Home » Faallo »

Soomaaliyeed: Qabyaalladda Ma daynaa, Qorigana ma Tuurnaa, Qalinkana ma Qaadnaa?!

Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal, meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane

Gabeygii S. Timacadde (AUN).

Markii aan aad u idha-indheeyey Ummadda Soomaaliyeed, oo aan Soomaali dhan walba ka eegey, waxaa ii soo baxday; in dhibaatada iyo Mashaakillada haysta Soomaalida ay gundhig u yihiin sadex wax yaalood: Qabyaalad, Qori iyo Aqoon-darro

Waxaa saddax shay oo, Ilaahay qoladuu ku sababo aysan Musiibo adduun waxba uga dhinneyn. Waa halaag iyo hoog ragaadiya eheladiisa! Qabyaaladdu, waa Qabiilka oo loo adeesado qaab daran, dire dire iyo nacayb Qabiil loogu beero Qabiilo kale oo, cadaawadda ka dhalata dhiig iyo maal lagu bannaysto.

Inkasta oo Soomaali lee dahay Qabiillo kala duwan oo, weligood ay lahaayeen, haddana nasab ahaan lama diidana dadku in ay isku gartaan oo, Alle ayaa taas jideeyey, laakiin Soomaaliyi si kale ayey u fasiratey, meeshii la yiri hala isku aqoon sado, ha la isku laayo ayey u fahantay, waana midda Musiibada waddanku ka dagi la’yahay gun-dhigga u ah.

Waxay hadda Qabyaalladdii noqotey arrin ay cadawgu Soomaali kala taggeeda iyo isku dirkeeda uga faa’iideystaan. Waxaa Tusaale Cad kuugu Filan Shirkii Jaraa’id ee Meles Zenawi 11-08-2010 ku qabtey Magaalada Addis-abab ee Caasimadda Waddanka Itoobiya, oo uu kaga warramayey Heshiiskii Dawladdiisa iyo Ururkii xornimo-u-dirirka UWSLF ay ku gaareen isla magaalada Addis-ababa 29 July 2010.

Wuxuu Males Zenawi sheegey in Ururkaas uu Argagixiso ahaa, haddana uu nabadda qaatey, wuxuu kaloo sheegey in ay hadda u dhimman yihiin ONLF, wuxuuna yiri “ONLF waa Qabiilka Ogaadeenka, waxaana hadda wada hadal noo socdaa Jilibka Reer Cabdille, Jilibka kale ee Reer Isaaq wax wada hadal ah inooma socdaan!”.
Wuxuu hadalkaas ku tusinayaa sida Qabiillada Soomaaliya ay u barteen Ummadaha Cadawga ku ah Soomaaliya, isla markaasna ay ku doonayaan in kaga faa’iideystaan danahooda ayaatiin ee ay ka lee yihiin Soomaaliya iyagoo u maraya kobcinta Qabyaallada iyo Miisaanka Gumeyste yaasha ee ahaa “QAYBI OO XUKUN”.

Waa Runti Males Zenawi, oo wuxuu arkey in Soomaalida dhexdeedu isku xaniinyo weyn yihiin, oo Qolo qolo iyo Qabiil-ku-faanka uu macne weyn agtooda ka lee yahay, dabadeedna isaga iyo cadaawaha kalaba waxay mudsiiyeen Irbad sun ah oo dacarta Qabyaalladdu ka buuxdo ay labba jibbaaran tahay, looguna tala-galay in ay Suntaas ku jirto in muddo ah, oo ay ku soo baraarugaan dalkii iyo dadkii oo ummada kale maamulayaan, maganna ugu yihiin.

Waxaan ayaan dhaweyd wada sheekeysannay wiil Itoobiyaan ah, wuxuu I waydiiyey Qabiilka aan Soomaali ka ahay. Waan yaabey! Markaasaan in uu Qabiillada Soomaaliya kala yaqaan waydiiyey, mise waa iga badiyaa. Waxaan ku iri adigu Qowmiyaddee Itoobiya ka tahay? Wuxuu iigu Jawaabay “Walaal Itoobiyaan ayaan ahay. Itoobiya waa Itoobiya, qolo qolona ma leh”. Waxaan anna ku iri “Soomaali ayaan ahay”. Markaasuu wuxuu igu yiri “Nin yahow Soomaalida adigu waad ka duwan tahay, sababta oo ah, Qabiilaadkooda waan waydiiyaa, wayna ii sheegeen xitta Jilinka ay ka yihiin, iyaguna waligey ima waydiin Cidda aan Itoobiyaan ka ahay, anna diyaar uma ahayn in aan u sheego”. Taasi waxay ku tusinaysaa sida ay Soomaalidu qudhoodu u baraan Shisheeyaha Qabiilka iyo Qabyaallada dhexdooda ah, shisheeyuhuna aysan u oggolayn in arrimaha dhexdooda ah uusan qof kale ogaan!

Waxaa qabyaalladda sii kaabey Qori iyo Aqoon-darro. Qof kasta oo Sumaysan iyo qolo kasta oo sumeysani waxay wataan Hub, mana jirto aqoon mug leh oo, tusinaysa in si wanaagsan loo isticmaalo hubka oo, ay uga hirtaan Cadawga Sokeeye iyo kan shisheeye. Waxay dadku isugu jiraan Jaahiliin maskax xiran oo, Qabiil iyo Qori yaqaan iyo kuwo xoogaa ah oo wax bartey laakiin weli Qabiil iyo Qori aaminsan.

Waayaabe! Miyeysan Soomaalidu arag dadka iyo dawladaha hubka sameeya sidaysan dhexdooda isugu isticmaalin, oo ay kaliya cadaawaha kale isaga difaacaan. Laakiin, Soomaali waxay u isticmaashey in ay dhexdeeda isku laayaan, waxaana dabada ka riixaya Qabyaalladda iyo Jahliga, taasoo dhaxalsiisay in Soomaaliya ay ka harto caalamka intiisa kale. Waxay sidoo kale dhaxalsiisay in caalamka intiisa kale ay tusaale ugu soo qaataan Waddanka Soomaaliya marka ay Madaxweyne-yaasha dadkooda kala hadlayaan amiga, xasiloonida iyo kala dambeynta:

Miyaadan maqal Daniel arap Moi –madaxweynihiii hore ee Kenya- oo la hadlaya Shacabkiisa xilligii uu hayey Madaxweyne nimada isagoo leh “War dhibka iyo qolo u dirirka ka fogaada, war fawdada iska dhaafa, haddii kale waxa Soomaaliya haysta ayaa idin ku dhicin”!

Ma maqashay mise aragtey Meles Zenawi oo idaacadda iyo Tvga Itoobiya Shacabkiisa kala hadlaya, isagoo leh “Soomaaliya waxa haysta ayaa Tusaale inoogu filan, iyagoo hal isir ah, isku diin iyo luqad ah ayey xal gaari la’yihiin, annaga oo boqollaal isir ah haddii dhibaato naga dhex dhacdo xal waa adkaane, ee wax kasta oo dhib noo keeni kara aan iska ilaalinno”.

Madaxweyne-yaal badan oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Jabuuti, kan Pakistan, kan Thailand, Madaxweyne-yaasha Afrika iyo adduunyada oo dhan ayaa Tusaale Soomaali ugu soo qaata marka ay Shacabkooda la hadlayaan, waxaana Soomaali heerkaas gaarsiiyey waa “Qabyaalladda iyo qolo qolo u dirirka” oo ay kaabayaan Qoriga iyo Aqoon-darrada lafaha iyo dhuuxa xushay.

Waxaa runtii wax lagu murugoodo ah in Soomaaliya xalkeeda lagu raadiyo Qaab-xun-qeybsiga Qabyaaladeed ee 4.5, ee lagu soo hindisay Waddanka Jabuuti, taasoo hadda noqotey xeer-beeg laga duulo wax walba oo Soomaali loo samaynayo, waxaana arrintaas soo allifay Dawlado Shisheeye oo doonayey in ay aysan Soomaaliya weligeed kicin, oo lugaheesa aysan mar dambe ku is-taagin.
Maxay ila tahay?

Haddii marka 21sano aan ku jirney musiibooyin Qaran oo ay sababeen Qabyaalladda iyo labadeeda kaabe ee Qori iyo Aqoon-darro. Haddii kolkii hore Qori la biday in xal lagu raadiyo socon wayday oo waa lagu halaagsamay. Haddii markii labaadna Qabyaalladdii maciin la biday oo xal ha lagu raadiyo la yiri, dhibaato mooyee khayr laga waa.

Sidaas darteed, waxaa wacan in Soomaalidu ay dib isugu laabato. Waxaa wanaagsan in laga tanaasulo Qabyaalladda iyo qolo qolo u dirirka iyo colleytanka. Waxaa wanaagsan in qoriga ina dhameeyey la iska tuuro oo, gacmaha la is qabsado. Waxaa habboon in aqoonta Diimeed iyo midda maaddigaaba loo istaado barashadooda, si markaas inta looga daba tago loo dhaafo ummada aqoonta heerka sare ka gaarey oo manaafacaadsaday.

Dalka iyo Khayraadkiisu iyo manaafacaadkiisu naga badane aan ku heshiino oo wixii khilaaf ah oo jira oo la kala tabanayo anaga oon waddamo shisheeye waxba nalooga soo hikaadin, aan dhexdeena isku nimaanno oo aan – sidii dhaqanka ahayd – gees hoostiis ku gorfeynno.

Si tan loo gaaro, waxaan ku talin lahaa; in aqoon yahanka wanaagga jecel, Odayaasha Khayr-doonka ah, Culimada samo-kaliska ah, Dhallin yarada fogaan-aragga ah iyo Haweenka sama-doonka ahba ay u wada istaagaan baabi’inta Qabyaallada, tuurista Qoriga iyo ka bixitaanka Jahliga. Waxaa kale wacan intaan soo sheegey oo isku duuban in ay raadiyaan xalka dadka iyo dalkaba, si markaas looga baxo dhibaatada dheeraatey ee ragaadisay waddanka iyo dibin-daabyada cadawga Soomaaliyeed.

W/Q: Cali Cabdi Rude
Guddoomiyada Ururka SASDO
Wuxuu Diyaariyey:
CIT, DIT, DBA, DIF & BSCs,
Karachi – Pakistan
Cabdirude@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Soomaaliyeed: Qabyaalladda Ma daynaa, Qorigana ma Tuurnaa, Qalinkana ma Qaadnaa?! "

  1. Qoomaal says:

    hadiii aan qabyaalada iska dayno, qoriga aan ka tagno waxna aan barano runtii hormar fiican ayaan tiigsan lahayn, ee wax uu qoruhu sheegey inta ka tagno aan towbadda qabsano.

    Khayr allaha ku siiyo walaal

  2. wiilwaal says:

    Qabyaalada waa waxa meeshaan naalno maanta na dhigey waaxaa loo baahan yahay rag sida Cali Rude oo kale ah oo meesha Soomaali maanta taalla ka qaada. war soomaaliyeed qabyaalada iska dhaafa oo ilaahay ka baqa.

  3. weli says:

    Allaha Qabyaallada, Qoriga iyo Jahliga naga koriyo.. Walaal, allaha Ajar iyo abaal kaa siiyo qormadaan wanaagsan.

    Walaal, fadlan haka daalin qoraallada wanaag-sheegga ah.

    salaam