Home » Warar »

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo sheegay in joogitaanka hay’adaha caalamiga gudaha Soomaaliya la kordhin doono

Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)

WARSAXAAFADEED 016/2010

Nayroobi, 10 Agoosto 2010 – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Augustine P. Mahiga, ayaa sheegay inuu ku hanweynyahay in joogitaanka wakiillo ka socda xafiiskiisa ay isa soo tari doonto gudaha Soomaaliya ayna horumarin doonto geeddi socodka nabadda ee ka socda dalka halkaasoo ay Qaramada Midoobay ay si joogto ah u xafiisyo ugu lahaayeen tan iyo 1991.

Ergeygu wuxuu sheegay in bilaha soo socda gudahooda, Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) uu kordhin doono tirada shaqaalaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah ee jooga Garoowe, Puntland, iyo Hargeysa, Somaliland, si ay ugu biiraan shaqaalaha wadaniga ah ee ka socda xafiiskiisa oo horey u joogey.

“Tallaabadan kadib, Xafiiska Siyaasadda (UNPOS) wuxuu si xoogan ugu baahnaan doonaa inuu joogo Muqdisho inkastoo arrimo amaan awgood, waxaan u baahanahay inaan si taxadir leh u cabbaarno arrintan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah. “Waxaa loo baahanyahay in la qabto hawlo badan, lalana xiriiro Dowladda Soomaaliyeed, AMISOM, ururrada aan dowliga ahayn (NGOs) iyo saaxibada kaleba, iyo weliba xog ururinta, maamul dhisidda, iyo hawlo kale oo fara badan oo la qaban karo keliya marka dalka la joogo.”

Waqtigan hadda la joogo, in ka badan 60 shaqaale caalami ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo ay weheliyaan in ku dhow 800 oo shaqaale wadanka u dhashay, kana kala socda hay’adaha kala geddisan ee Qaramada Midoobay ayaa ku sugan dalka gudihiisa, kuwaasoo ku hawlan gaarsiinta gargaarka baniaadanimo iyo hirgelinta barnaamijyada dibudhiska iyo horumarinta dalka. Qaramada Midoobay waxay si joogta ah gargaar baniaadanimo u gaarsiinaysaa dad lagu qiyaasay 3.2 milyan oo qof oo jooga gudaha Soomaaliya, gargaarkaaso lagu gaarsiiyo adeegyo ay ka mid yihiin caafimaadka, quudinta, biyaha iyo waxbarashada. Inkastoo hay’adda WFP ay si ku meel gaar ah u joojisay mashaariicdii ay ka wadday qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya, haddana dad garaaraya 340,000 qof ee jooga Muqdisho ayaa weli la gaarsiinayaa gargaar cunto, halkaasoo ay joogaan dadka ugu dhibban.

Isla markaasna, Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Taageeridda AMISOM (UNSOA) ayaa si jjogta ah xarun ugu leh Muqdisho si uu isugu dubarido taageerada saadka (logistics) oo ay ka midyihiin hoyga, cuntada, iyo qalabka caafimaadka la gaarsiiyo ciidanka nabadilaalinta Midowga Afrika ee gaaraya 6,100.

“Qaramada Midoobay waxay si aad ah ugu hawlantahay si ay ugu dhowaato dadka ay colaaddu saameysay,” ayuu yiri Danjire Mahiga.

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi Tel: +254 20 762 6805 / 6869 ama +254 733902020 ama 737400133 Fadlan eeg rugta Internet-ka (website): www.unpos.unmission.org


For Immediate Release
PRESS RELEASE 013/2010

SRSG announces increased presence inside Somalia

Nairobi, 10 August 2010 – The UN Special Representative for Somalia, Ambassador Augustine P Mahiga, has said he is hopeful that increased representation from his office inside Somalia will help advance the peace process in the country where the UN has had a constant presence since 1991.
He said that within the next few months, the UN Political Office for Somalia (UNPOS) would have increased numbers of international and national staff based in Garowe, Puntland and Hargeisa, Somaliland to join the national staff from his office who are already there.

“After this, UNPOS will crucially need to be in Mogadishu although for security reasons we will have to take a cautious approach,” he said. “There is much work to be done interacting with the Somali Government, AMISOM, NGOs and other partners as well as collecting information, administration and many other tasks that can only be done on the ground.”

At present, there are more than 60 international UN staff based inside Somalia along with nearly 800 national staff, from various UN agencies, delivering humanitarian assistance and implementing recovery and development programs. The UN has continued to deliver humanitarian assistance to 3.2 million people in Somalia through services such as health and nutrition activities, water and education. Despite the temporary suspension of World Food Program projects in parts of southern Somalia, food aid for 340,000 people is still continuing in Mogadishu, where many of the most vulnerable are located.

At the same time the United Nations Support Office for AMISOM (UNSOA) has maintained a continuous presence in Mogadishu in order to coordinate the delivery of a logistics support including accommodation, food and medical supplies to the 6,100 African peacekeeping troops.

“The UN works hard to be as close to those suffering the effects of the conflict as possible,” said Ambassador Mahiga.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo sheegay in joogitaanka hay’adaha caalamiga gudaha Soomaaliya la kordhin doono "

  1. Waa tilaabo hore loogu baahnaa in la qaado,hase yeeshee Walad Abdalla uu diidanaa,waa xalka qura ee ay Somalia ku degi karto,Xamarna(Muqdishu) ay nabad ku noqon karto,waliba waxaan ku talin lahaa dhammaan Shaqaalaha iyo Madaxda UNPOS ha la keeno meelaha nabdoon sida Puntland iyo Somaliland.

    Xukuumadda Sharmaarkena cadaadis ha lagu saaro sidii ay Baarlamanka ugu rari lahayd Gaalkacyo,arrimahaasu waxay hoos u dhigayaan maqaamkii Xamar,waxaana yaraanaya damacii kuwa xukun-doonka ah ee raba in ay burburiyaan TFG.

    Waxaad ka tusaale qaadataan markii Embagathi iyo Eldoret lagu soo dhisay Dawlad Federaal ah,iyagoo ficiltan iyo majaro-habaabin wada waxay ku dhawaaqeen Maxaakiimtii Islaamiga,kuwaas oo la ogyahay lixdii bilood ee masayrka sidii ay isu muujiyewen.

    Haddaba Haddii la doonayo in uu soo af-jarmo dagaalka Somalia,meel kale ha loogu dhawaaqo Caasimad ku meel gaar ah,hubaal weeye in ay wax is-bedeli doonaan.

    Soomaalidu xinka way u xoog badantahay.hadda xalkaana ku jira sidatan.

    Sultan: Bashir Abdi Mohamed (Garas)
    Bosaso,Puntland,Somalia