Home » Faallo »

Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (2) | W/Q. Muxamad Idris Axmad

((Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin.Waxaan rajaynayaa iney noqoto wax lagu cibra qaato. Laysna weydiiyo: Yaa Masuul ka ah dadkaasu iney dalkoodi ka bara kacaan, oo dariiqa geerida door bidaan?))

Waxaan soo goobti saxaaraha ahayd ee dadka lagu ururin jirey Khartuum bannaankeeda. Waa meel cidla ah, saxaaraha ah, geedaha hoostooda dadka lagu daadiyo. Waxaad goglaneysaa maradaada, boorsadaadana waad barkaneysaa, cirkuna waa kuu furanyahay, dabayluhuna hadba dhinac ayey kaaga imaanayaan. Dadka intooda bandanna ciidda ayeey seexdaan. Halkaas ayaa baabuur kale loogu keenayaa oo ay usii ruqaansanayaan xagga xuduudda, iyadoo mar walba saan filayo ay (Muharibiintu) dhawrayaan wadada iyo sida xaalkeedu yahay. Sida caadadaa waa iney dadku maxadadan ka gudbaan maalin ama labo gudohood. Laakiin annagu sagaal cisho ayaan fadhinay. Hal mar ayaa wax la cunaa. Waa bariis qaxara oo basal (koosaar) looga dhigay, biyahana waa la helaa. Maalmahaas aad ayaan ula yaabbanayn bariis qalalan oo basal lagu qusaarayo. Laakiin wuxuu noo noqday maalmihii ka dambaysey sida hoteel (5 Star) ah oo aan la heli Karin.

2 maalin wexey noqotay 9 cisho!

Waxaa naloo sheegay markaanu khartuum kasoo baxnay meeshaas in dhaqsi nalooka qaadi doono maalin ama laba gudohood. Laakiin sagaal maalmood ayaan fadhiney oo dabayshu dhinac walba naga geleysey. Waxa noogu daran wexey ahayd dabaysha iyo bacaadka. Waxaa dhici karta inaad seexato, kadibna aad soo kacdo adigoo daboolmay oo ciidu ku qarisay.

Dadka meesha isugu yimi

Dadka aanu socdaalka wadaagno waa dad kala duwan dhinac walba. Qaar waa mooryaan ahaan ama maleeshiyadii hoggaamiye kooxeedyada. Qaadka ayey cunaan, sigaarkana aad ayey u cabbaan, shaxda ayey ciyaaraan, maalintii. Salaadna ma tukadaan. Laakiin markii aad tiraahdo, walaalyaal salaadda tukada, qaar ayaa ku caynaya: Hooyadaa waxaa iyo waxaa..qaarna wexey leeyihiin daahir miihi, dharkuna daahir iima aha. Kuwa ugu fiicanna waa kuwa ku yiraahda ilaahay ha isoo hanuuniyo.

Qaarna faal ayey dhigayaan, sida mid ka mid ahaa kooxdayadaas, faal ayuu dhigay maalmo ka dib, wuxuuna yiri: gaari ayaa jabi doona dadna waxbaa gaaraya. Waa dhici karta male inuu ku dhisay waayo saxaarahaan gawaaridan oo kuwa wada fac weyn ahi iney jabayaan shaki kama taagna. Qaar ayaa meeshan isku shukaansanaya. Wiil dhalinyarada ka mida ayaa igu yiri: Gabadhan aanu isla tahriibeyno igu meheri! Waa muuqatey iney is shukaansanayeen. Waxaan ku idhi: sideen kuugu meheriyaa weligeedi iyo dadkeedi cidba kama haynee. Wexey yeeleen kadib ma garanayo, oo safarta hawsha badan ayaa nakala mashquulisay.

Kooxdayada oo dhan 76 qof waxaa dumar 9 oo keliya. Inta kale waa rag dhalinyaro u badan. Wexey u qaybsanyihiin dadkoo dhami in ka timi koonfur iyo in waqooyi ka timi. Goboladi Bari cidi kagama jirin. 27 wiil iyo gabar ayaa dhanka waqooyi ka socdey. Waxaa goobta loo  Kala degey sidii loo wada socdey, ama isku raas loo ahaa, ama isku jicsin. Koox yariba meel ayey degtey. Salaadda  40% tukata. Dumarka ilaa 5 waa tukadaan. Raggatukada meel ayaan maalintii isku jamacsan jirney, subaxa iyo habeenkana nin walba meeshiisa. Ragga oo dhan da’doodu waa 20 -30 inta u dhexeysa. Dumarkuna sidoo kale, hal haweeney ayaad moodeysey iney afartanaadka gashay. Dumarka hal mid ayaa ninkeedu la socdaa, inta kalena waa wada tahriibayaan.

AYAAMA KULUL

Waxaa ninkii nasoo tahriibiyey ee Khartuum naga soo qaadey ku heshiiney in meeshan maalin ama 2 maalin aanu joogeyno, laakiin 9 maalmood ayaanu meeshan cidladaa fadhiney oo dabaylaha xagaagu na garaacayeen. Waxaa kaaga daran kulaylka oo darajada hawadu isku shareereyso 50 darajo. Laakiin qof walbaa wuxuu leeyahay, dhib ma leh, beri ayaa laga gudbayaa, Yurub ayaad tegeysaa, waxaana waad hilmaameysaa!

Mukhaliskii ma argnaa?

Markaan la hadalno maxaa naloo qaadi waayey, mukhaliskii khartuum ayuu ku mashquulsanyahay, jabhad ayaa jirta, jidka ayaa xun, mar ayuu noo yimi, raashin kiish boorasha iyo kiish basala ayuu noo keenay. Markii dambe oo aan soo bexeynana wuu nasoo sagootiyey.

Wadadii Xuduudda Liibya ayaan ku jeedanaa:

Barqadii ayaan 2 gaari oo looriyaal ah fuulnay, asizu iyo PJ luga badan. Bacaadkaa la dhex marayaa. Suudaan ayaa baabuurta wada. 2 Dareewal, 4 Kirishbooy, iyo (Samaani) oo ah batrooniga safarta wada, waana Sudani, Qandaraaska ninka soo qaatay oo kii soomaaliga ahaa kasoo qaatay. Meesha la marayaa waa qardajeex tahriiba. Wada gaari loogu tala galay maaha. Gawaaridu waa qanax aan meelna gaarayn. Hawadu waa kulushahay. Sidaa darteed xoogaa yar markii la socdaba waa la istaagayaa. Bir ayaa xun. Lug ayaa banjartay. Biyahaa kululaaday. Soo dega dhulka fariista. Maalintaas oo dhan ayaan soconey, habeenkii oo dhan ayaan tukubeyney, marna soco marna fariiso,  Subaxdii dambe waa berkii ayaa la yiri ma dhaqaaqi karo. Ilaa 150 km ayaan soconey 24 saacadood. Guddi 3 soomaali ayaa soomaalidu leedahay oo kuwan kale la hadla.

Gaarigii waa jabay:

Markii aan meesha fariisannay, waxaan la hadalnay ninkii Suudaaniga ahaa ee (Tahriibk) wadey. Soomaalidii wexey tiri ninkii soomaaliga ahaa ee khartuum fadhiyey nala hadalsiiya, wey la hadleen, wuxuu yiri meeshiina jooga waan idiin imaanayaa. Raashinkii iyo biyihii waa yaraaday, dadkiina waa tabar yareeyey, meel  dhul bannaana oo geeda aan lahayn, geedaha yarna caleen lahayn, bacaad, ayaa la yiri ilaa berri ayaan joogeynaa.

Biyaha halla cabbiro!

Habeenkaa meeshii ayaa la baryey, ciidaa layska seexday, waxba lama karsan. Waa 2 habeen iyo labadooda maalmood aan wax la cunin, wixii yaraa ee dadka jicsinka uga haray mooyee, taasoo 9kii cisho kusoo dhamaatay. biyaha waxaa la bilaabay in naloo cabbiro, koob yar ayaa nala siinayaa, caag yar oo nus liitarka ah ayaa dhexda laga goynayaa,rubuciis 25 mgr, ayaa subixii ayaa lagu siinayaa, ama wax ku karso ama cab, hadii shah kuu daran yahay shaah ku karso, hadii kale hal mar fuuqso, manta oo dhan biya dambe il saarimeysid ilaa berry subax. War saxaarihii aan 9ka maalmood fadhiney ayaaba noo roonaa, saa biyaha ayaanba heli jirney oo ninkii shaqaalaha ahaa ayaa Dameerka mar walba kusoo dhaamin jirey. Laakiin shaaha maxaad ku karsaneysaa? Ma maqal miyaa, qalabka jidkan wax lagu karsado.! Gasacadaha fuulka ama furutka laga dhamaystay ayaad shaaha ku karsaneysaa, kuna cabbeysaa, haddaad doonto faruuryaha ka gubo, ama haku dillaacaan, ama haku guduutaan. koowaad. Galabnimadii ayaa markii dadku naf gaarey, qaarna daatay, ayaa intii oo kale loo miisay!

ODAYGII YIMI:

Subixii dambe ayaa ninkii Soomaaliga ahaa ee Khartuum naga soo tahriibiyey, welina isagu masuul naga ah ilaa aan kuwa Liibiya ku wareegno, meeshii yimi, biyana ma keenin,laakiin gaarigii ayaa birihiisa lasoo samaynayaa ayaa la yiri, halkiina jooga! Ilaa saddex maalin ayey qaadaneysaa, in Khartuum la geeyo lasoo sameeyo, gaariga hoostiisa hala seexdo, ninkii meelahaas duurka ah aadaya waa isaga. Laakiin haddaad socotaba xageed aadeysaa. Waxaa bilawday Su’aal: war ma sidan ayaa lagu jirayaa ilaa xuduuda liibiya? Sow lama oran dhulkaba waxaa lagaga gudbayaa 5 ama 7 cisho, haddana waxaan ku jirnaa 13 maalmood oo maalmaha u dambeeyey aan waxba dhuunta la marin. Alla nimanka tahriibka sameeyaa been badanaa oo arxan daranaa!

Halkii ayaa dadkii ku daatay, nafina waa haysaa, mar ayey yiraahdeen nimanka suudaantaa ee gawaarida wadaa: qorya soo gurta aan shah idiin karinee! Laakiin yaaba socon kara! Hadduu socdana yaaba qorya meesha ka helaaya. Inta aanu cabbaar soconey ayaanu qori qallalan oo shah lagu karsado weyney.

Isha durdurkaa iyo Askartii Suudaan!

Subixii afraad ayaa anagoo nafa meeshii nala kasoo dhaqaajiyey, waxaan soconey 24 saac oo xiriira, laakiin qardajeexa, oo baabuurku marna ciid gelayo, marna fariisanayo, oo kolba meel saacad iyo ka badan la fadhinayo. Subixii ku xigay ayaanu nimi meel dur dura oo il biya ahi ka socoto. Ilaahay baa mahad leh, waxba yaan la cunin haddii biya la helayo ayaanu is niri. Biyihii ayaa nala ku sii daayey, sida xoola xerada laga soo daayey ayaanu ugu qamaamney wixii socon karey. Biyihii ayaa si fiican loo cabbey.

Kadibna waxaa nala ku guray hal gaari oo weyn 76 qof. Markii aanu saa u dhaqaaqnay mise waa gaadhi cabdi bile ah (Toyota Landcruiser) nooca askartu qaadato ee dhabarka qaawan, ayaa halkaan mudh kasoo yidhi, waxaana dushiisa saran unug askartii Suudaanta ah, ee xuduudaha iyo duurka ilaalineysey. War Illey tanina waa inoo laabnayd, anagii naxdin ayaanu is eegnay, qof walba waxaa u sawirantay in dhaqsi lagu celinayo khartuum, xabsiyadii suudaantana lasoo booqanayo.

Ka data!

Gaarigii ayaa la joojiyey askartii ayaa isku kaaya hareeraysay, waxaana nala amray inaan gaariga kasoo daadanno. Meel halkaana ayaa nala tubay. Aniga ayaa laygu yiri soo bax si aan u turjubaano. La hadal adaa afkooda yaqaane! Mexey naga rabaan? Askartii wax badanba masii suginey wexey yiraahdeen: qof walba waxaanu ka rabnaa 100$ haddii kale waa idin xir xireynaa, khartuumna dib ayaan idiinku celineynaa, haddii kale na af garta! Talaa nagu caddaatay dadka qaarkood lacagba ma haystaan. Maxaan yeelnaa?

AKHRI Q.3aad: https://somalitalk.com/tag/idris/

W/Q. Muxamad Idris Axmad
hayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (2) | W/Q. Muxamad Idris Axmad "

  1. abdi says:

    inta ka bedbaadey haddii ay qiseeyaan dhalinta soomaaliyeed guubaabo iyo dhiiri gelin ayey u arkaan , waayo waxa ay ku leeyihiin dhib kasta hasoo maree laakiin hadda sow yurub majoogo, iga daa walal , kan kasii daran qisaba mafiiriyo oo ma aqristo , qisadisa waxa uu ku qaadanayaa , tijaabo ahaan tahriibta.

  2. ali aar says:

    aad ayaan uga xumahey sheekadaan uu ka sheekeeyey sheekheenu waana wax aad looga xumaado waa caloolxumo aad u fuulxun waxaana ey si toos ah uga turjumeysaa nasiibdarada ku habsatey umada soomaliyeed waxaan ilaah ka baryayaa in ilaah naga dulqaado dhibaatadaan ilaahna noogu badalo nabad iyo horumar intaa kadib walallayaal somaliyey maanta waxaan anaga waaba na qabsadeene ee ilmaheena iyo anagaba maxaan u qorsheyney ma waxaan la sugnaa inta sidaan iyo sikasiidaran ku dhacdo mase waxan ka talinaaa ayheena aniga waxan ku talin lahaa somaliyey aan ka tashano aayaheena waan ka kabsandoonaa waxaan iyo waxka badanba insh alaaah. mahadsanidiin

  3. Barni says:

    Asalaamu Calayku.

    waxaa wax laga naxo ah arinta uu kasheekeeye shiikhu waanu murugoonay waanu oyney laakiin maxaan qaban karnaa .

    anagu weli waxaan joognaa dhulkii soomaaliyeed ee dhibaatada xuni ka taagantahay, dhibaatadaa waxaa sababay dad aan waxaba garanayna oo dada iyo dal midna ka naxayn isha allaahu ilaahay baa kala xisaabtami maalinta qiyaame ee meel loo carara jirin alle mooye
    walaalahayga soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa in ay jiraa meelo badan oo soomaliya nabad qaba oo aan dagaal badani ka jirin anagu ilaa iyo1991 waanu ku jiray dalka gudihiisa . waxaanu cunaa , waanu shaqaysanaa, waanu cibaadaysana ,waanu tukanaa, weliba waxaanu helay cilmi badan oo aanan haysan aweli , waxaanu helay idaacado soo daaya . Tasfiirka quraanka kariimka ah,axaadiista oo nooc walba leh, Maxaadirooyinka, iyo waxwalb oo khayrku jiro. war iyo wax kale laga soo daayo. dadkii noo sameeyey idaacadah allehay khayr hasiiyo.

    waxaan idinkula talinayaa illaahay ayaa idiin qoray wuxuu idin siina lahaa intaa aduunka ku noooshihii ii iska jooga dhulkiina oo alle barya illaahya hayna qabto wixii shar wada insha allaha
    ammiin

  4. salmaan says:

    sxb runtii 13 bari iyo kabadanba weey dhacdaa saxaraha balse aniga waxaan ku jirey 3 bari in ka yar waana suura gal in baabuurkaagu uu kula jabo ama aadba ku dhuntaan waxaa kaloo dhacdo in laguugu daadiyo oo lagaa dhuunto nolol iyo dhimashaba weey dhacdaa balse xisaabta ku dar hadiiba aad dhaafto saxaraha libya maxaa kala kulmi badase maxaad kala kulmi hadiiba aad nasiib u yeelato ood soo dhaafto taas maxaad kala kulmi xerooyinka malta iyo itally xaqiiqdii dhibatadu weey kusugeysaa faraha lagaa qadayana malagaa weyndoonaa mise aqristoow ogoow adduunyadu ineysan laheyn jaranjaro lagu nasto

  5. salmaan says:

    sxb anagaa ku sineyno magaceena sawirkeena

  6. M Hassan says:

    Asalaamu Caleykum,

    Walaahi waa wax laga naxo oo waliba si toosa qalbiga banii’aamka u taabaneysa waxa laga kulmo waddooyinkaan qarda-jeexa ama tahriibta walow misna aan aaminsanahay waxa dalkeygii hooyo yaala in nooluhu uusan xamili karin ku sii negaashaheeda, ILAAHOW adaa gargaare ah oo gacantaadu deeq badan tahaye noo gargaar oo dhibaatadan dabada dheeraatay xal u helisteeda noo soo dadaji.

    Midda labaad walaalkay Abu Zuhri, walaal waxba soo kordhin meyso qof ku siiyey telkiisa ama cinwaankiisa ee waxa mudnaantu tahay waa in la helaa tebin dhaba oo runta ka hadasha, taasna walaalkeen Maxamed Idriis ilaah haka abaalsiiyee ayaa soo bandhigay.

    Wabillaahi Tawfiiq

  7. Talo jeedin: Somalidu qisaskan intay akhristaan ayay ku leeyihiin: Maxamed Idris ayaa samaystay walow ay jiri karaan dad yar oo rumaysanaya sheekadan. Arintan maadama ay xanuun badan kuhayso umada Somaliyeed waxaan soo jeedinlahaa inaay dadka arintaan qabsatay ay kudeeqaan sawirkooda iyo emailadooda. Uma arko wax dhib ah- sharaf daro ah inuu wiil somaliyeed uu magaciisa, deegaankiisa iyo sawirkiisa ku muujiyo.
    Wajazaakumulaahu khayra.