Home » Maqaallo »

Soomaaliyey: Sida Tani Dan maahee armaan Dawga garanaa!

Soomaaliyey kaca
Kaca oo iskaashada
Nin la soo kiraystiyo
Cadow ruux kal kaaliyo
Keligii danaystuhu
Kafantiina yuu tolin

Soomaaliyey kaca
Kaca oo iskaashada
Kabaqaad shisheeyiyo
Kuman lagu shaqaystiyo
Karinliyo afmiinshaar
Kadinkiina yuu iman
Erayadii: Abdullahi Spanish

Kolkii ay dhacday Dawladdii uu Gar-wadeenka uu u ahaa –Allaha u naxariistee- Jaalle Maxammed Siyaad Barre, waddanka Soomaaliya wuxuu tiimbaday misana ku haftey Mawjado Musiibo ah.

Dadka u dhashay waddanka Soomaaliya ayaa la isku sumeeyey, la is nacsiiyey misana la kala dhex dhigey Cadaawad iyadoo loo marey Waddo Qabiil oo ay qabyaaladi ka hureyso.

Dagaal sokeeya ayaa dhacay, ummaddii Soomaaliyeed ee waddanka dagganaydna waxba intooda badan iskuma reeban oo, Ummulo dooxad baa ka dhacay.

Barakac baahsan baan dhacay, Qax iyo jahwareerbaa la galay, waxaana ka dhashay Gaajo, Cudurro keenay in Soomaalida qaar ay galaafato.

Dagaalladdii daba dheeraade, xal deg-deg ah lama helin, Musiibadiina sidii bay u holcaysaa, Qaxii bilawday 1991dii weli sidii buu u socdaa, marxalad markii la galaba mid ka sii daran baa la galaa.

Ummadda Soomaaliyeed waxay noqotay kuwo waddanka gudihiisa ku dhibaataysan iyo kuwo Qaxootiyo Waddamada dariskaa la il-daran, kuwo Badaha iyo Saxruhu dajiyeen iyo weliba kuwo waddamada Reer Galbeedka ah fahmi la’ oo, dhibaatooyin iyo mashaakillo badan halkaas kala kulmay. Si kooban, Qof walba Soomaaliyeed meesha uu adduunka ka joogo ayuu ku wareersan yahay!

Waddamo shisheeye oo weligoodba raadinayey Jaanis ay Soomaaliya kaga faa’iideysaan ayaa helay fursad dahabi ah, waxayna maalin walba Baasiin ku sii shubaan dabka Soomaaliya ka holcaya.

Intii Bur burkaas lagu jirey waxaa jirey hoggaamiye kooxeedyo xaaraan-ku-naaxayaal ah oo, midab Soomaaliyeed iyo maan cadaw Shisheeye wata oo, waddan ay hagaajiyaan iska daaye, siiba halakeeyey.

Dhawr iyo toban jeer ayaa Soomaali la yiri ha la isku keeno –dan kasta halaga lahaado shirarkaase- haddana wax dadka iyo dalkaba sii dabar gooya mooyee wax wanaag keena lama helin. Waxaa-se aad iiga yaabiyey, maxaa nin kasta oo Soomaaliya madax ka noqdaa uu cadawga ula shaqeystaa oo, uu ku oggolaadaa in Shacabkiisa la laayo!

Waxaa Tusaale idin kugu filan hadda Waqtiga la joogo, sida Xasuuqa Ba’an ay Ciidamada Shisheeye ugu hayaan shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku dhaqan, oo aysan uga hadlayn dadka sheegta Mansabadaha sare ee waddanka Soomaaliya. Miyaadan arag duullaankii Buuhoodle ay Itoobiya Soomaalida halkaas daggan ku soo duushay, oo ay laysay, miyaadan-se maqal sida ay Itoobiya ugu xasuuqday Ceel-dibir xoolo dhaqato Soomaaliyeed oo halkaas dagganayd?!

Ma aragtey arrimahaas hadda taagan cid ka hadlaysa oo mansab Soomaali sheeganaysa? Waxaa-se taas ka sii yaab badan, in uu Madaxweynaha Soomaalida uu tacsi iyo tiiraanyo u direy dadkii Ugandha qaraxa uga dhintey. Waa su’aale, Shariif ma Soomaalibuu madax u yahay mise Ugandha?!

Ma jirto dawlad iyo cido kale oo Soomaaliya ka naxaya dhibaatada daba dheeraatey ee haysta, mana jiro shakhsiyaad Soomaaliyeed, oo in Soomaaliya la daba qabto u taaggan. Soomaaliya waxay noqotey meel mar Dukaafad ah oo, Qashinka Haraaga Nukliyeerka lagu shubo, marna waa meel khayraadkeeda la boobayo, waa goob aan ilaa iyo imminka helin Madax waddaniyaal ah oo, dalka iyo dadkaba daryeela.

Marka aad arrimahaas iyo kuwo kale oo badan eegtid, waxaa kuu soo baxaya in Soomaaliya aysan jirin cid u maqan oo, danta ummadda ka fakaraysa, waxaa kaloo kuu soo baxaya in aysan jirin ceel u qodan oo ay musiibooyinka uga hirtaan.

Waxaan jeclahay in aan Soomaali oo dhan la wadaago, in aan danta yada garawsanno oo, aan cadawga yaga isku meel kaga soo wada jeesanno, dalka iyo dadka yagana wada bad-baadinno, kana tashanno aayeheenna dambe.

Waa in aan iska ilaalinaa –sida C/llaahi Spanish sheegey- dadka maanka shisheeye wata, misana nagu bahda ah, waa in aan ka digtoonoonaa danaystaha cadaw kal kaalka ah, waana in aan ka shaqeynnaa aayaha iyo mustaqbalka dadka iyo dalka yaga, annaga oo marayna waddada Eebbe inoogu asteeyey Kitaabkiisa Kariimka ah.

Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa qoraalkaan kooban Erayadii Suldaan Nayruus Xaaji Aadan oo ka mid ahayd Maasadii “Daallin iyo Dulmane”:

Darajaale Eebboow
Dadkaygaan habaawga ah
Ka diyoobey garashada
Halkay dawadu taalliyo
Daacadnimo waxay tahay
Danahooda garansii
Anna kuu dansheegtee
Ducuf aadmi baan ee
Wixii aan dayaco iyo
Dambigayga ii dhaaf

W/Q: Cali Cabdi Rude
Guddoomiyada Ururka SASDO
Wuxuu Diyaariyey: CIT, DIT, DBA, DIF & BSCs,
Karachi – Pakistan
Cabdirude@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Soomaaliyey: Sida Tani Dan maahee armaan Dawga garanaa! "

  1. somali says:

    Masha Allah Cali Cabdi Rude, walaal si fiican ayaan u soo bandhigay dhibaatada Soomaaliya ka jirta. Qoraalkaaga waxaa ka muuqada Aqoon iyo fikir wanaagsan. halkaas ka wad. allaha ajar iyo abaal kaa siiyo.