Home » Warar »

Khilaaf soo kala dhexgaley Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ka dib markii Dowladda…

Jabuuti oo mamnuucday Diyaaradaha Itoobiya sababna uga dhigtay in ay yihiin diyaarado duugoobay..

Waxaa maalmahan si aad loo hadalhayaa Khilaaf dhinaca Duulimaayada uu soo kala dhex galey Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya kaasoo la xiriirra markii Dowladda Jabuti ay joojisey Diyaaradihii Itoobiya ee imaan jirey wadanka Jabuuti ka dib markii Dowladda Jabuuti ay sheetey in Diyaaradaha Itoobiya ay yihiin kuwo duugoobey isla markaan ay badan yihiin Shilalka ku yimaada

Waxaa uu khilaaf xoogan oo dhinaca duulimaadka ah soo kala dhex galay waaxda duulimaadyadda hawada ee dowladda Jabuuti iyo shirka diyaaradaha ee laga leeyahay dalka Ethiopia (Ethiopian Airways.)

Khilaafka ayaa salka ku haya nooca diyaaradaha ay Ethiopian Airways ku isticmaasho duulimaadyadeeda dalka Jabuuti kuwaasi oo ah nooca loo yaqaano Turbo propelled ahna nooc qadiimi ah.

Waaxda Duulimaadyadda ee Jabuuti ayaa ku amartay shirkadda Ethiopian Airways in ay badasho diyaaradahaasi ayna ka dhigto nooca casriga ah ee Jet propelledka loo yaqaano si looga baaqdasi shilal  ay dhaliyaan diyaarahadaha ay haatan Ethiopian Airways is ticmaasho.

Madaxa shirka Ethiopian Airways; Girma Wake oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in shirkaddooda ay joojisay duulimaadyadii dalka Jabuuti kadib markii uu amarkaasi kasoo yeeray mas’uuliyiinta dhinaca duulimaadka ee Jabuuti.

Mr. Wake ayaa sheegay in ay haatan wadadhalo u socdaan labada dowladadood (Jabuuti iyo Ethiopia) uuna ku raja weyn yahay in dhawaan la soo afjari doono khilaafka.

Dhawaan ayey ahayd markii  Diyaarad ee leedahay Itoobiya ay ku burburtey xeebaha wadanka Lubnaan waana mida keentey in Dowlada Jabuuti ay joojiso Diyaaradaha Dalka Itoobiya kadib markii ay cabasho ka timid  Dadka raaca Diyaaradha Itoobiya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.