Home » Warar »

Kulammo u socday Soomaalida ku nool xeryaha qaxootiga Kakuma oo la soo gaba-gebeeyey

Xerada qaxootiga ee Kakuma oo ah xero qoxooti oo ku taalla dalka Kenya, gaar ahaan galbeedka fog ee gobolka Rift-valley, Turkana district, waxaa ku nool Soomaali caddadkeedu uu kor u dhaaftay 52,000 oo ruux, qiyaas ahaanna 50% ayey ka yihiin ummadaha baraha badan ee halkaasi hoyga u tahay, taasi oo Soomaaldia ka dhigaysa qolada ugu badan ee ku nool Kakuma. In badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee Kakuma jooga waxaa ay xerada soo galeen wixii ka danbeeyey 2006. Tiro badan oo ka mid ah Soomaalida ku nool Kakuma waxay haatan dib-u-dajin ka sugayaan waddamada Maraykanka, Australia iyo Canada.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Haddaba, si loo xoojiyo nabad-gelyada dadkaas faraha badan ee Soomaaliyeed ee Kakuma ku nool iyo in la isfahamsiiyo dadkii hore u joogi jirey halkaan ee loo yaqaan “old” iyo dadka cusub oo iyagana loogu yeero “new arrival” ayaa UNHCR Sub-Offricer-ka Kakuma oo ah nin Soomaali ah waxaa uu ummadda Soomaalida ee Kakuma ku nool ugu baaqay in ay muujiyaan wadajir iyo midnimo dhincwalbaba leh.

Sidaasi darteed, wax-garadka Soomaalida oo ay ka mid yihiin:- hogaan dhaqameedyo, culuma-udiin, aqoonyahanno, dhalliyaro, iyo haweenba ayaa waayahaanba waxaa u socdey shirar guud oo looga hadlayey sidii dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kakuma ay ugu midoobi lahaayeen ilaalinta nabad-gelyada, hoggaanka, nolosha iwm.

Heshiis miro dhal ah iyo is-afgarad buuxa ka dib, waxaa wax-garadkaas 10 Agust 2010, xaflad qado sharaf ah oo lagu gunaadanayo shirarkii badnaa ee la soo maray u sameeyey Soomaalida UNHCR Sub-Officer Dr. Maxamed Qaasim. Xafladdaas oo hoggaanka Soomaadida iyo wax-garadkii ka qayb-galayba ay ka sheegiin in ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Kakuma ay midowdey oo wixii soo wajahana ay hal meel uga soo wada jeensan doonaan.

1 – Ugu horrayntii waxaa hadalka furay madaxa shir-guddoonka intii shirarkiii Soomaalida Emberwa Munya oo faallo kooban ka bixiyey shirarkii badnaa ee la soo maray, guulaha lagu tillaabsaday iyo meesha ay Soomaalida haaatan wax u marayaan. Mr. Embarwa waxaa uu ka dhawaajiyey in maanta laga bilaabo Soomaalidu ay ul iyo diirkeed yihiin, lagana gudbey qoqobyo yar-yar oo danaysi ahaa.

2 – Waxaa isaguna hadalka furay Chairmanka Soomaalida Mr. Jaamac Cigaal oo mahad ballaaran u jeediyey wax-garadkii kala duwanaa ee mid-nimadad Soomaalida isku-soo-dubbaridey, waxaa kale oo tilmaamay:- sheegay in Soomaalida halkaan joogtaa ay yihiin dad qaxooti ah, sidaasi darteed aan loo baahnayn wax car-qaladayn kara ummadda walaalaha ah ee halkaan u timid in ay nabad ku helaan. Mr. Jaamac Cigaal, waxaa uu dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay in hadda iyo mustaqbalka fogba ay iska ilaaliyaan wax khilaaf keeni kara iyo wax dadka qaxootiga ah nabad-galyadooda wax u dhimi karaba. Mr. Jaamac Cigaal waxaa uu hadalkii ku wareejiyey wax-garadka goobta fadhiyey.

3 – Cuqaasha wax-garadka ayaa u mahad celiyey walaalkood Dr. Maxamed Qaasim oo isagu ahaa furihii ka danbeyey wada-hadalka iyo wada-xaajoodka Soomaalida. Waxaana ay ku ammaaneen in uu ka danqaday cawradooda dibadda taalla, sidoo kale waxaa ay amaan u soo jeediyeen chairmanka Soomaalida Mr. Jaamac Cigaal iyo cid kasta oo ka soo shaqaysay is-afgaradkaan miro dhalay.

4 – Ugu danbaystii waxaa hadalkii lagu soo dhoweeyey Kakuma UNHCR Sub-Officer, Dr. Maxamed Qaasim, waxaana uu uga mahad celiyey sida habsamida leh ee dadkaas qaxootiga ah ee Soomaaliyeed ay dantooda u garteen, iyo in loo baahan yahay in ummadda Soomaaliyeed ee halkaan ku nool ay citiraafaan nidaamka qaxootinimda ee iyaga ka dhigaya hal qoys oo aabbe iyo hooyo iyo carruurtooda ah. Dr. Maxamed Qaasim waxaa uu Soomaalida Kakuma ku dhiiri-galiyey in wada-jirka ay xerada xaqootiga Kakuma ka bilaabeen ay gaarsiiyaan ummadda Soomaaliyeed oo dhan. Ugu danbaystiina waxaa uu ummadda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay samaystaan guddi koobaan oo arrimahooda si wadajir ah uga shaqeeya.

5 – Ugu danbaystii waxaa duco gunaanad ah madasha ka soo jeediyey: Suldaan Cabdullaahi oo Alle ka beryey in dhibta Soomaaldia dibadda iyo gudahaba ku haysata uu ka dul-qaado. Suldaanku wuxuu Alle ka beryey in uu Soomaalida siiyo dowlad caadil ah oo dadkeeda dib dalkii ugu soo celisa..

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Waxaa soo tabiyey:
Urur Ismaaciil Xasan
Email: afriik@afriikcom
Tel. 254 7262 55 8 44

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.