Home » Maqaallo »

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? | Q:1aad

Kitaabka Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada, Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka, waa Kitaab Xambarsan Taariikhihii Caalamka laga bilaabo Habka Koonka loo abuuray ilaa iyo sida u ku gabagaboobi doono Caalamka marka la gaaro Saacada Qiyaamaha Dhicitaankeeda, taasoo macnaheedu yahay Kitaabka Qur’aanku waa Kitaab wax walba koobay wax uu ka tagayna ma jirto.

Qur’aanku waa Kalimadii Alle ee Mucjizada aheyd taasoo lagu soo dajiyay Nabigii ugu Dambeeyay Nabiyaasha ee Muxamad {Nabad iyo Naxariis Allaha yeelee} ayadoo loo soo marsiiyay Amiirkii Malaaigta Jibriil.

Waxaa uu Allaah usoo Dajiyay in Ummadda Dastuur u noqdo, Caalamka oo dhana Hanuun, uuna u ahaado Tilmaan Muujineysa Xaqnimada Nabi Muxamad inuu yahay kii Rususha Allaah ugu Dambeeyay, Xujadiisana u haato mid taagnaaneysa ilaa laga gaaro Maalinta Qiyaamaha taasoo Cadeyneysa inuu yahay Kitaabkan Mid Allaah soo Dajiyay.

Fadliga Qur’aanka:

Fadliga Qur’aanka waxaana Cadeyayay Nusuus badan oo isugu jira Aaayado Qur’aan ah iyo Axadiis sasiix ah, arintaasoo nagu Baraarujineysa in aan waqtigeena ku bixino barashadiisa iyo baridiisa, waxaana ka mid ah Nusuustaas:

1=Aayada 29aad ee Suurada Al-Faadhir:{Kuwa aqriya Kitaabka Allah oo Salaada Ooga, oo wax ka bixiya waxaan ku Arzaaqnay Si Qarsoon iyo Muqaataba waxey Rajeynayaan Ganacsi aan Baareynin}

2=Aayada 204aad ee Suurada Al-Acraaf:{Markii la aqriyo Qur’aanka dhageyta una Dhag raariciyana in laydiin naxariisto}

3=Aayada 24aad ee Suurada Muxamad{Miyayna Quraanka u fiirsaneynin mise Qalbiyadoodaa Daboolan}

Xaga Aaxaadiista waxaa ka mid ah kuwan soo socda:

1=Xadiisk Macnihiisu yahay: (Waxaa idinkugu kheyr badan Ruuxa Qur’aanka barta Dadkana Bara) waxaa wariyay Bukhaari{Allaha u RaNaxariistee}.

2=Waxaa kaloo tusiya Fadliga Qur’aanka Xadiiska Macnihiisu yahay: (Ummadeyda kuwa ugu Sharaf badan waa kuwa Qur’aanka Xifdiyay) waxaa Wariyay Tirmiidi {Allaha u Naxariistee}.

Anigoon Qoraalka Dheereyn hadii aan Dul istaago Ayadahaas iyo Axaadiistaas waxaan ka Faaiideysaneynaa Arimahan soo socda:

B)= Qofka Qur’aanka aqriya ee Cibaadooyinka kalana ilaaliyo si joogta ah waxaa uu helayaa Ajar aan kala joogsi laheyn mar kasta.

T)= In Raxmad uu helayo Ruuxii Marka uu Qur’aanka maqlo Aaamusa oo si wanaagsana u dhageysta.

J)= kuwa aanan Qur’aanka si ka feker leh u dhageysan ay yihiin kuwa Qalbiga ka Daboolan yahay oo moog Qiimaha Quraanku leeyahay.

X)= Ummadda Nabi Muxamad waxaa ugu Qiimo sareeya Ahlu Culmiga dadka ah ee Qur’aanka Bartay isla markaana u Faaiideeya dadka kale ee Cilmiga Faafiya.

Magacyada Qur’aanka:

Qur’aanku waxaa uu leeyahay Magacyo iyo Tilmaamo Muujinaayo Sharafta iyo Karaamada Qur’aanku leeyahay, hadii aan soo koobana waxaa ka mid ah kuwaan soo socda:

1=Al-Qur’aan: waxaa magacaan laga qaatay Aayado Fara badan oo ku tilmaamay inuu yahay Kitaabkan Quraan sida Aayada 1aad ee Suurada Khaaf:{Eebe waxuu ku Dhaartay Qur’aanka Sharafta leh (in dadka la soo bixin doono Qiyaamaha)}. Iyo Aayada 9aad ee Suurada Al-Israa:{Qur’aankana waxuu ku Hanuunin Dadka Arinta u Toosan uguna Bishaareynayaa kuwa Falka Wanaagsan in ay Mudan yihiin Ajar weyn}.

2=Waxaa kaloo lagu Magacaabaa Al-Furqaan sida ku cad Aayada 1aad ee Suurada Al-Furqaan:{Waxaa Kheyr badan oo weyn Allaha kusoo dajiyay Quraanka Adoonkiisa(Nabiga) inuu u haado Caalamka u dige}.

3=Waxaa kaloo lagu Magcaabaa Al-Tanziil sida ku cad Aayadaha 192 iyo 193aad ee Suurada Al-Shucaraa:{Qur’aankuna waa soo dajin Allaha Caalamka, waxaa kula soo dagan Ruux Aamin ah (Jibriil)}.

4=Waxaa kaloo Qur’aanka loo yaqaan Al-Kitaab sida ku cad Aayada 1aad ilaa sadaxaad ee Suurada Al-Dukhaanka:{Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cad (Qur’aanka)}.

Hadii aan Xaga Tilmaamaha Qur’aanka wax ka Sheegana waxaa ka mid ah waxyaabaha lagu tilmaamay Qur’aanka kuwaan soo socda: Burhaan, Nuur Cad, Daawo, Raxmad iyo kuwa kale oo aad u fara badan oo Dhamaantoodna ah wax la taaban karo marka aad loo baaro Quraanka iyo sida uu Nolosha Dadka wax uga badalo una Horumariyo Qofkii qabsada, asagoo isla markaana ah Daawo aad loogu Bogsado aadna u wacan wax la mid ahana aysan jirin sida uu wax u Daaweeyo, waayo Qur’aanka waxaa lagu Daaweeyaa Ruuxda Markii ay Bukooto iyo Xanuunada ku Dhaca Jirkaba … taasoo Macnaheedu yahay in aysan jirin Daawo Noocaas oo kala ah marka laga Hadlaayo Daawooyinka Maanta Dunida laga Isticmaalo.

Soo Dagitaankii Qur’aanka:

Qur’aanka Kariimka ah waxaa uu markii ugu horeysay soo dagtay xili Nabi Muxamad uu joogay Godka loo yaqaan Xeraa 17 Bishii Ramadaanka Nabiga oo Xiligaas 40 jir ahaa, waxaana u Qur’aanka soo dagaayay mudo gaareysay 23 Sano taasoo macnaheedu yahay Qur’anka waxaa uu soo dagaayay intii uu Nabiga Noolaa laga bilaabo maalinkaas ilaa uu ka geeriyooday waaana uuna ka kooban yahay 114 Suuradood oo ay Suurada Al-Faatixa ugu sareyso uguna Hooseyso Suurada Al-Naas.

Ayadii u horeysay iyo tii u Dambeysay:

Bukhaari waxaa uu Saxiixiisa ku wariyay Aayadihii ugu horeeyay ee Qur’aanka ee Nabiga lagu soo dajiyay in ay ahaayeen Aayadaha ugu horeeya ee Suurada Al-Iqra, waxaana ah aayadihii ugu Dambeeyay ee soo dagtay Aayada 281aad ee Suurada Al-Baqar, waxa ayna Culimada aadka ugu Xeelka dheer aqoonta Diinta Islaamka sheegeen in Aayadan soo dagatay ka hor geeridii Nabiga Sagaal Maalmood, ka dibna Nabiga waxa uu geeriyooday Habeen Isniin ah 3dii Bisha Rabiicul-Awal, sida uu ku Sheegay Kitaabka Al-Itqaan Sheekha la yiraahdo Siyuudhi {Allaha u Raxmadee}, waxaana sidaas oo kale qaba Saxaabiga la yiraahdo Ibni cabaas oo ah Caalimkii Ummadda Nabi Muxamad {Allaha ka Raali Noqdee} sida uu wariyay Nasaai{Allaha u Naxariistee}.

Qur’aanka iyo Habka loogu Aruuriyay Kitaab kaliya:

Qur’aanka Kariimka waxaa Nabiga iyo Saxaabiisiiba ku bixin jireen Dadaal dheeraad ah sidii loo xifdin lahaa ilaa uu waxaana lagu soo koobaa habkii ay u Xifdin jireen laba qeybood oo kala ah:

1=in Qur’aanka lagu Xifdiyo Laabta, taasoo aheyd wadada kaliya ee uu Nabiga wax ku Xifdin jiray, maadama uu ahaa Nabi Ummi ah, waxaa uuna ku Tukan jiray Habeenkii oo dhan Maalintiina Saxaabada ayuu Xifdisiin jiray, Xiligaasna waxa Jaziirada Carabta Caan ka ahaa in Dadku aad wax u Xifdiyaan sida Gabayada iyo Nasabka iyo Taariikhaha, taasoo Fursad weyn u siisay Dadkii Carabta ahaa ee Muslimay in ay aad u Xifdiyaan Quraanka Kariimka ah.

Sidaa daraadeed ayaa waxaa la tilmaamaa Xaafidiinta Qur’aanka Xiligii Nabiga in ay aad u fara badnaayeen waxaana arintaas Tusaale u ah Duulaankii Yamaama kaliya in ay Saxaabada kaga Shahiiday 70 Xaafidiin ah, tiradaas oo kalana Xiligii Nabiga ayay ku Shahiiday Maalin kaliya Markii Koox Xaafidiin ah lagu laayay si gaad ah kuwaasoo Cadadkoodu gaaraayay ilaa iyo 70 Saaxaabi.

2=Habka labaad ee Xiligii Nabi Muxamad (Nabad iyo naxariis Allaha yelee) Qur’aanka lagu aruuriyay waxaa uu ahaa in Qaar Saxaabada ka mid ah oo si wanaagsan u yaqaanay Qoritaanka Afka Carabiga in ay Diiwaaniyaan Qur’aanka oo dhan, taasoo loola jeeday si ay usii xoojiyaan Xifdintii xaga Qalbiga,.. waxaana ugu Caansanaa Saxaabada waxyiga qori jirtay :(Ubey Ibnu Kacab, Zeyd Ibnu Thaabit, Mucaad Ibnu Jabal, Mucaawiya Ibni Abii Sufyaan iyo Afarta Khulafada Raashidiinta aheyd: Abuu Bakar, Cumar, Cuthmaan iyo Cali Ibni Abii Dhaalib) Saxaabadaasna Nabiga ayaa Gacantiisa ugu Doortay in ay qabtaan Shaqadaas Qaaliga ah gutaana Amaanadaas aadka u weyn, waxaana jiray intii uu Nabiga joogay qaar badan oo Saxaabada ka mid ah oo Kitaabo ku aruuriyay Qur’aanka, waxaana ugu Caansanaa afar Saxaabi oo u Dhashay Reer Madiina-Ansaartaii Nabiga- waxayna kala ahaayeen: (Ubey Ibnu Kacab, Mucaad Ibnu Jabal, Zeyd Ibnu Thaabit iyo Abuu Zeyd) taasna waxaa macnaheedu noqonayaa waxaa kaloo jiray Saxaabo kale oo fara badan oo waxyiga Diiwaanin jiray lahaana Kitaabo oo ay Gacantooda ku qorteen sida: (C/llaahi Ibnu Mascuud, Cali Ibni Abii Dhaalib iyo Caaisha Binti Abii Bakar).

Waxa ay Qalab ahaan u Isticmaali jireen Qoritaankooda Maqaarka Xoolaha iyo Meyraxda Geedaha qaar kuwaas oo xiligaas ahaa waxa ugu wanaagsan ee loo Isticmaalo Qoraalada.

Xiligii Abuu Bakar:

Arinta ugu weyn ee keentay in Qur’aanka Kitaab qura lagu Diiwaaniyo waxa ay tahay sidaan horey u tilmaanayba in laga baqay Geeridii ku imaaneysay Xaafidiinta Xiliyadii Dagaalka lagula jiray Murtadiintii ay sababi karto in Qur’aanka qaar ka mid ah la weyn karo, waxaana ugu horeeyay Saxaabada arintaas aadka uga hadlay Cumar Ibnu Khadaab oo kula taliyay Abuubakar inuu Kitaab ku aruuriyo Quraanka si looga badbaado qatarta ka dhalan karta Raga Xaafidiinta ah oo sii bar yaraanaayay, Abu Bakarna markii danbe taladii Cumar ayuu ku qancay waxaana uu amray Zeyd Ibnu Thaabit inuu inuu u Istaago sidii Kitaab Qura loogu aruurin lahaa Qur’aanka oo dhan, Zeydna wuu ka aqbalay waloow ay Culeys ula muuqatay..

Zeyd waxaa uu u Istaagay aruurinta Quraanka ilaa uu kaga guuleestay Shaqadii loo xilsaarar oo uu Kitaab kaliya isugu wada keenay Qur’aanka oo dhameystiran, Kitaabkii uu Zeyd Diyaariyana waxaa Gacanta ku heyn jiray Abuubakar intii uu Noolaa, ka dibna waxaa uu ku wareegtay Cumar ilaa uu ka geeriyoonayay, ka dibna Xafsa Ibnu Cumar, arintan ku saabsan aruurinta Qur’aanka Bukahaari ayuu ku faahfaahiyay Kitaabkiisa Saxiiixa ah.

Xiligii Cuthmaan Ibnu Cafaan:

Muslimiinta Markii Dhulkooda balaartay oo ay gaareen Bartamaha Aasiya ilaa Arminiya iyo Azarbajan waxaa ka mid ahaa Saxaabada tagtay Dhulkaas Xudeyfa Ibnu Yamaan waxaa uuna usoo Sheegay Cuthmaan Ibnu Cafaan qaladaad Qatar ah oo uu ku Saabsan Qur’aanka iyo Khilaafaad ka bilaawday Dhulkaas oo ku saabsan Hab aqrinta Qur’aanka, sidaa darteed waxa uu Cuthmaan talo ku goostay inuu Qur’aanka ku aruuriyo hal kitaab si ay u Sahlanaato in laga dhowro Quraanka in dadka qaar qaab aan saxneyn ku gaaro, si arintaas u meel mariyana isugu yeeray Saxaabada kuwii ugu waa weynaa uguna Cilmiga badnaa, waxaa uuna kala tashaday talada uu maagan yahay inuu ku dhaqaaqo, waxeyna isla wada garteen inuu Cuthmaan soo saaro Kitaabo loo kala diro Dhulka ay gaareen Muslimiinta oo Diinta Islaamka ku fiday,waxeyna taladooda ku gunaanadeen in la Gubo kitaabada kala gaar gaarka loo Qoray lana Faafiyo Kitaabka ay Saxaabada ku guuriyeen Qur’aanka oo dhameestiran si loo Xakameeyo Habka loo gudbinaayo Qur’aanka.

Saxaabadii talada Qur’aanka u guntatay waxa ay Howsha Qoritaanka Qur’aanka u Xilsaareen Afar Saxaabi oo kala ah: (Zeyd Ibnu Thaabit, C/llaahi Ibnu Zubeyr, Sacad Ibnu Abii Waqaas iyo C.raxmaan Ibnu Hishaam) oo Dhamaantood ahaa Qureysh Muhaajiriin ah marka laga reebo Zeyd Ibnu THaabit oo ahaa Ansaartii Reer Madiina waxaana Talaabadaas Qiimaha badan Saxaabada sameeyeen Sanadkii 24tii Hijriyada. Waxaana la siiyay Afarta Saxaabi talooyin Muhiim u ah habka qoritaanka.

Cuthmaan oo ahaa Amiirkii Muslimiinta waxaa uu ka Codsaday Xafsa oo gacanta ku heysay Kitaabkii uu Diyaariyay Abuu Bakar si looga dhigto Aasaaska Gundhiga u ah Howsha weyn ee ay Muslimiinta ku tashadeen..

Kitaabkii ay diyaariyeen Saxaabada Xiligaas waa kan Maanta ku jira Gacanta Muslimiinta ee Caalamka oo dhan ku faafsan.

Waxaan intaas kusoo koobayaa Qeybtii koowaad Maqaalo aan kaga hadli doono Qur’aanka iyo Fadligiisa, waxaanan Qeybaha soo socda kusoo qaadi Doonaa Suuradaha Qur’aanka iyo macnaha Guud ay Xambaarsan yihiin.

Akhri qaybaha kale: https://somalitalk.com/tag/quraanka/

W/Q: Cali Axmad
asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? | Q:1aad "

  1. ASALAAMU CALAYKUM.

    ALLE hakaa abaal mariyo,culuumtan aadka umuhiimsan ee kahadlaya qur’aanka.wakhtiga aad galisayna alle hakuugu bedelo abaalmarin wanaagsan.walaal cali axmed halkaa kawad