ee waxay ahayd wakhti la baroorto. Waxa is haysta oo Galgalo ku dagaalamaya waa dad shacab ah oo ka soo horjeeda in khayradkooda bilaash lagu gurto oo dhinac ah iyo shirikadaha shidaalka baara iyo shahaado la dirirkii oo dhinac ah. Mid meesha ka dagaalamaya oo ashahado la dirir ah wuxuu idaacadda ka sheegay oo yiri ”

waxaan dadkii buuraha degana ku aqsaynay madaafiicda goobta”. Bal inaad habaarantahay maad kuwa raba Laascaano oo ansaartii darwiishka iyo haybaddii soomaliyeed ah inay ka jaraan Soomaliya madaafiicda ku aqsaysid? Maadse baaraweynaha tigrega oo inta Buuhoodle soogalay dadkii qaarna laayay qaarna xoolahoodii dareersaday madaafiic ku asqaysid? War hashu maankayga gadaye ma masaar bay laqday? Mase xasuuqa Galgalo doolar baa shirkadaha shidaalku ku bixinayaan? Laascaanose waxay u bahantahay raganimo iyo karti? Sheekadaas layabka leh fiiri oo guriga mugdiga ah habeen barkii lagu alifay. Dambiilayal baad tihiin cid idin rumaynaysa oo idinka yeelaysa waxaad akhrinaysaana ma jirto. Dadkaad leyseen waxaro maahan maalin maalmaha ka mid ahna cadaaladdaa la idin horkeeni doonaa . Wax lala amakaagay noqotay inaad ku faantan inaad dadkii shacabka ahaa jab gaarsiisaan.

Mubarak Xoosh Gaashaan
mubarakwarsame@hotmailcom

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.