Home » Warar »

“Itoobiya waxay doonaysaa Shacab Soomaaliyeed, balse ma doonayso Dawlad Soomaaliyeed”

Warbixin/Faallo: Heshiiskii Lagu soo af-jaray Xaaladdii Iskacaabinta oo dhexmaray Jabhadda Soomaali Galbeed (UWSLF) iyo Itoobiya… SII AKHRI…

Qormadan oo ah hoga tusaalayn, waxaan ku falanqayn doonaa heshiiskaas, oo aan soo bandhigi doona tarjumada dhammaan qodobada uu ka kooban yahay heshiiskaas UWSLF iyo Itoobiya iyo caqabadaha ay Itoobiya hordhigtay Jabhadda marka ay aqbashay in ay Shacab noqotay. Waxa kale oo qormadu jawaab u raadinaysaa: Maxay jabhaddu ku bedelatay heshiiska oo ay ka faa’iidaysaa? SII AKHRI….

Warbixinta oo dhamaystiran KA AKHRI HALKAN…

HESHIISKII Jabhadda Soomaali Galbeed iyo Itoobiya oo tarjuman AKHRI

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " “Itoobiya waxay doonaysaa Shacab Soomaaliyeed, balse ma doonayso Dawlad Soomaaliyeed” "

  1. Barre says:

    Marka hore waan idin salaamayaa, salaan kadib.

    Aad ayaan ugu mahad celinayaa qorayaasha Somalitalk, qoraalada dhaxal gal ka ah eey u soogudbiyaan umadooda Soomaaliyeed, iyo waliba cilmiga iyo aqoonta sare ee ay uleeyihiin inay difaacaan xuquuqda umadooda baylahsan.
    Runtii 10 sanno ayaan akhriyay qoraaladiina, aad ayaadna umahadsantihiin.

    Anigu waxaan ka soojeedaa gobolada Soomaalida Ogadenia eey Ethiopia gumaysato, xubin iyo taageere toona uma ihi UWSLF iyo ONLF toona. Ethiopa nacayb ayaan uqabaa anigoo xusuusan dhibaatada aan xadka lahayn ee soojireenka ah ee dadka Soomaaliyeed ugaysatay ama ugaysato.

    Sheekh Ibraahim Dheere, gudoomiyaha UWSLF ururkiisaba anigu aad ayaan u aqaanaa, nin xun ma aha sheekh Ibraahim, wax badana wuu ka ogyahay duruufaha goboladaas. Laakiin waxaan ogahay inuu ka idho la yahay xaga cilmiga maadiga, arimaha bulshada iyo waliba wajiyada faraha badan ee siyaasad iyo dawladiba yeelan karaan.

    Hadaba haddaan fikrad ka dhiibto heshiiska ay wada galeen Ethiopia iyo UWSLF, waxay ilatahay in labo dhinac laga eegi karo.

    Dhinaca 1aad: waxay i tahay in Ethiopia ay iyadu ka faa’iiday heshiiskan, oo ay ugu yaraan soo afjartay iska caabin 20 sano ku socotay iyadooysan wax qiimo ah ugu kicin. Wasiirka fadaraalka ee heshiiska usixiixay wax awooda ah ma laha, haday Ethiopia heshiiskan ixtiraamayso ugu yaraan wasiirada awooda leh ama Zanawi laftiisa ayay usoo dirsan lahayd.

    Dhinaca 2aad: Hadii xaga kale laga eego, maadaama uusan ururka UWSLF lahayn wax awood ah sanadihii dambe, khilaafna uu kala dhexeeyay ONLF, isla markaana aysan gobolka kulahayn taageerayaal badan,
    waxay ilatahay inaysan faa’iido mooyee khasaare sookor dhin doonin heshiiska ay qaateen. Ugu yaraana wax yaalaha laga faa’iidi doona waxaa kamid noqon kara. 1. Waxaa halkaas ku dhamaan doona jabhado Ethiopia ladagaalama ayaa dhexdooda islaynaya. 2. Waxaa dhamaan doona jiritaankii ururkii qaabka darnaa ee Al ITIXAAD iyo dhaqankii carabta laga soodhoofin jiray. Waxay noqon karaan kuwo shacabka utura oo dhaama kuwa hada JIGJIGA jooga, waa haddiiba wax door ah siyaasada gobolka laga siiyo.

    Ugu dambayntii waxay ilatahay wax kasta waxay ubaahan yihiin in wakhti lasiiyo xataa hadday 100% kuula muuqato inay khalad tahay. Haddaba inagoo ka dharagsan hab dhaqanka Ethiopia dhacdadan wakhti halasiiyo.

    Mahadsanidin.

    D.Barre