Home » Warar »

Cali Cabdi Awaare: Wax sun ah Laguma Aasin Soomaaliya, Cadayn cidii haysaa ha keento

Waraysi ay SomaliTalk.com magaalada Jabuuti kula yeelatay Cali Cabdi Awaare oo ah lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa si qayaxan u beeniyey in Sunta Halista ah lagu duugey Soomaaliya, isagoo sheegay in ciddii arrintaas daliil  u haysaa ay keenaan.

Waxa kale oo Cali Cabdi Awaare uu sheegay in ay wadaan baaritaan iyo daba gal ay ku wadaan maraakiibta sida sharci darrada uga kalluumaysata Soomaaliya, kuwaas oo uu ku qiyaasay in 20 dal maraakiibtoodu ka kalluumaystaan Soomaaliya, waxana uu sheegay in maraakiibtaas iyo sawiradooda la soo bandhigi doono marka baaritaanku dhammaado.

Isagoo ka jawaabayey su’aal uu waydiiyey Maxamed Macallin Cismaan (Allman) oo ku saabsan in Sunta Halista lagu duugey Soomaaliya waxa uu yiri “Annagu sun ayaa lagu daadiyaa iyo haraa ayaa la keenaa oranmeyno, waxaana qabaa in aanay jirin, arrimahaas dadka wadaana waa dad doonaya in ay khayraadka Soomaaliya ummadda gadata u bahala geliyaan, si khayraadka iyo aargoostada ka soo baxda badda Soomaaliya loo yiraahdo waa sumaysan tahay ee yaan loo dhawaanin. Dad allifaya ayaa doonaya in ay sidaas yiraahdaan.” Ayuu yiri isagoo hadalka ku xoojiyey “Dadka arrintaas (in sun lagu duugey Soomaaliya) daliil u haya ha keenaan.”

Awaare oo hadalkii sii wata: “Kuwa waxaas wada iyagaa badda kalluunkeeda xada, si kalluunka ay gurtaan uu suuq u yeesho waxay ku qoraan magacyo iyo sumado kale ay ka dhigayaan in wadama kale ay soo saareen, si kalluumaysatadii Soomaaliyana u shaqaysan kari waayaan, marka arrimahaas idinka saxaafadda ahina ka digtoonaada marka wararkaas oo kale la idiin sheego. Waxaa la doonayaa in dadka loo bahala geliyo khayraadkeenii iyo baddeenii, iyaguna ay kor ka gurtaan markaas, haddii ay sun ku daadiyeen iyaga ayaa gurteen, waana inaka ogyihiin, marka sunta horta wakeeda xaggeeda dhiga.”

Halkan ka dhegeyso Hadalkaas Cali Cabdi Awaare.

Cali Cabdi Awaare waxa uu si qeexan u sheegay in aysan jirin haba yaraatee wax sun ah oo lagu daadiyey Soomaaliya iyo in aysan jirin wax haamo ah laga helay Soomaaliya. Isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: “Waa in dadka Soomaaliyeed aragti fog yeeshaan. Waxaa la doonayaa in International la geliyo oo hadhow la yiraahdo kalluunkaasi waa sun oo baddii sun ayaa lagu daadshey. MA JIRTO. WAX KA JIRAA MA JIRAAN. Haamo sun ah lama helin, dacaayadaaas waa maqallay, guddi baarta ayaan saarnay 2006, waa la tegey waana la soo waayey. Waa dhaqaale burburin in ganacsatadeeno suuq weydo. Marka arrinkaas haba yaraatee wax ka jiraa ma jiraan, dadka waxaas fidinayaana waa dadka khayraadkeena gurta.”

Dhanka kale Awaare oo ka hadlayey in ay soo bandhigi doonaan sawiro maraakiibta sharci darrada uga kalluumaysta Soomaaliya, waxa uu yiri: Waxaa lagu daba jiraa dadka badaha Soomaaliya khayraadka kalluumaysiga sharci darrada kaga gurta oo insha Allah mardhow la soo bandhigi doono. Qoraalo ayaa la wadaa, waxaana socota baaris ku saabsan dalalka maraakiibtooodu sharci darrada kusoo galeen Soomaaliya, markii ay dhammaato warbixintaasi ayaa la soo bandhigi doonaa, dalalkaas oo gaaraya ilaa 20 dal, kuwaas oo sharci darro kaga halluumaysanayey Soomaaliya muddo. Dadka Soomaaliyeed waa iska dhicin doonaan labada burcad badeed.

Waraysiga aan la yeelanay Cali Cabdi Awaare oo dheera, uuna qaaday Maxamed Macallin Cismaan ALLMAN, ka dhegeyso: Q.1aad | Q.2aad.

Soomaaliya sun malagu aasay  burburkii kaddib?

Aan eegno Madaxdii iyo aqoonyahanadii Soomaaliyeed ee arrintaas ka hadlay.

September 25, 2009 ayaa madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif waxa uu shirkii guud ee Qarammada Midoobay waxa uu ka jeediyey khudbad uu ku muujinayo in Sunta Halista ah  (Toxic Waste النفايات السامة) lagu duugey xeebaha Soomaaliya oo ay arrintaasi dhibaato ku tahay qarannimada Soomaaliya, halisna ku hayso deegaanka. Isagoo arrintaas ka hadlayey Sheikh Shariif waxa uu yiri: “Sunta halista ah ee lagu duugey xeebaha Soomaaliya iyo kalluumaysiga sharci darrada ah iyo xaalufinta khayraadka qaranka waxay xad-gudub ku yihiin xornimada Soomaaliya, waxayna arrintaasi horseedaysaa dhaawac aad u weyn oo soo gaara oo raad xun iyo dikhow ku reebaya bay’adda/degaanka.” Hadalkaas halkan ka dhegeyso. ama Akhri khudbadii oo Carabi ah.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare xigeenka ahna wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee DFKMG, C/raxmaan Ibbi, ayaa bishii March 14, 2010 kulan looga hadlayey burcad badeeda oo lagu qabtay xarunta Qarammada Midoobay hadalkii uu ka jeediyey waxa uu kaga hadlay Sunta halista ah ee lagu shubay biyahada dhulka Soomaaliyeed (Dumping of wastes in the Somali territorial waters).

Waxa kale oo jira aqoonyahanno Soomaaliyeed oo hore uga hadlay cadaymaha loo hayo in Soomaaliya lagu duugey sunta halista ah, waxaana ka mid ah Dr. Bashiir Maxamed Xuseen oo June 8, 2010 qoraal cadayn ah ku soo bandhigay shir lagu qabtay magaalada Geneva (Qoraalkaan halkan ka akhri).

Sidoo kale Maxamed Abshir Waldo ayaa ka mid ah aqoonyahanka/siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee cod dheer uga hadlay (2009) arrinta sunta halista ee lagu duugay badda iyo berriga Soomaaliya.

Hay’adda Soomaaliyeed ee DBG (Daryeelka Bulshada Guud) ayaa bishii November 2006 waxay sawiro ka soo qaaday 15 Haamood oo ku soo Caariyey Xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo aan la aqoon wax ku jiray (Sawirada halkan ka daawo).

Bishii April 2005 ayey ahayd markii haan aad u weyn ay kusoo caaridey xeebta meesha lagu magacaabo Kayoom oo u dhow Kismaayo, dadkii halkaas booqday oo arrintaas xaqiijiyey waxaa kamid ahaa Wasiirkii dib u heshiisiinta DFKMG islamarkaana ahaa Guddoomiyaha Isbaheysiga Dooxada Jubba Barre Aadan Shire Hiiraale (Eeg halkan).

Xukumaddii ay hogaaminayeen C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geeddi ayaa (2005) waxay si cad oo aan shaki ku jirin u codsadeen in wax laga qabto oo gaar ahaan la baaro meelaha lagu tuhunsan yahay Qashin ama Sunta ama wixii lamid ah ee wadanka lagu daadiyey. Hadalkaas waxaa caddeeyey  Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Yuusuf Bari-bari) oo ahaa Ergeyga gaarka ee DFKMG u qaabilsanaa Yurub oo u waramayey idaacadda Daljir, isagoo sheegay in uu isagu arrintaas dawladda talyaaniga kala shiray oo ay kawada hadleen gaar ahaan guddi baarlamaanka Talyaaniga, isagoo sheegay in uu u gudbiyey codsi ka socdey madaxweynah aiyo ra’iisul wasaaraha, codsigaas oo ah in ay Soomaaliya usoo diraan khubaro baara oo haddii la helo markaa laga sifeeyo. (Dhegeyso).

Waxaa xusid mudan in warbixin uu October 2000 soo saaray baarlamaanka dalka Talyaanigu kaddib markii uu u kuur galay sunta lagu duugay Soomaaliya waxaa baarlamaanku caddeeyey in Soomaaliya ay muddo sanado ahba ahayd, ayna weli tahay meesha yoolka u ah in lagu duugo caddad aad u farabadan oo ah sunta Halista ah oo ka imanaysa Yurub iyo dalalka kale ee wershedaha leh.

In badan oo Soomaali ah ayaa tilmaama cududa aan la aqoon ee ku soo batay Soomaaliya, gaar ahaan dhulka la olloga ah xeebaha in ay sabab u tahay sunta lagu duugey dhulkaas laga soo bilaabo markii la dhisayey wadad isku xirta Garoowe iyo Boosaaso ilaa intii ka dambaysay oo uu dhacay burburkii Soomaaliya oo aysan jirin cid ilaalisa ama ka warqabta dhul-badeedka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha hadda ee DFKMG, Cumar C/rashiid Sharmarke ayaa waraysi uu Febraayo 16, 2009 (waa 3 maalmood kaddib markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha DFKMG) waraaysi uu magaalada Jabuuti ku siiyey hay’adda wararka ee Reuters waxa uu yiri “waa in beesha caalamku wax ka qabtaan kalluumaysiga sharci darrada ah iyo  sunta halista ah ee lagu daadinayo badda Soomaaliya, arrintaas oo ah sababta ay burcad badeedo sheegeen in ay markii horeba hubka u qaateen.”

1997 / 1998 – Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo  Progresso (Italian).  Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.

Sidoo kale akhri barnaamijkii Aljazeera ka diyaarisay Sunta Soomaaliya (AKHRI)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

20 Jawaabood " Cali Cabdi Awaare: Wax sun ah Laguma Aasin Soomaaliya, Cadayn cidii haysaa ha keento "

  1. salaanta islaamka ayaan idinku salaamayaa,, waxaan jeclahay inaan hadal kooban ku darsado,, marka koowaad ninka la yiraaho MAXMED walaal markaad i leedahay qarniga 20aad baad maraysaa waxaan u gartay inaad dadka somaliyeed leedahay uma qalmaan in jaahil lagu sheego ama dad aan wax akhrin,,, marka hore anigu shaqsi somali ah baan ahay dadka somalida ah waxay yihiin ayaan aniguna ahay, tan kale markaan anigu leeyahay somalidu wax ma aqriso macneheedu maaha afka somaliga ee kacaankii siyaad bare baray inay yaqaanaan ee waxaan ula jeedaa inay la tartamaan Technologyga maanta aduunku marayo. adigu hadii aad ku doodaysid somali ayaa wax taqaan sababta maanta la isu waydiinayo dalkeena sun ayaa lagu shubay iyo laguma shubin waa maxay? tan kale sunta aduunka kale lagu shubi waayey ee somalia lala soo aaday sow macneheedu maaha dal cidlo ah dadkiisuna jaahil yahay inaynu nahay oo ay shisheeyuhu sidaas nooga faa,iidayaan, marka waxaan hadalka kuugu soo koobayaa adigu meel dheer wax ka fiiri halkaad aniga i leedahay siidaas. tan kale AWAARE waa muwaadin aan aaminsanahay inuu somali badan ka muwaadinsanyahay adigu sidaad rabtid u qaado. hadii uu yiri caddayn hala keenona hadal ceeb ah maaha . wabilaahi towfiiq

  2. Abdulkadir says:

    Somalitalk aad ayaan idiin kugu hambalyeynayaa warbixinta quruxda badan ee aad soo bandhigteen. Haddii aan wax ka iraahdo arrintan, Runtii haddii si loo eego waxay ila tahay inay wax ka jiraan dagaalka iyo majaxaabinta dhaqalae ee dalkeena lagu hayo. Somalia waxay hodon ka tahay bad iyo berri, berriga haddeynu eegno horey waxaa loola dagaalamay xooleheenii oo lagu masabiday inay qabaan cudurka Rift Valley, waana la ogyahay dhibka naga soo gaaray, hadana waxaa la rabaa in sun aan jirin lagu sheego badaheena. Waa run Haamo qafilan in lagu tuuray badaheena, laakiin maxaa ku dhex jira, ma ciidbaam ma qashinbaa, waxaan qabaa in loo kuur galo. Yeynaan ku markhaatin furin beenta la inaga sameynayo.

  3. Wadani says:

    SCM. dhamaan waad salaaman tihiin aqristayaasha iyo shaqaalaha web,kan.

    Waxaa wax lala yaabo ah in nin ween maanta umada lasoo hor isaago Soomaaliya sun laguma shubin xeebaheeda. Waxaa cadeyn ugu filnaan laheyd inuu la xiriiro hey’adaha ka hawlgala magaaooyin xeebeedka Soomaaliya. Iska daay Soomaliya inteeda kale, ee xeebaha Mareeg iyo Cadale illaa iyo Warshiiq haamanka kusoo caariyay ayaan qiyaas leheen. Haanti ugu horeeysay ee dhanka Mareeg kusoo caariso waxeey aheyd sanadii 1994 waxaaana in la aaso ka caawiyay dadka deegaan Hey’ad ka howlgasha degmada Ceel-dheer wuuna la xiriiri karaa ninka odayga ah si uu cadeyn uga helo kadibna marar badan ayeey sidiyoo kale gacan uga geysteen ileen wax gacan lagu riixi karo ma aheyn waa booyado yaryar oo dhererkoodu yahay jiif 2m, joogna 1.50m.

    Somalitalk waxaan kula talinayaa ineey ayada xitaa xaqiijiso oo cadeymo iyo wareysiyo wada socdo soo hesho eyna la xiriirto hey’adaha had iyo jeer gacanta ka geysta.

  4. JAAJUUR says:

    SOMALITALK…ma garan karo wax Soomaalidu idiinku abaal gudi doonto. Waxaad wakhti badan iyo karti badan gelisaan mawduucyo aan xitaa cilmibaarayaasha caalamku si fudud isugu soo duwi karin.

    Waxaad kaydiseen,daah furtaan taariikhdeenna,waxaad iftiimisaan gudcurka iyo dhibaatada la inagu hayo. Waxaad u taagan tihiin jiritaankeenna iyo difaaceenna.

    Ilaah ayaa idinka abaal marin doona.

    Aniguna waxaan rajeynayaa markaan dalka gacanta ku dhigo in aan idinku qoro buugaagta taariikhda dalka.

  5. s/c/w :waan idin salamay dhaman inta akhrisay iyo inta ka hadashayba waraysigii (Aware) horta ni yiraahda sun baa lagu shubay iyo ni yiraahda waxaa ka hadlay hebal waa run sunta lagu shubay, ma u haysaan cadayn in lagu shubay sun, masa la arkay cid suntaas ku dhimatay ama cuntay kaluun leh suntas ,ama cid saartay sheebar oo tidhi wa sun khatar aha ama u haya daliil lagu rumaysan karo in ay jirto suntas sida aan wada ognahay oo cidi daah kaga daboolnayn Awara na sheegay in ay jiraan 20 in kabadan oo maraakiib kuwa jiriifka ah in ay ka kaluumaystaan si sharci daro ah xeebaha somalia cadaynteeda imika la soo sarayo dalalka ay ka yimadeen maraakibtas taasi waa markhati madoon wararka dacayadda aha maa la joojiyo haday somaliya badeedo sun ku duugan tahay maxay uga kaluumaystaan marakiibta shisheeye badeena haday leedahay sun sida aan wada og nahay somali warshado kaluun soo saara baa kajiree kuwaas maa la dhaho kaluunka aad samaysaan waa sumaysan yahay, aniga waan ka xumahay nin mas’ul sare ahna ninka ugu sareeya dawlad DFKG ah in uudhaho sun ba lagu shubay isagoo aan hayn cadayn, hadaba waxaan ku soo gagaba gabaynayaa hadalakay aniga fikrad ahaan waxaan u arkaa in la dhabar jabinayo ganacsatadeena kuwa ka ganacsada kalunka iyo khayradka kale sida aargosatada ama khayradka kale hadaba aan uu dhuur galno sidee aan u heli lahayn cadayn in ay jirto suntas iyo dawlad somaaliyeed oo difacda dalkeeda iyo khayradkeeda .
    xaqiiqdii ali abdi aware waa ni sare oo mas’uul aha wax uu sheegayana wax baa ka jiree ha lala hubiyo hana lala eego xaqiiqda ayaa soo baxaysa ha la tagero hawsha uu ku jiro Wasiirku
    ralina ahaada dhaaman

  6. abdikadir says:

    Mala dadka waxbaa iskaga qaldan war sawkan Awaare tilmaamayey 20ka markab ee baddeena jiriifa tan xaqiiqda ah ee burcad badeeda lagu daboolayona waa si aan lo ogaan maraakiibta badda jiriifaysa maxaynu taa u arki weyney haddiise uu yiri khayraadkeenna loo danleeyahay inuu khayraadka difaaco xaqbuu leeyahay mudanuhu weaa bad iyo berriba waa la inakal diriray muuse waa runtiis hadlka uu sheegay haddaynu sun sheegno kalluunkeennaa laga cararayaa caddankuse ma guran lahayeen kalluunkeenna hadday sun ku ogyihiin waa maya

  7. Waxba yaan Cali la weerarin oo lagu gooban, aragti sax ah ayuu ka dhiibtey haddii uu yidhi halla keeno caddaymaha hadal meelahaas lala wareego looma baahnee teeda kale haamaha yaa geeyey sheybaar oo soo sheegay in wixii ku jirey uu wasakh wershedeed ama nuclear ahaa, maxaa loo xagxaganayaa keen caddayntii ma ceeb baa.

  8. maxamuud says:

    Asc wr wbr.
    Maamulka iyo weriyeyaasha somalitalk waxaan u dirayaa hambalyo sida wadaninimada iyo somalinimada leh ee ay ugu soo jeedaan habeen iyo maalinba ilaalinta kheyraadka iyo xuduudaha somaliya.
    Arinta mudane cali cabdi aware horta aqoon fiican uma lihi cali mana doonayo inaan dambi ka galo, laakiin dalka somaliya maanta ragga hor boodaya siyasadda badidood waa rag aan damiir iyo somalinimo lagu arag, ku fekera Hotel weyn iyo guri Villa ah dhiso.
    Ma oga in maalin ay u hoyan doonaan qabrigiiyaraa ee mugdiga ahaa.
    Somaliya in lagu shubay sun, la gurto kheyraadkeeda waxaan tusaale u soo qaadan sababta ay shirkadaha iyo dowlada shisheeye u bixiyaan lacagta malaayiinta dollar ee madax furashada ee la siiyo kooxaha bur cad badeedka ah ??????????? waayo inta laga helayo ayaa toban jibaar ka badan inta ay bixiyaan, marka waxaan ku soo gabagabeyn lahaa soomaliya allaha badbaadsho aamiin

  9. Mustafa says:

    Mustafa A/asis Yusuf
    CS.
    Salaan qaali ah kadib.
    Mr.Awaare mawaxaa uu beenin nayaa, subta aan dadakii aasay qarin ee banaanka taal, hadii uu taas beeniyana ma wuxuu beeninayaa Haamaha banaanada yaal.
    Waa gartiis wadanka uu mas uuliyada usheeganayo ayuusan war kahay.
    Deegana xeebahaa, ee aan anigu ka war hayo waxaa ay marayaan in Ilmuhu ku dhashaan Xanuuno aan la aqoon,
    Sida madax weynaad, Wadne Dalool, Qanjiro barar, iyo xanuuno aan la garanayn. Marka anaguna waxaanba maraynaah heer aan aamin sanahay in suntii ay dilaaci rabto khatarteediina ay soo kordhayso. Marka intaas dib ha u eego.
    Cadayn haduu uu rabana waxaan gaynah naah Haamo banaanka wax ku jira aan la aqoon, marka asaga ayaa laga rabaa in uu haamahaas furo, waxa ku jirana sheego.

    Mahadsanidin.

  10. nuur says:

    waxaan bogaadin iyo mahadnaq aan lasoo koobi karin hawada usoo marinayaa wadaniyiinta qiimaha iyo sharafta badan ee dhexda u xidhtay in ay habeen iyo maalinba isu taagaan difaaca dhulkooda hooyo ee Bahda Somalitalk aad baad u mahadsan tihiin waan idiin ducayneynaa in ilaah maskaxda iyo garaadka maalka iyo naftaba idiin dhawro wax intaas kabadan oo aan hadda idiin qaban karno aniga iyo inta ila figradda ahi ma jirto aduunka dhulkiinu waa idiin abaal gudi doonaa aakhiro khayr baad ilaah ka rajayneysaan.
    waxaan aad u aaminsanay hadii aydaan arinkan dhexda u xidhateen in mar hore dhulkaan lagu kala guuri lahaa sabab!!!!
    hadaan ka soo qaado iibsigii badda somalia sidii aad hashaas u bayaamiseen iyo sidii laydiinku ankiray iyo sidii aad ugu guulaysateen soo dhicinteeda
    midda labaad waa sunta oo talaabo kasta oo aad heli kartaanba aad noosoo bandhigteen arintaasi waxay keentay ugu yaraan in ay la dhuuntaan markay badda ku shubayaan ama berriga ku aasayaan. marka waxaan anigu qabaa hadii aanay jiri lahayn waar kadaayadiinaasi iyo dhawaaqaas qalinkiinaas barakaysani in sunta loo qaybsan lahaa 4.5 oo qabiilkasta qabqablihiisu oran lahaa qaybtayda isiiya iskaba daa shishayaha soo waaridayee
    dhukan ilaah baa u maqan

  11. jama says:

    Adeerow 2week ka hor WELAD CABDALLA AYA xaqiijiyay in Somalia lagu shubo sunta e warka cali iska daaya,, wa saxiibkeey Cali howshaana in uu ka hadlo howshiisii ma aha!!!!!!
    Nabdeey bahda Somalitalk

  12. maxamad says:

    mark ahore mahadsanidin somalitalk iyo akhyaarta qoraalada ais weydaarsaday. Ma doonayo in aan cid gaar ah wax ka sheego, laakiin jawaab kooban ayaan doonayaa qofka jawaabta hore bixiyey ee magaciisu yahay Ahmed Abdirahman. Saaxiib ugu horayn waxaad weli joogtaa qarnigii 20aad, waagaas ayaa soomaalida la dheehi jirey wax ma qoraan, oo wax ma akhriyaan. Taas laga soo gudub oo adiguba Soomaali ayaad tahay oo waadiga akhriyey warka cali cabdi oo markaas qoraal qoray sow adigu isma beenin marka.

    Tan kale waxaan u malaynayaa in xigmad dheer aadan fahmin oo warrka kor ku qoran, Cali cabdi awaare waa lataliyaha dawladda, dawladda ayaana hadalada sare laga soo xigtey marka yaa been sheegaya: Cumar Cabdirashiid oo cali cabdi lataliye u yahay miyaa been sheegaya mase cali ayaa beensheegaya. Cabdullaahi yuusuf miyaa been sheegaya mase cali awaare. Haddii aan hadalkaaga kuu raaco oo aan war laga dhegeysanayn Shariif markaas muxuu cali cabdi awaare lataliye ugu noqday dawlad noocaas ah. Mase cali cabdi awaare ayaa adigu is xigtaan oo aan been sheegayn, halka Shariifka warkiisa aan la beensan karin. Arrimahaas waxaan kuu xusuusinayaa in aad intaas ka feker wanaagsanaatid ayey ahayd in aad aragtay sabata aan u malaynayo in qoraalku xambaarsan yahay.

    Soomaalidu wax waa akhriyaan, waayo adiguba waatan aad wax akhriday oo garatay in Shariifka hadalkiisii la keenay meesha. Soomaalidu wax waa qoraan waayo adiguba waatan aad qoraalka qortay. Marka yaan sheekada riqiiska ah mardambe lagaa maqlin. Soomaalidu sidii hore ma aha oo qofka hadalkiisa ayaa loo diiwaan geliyaa, loo qoraa, marka uu mid ka duwan ku hadlona kii horaa loo keenaa. Hadalka aha soomaalidu wax ma qoraan waa hadal quursi ah oo aad adigu is quursanaysid adigoo aan is ogeyn.

    Shariif (madaxweyne), Sharmaarke (ra’iisul wasaare), Yuusuf (Madaxweyne), Geeddi (ra’iisul wasaare), ma beeloowayaal baa oo waxaa run sheegaya Awaare? Taas ka jawaab mr Ahmed Abdirahman .

  13. asc wr,,, salaanta islaamka kadib,, somalitalk waad mahadsantihiin,, anigu waxaan qabaa fikir ah in ay somalidu yihiin Oral society ama bulsho afka ka hadasha laakiin aan waxna aqrin waxna qorin taas waxaan ula jeedaa hadii ay maqlaan sun ayaa lagu aasay somalia dhamaantood sidaas ayay aaminayaan oo maqaayadaha lagu qaxweeyo iyo xarumaha qaadka lagu cuno isku maaweelinayaan halkii ay waxbaran lahaayeen oo ay dalkooda iyo dadkooda ilaashan lahaayeen,,, cali cabdi awaare eed maleh waa shaqsi somali ah wuxuuna ka hadlay fikirkiisa inuu xaqiiqda idiinka dhawyahayna way u badantahay dadkiinaan hadalada macnadarada ah oo personal attack ah kusoo qoraya commentska,, tan kale somalitalk waxay matalaysaa inay cadayn u hayaan in badda somalia sun lagu aasay waxayna soo qaateen shaqsiyaad hore fikirkooda sida sheekh shariifka diintii uu yaqaanayna inkiray aqoon kale oo maadi ahna aan lahayn marka taas cadayn maaha ayaan idin leeyahay,,, guud ahaan dadka somalidu way ka dhiidhiyaayaan in dalkooda la keeno sun laakiin dad iyo dal aan wax u badbaaday lahayn sun baa dalkayaga lagu aasay inay ka hadlaan maba aha ee sunta ay iyagu is cabsiinayaan ha joojiyaan horta markaas ayay sun meel kale uga timid ka hadli karaan,,, Allaah ha ina badbaadiyo asc wr

  14. waxaan aad u taageersanahay figrada Wasiirka cali Cabdi, Awaare arintaasi waa war lagu cuna qabateynayo Kaluunka iyo Xoogsatada ka shaqaysatada, sidii xoolieheena looyiri waa jiran yihiin oo kale weeyey,wax cadeyn ahna looma hayo arintaasi, haamaha goobaha gaarkood lagu arkey kuwa ka mid ah anigaa tegey, xcili ay dadka xeebaha degani ka soo qayliyeen kuwaasina waxay noqdeen wax haamo maraakiib degtey ka soo go,day, marka arintaasi dadka daba ka wada ha u arkeen in ay tahay falaar ay iyagu isku tuureen, dawladaha kaluunkeena guranaaya ee baddeena xaalufinaaya ayaa samaya sunta meel ay sun ku aaseena kama gurteen kaluun, waana kaaga war roonyihiin, waxay raban in aad adigiga kaluunkaaga laga iibsan iyana iibsadaan.
    waxaa tusaale idiin ah.
    dalka sucuudiga kaluunkaana wuxuu dhahaa waa jiran yahay, markii dhinaca yaman loo mariyona waa qaataa kaluunka sucuudiga laga cuno waa kaluunka soomaaliya laga keeno meelkale lagama keeno waana isku layaan.
    marka sidaasi ula socda arintu waa dacaayad lagu xumaynayo xoolahaaga bad iyo Beriba.

  15. Asalamu Alaikum

    Waan idin salamay walaalaha sharfta iyo qiimiga badan ee barnaajikaan isku soo daba ridey iyo Bahda fududaysay Somalitalk Staff iyo akhyaarta iyagana Fikradooda ka dhiibtey halkaa.

    aniga run ahaantii waxaad moodaa inaan ku fikrad ahey walaalkey Cabdi casiis Abshir oo ah in uu dalka Somaliya Uu dayacan yahay oo wax Kontrol ah uusan jirin… marka arrintaasna waxaa fiican in waqti la siiyo oo hada aan la iska soo hortaagin Jiritaan la’aanteeda…. tan kale C/risaaq walaalkey Ilaahey ha ku xifdiyee personal attackga waa laga fiican yahay xaqiiqdii walaalken Cali Cabdi Awaare fikradiisa ayuu dhiibtey marka arrintaas waxaan u arkaa inay Muhiim tahay…. Lagana Yaabo inuu wax kale oo aan ogayn uu wato oo ah in uu Information badan uu soo baxo marka adna ha deg dgin akhiiyow.

    Asalamu Alaikum

  16. Isse Ahmed says:

    Asalama Alikum dhamaan
    Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa Somalitalk.com sida ay had iyo goor ugu taagan tahay ilaahinta dhulka soomaaliyeed oo aan dawlad ilaalisa lahayd ilaa 1991 mida kale hadalka ka soo yeeray la taliyaha Raysulwasaaraha Cali Cabdi awaare waa hadal fadeexad ku ah magiciisa iyo darajada uu u hayo umada soomaaliyeed wixii darajada loogu dhiibay waxaa weeye in umada ilaaliyo nabadeeda, horumarkeeda, sharafteeda ,, dadka iyo dalkaba halka uu maanta yiri sun lagu duugin soomaaliya qofkii og ha keeno Lataliyaha Raysulwasaaruhu wax ma akhiyo miyaa wax ma raadiyo miyaa oo war iyo xog ku saabtan wuxuu yiri waanu soo baarnay sow wax lala yaabo ma ahan nin masuuliyad heersare ah ka haya dawlada in wax lala yaabo oo dunida oo dhan ay markhaanti ka tahay inkiraaya halakan oo Somali talk ah waxaan ka akhriyey in kanbeniyadii sunta ku qubi jirey uu sheegay meelaha ay aaseen weliba wakhtigii dawladii kacaanka ahayd ay ku aaseen iyo heseesyo kale oo ku leehay si jeesjeesa anagu soomaaliya uma wadin nacnac in aan u qaybino marka waxaan u arkaa arin fadeexad iyo yaxyax ku ah Cali Cabdi awaare mustaqbalkiisa iyo damaciisa guracan arintuse inta ka wayn ee waxaan aqoonyahanda indheergadaka in baaritaan lagu sameeyo Cali cabdi awaare in uu qayb ku leeyahay sunta lagu daadiyey Somalia si dadka ay u ogaadaan dadka ma jixinjixayaasha ah iyo dadka daacada ah oo aan waxba galabsan oo dadkooda iyo dalkooda daacad u ah
    mar labaad waa mahadsan tihiir Somalitalk.com

  17. Cumar says:

    Asc.
    Haddiiba dokumentiga Somalitalk ee heshiisyada ay soo bandhigtay, kuwa jaraaidka kale,qoraaladii xafiiska siyaasadda ee UNka Soomaaliiya u qaabilsan, hadaladii madax kale oo badan, xanuunyadii lagu arkey dadkii ku waxyeeloobay xeebaha bari markii tsunamada ay soo qoftay haamaha waaweyn ee sunta bartamahii may.2006dii. See waay xaalka? ma jillaabashada kalluunka maanta kaliya ayaa noo sawirmay ama si kale ayeey wax yihiin…………..? Saan maa wax loo inkiraa………?

  18. cabdi dheere says:

    waa nasib daro hadalka cali waxana tani ay muujinaysaa in cali cabdi aanu wali faraha kala bixin howshii uu markii horeba puntland ku hayn jiray ee ahyd inuu jariifo xeebaha puntland uuna iska dhigo nin wanaagsan ilahow hanagu fadeexayn bulshada dhexdeeda

  19. warka ah sun ma lagu aasin somaliya wa war beena qofka aragtida qaban wa mid ka qaybqatay sunta askeda ee xebaha somaliya sida darted an rabin in lagu sameyo wax daba gal ah arintan sunta in lagu aasay somaliya wax kugu filan cadayn xeeb aan lahen ilaalo islmarkan dhererkedu yahya 3333 km ahan marin biyed ay maran markib cadadkoda malinti lagu qiyasay 30 markab oo xamulaha mudo 20 sano ahan aysan jirin wax dawalada oo xeebtas kantrolayay marka si shaki la an ah aya kugu so baxaysa in xatooyo iyo xabaal waxbo an munasib ahenba logu aasikaro wax kali ah e lobahnayahay imka wa in arintas la badho badhidaso ah mid xaga xogta ah si hadhow marka la helo dawlad loga faaidasto badhista toos ta ah wax kalo wacan in ddaka kahadla arintan hadaladoda ad lo qimeyo laguna kaydsho melaha muhimka ah e arintan lagu ururinkaro si hadhow loga waydiyo sualo dabagala logu sameyo waxy kala socdan arintas
    midnimo wa lagama marman hadi mool la leyahay

  20. cabdirisaaq says:

    cali cabdi awaare waa ninkii la rabay inuu soo baaro in badda somaaliya sun lagu shubo iyo in kale isagaana mishaar ku qaata howlaha noocaas oo kale marka waa nasiib xumo iyo mas,uuliyad daro inuu anaga na dhaho cadeyn keena. mr awaare ogow badda umada soomaaliyeed baa leh, adigana waxad feerahaas ku yeelatay waa magacooda iyo xoolahooda , marka hadaadan hantidooda aadan xafidi karin oo aadan dabagal ku sameyn karin iska aamus