Home » Faallo »

Marxuum Axmed Cumar Azhari wuxuu ka geeryooday saxaafadda Soomaalida.


Azhari “Wuxuu ahaa xiddig Soomaaliyeed oo ka dhex-muuqday saxaafadda dunida carabta”

Allaha u naxariistee suxufigii Soomaaliyeed ee caanka ahaa Axmed Cumar Azhari oo ku geeryooday dalka Kenya ayaa 12 July 2010 lagu aasay magalada Nairobi.

Axmed Cumar Azhari wuxuu ka mid noqday mas’uulintii wasaaradda warfaafinta ee dalka Soomaaliya, isagoo muddo dheer ahaa agaasimihii waaxda qoraallada iyo wargeysyada, xilkaasoo uu hayey ilaa burburkii xukumadii dhexe ee dalka Soomaaliya 1991. Axmed Cumar Azhari wuxuu xilligii dawladdii Kacaanka ka mid noqday xildhibaanadii Golaha Shacabka (Member of Parliament).

Waxa kaloo uu soo noqday Guddomiyihii ururkii suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SOJA(Somali Journalists Association), ururkaasoo intii uu jirey surto gal ka dhigay in suxufiyiinta Soomaalidu kaalin firfircoon ka galaan masraxa saxaafadda dunida iyadoo Axmed Cumar Azhari ay u suurto gashay in gudoomiye-ku-xigeen loogu doorto qaar ka mid ahaa shirarkii urur-saxaafadeedka caalamiga ah ee IFJ u qabtay suxufiyiinta dunida.

Azhari oo ka mid ahaa suxufiyiintii dhidibadda u taagay warfaafinta Soomaalida, wuxuu 1960-yadii mid ahaa madaxdii iyo qorayaashii wargeysyadii afka carabiga ku soo bixi jirey ee kala ahaa Al-dhaliica, Al waxda, Sawtul Soomaal, Al-xaqiiqa iyo Waagga cusub. Odayaasha saxaafadda oo ay Axmed soo wada shaqeeyeen mudada dheer, xusuustana aqoontana u lahaa waxaa ka mid suxufiga caanka ah Cabdulqaadir Cali Boolaay.
Allaha u naxariistee Azhari wuxuu ka mid ahaa ardaydii Soomaaliyeed ee 1950aadkii wax ku bartay jaamicadda Al-Azhar ee dalka Masar,wuxuuna ka mid ahaa xubnihii ardayda ee albaabka u furay naadiga ardayda Soomaalida ee ilaa haatan ka jira magalada Qaahira.

Axmed Cumar wuxuu ka soo jeedaa qoys eheludiin ah oo ku can ah halganka ummadda Soomaalida. Aabbahii sheiikh Cumar Azhari oo ahaa caalim diineed,waxna ka bartay jaamicadda Al-Azhar wuxuu ka mid ahaa halyeyadii gacanta ka geystay markii halgankii SYL u baahday aqoonyahanno. Allaha u naxariistee Shiikha Cumar Azhari waxa uu ka qayb qaatay taladii allaha u naxariiste Maykal Mariamo oo ka halgamay koonfur iyo woqooyi iyo Avvocato Salol ay ka tageen dalka Ethiopia kagana biireen magalada Muqdishu halgankii SYL sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ahaa halgamayaashii SYL.

Axmed Azhari wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii aaminsanaa “Pan-Somalism” ee taageerayaasha u noqday xornima doonkii uu waday halgamaagii reer Jabuuti allaha u naxariistee Maxamud Xarbi.

Axmed Cumar Azhari wuxuu ahaa taariikhyahan aaminsanaa in Faraaciintii dalka Masar asalkoodu ahaa Soomaali, kana soo jeedaan dalka Soomaaliya iyo geeska Afrika,intii uusan xanuunsan wuxuu barnaamijyo ku saabsan taariikhda Soomaalida uu ka siidayn jirey Telefishinka ETN ee saldhigiisa caalamiga ahi ku yaal magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Axmed Cumar Azhari wuxuu ahaa gabyaa afka carabiga ,af-tahanna ku ahaa.

Axmed Cumar Azhari wuxuu ahaa nin ka faallooda arrimaha siyaasadda oo qallinkiisa ugu hiiliya qaranimada iyo sharafta ummadda Soomaalida marka loo baahan yahay sida dagaalkii 1977/8 oo uu ka mid ahaa suxufiyiintii dalka ka difaaci jirey dacaayadihii lidka ku ahaa gobanimodoonka Soomaalida.

Allaha u naxariisto Axmed Cumar Azhari oo ahaa nin dadka aad u xurmeeya, waxaan ku tilmaaami karaa in uu ahaa Suxufi aqoontiisa ku gaaray in uu ku faano Soomaalinimada, muwaadinka Soomaaliyeed u ahaa saaxib uu dugsan karo.

Axmed Cumar Azhari allaha u naxariistee wuxuu ahaa waayo-arag iyo aqoonyahan ay ku hirato saxaafadda dalka Soomaalida, xurmana ku dhex leh, intii taqiinay waxaa xusuustoodu ku waari doona wax qabadkii Axmed.

Axmed Cumar Azhari wuxuu ifka kaga tegay 32 caruur ah oo isu jira wuxuu dhalay iyo wax ay sii dhaleen iyo xaaskiisii oo kala jooga dalalka USA, Kanada, Holland ,UK iyo Italy.

Qore: Mohamed Aden Hersi”Terra”

Waxaa soo tebiyey
Said Ibrahim
Email: saciid_buuna@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Marxuum Axmed Cumar Azhari wuxuu ka geeryooday saxaafadda Soomaalida. "

  1. marxuumku umada soomaaliyeedoo dhan buu ka geeriyooday , ee maaha kaliya saxaafada >

  2. ilaahay ha u naxariisto , azhari , wuxuu ahaa taariikhyahan mabaadi leh , runtii aad iyo aad baan uga xumahay inuu geeriyoodo isagoon arag soomaali karaamo leh oo uu ku taamaayay , waxaanah ka baqayaa inuu ciil u dhintay uu ka xun yahay sida xun ee xaalada soomaalida u socota ,iyo khaladka khaladka lagu saxayoh .
    kkkkkk , ilaahow kuu naxariiso waxaan ku xusuustaa anagoo koox ardaya ah oo ETN daawanaynah , barnaamijkii taariikhda oo uu soo daynayay oo uu yiri faraaciinta asalkoodu soomaali bay ahaayeen , baa doodi naga dhex furantay , rag leh war macquul maaha iyo rag leh war daliilo macquuluu ninku meesha la yimi , markaasuu hadalkii nagu xiray markuu yiri ” muran looma baahnee dood baa loo baahan yahay , ninkii dood ka qabah adiladiisa ha la yimaado” .
    ilaahoow janadii kaa waraabi….

  3. Inaalilaahi wa inaalilaahi raajucuun,

    Ilaahay waxaan kabaryayaa in uu adeerkay Cumar qabriga u waasiciyo oo u nuuriyo,Janatul firdowsul aclaa ilaahay ha geeyo,,
    intii muslim ah oodhimtayna ilaahay ha udambi dhaafo,, kulu nafsin daaciqatul mowt Ilaahay khaatimada hanoo wanaajiyo

  4. Aqoonyahan says:

    Alaha u naxariisto Ahmed Cumar azhari wuxuu ahaa nin ku dayasho mudan gaar ahaan Banda saxaafada

  5. Terra/Waan ku salaamayaa salaan ka dib.
    Waxaan aaminsanhay inuu ahaa suxufigii,Suugaanyahankii soomaaliyeed kii Ugu qaalisanaa in uu ahaa tobankii sano ee ugu dambeeyey,intaa waxaa u dheereed taariikhyahan,waana sax in faraciintu ay original yihiin soomaali.
    Waxaan leeyahay Marxuumka ilaaheey ha kawaraabiyo jannadii fardoowso aheyd intii uu ka tageyna sammir iyo iimaan Ilaaheey ha-ka siiyo.Aamiin Aamiin Aamiin.

    Mahadsanidin.waa milkiilaha shabakadda(Allkisima.com).

  6. samali jecel says:

    Allaha u naxariisto