Home » Warar »

Zenawi: UWSLF waxay ahaan jirey Argagaxiso oo hadda nabadda qaatay markay gobolka ku noolaan kari waayeen

Waxay ahaan jireen Al-Itixaad, Argagaxiso wax xasuuqi jirey…

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Abab ayaa si qeexan u sheegay in kooxaha heshiiska la gashay ay heshiiskaas qaateen kaddib markii  cadaadis xooggan oo la saaray dartiis ay ku noolaan kari waayeen gobolka oo hadda yihiin kuwa aad u taagta daran… SII AKHRI

Shirka jaraa’idu oo uu qabtay Arbaca August 11, 2010; Zenawi waxa kale oo uu UWSLF ee heshiiska la gashay ku tilmaamay in ay ahaan jireen Argagaxiso ahaan jirey Al-Itixaad oo hadda nabadda qaatay.

Waxa kale oo uu shirkaas jaraa’id Zenawi ka sheegay in ay ciidamadooda u dirayaan Muqdisho haddii loo baahdo oo AMISOM qiil qiil gasho.

Halkan ka akhri/Dhegeyso

Halkan ka akhri/Dhegeyso

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Zenawi: UWSLF waxay ahaan jirey Argagaxiso oo hadda nabadda qaatay markay gobolka ku noolaan kari waayeen "

  1. Cabdalla says:

    Asalamu Calaykum

    Hadalkaas Malez mala yaabtay caqli ahaan siduu isku qabanayo? Bal akhri markale, “Kooxaha heshiiska la gashay ay heshiiskaas qaateen kaddib markii cadaadis xooggan oo la saaray dartiis ay ku noolaan kari waayeen gobolka oo hadda yihiin kuwa aad u taagta daran”.

    Waxaan iswaydiiyay oo ninkaas waydiin lahaa hadaan kujiri lahaa saxaafiyiinta uu warka siinayo, nimanku (UWSLF) haday ku noolaan waayeen gobalka oo hadana taag daran yihiin oo awalna argagixiso ahaayeen, maxaad u qaqaban waydeen oo maxkamad u saari waydeen ama cafiya ama xukumee?

    Waayo waa arin aanan isqabanayn inaad hishiis heer dawladeed la saxiixato nin taag daran oo meeluu galo waayay, waliba adigoo ah dowlad aanan xuquuq insaan iyo mid xayawaan toona dhawrin. Laakin waxaan u fahmay nin boorka iska jafaya oo sharaf dhawrso isleh.

    Wassalam
    Cabdalla

  2. hibaaq says:

    salan kadib walaalaha somalitalk aad ayaad umahadsantihiin sida aad nogusoo gudbisaan hadaba qatarta kajirta dalkeena tan kala waxaan leyahay walaala somaliyeed qof kasta aan wada towbad keeno oo ilaah barina inuu naga saaro musibadaan sababto ah waa wax aan gacmaheena ku keensanay waxaan waad ujeedaan HALGANKII mudada dheer lagu tacab belaayay meshuu maanta maray ilaahow madax daacad u ah diinta iyo dalkaba nasii AAAAAAAAAMIN YAARABI

  3. true somali says:

    sallaama caleeykum dhamaan wallalaha soomaliyeed iyo ramadaam kariim intaba,bacdu sallaan waxaan rabaa in aan soomalida u sheego sir weeyy oo ay hadeey ogaadaan dhibaatooyinkan oo dhan ka baxayaan oo ay ka guulaysanaayaan wax alla wixii dhibaato ah.akey sirtaa culus waxaa weeye oo aadka muhiimka u ah on aan QABYAALAD aasno hadaan taas helnana wax walba ayaan heleynaa iinsha allah ,waayo war wixii nakala jabiyey oo intaan naga soo reebay waa qabyaalad na gubay na qixiyey na laayey qaxooti dunida dacaladeeda ku dhibaataysan naga dhigay waa QABYAALAD,marka soomaliyeey ma isweeydiisey sababta aan daawada jirada na dilootay u isticmaali la,nahay ma waalannahay mise caqliga ayaa ilaaheey naga qaadey mise qoon hallaag ku yimi baan nahay?bal fiiri xitaa cadwgeenii ama gumeeystayashi soomalida ayaa meeshaas mar walba noo isyicmaala,QAYBI OO XUKUN,marka walaalayaal anagaa isleeyna oo isxoogtirna dadna isugu neceb jinsiyad SOOMAALI la yiraahdana wada ah marka ma waxan go,aan ku gaaranay in aan ku socono wadadaan aan ognahay in ay baaisay qaranimadeeni iyo jiritaankeenii umad xor ah oo wadanool,mase ii sheegi kartaan ninka soomaaliga ah oo diidan in aaan nabad qaadano iyo sababta,runtii waa jawaab fudud waa 4 nin oo calooshood u shaqeeystayaal ah sida kuwa dowlad ku sheega madaxada u ah SHEEKH shariif,INAGODANE,ABUU MANSUUR EN THE CRUE IYO
    SHEEKH XASANDAAHIR,oo intaba aan na matalin oo cid dooratay oo naga mid ah ay san jirin oo aan marnab xaq aheeyn in ay na matalaan waayo ma soomilyeey naga xigaan jawaabtu waa maya,hal dhao westiga iyo ethiopia ayaa faraha na gula jira iyo carab oo dhinaca kala ah laakiin cid nooga awood badan ma jiri karto wadankeen ahadaan anaga shacabka ah is raaco marka jaalayaal warka gunaanadjkiisa sirta waa in aan qabiilka aasnaa oo aan gacmaha is qabsanaa,

  4. Liibaan says:

    ACRW. Salaan ka dib, anigu waxaan Ibraahin dheere iyo Afarta wiil ee la socota ku tilmaamayaa oo kaliya Haad Geed wayday.

    Dano shaqsi hadaad wakhtigaaga oo dhan galisid, tusaale ahaan sidaad lacag u heli lahayd, sidaad magac u yeelan lahayd, sidaad TV yada caalamka u ga muuqan lahayd, dhinaca kalena dadka aad u sheegtid in aad howlahoda ku mashquulsan tahay, masiirkodana ka talinaysid, waxaad ku danbay meesha Ibraahin dheere ku danbeeyey.

    Kaliya waxaan sugaynaa isaga oo la xukumay xabsina la dhigay.

  5. mahamud says:

    somaalitalk way mahadsanyihiin xaqiqda haa kala leexanina waligiin ogadenia way xoroobi onlf ayaa u taagan dhiigooda iyo maalkooda ayay u hureen ku is dhiibanay yeelkooda waa dabaqoodhigii hore oo kale

  6. maxamed says:

    aad ayaan ugu farxay qoraalkan oo muhiimad weyn iilleh naf ahantayda waxaanan isku dayayaa inaan dhamaantii la soo boxo waana taariikh muhiimad leh fikirkayga hadaan ka dhiibto waxaa soo maray wadankan gumaysigu haysto halgano badan jabhada badan gobanimadoona fara badan laakiin taariikh ahaan maysan dhicin jabhada dhulkii dadkii iyo gobanimadoonimadii uga tanaasula maysan dhicin iyaga ka hor ethiopia waxay hor dhigaysay inay wadanka ogadeniya saxeexaan madaxdii somaliya sida maxamed siyaad bare iyo madaxdii ka danbaysay caydiid cali mahdi cabdi qaasim salaad xasan cabdullaahi yuusuf shariif kan eegga jooga dhamaantood inay wadankaasi u saxeexaan oo ay ka qaataan buugaag hadana waxaa la hubaa sida cabdi qaasim oo kale waa ragii diiday kuwa kale waxaa la odhan karaa waa iska dabadhilif miiran cabdullaahi yuusuf laftigiisa waxa ala sheegaa inuu yidhi anigu kaalama hadlayo ogadeniya waxbana hayga waydiinin
    laakiin gobanimadoon saxeexay iyaga ka hor taariikhda lama soo arag
    waa jabhada ugu sumcada xumayd ugu liidatay ee taariikhdii dadka iyo dalka reer ogadeniya meel kaga dhacay badanaa dadka reer ogadeniya waxay lahaan jireen sumcad wanaagsan gumaysi diid hadana waxaanm odhan karaa waa masiibo u soo hoyatay halgankii uwslf jbahadaasi waxaa la odhan karaa waxay ka soo farcameen al itixaadkii bur burey laakiin waa sida dadku moodayaane al itixaad al islaami waa urur qiimo badan wadanka u yeelay lana tirsan karo waxaana burburiyay halgankii itixaadka kuwa maanta uwslf ula galay ethiopia sida ninka nashaad la yiraahdo oo ka mid ah raga inta badan waligii layska illaalin hayay
    somalitalk khayr alle haydin suuyo

  7. digeed says:

    somalitalk:iga dheh warbaahin ummaddeeda utaagan,badbaadinaysana,runtii maan arag warbaahin lamida oo difaacaysa dhulkeeda,bal’e waxaaba jira qaar difaaca una xagliya cadowga soomaaliyeed..somalitalk difaacidda dhulkiina iyo soo gudbinta xaqiiqada kajirta,iyo dhagarooyinka cadowga oo aad ummadda ubayaamisaan waad kumahadsan tihiin,abaalna waxaa idiinka hayn doona shacabkiina,iyo taariikhahan aad shacabkiina baraysaan waxaan aaminsanahay in ay qayb katahay difaacidda dhulkeena.

    ALLA MAXAA KUDHACAYEEY!!!kkkkk!!!!yaab badanaa,kuwii shalay is maqiiqayey horta maanta ma loosheegay runta iyo in aanay macne badan kulahayn,dalka ay heshiiska lagaleeen.aniguse waxaan odhan lahaa hal cashar ayaa laga baranayaa hadalkan meles,oo ah in ay kadigtoonaadaan kuwa kale oo islahaa allaylahe dee idinkaba la heshiiya.maadaama kuwii is dhiibay sidaa loola hadlay,adna haku degdegina in aad heshiisyo aanad garanayn waxa aad kudhaafsanayso aad lagashaan…cashar layaab leh ayaa loo dhigay UWSLF.

    Gumaystuhu sidii uu umad ugumaysan lahaa xirfaddaha uu isticmaalo ayaa ay kamid tahay in uu kala qaybiyo ummaddaas uu haysto,deetana uu xukumo”qaybi oo xukun”.sidaas daraadeed shacabka soomaaliyeed ee weli kuhoos jira gacanta itoobiya meel ha uga soo wada jeesteen badbaadinta dhulkooda iyo in ay taageeraan inta weli udagaalamaysa xoriyaddooda.

    waxaa hiil mudan hogaanka ONLF waayo weli waxay taagan yihiin halkii lagu ogaa oo ah in ay dhulkooda uga baxdo itoobiya, siisana xoriyaddooda, waxaanse uga digayaa in ay qolyo aanay ogayn ujeedada ay wataan in ay kusoo biiraan deetana ay hadhow dhanka itoobiya uliicdaan,heshiisyo lamida kuwan dhagarta leh ay lagalaan,halkaana ay dhibaato kasoo gaadho.. alle ha idiin sakhiro hawlaha aad wadaan,halgankarana yaanu istaagin,isticmaala xirfadkasta oo maanta dunida laga isticmaalo si loo helo dal madaxbanaan,oo ay kamid yihiin wanaajinta xidhiidhka arimaha dibadda iyo samaysiga saaxiibo badan oo caalami ah si ay hawshan idiinka caawiyaan,.

  8. daljir says:

    Somalitalk mahadsanid sida aad danta soomaaliyeed u ilaalisid ilaahay mahadii nabsigu wakaas ninkii amxar isu dhiiba waa lagu jees jeesaa… uwslf…

    laakiin soomaalida ogaadeenya ilaahay wuxuu siiyay onlf oo aan marna xaq soomaaliyeed ka hari doonin si kasta oo gumeysigu isugu dayo inuu soo afjaro.

  9. c/naasir says:

    asc waxaan salaamaya dhamaan bahda somalitalk waxaan idin leeyahay waad ku mahadsantihiin sida sharafta badan eed mar kasta xaqiiqda jirta noola socodsiisaan hadaan u soo laabto mowduuca adeer horta ninkan xabashiga ah waligiis ayuu isku dayi jiray in uu ONLF uu u qaybiyo marka uu leeyahay waxaan heshiis la galay reer qurac reer qansaxna lama galin maxuu ka wadaa? Miyuu iloobay in umada sooomaliyeed ay waxaas uu hada wado ka gudubtay umada qabiil dhexdeeda ah way iska daysay waxaasna wax lagu khaldi karo ma aha duqa xabashiga ahna waa uu ku fashilmay siyaasada ONLF umada xaqeeda ayay raadsanaysaa ayaga oo kaashanaya Ilaahay marka waxaan dhihi lahaa inshaa alaahu waa la guulaysanaaya fikrad uu hada watana reer yurub ayaa wax ku xalin waayay