Home » Faallo, Gabay »

Abshir: Gabay cusub | Inj. Maxamed C. Cibaar

Maanta, meesha uu marayo xaalka dadka iyo dalka Soomaaliyeed waa mid laga wada dharagsanyahay. Waxaase in la xasuusnaado mudan in adduunyadu ay tahay hoos wareega, sida caawa ay u muuqatana aysan waligeed caloosha uga rarnaan doonin.

Quraankeenna kariimka ahi wuxuu noogu bishaareeyay in culeys kasta oo jira uu ka dambeeyo fudeyd. Waxaa kale oo naloo caddeeyay in dadku ay wax badali karaan, dariiqii la mari lahaana waa naloo tilmaamay. Cudur daawadiisa la hayo in laga ceyman karo ayay markaas u badantahay. Quusasho qiil ma laha!!

Gabaygaan bishaarada ah oo aan ku magacaabay Abshir, waxaan u hadiyeeyay agoonta Soomaaliyeed ee ku dandarreysan dunida daafaheeda, gudaha iyo dibaddaba. Si gaar ah wuxuu gabaygu ugu halqabsanayaa agoonkii Dulmane Daacad oo ay duruufihiisa ka warrameysay maansadii Agoon ee soo baxday sanadkii 2006dii.

Dulmane, walow uu u dhashay diracnimo, dadnimo iyo dulqaad bandanna uu Eebbe ku manneystay, haddana, dhibaatada sii dabadheeraatay iyo darxumada joogtada ahi waxay ku abuureen dareen lala murugoodo.

  • “Ehelkey markaan waayay
  • Arxan waaban ka quustay
  • Aroortii ma quraacdo
  • Ayaan ayaan ma qadeeyo
  • Cashana waaban illoobay
  • Adkeysigaan jiscintaayoo
  • Ilmada aan ku tiraa”

(Agoon, 2006)

In agoon la xannaanneeyaa waa halkeedee, ayaamahaan waxaaba adkaatay in ayagii la ammaangeliyo. Inta loo daranyahay ayay ugu sii daranyihiin. Cawo iyo maalin wey calaacalaan, laakiin codkoodu wuxuu ku dhacaa dhago cuban.

  • “Saan u aallo bal eeg
  • Itaalkeyga bal fiiri
  • Axe! meeyay damiirkii?
  • Aahe! waa ku sidee?
  • Aqligii ma dhammaaday?
  • Aawayey naxariistii?
  • Miyaadan aadmi ahayn?”

(Agoon, 2006i)

Dulmane, wuxuu darbijiif soo ahaadaba, maanta waa gaashaanqaad duruufuhu ay ku soo ababiyeen duruus uu wax badan ka bartay. Inkastoo uu arrad la qaawanyahay, maalmaha uu qatanyahayna ay ka badanyihiin kuwa uu qadada helo, haddana waa qani ay qalbigiisa kalsooniyi ka buuxdo. Nasiibdarrase, waxaa badan kuwo aan ku qanacsaneyn nimcada uu Qaaddir siiyay, quud sumeysanna dhaafsiisanaya dad, dal iyo diinba.  Waa kuwaas kuwa uu ka waaninayo in ay dheef ka raadiyaan dhaca dhaxal agoomeed, dhuuniguna ku xambaaro in ay dhulkooda shilimaan dhaafsadaan.

  • “Waxa aanse  ogsoonay
  • Hadduu Eebbe yiraahdo
  • Mar inaan istareexiyoo
  • Aaggoo noo nabadoobay
  • Intifaacsan dhulkeygoo
  • Amaah looma baxshaan iyo
  • Arligu waa dhaxalkeygee
  • Aakhiraan la hureyne
  • Ilaahaaga ka yaaboo
  • Rabbi baa wax arsaaqee
  • Adigoo anfac raadin
  • Hayga iibin Awoowe!”

( Agoon, 2006)

Nasiibdarro, dhagaha ayaa badi laga fureystay dhawaaqa ka soo yeeraya maatida dhibban, welina lagama waantoobin wax ku raadinta waddadii lagu halaagmay. Haddii shalay qadyaan laga taagnaa qabqableyaal dagaal oo shacabkii qaaq ka siiyay, maanta waxaa wax qasaya qiilmawaayeyaal dhaqan qowleysato leh oo qamiisyo dhagareed u soo qaatay in wax qaldaan.

Gabayga Abshir, wuxuu Dulmane iyo inta da’aaddiisa ah ku dhiirrigelinayaa dadaal, dulqaad iyo isku kalsoonaan. Wuxuu ku dhiirrigelinayaa in aysan mustaqbalkooda cidna marti uga noqon oo ay maankooda iyo muruqooda ku raadiyaan isbeddelka ay awoodaan, ummadoodana ay badbaadiyaan.

Waxaanan Alle weyne ka baryayaa inuu dhamaanteen nagu hanuuniyo waddada toosan, culeysyada jirana nooga ciidamiyo.

Gabayga Abshir oo la hadlaya agoonka Dulmane wuxuu billaabmayaa:

  • Internetka idaacadaha jira aalad dheereysa
  • Arrinkaad ku soo tabisayeed ka ashtakooneysay
  • Agoonyahow akhbaartii helniyo ereyadaadiiye
  • Ulajeeddadii iyo la faham ehbintii wiilyowe
  • Abti iyo adeer kuu naxiyo eeddo iyo aayo
  • Waxan ay awowyadii faleen ehel kuwaad moodday
  • Ashqaraar wax nagu reebay iyo waa afkalaqaade.
  • *******
  • Aqal li’ida arradkiyo dhibkiyo oonka kugu raagay
  • Oofta cudurkad uxu leedihiyo aada iyo taaha
  • Itaalgabida calooshoo ebera indhomadoobaadka
  • Adigoo ardaa laga qaxiyo irid cidlaa yaalla
  • Sida awr ardaal qooqayoo ababa’leynaaya
  • Arxanlaawe wuxuu kugu tuntoo urugo kuu geystay
  • Edebdarro wuxuu axmaq mid ahi ku aflagaaddeeyay.
  • *******
  • Imtixaannadaad soo martiyo  aahe! murugooyin
  • Inkastoon ilmada garan kariyo waxaad la ooyeyso
  • Omos kulul abaar tow daranee uumanaa bi’isa
  • Ilo buuxa hawadoo udgoon iyo dhirtoo ubax leh
  • Sidaan aragnay onkod iyo hillaac aaran baa xigiyo
  • Eebbe lagama quustiyo Allihii Qaadirka ahaaye
  • I dhageyso ibtiladu ma yara arliga taallaaye.
  • *******
  • Ma iftiimo qalbi awdanuu uskag halleeyaaye
  • Iintiyo haddaan laga daweyn cudurro aafeeya
  • Oo uu dareemuhu engegoo idil madoobaado
  • Allamagane dadku inu ambadoo meel xun ku abaado
  • Ibleysyaduna ay arooriyaan aadmi wow halise
  • Isticmaarka waa taa la rabo iyo addoonsigaye
  • Waa kaa afmiishaar mid iyo eed qabuu talinne.
  • *******
  • Amaanada dadweynoo la xado eexda lagu faano
  • Waa kaa colaad olosha iyo aake loo bogaye
  • Waa kaa asay dumar sidiyo ubadkii yaaceene
  • Waa kaa Alaska laga gudbiyo taniyo Aartiige
  • Waa kaa Islaam ceeb yahoo la inkiraayaaye
  • Adigaaban inanyow la bixin Arial iyo Joone
  • I dhageyso ibtiladu ma yara arliga taallaaye.
  • *******
  • Alle ka cabsi afkoo khayrku fari uurku la wadaago
  • Ixsaankii beryahan laga tag iyo dhaqan leh iimaane
  • Axaadiistii Nabigeenna (NNKH) iyo aayad lagu dheelye
  • Addis-ababa Imaam laga amriyo iib ragaa jiraye
  • Awliyo intaad aw xaq raba isku ekeysiiso
  • Adigaan akhii ku ajareyn duul ku aaminaye
  • I dhageyso ibtiladu ma yara arliga taallaaye.
  • *******
  • Ufo roob aaggoy biyo rogmaden dhaxan afuufmeysa
  • Okorasho hadduu waayo uu aarku qoyo maalmo
  • Urruf dawac ahbalka aan aqoon ula ekoonaaye
  • Araggaaga doorsamay inkastoo lagugu iimeeyay
  • Indhowgaradna amakaagsanyoo uuba kula yaabi
  • Edeggaa orgiga laga gartaa owr midkii noqonne
  • Abshireyso Amiir aan huboo arrimin baad tahaye.
  • *******
  • Akhlaaq suubbanaantiyo Ugaas aaminnimadaada
  • Ikhyaarnimada kuu gaar ah iyo isku kalsoonaanta
  • Asaaggaa waxaad uga hormari waa adkeysigaye
  • Ileyskii rajada guud ahaan umadda Soomaali
  • Aanada mid naga duuga iyo aarsi iyo weerar
  • Aayahana lagu diirsadoon cidi inkaareynin
  • Abshireyso waxaad noqon Aflaxe ruux ayaan badane.
  • *******
  • Ayaamaha wax baa laga bartaa waayihii adage
  • Ifafaalahaan muuqda iyo sidan awaalaayo
  • Gacalkoo dhamaan urursanoon kala irdhoobeynin
  • Abtirsiimo shacabkoon ab iyo oodi kala geynin
  • Oo ay Indheergaradku hagi eheluddiin waraca
  • Istareex amaan lagu ledaad insha-Allaah arage
  • Abshireyso isbedellaa imaan aayatiin wacane.
  • *******
  • Isbaheysigii hororradiyo kuwow adeegaayay
  • Itaalyari haddey nagu tuhmeen ajnabi dullaana
  • Oy aqalladeennow muhdeen agab wixii yaallay
  • Inaan cidi na soo aadi karin maanta la ogaaye
  • Abasiinya argagixii ku dhacay eede damaciiye
  • Saakana albaab buu daydayi unugga joogaaye
  • Abshireyso dulmi iil galyoo aasnay kibirkiiye.
  • *******
  • Ilbaxnimadu uubateyn ma aha ficilka uuleeye
  • Ixtiraam abuurmiyo isfaham waa iskaashigaye
  • Awooddeenna oo muuqatoo laga asluubeysto
  • Ameerikiyo Oshiyaana iyo Aasiyada tarantay
  • Afrikadaad abaalka u gashee saaka illowday
  • Waxaad arag Orobboo kuu martiya ood agaasimiye
  • Abshireysoo Alxamdulilla iyo Eebbow mahaddaa dheh.
  • *******
  • Abshireyso Amiir aan huboo arrimin baad tahaye
  • Abshireyso waxad noqon Aflaxe ruux ayaan badane
  • Abshireyso isbedellaa imaan aayatiin wacane
  • Abshireyso dulmi iil galyoo aasnay kibirkiiye
  • Abshireysoo Alxamdulilla iyo Eebbow mahaddaa dheh.

Sii AKHRI: Arligu waa dhaxalkeygee hayga iibin awoowe

Inj. Maxamed C. Cibaar
Email: mohamed_ebar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.