Home » Warar »

Madaxii hore ee Ciidanka Ammaanka Koonfur-Africa oo lagu xukumey 15 sano…

Madaxii hore ee haystey ciidamada amaanka k/africa oo xilkii laga eryey sanadkii hore kadib markii lagusoo eedeyey musuqmaasuq iyo gacan-siinta nin ay saaxiibo ahaayeen oo u xiran dil iyo ka ganacsiga daroogada ayaa saakey (3 august 2010) waxay maxkamada darajada sare ku xukuntay 15 sano oo xarig ah.

Mr Jakie Selebi oo aad looga yaqaan dunida waxa uu kamid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan xisbiga talada haya ee loo yaqaan ANC, asagoo usoo dagaalamay kahortagii midab-takoorka dalkan.

1987 waxa uu ahaa madaxa ANC-da qeybta dhalinyarada xafiiskooduna ahaa dalka zampia, 1994 xoriyadii dowladda madowga kadib waxa uu ahaa xubin katirsan baarlamaanka, isla sanadkii xigey 1995 waxaa loo doortey safiirka s/africa ufadhiya qaramada midoobey isagoo jagadaasi hayey ilaa 98-kii, isla sanadkaasi waxaa la gudoonsiiyay billad sharaf katarjumaysa dadaalkiisa aadanimo.

Sanadkii 2000 ilaa 2009 waxaa uu ahaa madaxa ammaanka, isla xiligaasi waxa uu ahaa madaxa ‘intepol’ booliska aduunka.

Waxaa kale oo laxasuustaa ra’yigii uu jeediyey bishii hore ee march sanadkan 2010 oo kusaabsanaa in lasharciyeeyo dumarka jirkoodu ka ganacsada.

Judge Meyer Joffe ayaa usheegay dadkii kasoo qeb-galey maxkamadaasi in mr selebi sumcadiisu meel uga dhacey cidna eedeyn karin.

Si kastaba ha’ahaatee laba todobaad ka dib haduusan ka doodin xukunkan 15-ka sano (ama racfaan ka qaadan oo la aqbalain rafcaanka) waxaa loo taxaabi doonaa xabsiga loogu talo galey dembiilayaasha.

hussein keyse bashiir
h.bashiir@gmail.com

Cop in murder probe ‘threat’

2008: MADAXWEYNAHA INTERPOL, AHNA TALIYAHA POLICEKA K/AFRIKA OO SHAQADA LAGA FARIISIIYEY SI KMG AH , DACWADNA LAGU SOO OOGEY.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxii hore ee Ciidanka Ammaanka Koonfur-Africa oo lagu xukumey 15 sano… "

  1. ALLAAH AYAA MAHADLEH, SELEBI MEESHA LAGA GALAY MA UU GARAN KARO, SIDOO KALE QOF KASTA OO ADDUUNKA JOOGAA MA GARAN KARO MEESHA NINKAAS INKAARTU UGA TIMID.

    WAXAA UU MADAL SHIRWAYNE LA SOO ISTAAGEY NAAGAHA XAARAANTA KU GANACSADA HA LA SHARCIYEEYO OO SIDA DUKAANKA RAASHINKA GADADA SHATI HA QAATEEN.

    OGOW, ALLIHII XAARAANTA MAMNUUCAY WAA UU MAQLAYEY HADALKIISA, ALLE AYAA DEBEREY HABAARKA KU HABSADEY SELEBI.

    OK. ARRINTAASI WAAYO ARAGNIMO MA U NOQONAYSAA KUWA SOOMAALIDA AH EE INTAY ALLAHOOD ILLAABEEN U YEERANAYA GAALO IYO CAWAANKEED OO DOONAYA IN AY WALAALOOD KU DILAAN GAGANTA GAALADA.