Home » Maqaallo »

Sideen u fahamnaa Qur’aanka? | Q. 4aad

Qeybtaan waa Qeytii 4aad ee maqaalkii aan kaga hadleynay Sideen u fahamnaa Qur’aanka? oon aan rajeynayo inaan uga faaiideysano si aan Qur’aanka uga helno Aqoon Guud oo kooban..

Suurada 5aad Al-Maaidah:

Suuradan waa Suurada 5aad Habka uu u qoran yahay Musxafka Qur’aanka marka loo eego, waxaa loogu magac Daray Al-Maa’idah si ay u Waarto Xusuustii Mucjizadii la siiyay Nabi Ciise Markii Israaiiliyiintii Su’aasheen in Allaah uu Cirka kasoo Dajiyo Xeero Cunto ah, taasoo laga aqbaly Nabi Ciise Markuu Allaah ka Baryay ayadoo isla markaasna loogu Goodiyay in aysan Caasinimo kale la imaan Codsigoodaas ka dib.

Suuradaan waxa ay ka mid tahay Suuradaha soo dagtay Markii Magaalada Madiina loo Hijrooday ka dib, waxeyna ka mid tahay Suuradaha aadka u Dheer, Aayadaheedana Tiro ahaan waa 120, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fatxi ka dib, Suuradan waxey ku Bilaabataa Qaab ah Naadin ku Socota kuwa Mu’miniinta ah, waxeyna Suurada ku beegan tahay Juzka 6aad Badankiis ilaa Juzka 7aad Biloowgiisa laga gaaro.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Maaidah:

Suuradaan Maadama ay Magaalada madiina kusoo Dagatay waxey Xambaarsan tahay Guud ahaan Suuradihii ka horeeyay Nidaamkii ay Xambaarsanaayeen oo waxa ay aad Xooga u saartaa Dhinca Shareecda Islaamka, ayadoo ay u dheer tahay in ay ka Hadasho si aad u xeel dheer Arimaha Caqiidada iyo Qisooyinka ku Saabsan Ahlu Kitaabka.

Caalimka la yiraahdo Abuu Meysarah waxaa uu yiri: {Suuradaan Al Maaidah waxey ka mid tahay Suuradaha Qur’aanka kuwii ugu Dambeeyay ee soo dagtay, mana ku jiro Mid la Nasaqay Xukun ahaan, waxeyna Xambaarsan tahay ilaa 18 Waajib}.

Sababta ay kusoo Dagatay Suurada Al-Maaidah:

Suuradaan Biloowgeeda waxey soo dagatay Xili Muslimiinta oo ka yimid Magaalada Madiina ay Gaaladii Maka Joogtay markaas ka hor Istaageen Cimrada, aydoo Muslimiinta aad u Careysan ayay waxey arkeen Koox Mushrikiin ah oo doonaya in ay Makah ku Cimreestaan, taasoo keentay qaar Muslimiinta ka mid ah damcaan in ay Horjoogsadaan sida ayagaba Mushrikiinta Maka u Horjoogsatay Maadama kuwaan ay yihiin Mushrikiin kale, taasna Allaah wuu ka diiday waxaana Soo dagtay Biloowga Suuradan oo loo Sheegay in ay ka Hor leexdaan kuwa Makah ku socda Gaalaba ha ahaadeene.

Suuradaan Qeybo ka mid ahna (Aayada 3aad) waxey soo dagteen Sanadkii 10 ee Hijriyada Markii uu Nabiga (SCW) Xajinayay Xajkii Sagootinta, taasoo nin Yuhuud ah uu yiri: Hadii Aayadaan ay Nagusoo dagan Laheyd Anga Yuhuuda ah waxaan ka Dhigan laheyn Maalinkaas Ciid,.. waxaana uu Cumar Ibnu Khadhaab (Alaha ka raali noqdee) ugu Jawaabay waxey soo dagatay Goor la joogay Carafo Maalin Jimco ah,…taasoo uu Cumar ula eeday waxey noogusoo Beengantay laba Ciidood oo waa weyn.

Suurada 6aad Al-Ancaam.

Suuradaan waxa la yiraahdaa waxaa loogu magac daray Al-Ancaam, maxaa yeelay Magacaas ayaa aad ugu soo noqnoqda, ama waxey Suuradaan aad wax ugu Sheegtay Xoolo ay Mushrikiintii Makah ku bixin jireen Sanamyada in ay ku Caabudaan.

Suuradaan Al-Ancaam waa Suurada 6aad ee Musxafka Qur’aanka waana Makiyah Badankeed, marka laga reebo Aayado kooban oo kala ah: Aayada: “20,23,91,93,114,141,151,152,153,” kuwasoo kusoo dagtay Magaalada Madiina, waxeyna ka mid tahay Suuradaha aadka u Dhaadheer, Xaga Tirada Aayadaha waa 165, waxeeyna soo dagatay Suurada Al-Xijri ka dib, waxa ayna ku Bilaabataa Hab ah Amaan Rabi.

Suuradan waxey Kitaabka kaga Aadan tahay Juzka 7aad intiisa Badan ilaa laga gaaro Kaloo barka Juzka 8aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Ancaam:

Suuradan waxa aay ka Hadshaa caqiidada iyo Asalada Diinta maadama ay ka mid Tahay kuwii kusoo tagtay Makah, Suuradihii ka Horeyay waxey kaga Duwan tahay in aysan ka hadlin wax ku Saabsan Arimaha Nidaamka Sharciga iyo Axkaamta sida Soonka iyo Xajka, maxaa yeelay Muslimiinta Xiligaas Cibaadooyinkaas laguma Waajibin, sidoo kalana kama Hadasho Suuradaan Arimaga Dagaalka iyo Xiriirka Debada ka ah Muslimiinta sida Ahlu Kitaabka iyo Munaafiqiinta.

Suuradaan Kaliya waxa ay si Faahfaahsan uga Hadashaa Arimaha kala:

1)- Allaah kali ahaan Shihiisa waxa Quseeya.

2)- Arinta ku Saabsan Soo dagitaanka waxyiga.

3)-Arinmaha ku Saabsan Soo Nooleynta iyo Abaal Marinta Maalinta Qiyaame.

Suuradan Al-Ancaam Markii ay soo dagteen Aayadaheeda aadka u faahfaahiyay Xalaasha iyo Xaaraanta waxaa Dood aad u weyn ka Dooday Mushrikiintii Makah ayagoo la Doodaya Nabiga Suuban (SCW) oo leh Neefka Dhintay yaa Dilay?waxaa uu Nabiga Suuban ku Jawaabay: Waxaa Dilay Allaah. waxey yiraahdeen Neefkii uu Allaah Dilo (Kii Baqtiya) Xaaraan Miyuu noqonayaa, kii aad idinka Disheena (Gooracdeen) Ma Xalaalaa ?….waxaa uuna Allaah jawaab uga dhigay inuu soo dajiyay Aayada 122 ee isla uuradaan.

Fadliga Suurada Al-Ancaam:

Suuradaan waxaa ay kusoo dagatay Nabiga Xili uu joogay Magaalada Makah waxaana wehlinayay (Galbinayay) 70.000 Malaaig ah ayagoo aad u Tasbiixsanaya, markii uu Nabiga (SCW) Maqlay Shanqarta Tasbiixdooda aad ayuu u Argagaxay waxuuna u dhacay Sujuud ilaa loogasoo dajiyay Suurada.

AKHRI QAYBAHA KALE: https://somalitalk.com/tag/quraanka/

W/Q: Cali Axmad
asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.