Home » Maqaallo »

Sideed ugu xamaalan kartaa Qatar? Qaybta 1aad | Ah-Hasani

Sida ay lawada socdaan dadka intooda badan, Qatar waxay noqotay yoolka dadyowga aduunka ee irsaaqad-doonka ah dhaqaalaheeda soo korayo awgeed.

Umadahaas kala duwan ee isu soo habar wacday ee udhaarsan inaay kafara qabsadaan saliida iyo gaska Qatar waxa kamid ah shacabka Soomaaliyeed (ee agoonka ah) oo doonaya inaay latartamaan umadaha aduunka ee haysta taageerada wadamadooda iyo bulshada caalamka.

Hadaba shacab sidan oo kale ah waad fahmi kartaa waxa horyeelo oo dhibaato ah.  Sidaas darteed waa lagama-maarmaan in lahelaa ama ladiro ‘sanhan’ soo ogaada meesha loo guurayo iyo roobka sida uu kuyahay, inaay qaniin leedahay, inay carro-santahay iyo inkale! Waa habkii aan baadiyaha wararka kuheli jirney inta aan reerka ceynka hoosta laga gilin!

Xaalada murugsan ee wadanka kujiro ayaan kugu simayn inaad hesho informationka runta ah ee kusaabsan ‘meesha‘ aad doonaysid inaad reerka urartid! Waa musiibo inteeda la’eg! War la’aan reer lararo dhibaato badan ayaa katimid!

Sahan la’aan waa socod -xumo

Sheeko gaaban: Nin Somaliyeed oo yurub kunool ayaa sheekeynayo- waxayna kamid tahay dhibaatada katimaado geedi aan loo sahantagin. Waxaan isku dayaya inaan soo koobo sheekadiisii dheereyd.

Caruurtii  ayaan meeshan(Norway) kuhayn waayay oo aan kala cararay. Waxan go’ansaday inaan Masar geeyo. Dad badan oo meeshaas uguuray ayaan arkay. Laakinse waa ii cuntimiwayday kadib markii aan uguuray.

Latashi badan iyo xog-waraysi kadib caynka ayaan hoosta kagaliyey oo waxan kushubay Suuriya oo laygu sheegey inay kaga fiicantahay Masar meelo badan. .. War balo hadegto Masarba laqaatay waxbadan oo waaba ka liidataa meelo badan!

Qaarkale ayaa ii amaanay Kenya oo ii sheegey inay Suuriya kudhaanto waxbarasha diinta iyo kawarqabka wadanka… waana iska dhul Somaliyeed oo qaraabo badan ayaa joogta.  Habeyn madow ayaan kadhaqaajiney anagoon cidi latashan. Kenya… balo madow ha kudegto. Meel habayn lajoogi karo ma’aha; meel caruur iyo dumar lageeyo ma’aha! Islaanta iyo caruurta ayaaba iska soo taagay oo igu yiri meelihii hore ayaaba naloo qaatay ee meeshan hanooga tagin!

Yaa Allah… xageen geeyaa… waxan waraystay meeshii kale ee aan urari lahaa inta aan Norway kusoo laaban.  Kud ka guur qanjo uguur… Somalia …qaarba igula taliyey inaan geeyo… sida Somaliland iyo Putland nabad-galyada wanaagsan awgeed. … Waryaanan hadal kugu daalin ee caruurtii hada waxay joogan Yemen” Ayuu kusoo gabo gabeeyey sheekadiisii!

Aabahan Somaliyeed ee wali intaas soo maray wali wuxu raadinaya meeshii kale ee ugu sii rari-laha Yemen; wax wal-wal ahna kama qabin safarka faraha badan iyo istiqraar la’aanta caruurta haysato!

Tankale raggii uu usheekeynayay wax layaab ah kama muuuqan wajigooda inkasta oo aan aniga aan layaabana oo aan isweydinayey waxa ka qaldan ninkan iyo reerkiisa! Waxan soo ogaaday in rag badan oo Europe jooga kudhacday tan iyo mid lamid ah!

Wuxuu ahaa nin dhalanyaro ah oo aad ugu wal-walsan mustaqbalka caruurtiisa laakinse wax badan ka qaldanayihiin oo ay ugu wayntahay sahan la’aan iyo isagoo raadinayo wadan ‘aan jirin’ oo dhib la’aan ah.

Safarka aad meeshan ku imaanaysid ma’aha qaxooti doon!

Waxa xusid mudan in safarkan (Qatar ama wadamada Carabta) uu kaduwanyahay safarada qaxooti-doonka ah ee yurub iyo America lagu tago! Dadka qaxootiga meel ayaa ladajiyaa kadibna waxaa loo diyaariya sidii uu kula qabsanlahaa noolasha. Ama halkan waxa lagaa fila inaad diyaar utahay shaqo!

Mowqifka wadama Carabta eek u aadan dadka Soomaaliyeed ma kala cado; ‘qaxootinimo nooma aqoonsano, qaran ahaana nooma qaymeeyaan‘. Ixtiraamna waxaa ugu danbeeyey maalintii aan kala dirney dowladii Somalia.

Carabtu waa dad kuqaymeeyo umadaha kale tayadooda waxtarkooda, wadankooda awoodiisa siyaasadeed iyo waxa ay kusoo kordhinkaraan hormarka wadankooda. Qofkii(wadankii) liito waa sii liidaan. Runtana waxay tahay ‘haddii aan anagu is-ixtiraamin cidi nama ixtiraamayso

“Meelkasta oo aan usafraba Somalia waa ii dhaanta”

Maxaa ka run ah hadalkan? Duruufta dagaal ee wadan kajirto oo iminka gashay marxalad aan lasaadaalinkarin- ma lagayaaba inuu hadalkan saxyahay? Waana adagtahay inaan kugu qanciyo inay Somalia kuu dhanto Qatar! Waxad ii arkaysa qof xaasid ku ah umada ee fadlan ha igu deg-degin inta aadan akhrin warbixintan!

Ugu danbayntii waxan idin soo gudbinaya liista kusaabsan meelaha aan isleeyahay shaqooyinka ugu fiican ayaa laga helikaraa. Sidoo kale waxan soo raacindoona iskuulada iyo jaamacadaha cusub ee meesha laga furay iyo wixii jaanis ah ee laga helikaro!

Xusuusin

Warbixintan waxan ugu talo galay Somalida gudaha iyo dibida kunool intaba; qolo waliba duruuf gooni ah ayay kutimaadaa halkan. Fursadaha meesha kajirana waa lagu kala haboonyahay.

Waxan doonaya in Somalida xirfadaha leh kusoo badato Qatar (Sida ay waa ahaan jireen 1970s-80s). Islamarkaana noogu soo laabato sharaftii aan kulahaan jirney wadankan markii aan dowlada lahayn!

Waxaan doonaya inay Somalida wax kabadalan sida ay meeshan kusoo galaan iyo sida ay kujoogaan; gaar ahaan qaybta ka imanaysa gudaha oo ay usoo diyaar garoobaan sidii ay meesha ugu shaqaysanlahaayeen!

Inshallah waa inoo isbuuca dambe iyo qaybtii 2aad. Wasalaamu Alaykum

Adam Abuzuhri Al-Hasani

Email: abuzuhri1@gmail.com

Qoraaladii hore ee Al-Hasani

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sideed ugu xamaalan kartaa Qatar? Qaybta 1aad | Ah-Hasani "

  1. Cabdalla says:

    Asalamu Calaykum
    Adam ama Al-Hasani qoraalkaagu wuxuu muujinayaa wanaag la jeclaan umadda Soomaliyeed, arinka sahan la’aantana waa dhib wayn oo jirta gude iyo dibad, laakin si ba’an usii haysata qolooyinka qurba jooga. Talooyinka iyo macluumaadka aad soo waddana waxbadan mindhaa way ku kordhin doonaa, walow Somalida badankeed jeclayn ama maskaxdoodu u hayn capasity waxyaalaha dhabta iyo xaqiiqda kudhisan, balse ay ka jecel yihiin waxyaalaha degdegga iyo khiyaaliga ubadan. Hadana inta waxgaranaysa koleey wax waytaraysaa, ee marka bal xaqiiqaha xoogga saar.

    Dhanka kale xoogaa afsomaliga marna luuqad suuqa ah, marna luuqadda caamka ah ee qoraalka ku wada jirta, yara kala saar oo qoraalka ha u batto luuqad dhexe oo aanan lahjad iyo af suuqeed kujirin. Taasna waxad ku xalin kartaa intaan la baahin inaa 2-3 jeer akhriso.

    Mahadsanid

    Wassalam
    Cabdalla

  2. Dugsidiid says:

    Asalaamu calaykum Al-Hasani jzk khair runtii waxaa moodaa baahi badan jirta maanta oo loo baahan yahay in daboolo inaad runtiii ka hadashay fikrad badan ayaan ka faaiideystay qoraalkaaga oo aan hore muhiiim u arkeenin.I am waiting for your next …. sidaas iyo ismaqal danbe oo xiiso leh.