Home » Warar »

Warbixin Ku Saabsan Habsami U Socodka Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood.

Waxaa magaalada Nairobi ee xaunta dalkan Kenya ku sugan Gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal University ee magaalada Laascaanood Pro: C/Risaaq Maxamed Aadan{Lafoolle}.

Hadaba kulan aan la yeeshay ayaa waxaan kala sheekastay Habsami u socodka Jaamacadda Uu Hormuudka ka yahay ee Laascaanood waxaana ka diyaariyey Warbixintan.

Jaamacadda Nugaal oo jirta mudo 5 Sanadood ah ayaa waxay soo martay marxal;ado kala duduwan, kuwaas oo isugu jirey jiitan iyo horumar, Jaamacadda ayaa waxaa markii hoire jiitan keedu ka yimid dhanka maamulka iyo wada shaqaynta gudiyadii ay lahayd Jaamacadu.

Hase yeeshee Jaamacadda ayaa horumar isdaba jog ah ku talaabsanaysey sanadihii u danbeeyey, ayadoo la odhan karo waxaa hormuud u ahaa arimahaas guud ahaan Macalimiinta iyo Mas’uuliyiinta Jaamacadda Gaar ahaan Gudoomiyaha jaamacadda Mudane C/Risaaq Lafoolle oo ku bixiyey Juhdi aad u balaadhan horumarinta iyo meel gaadhsiinta Jaamacadda.

Waxaana waxyaalaha ugu muhiimsan ee laga xusi karo ee Jaamacaddu ku talaabsatay intuu Hogaanka u hayey Dr: Lafoolle ka mid ah, ayadoo Jaamacaddu kaalinta 7 aad ka gashay Khiyaas ay sameeyeen Hay’ado isku hawlaha u guur gelida Kobaca wax barasho ee caalamkan laguna magacaabo International Colleges and Universities, Jaamacadan qiyaasta samaysay ahna Hay’ad Tijaabineed ayaa waxay soo qaadatay 10ka Jaamacadood ee ugu horeeya Somalia. Taasoo Jaamacadda Nugaal ay gashay kaalinta 7aad.

Kulliyadaha Jaamacadu ka Kooban tahay.

1: Computer and Science – Degree

2:Business Administration _Degree

3: Sharia and Law _Degree

4: Education Diploma

Jaamacaddu waxay ka kooban tahay afartaas qaybood ee kor ku xusan.

Waa maxay Fursadaha ay Jaamacadu Heshay?

Jaamacaddan ayaa waxay heshay sida Jaamacaddaha kale ee dalkuba u heleen Fursado kala duduwan kuwaasoo dedaal lagu bixiyey. Jaamacadda ayaa waxaa ay heshay School ship dhawr ah oo inta badan ay bixiyeen shakhsiyaad.

Waxaana ka mid ah in ay ka helaan 6 Gabdhood Barnamij ay qaybinaysey gabadh lagu magacaabo Amanda lindout oo ah Saxafiyad u dhalaytay dalka Canada oo lagu afduubay Soomaaliya sanadkii 2009 isla markaana u xidhnayd budhcad Soomaaliyeed muddo 16 bilood ah. Waxaana barnaamijkeedaas lagu magacaabaa Somali women Scholarship Program. Waxayna balan qaaday in 6 gabdhood oo dhigin doona Jaamacadda Nugaal ay ka bixin doonto lacagta waxbarashada iyo Cuntada {School Fee +Food}.

Sidoo kale safarakii uu Gudoomiyuhu ku tagay dalka Maraykanka ayaa wuxuu halkaas ka soo helay 10 Gabdhood oo ayagana laga bixin doono qarashaadka Jaamacadda. Taasoo ay balan qaadeen ururka Ardeyda SSC ee Minnesota ee lagu magacaabo, SSC Student Union in University Of Minnesota.

Sidoo kale waxaa bishan July dhamaadkeedii,5 arday siiyey Jaamacadda Gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka Kenya Faraax Macalin Dawaare. Wuxuuna ardaydaas ka bixin doonaa qarashaadka Jaamacadda.

Dhamaan ardeydan ayaa waxay ka kala imaanayaan Dugsiyada sare ee mandaqada SSC, ayagoo imtixaan geli doona isla markaana 10ka u sareeya la qaato. Wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in si cadaalad ah loo qaado Imtixaanada halkaasna laga doorto ardeyda ugu sareeya. Ardeydan lagu helay Scholarship ka waxay isugu jiraan qaar waxbarashadii ku dhex jira iyo kuwo weli Imtixaankii u soconayo.

Hiigsiga Jaamacadda Ee Mustaqbal Dhow.

Waxyaalaha ugu horeeya ee Jaamacadda iyo maamulkeedaba Miiska u saran ayuu ku sheegay Pro: C/risaaq Lafoolle in ay ka mid tahay dhisme Jaamacaddu lee dahay. Isla markaana ay kaga maarmaan Kiradda ay ugu jiraan hoyga hada Jaamacaddu degan tahay.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in Nashqadii Dhismaha ay diyaariyeen labo Engineer oo walaalo ah. Kuwaasoo kala ah Eng: Mohamoud Cali Jidaal iyo Eng: Ahmed Ali Jidaal oo uu sheegay in ay ugu Tabaruceen u samaynta Jaamacadda Nashqad aad u qurux badan una heer saraysa. Mar aan weydiiyey Gudoomiyaha cida ay ka sugayaan Taakuladda dhismaha Jaamacaddu yeelato ay ku kala sheegay sedan.

1: Jaaliyadda Debeda Ee SSC.

2: Dadka Gudaha ee deeganada u dhashay.

3: Iyo Hay’adaha Caalamiga ah.

Gudoomiayaha ayaa hada wuxuu halkan u jooga siduu macalin Tayo leh oo gobolkan Geeska Afrika ah u geyn lahaa Jaamacadda kuwaasoo uu inta badan ka xusho jaamacadaha waa weyn ee ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalkan Kenya.

Ugu Danbeyntii wuxuu gudoomiyuhu hadalkiisii ku soo gebo gabeeyey Baaq uu u dirayo dhamaan shacabka iyo Jaaliyaddaha debeda Ee SSC.

  • In Dedaalka wax weyn laga siiyo wax barashada.
  • In la isku tashado
  • In Aqoonyahanada Jaaliyadaha debedu ay markeey dalka yimaadaan aqoontooda uga faa’ideeyaan Jaamacada .
  • In si dhab ah la isku Garab taago Tacliinta oo ah tan lagu gaadhayo Tamarta dhabta ah.
  • In la booriyo lana dhiiri geliyo Aqoonta.
  • In kobcinta iyo kor u qaadida waxbarashada Gobolada SSC la isku taago.
  • In waxbarashada Horumarinteeda ay si dhab ah uga qayb qaataan Aqoonyahadanada , Saxaafada iyo cidkastaba.

By Suleiman Xaashi Dheere.
Xaashidheere1@yahoo.com
Nairobi,Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warbixin Ku Saabsan Habsami U Socodka Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood. "

  1. digeed says:

    aadbaan usalaamayaa prof.lafoole,waan uga mahadnaqayaa dadaalkan uu ugu jiro horumarinta aqoonta deegaanada ssc somalia gaar ahaan jaamacadda laascaanood.alle hakaa abaal mariyo dadaalkaaga. jaaliyadda ssc waxaan odhan lahaa fadlan qaybtiina kaqaata sidii dhisme loogu dhisi lahaa jaamacadda nugaal ee laascaanood sool.