Home » Warar »

Sheikh Shariif oo Suudaan u tegey Daabacaadda Lacag Cusub

Hadda ayaan sii geleynaa wershedda lagu samaynayo lacagta cusub: Safiirka DFKMG u fadhiya Suudaan Mahdi Abuukar Maxamuud

Madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif Axmed ayaa booqasho tegey magaalada Khartuum, Sudaan “booqashadaas ayaa la xiriirtaa sidii loo dhameys tiri lahaa heshiis ay Soomaaliya iyo Sudan wada galeen oo ku saabsan daabacaadda lacag cusub oo ay DFKMG ahi horey u weydiisatay dawladda Sudan,” Sidaas waxa sheegay safiirka dawladda FKMG ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Khartuum Mahdi Abukar Maxamuud, oo u waramay Idaacadda Codka Maraykanka.

“Hadda ayaan galay Wersheddii lacagta cusub lagu daabaci lahaa, ee warka ma dhamaystiri karo ee markale igu soo celi” ayuu yiri safiirka DFKMG u fadhiya oo muujinayey in markaas uu waraysiga bixinayey ay gaareen wershedda  loogu daabacayo laacagta cusub.. DHEGEYSO

11-kii January 2010 ayay ahayd markii magaalada Khartuum ay heshiis lacag loogu soo daabacayo DFKMG ku kala saxiixdeen Agaasimaha Madbacadda Lacagta Mohammed Al-Hassan Al-Bahi oo u saxiixay Dawladda Suudaan iyo Wasiirka Maaliyadda DFKMG Shariif Xasan Sheikh Aadan. Goobta saxiixu ka dhacay waxaa kale oo Dawladda Khartuum goobjoog uga ahaa Wasiirka maaliyadda iyo dhaqaalaha qaranka Awad Al-Jaz iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Suudaan Saber Mohammed Al- Hassan.

Wakaaladda Wararka ee Suudaan (SUNA) waxay sheegtay in lacagta loo samaynayo Soomaaliya ay ku baxayso lacag kor u dhaafaysa  $17 million oo doolar.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali, waxa uu si cad uga hor yimid qorshaha Dowladda FKMG ku dooneyso in ay lacago cusub oo Shillin Soomaali soo daabacato. Sidaas waxa Guddoomiyaha Bangigu shaaca ka qaaday bartamahii bishii Janaayo 2010. “Ma ahan in xilligan la isku mashquuliyo sameynta lacago cusub, run ahaantii lacag cusub in dalka lagu baahiyo, waxay u baahan tahay in laga fikiro, maxaa yeelay dowladdu haatan gacanta kuma heyso dalka oo dhan” ayuu yiri Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise Cali.

“Guddoomiyaha ayaa wareysi uu siiyay BBC (January 16, 2010) ku sheegay in aanay suurta gal ahayn lacag cusub oo dowladdu ay xilligan sameysato, taasi oo uu sabab uga dhigay in dowladdu aanay gacanta ku hayn dalka intiisa badan. Waxaa kale oo uu sheegay in dhaqaale xumida jirta awgeed aanay suurtagal ahayn, loona baahan yahay awood lacagta lagu dhaqangeliyo, isagoo intaa sii raaciyay in ay keeni karto sicir barar ka dhaca dalka.” Waa sida ay faafisay BBC.

Heshiisyadaas ay DFKMG la gashay shirkadda Shulman oo ay kula heshiisay $50,000 bil kasta & gunno iyo heshiiska Sudan oo ay ku baxayso $17 million, (iyo sida aan hoos ku arki doono $14 million oo Malaysia ka xannibtay DFKMG), arrimahaasi waxa ay kaabiga ku hayaab – ama la waqti ahaa – arrin ay dhawaan DFKMG ku go’aamisay in ay xirto Safaarado badan oo uu leeyahay Qaranka Soomaaliyeed (oo ku yaal daafaha dunida). Taas oo la sheegay in xukuumaddu aysan bixin karin kharashkooda. Laakiin sida Jariidadda Sharq Al Awsat ka heshay dublomaasiyiin Soomaaliyeed oo wargal ah, ujeedada rasmiga ah ee ka dambaysa xiritaanka safaarada waa in la iibiyo dhismayaashii ay ku yiilleen safaaradaha iyo dhulkii uu lahaa Qaranka Soomaaliyeed, ayey werisey Sharq Al-Awsat.

SII AKHRI: https://somalitalk.com/lacag/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sheikh Shariif oo Suudaan u tegey Daabacaadda Lacag Cusub "

  1. c/kaafi says:

    Allaylehe waxaa caddaatay in labada shariif yihiin madaxdii ugu liidatay ee soo marta soomaalida, dad inan wax boobaan maahee aan macno kale lahayn ayay noqdeen, …… Ilaahay waa caadil waxaan ka baryaynaa inuu naga soo gaaro dadkaan aadka u caqliga xun ee aan dad iyo duunyaba u naxayn haba yaraatee…

  2. Run sheeg waa ceeb sheeg says:

    War heedhe lacagta meesha ku masawiran ma tii ‘N’ lagu naanaysi jirey ee Cali Mahdi baa mise waa midda labada Shariif soo wadaan? ama N ku qora am SH ku qora faalso socon mayso waana laga digtoon yahay.