Home » Warar »

Soomaaliya Waa iib: Ciidamadu Jamhadaha ha’isku dhiibeen….

Qoraalkaan waxaan ooga hadli doonaa ciidankii Soomaaliya ee noqday kan sedexaad xaga nidaamka iyo diyaargaroowga Africa, xagee ku danbeeyay,? Ma xasuusataa qaabkii lagu aasaasay? Ma’ogtahay hada qaabka lagu aasaaso? Ma’ogtahay dawlada iyo mucaaradka in ciidamadoodu isla tababartaan isku meelna wax kahelaan? yaa hortaagan dhismaha ciidamada? Ma taqaan sadexda nin ee qora ciidamada Soomaaliya iyo takhasuskooda?.

“Dhibkii ugu badnaa ee soo wajahay ragaas kasoo go,ay maxkamadaha wuxuu ahaa in laga dhaadhicin waayay dawlad ayaad noqoteen, weli waxay isku arkayeen niman dawladda Marti u ah, ayagoo madaxweyne-nimadii lasiiyay, meeshaas waxaa ku burburay ragii loo yiqiinay maxaakinta waxaa kasoo haray shakhsiyaad iyo ciidan ayaga ilaaliya oo kaliya.”

Warbixinta oo dhan ka akhri HALKAN/RIIX

Warbixintii Axmed Sadiiq Qaybtii 8aad AKHRI..

FG: Qoraaga warbixintan waxa uu muddo ku dhawaad ah sanad ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya. Qoraagga ujeedadiisu ma aha in qof si khaas ah u falan qeeyo, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo asagoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed awgeed ayuu u qoray qoraaladan xiriirka ah oo ku saabsan Somalia for sale (Soomaaliya waa iib) safaaradaha iyo badda iyo dhulka. Qoraagu waxa uu aaminsan yahay in waxa Soomaaliya ka socda ay yihiin boob qarameed oo meel walba ah, oo ay waajib tahay in la galo dagaal lagu bad-baadinayo hantida guurta ah iyo midda maguurtaba ahba. AKHRI….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Soomaaliya Waa iib: Ciidamadu Jamhadaha ha’isku dhiibeen…. "

  1. abdirisaq says:

    Wax aad u badan oo jira ayaad sadiqoow sheegtey.
    Balse hal ogow Somali waxaa ku badan
    1. Dad aan cilmi lahayn oo aan fahmi karin xaaladda ay joogaan ama waxa sameeynayaan meesha ay ku dhamaanayso .
    2. Dhaqanki miyiga oo nolol adag ah saameynta uu nagu yeeshay ayaa keentey in marka hore dhexdeenna cadaawad badan iyo shaki aan harin nagu beermo isla markjaasna aan ka fekerno horta baahida ka bax waxba kaama gelin waddan iyo dad midna eh.

    3. Dadki hore usoo maamulay oo aad mid walba kusoo biyo dhubtey caddaalad darro iyo musuqmaasuq ayaa keentey in Somalidu is indha buuxin weydo shisheeyana ay kalsoonidooda u dhiibtaan.
    Waxaan deris la nahay dalal naga galaangal badan oo addunyadu u dheganugushahay sabao diimeed,mid ilbaxnimo iyo mid muhiimad kaleba taas oo keentey ilaa 1940meeyadi luqunta aan iskula jirno kuwaas oo nooga dheereeyey caalmka iskuna deyaaya in magaceennu tartartiib meesha uga baxo ayagana lagu wareejiyo dalkaan ayaga ayaa ugu daran faafinta sumcad xumadeenna iyo soo jidashada fara gelin degdeg ah mar walba aan laga fiirsan kuwaas oo marar badan fashal ku dhamaday.
    Arr9nta dalkaan raggi saxi lahaa waa laga ilaaliyey waana aqoonyahanana somaliyeed oo tashiilaad la siiyey isuna yimaada oo dejiya qaabki loo wajihi lkahaa dhibka iyo qaabki loo dhisi lahaa dawlad dadku u simanyahay kana baarandegi lahaa mustqbal sawirka uu yeeklanayo itijaha siyaasadeed ee Somaliya isla markaasna xiriirka dalaka addunka iyo deriskaba sda uu noqon doono.Kuwaas oo ayaga loo daayo goaamadooda iyo daraasaadkooda iyaga ayaa og cidda ay u yeeranayaa inay ka kaalmayso sugidda amniga dalka iyaga aya u taalaa sida ay u dhisayana hayadaha amniga iyo ciidamada qarankaba.taas inta laga helaayo oo lagu agwareeganayo qabqale askari jaahi ah odayaal aan shaqaba ku lahayn siyaasad dawladeed oo rag faro lgu soo xushay la hor bootinaayo dalkaan kolley meesha loo wado umbu kusii socon donaa ee Somali uma yaal arrinkiisa,